Rooxaan by Shire J Axmed. Q5 (sheeko taxane ah)

0
383

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Allaha u naxariistee Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigii qoray farta Soomaaliga.

Nadiifo waxay ahayd minyadii Shiikh Muxsin. Waa haweeneey madow oo dhuuban. Indhaheedu way madmadow yihiin. Timaheedu way adadag yihiin.waxay u dhshay Shiikh Muxsin laba caruur ah, wiil iyogabadh. Shiikh Muxsin wuu jecel yahay minyadadiisa. Nadiifo wa baarri. Hadalka Shiikheeda way maqashaa. Salaaddana way tukataa. Inkastoo uu hadalka ku gubo Shiikhu Nadiifo haddana laba tixood ka badan ma tiraahdo. <<Shiikh Muxsin i cafi!>> iyo, << Waayahay Shiikh Muxsin!>>.

Shiikh Muxsin markii uu intaas maqlo, laabtu way u degtaa. Cawralase waxay ka xanuujisaa qalbiga Shiikh Muxsin. Markuu isagu la hadlo Cawrala indhaheeda duubduubka luhu, way furfurmaan oo gudguduutaan. Cawrala waxay xasuusataa dhibaatadii ay la soo martay Shiikha markay yarayd iyo caruurta koriskeeda waxay dhib kasoo mudatay. Cawralo markay aragto Nadiifo, way maseyrtaa, hase yeeshee indhaheeda markay aragtana, way iska aamustaa. Cawrala waxay ogtahay, in Nadiifo ay tahay miskiinad aan danbi lahayn. Markaas ayay waxay ku tiraahdaa iyada: <<Heedhe, Ilaah baa faxane, iska aammus!>>.

Shiikh Muxsin wuxuu hadda ka hor guursaday shan iyo toban naagood. Dhammaantoodna wuu wada furay. Waxaa keliya oo ka danbeeya Cawrala iyo Nadiifo. Naaguhuu furay badi, waxay ka yimaadeen Jubbada Sare, Banaadir iyo degmadaas Boosaasood. Nadiifo waxay ku dhalatay degmada Banaadir. Aabbeheedna wuxuu ahaa wadaad la saaxiib ah Shiikh Muxsin. Nadiifo aabbeheed wuu dhintay Markii aabbeheed dhintayna, waxay jirtay shan iyo toban sano. Aabbeheed intuunan dhiman ka hor, ayuu ku xiray Shiikh Muxsin gabadhiisa. Isaga wuxuu kala dardaarmay, inuu u dhaqaaleeyo gabadha, iyadana wuxuu kula ballamay, inay Shiikha u noqoto baarri iyo mudeecad.

Nadiifo aad iyo aad ayay u jeclayd aabbaheed sidaas daraaddeed ayay ku fulisey ballankiisii. Nadiifo qaraabo ma leh oo aabbaheed iyada keliya ayuu ilmo ka dhalay. Intaas ka sokow adeerradeed iyo eeddooyinkeed way wada dhinteen. Cid kale oo aan ahayn Shiikha ma ay taqaan. Shiikh Muxsin markii uu ku caroodo Nadiifo, madaxa ayay laalaadisaa oo indhaha galac ka siisaa. Nadiifo weligeed indho kulul kumay eegin Shiikh Muxsin, maxaa yeelay waxay ka biqi jirtey, inay caro Ilaah ku dhacdo!. Shiikha markii dad qalaadi la jiro, aad isagu uma hadlo, markiise uu la joogo haweenkiisa keliya daartu way gariirtaa, codkiisana kor ayuu u dhiga. Wuxuu ku yiraahdaa iyaga: «Aammusa!, shayaadiin yahay! Aa…. aammusa shayaadiin yahay, shar qabooyin yahow!>».

Cawrala iyada oo ka cabsanaysa in la furo, iyo iyada oo og in dalqadaheedu ku shiran yihiin saddex goor inuu ku celceliyo tixahaan sahlan, «Naa iga bax waad iga furan tahaye!», ayay iska aammustaa oo gurigeeda hoosta ka xirataa. Nadiifana waxay xusuusataa dardaarankii aabbaheed oo iyana way iska luuddaa. Labada naagood markii ay iska shib yiraahdaan, ayaa carruurtuna iska xasilaan. Taas keliya ma ahee, guriga inta u dhow oo dhan ayaa wada xasisha, markii Shiikhu hadlayo. Shiikh Muxsin markii uu caroodo, labadiisa fool oo dhaadheer waxay ka soo bidhaamaan bishimihiisa dhaadheer.

Shiikh Muxsin saddex jeer ayuu wax cunaa. Wuxuuse aad wax u cunaa qadada. Dad badan, ayaa wuxuu allabari ugu keenaa waxaro dhaylo ah Shiikha, lacagtuna Shiikha marna kamay dhammaato.

Intaas isaga oo og, ayuu u yimid Guhaad Shiikha karaamada leh. Wuxuu u sheegay in lacag laga xaday, ugana sheekeeyey wixii dhacay iyo sidii shaqada lagaga saaray. Guhaad markaas uu Shiikha la hadlayey, madaxiisu hoos ayuu u laalaadey, isaga oo ulajeeda middaas xurmo. Guhaad markaas wuxuu gacanta Shiikha ugu laabay 100 shilin. Shiikh Muxsin markuu lacagtii qaatay, ayuu aad u farxay. Wuxuu Guhaad ku yiri; «Rooxaantii hadda ma joogto ee berri ii imow!. Guhaad markii uu maqlay arrintaas, habeynkii oo idil wuxuu ku welwelsanaa sidii uu u qaban doono tuuggii lacagta ka xaday iyo sidii uu ugu muujin doono danbi la’aantiisa Nuur oo uu shuqulkii ugu soo naqon doono.

Guhaad habeynkii oo dhan muu seexan. Wuxuu dhereravey waagu intuu ka baryo. Sariirta ayuu habeynkii oo idil ku galgalanayey. Waagii markuu baryey, aroortii, avuu Guhaad ku laabtay gurigii Shiikha. Deydka avuu fariistay. Wuxuu sugayey intuu Shiikhu hurdada ka kacayo. Toban saac markay ahayd, ayuu Shiikhii u veeray Guhaad. Wuxuu u sheegay in xalayto uu la hadlay rooxaantii ivo inay u baahan tahay alaabo yaryar. Wuxuu sheegav in alaabtaasi tahay cuud iyo jaawe iyo catar ivo barafuun.

Guhaad hadalkii Shiikha war kama celine. wuxuu ku degdegay dukaamada. Wuxuu soo gaday wixii Shiikhu ku viri soo gad. Alaabtii uu soo gaday waxavy ku fariistay 70 shilin. Guhaad alaabtii wuxuu ula orday Shiikha. Wuu u geeyev. Shiikhu alaabtti oo idil markii loo keenay, ayuu wada ursadav. Meel ayuu iska dhigay. Wuxuu Guhaad u sheegay inuu caawa u soo noqdo. Maalintaasi Guhaad waxay u ahayd maalin wanaagsan. Badda ayuu inta iska aadav ku dabaashav. Bacaadka badda ayuu fadhivey galabtii oo idil. Wuxuu eegavey hirarka badda. Xoogaa var avuu Guhaad seexday. isagoo ku riyoonava rooxaan. Maskaxdiisa ayuu wuxuu ka arkay hoosas dad u eg oo madmadow. Hoosaskaasi. waxay lahaayeen dabooyin dhaadheer iyo garar juqjuqfsan iyo saman balballaaran. Hoosasku way duulduulayeen. Waxay ku warwareegayeen aaggahiisa. Qaararka dambe, waxay uga ekaayeen daanyeer. Oogadooduna waxay lahayd timo dhaadheer. Afafkoodana waxaa ka karayay holac. Sidii qiiq ayay u agmarayeen Guhaad.

Riyada markii uu ku arkay rooxaantaas, Guhaad wuu farxay, maxaa yeelay wuxuu is lahaa rooxaantu way kaaga abaalgudi doontaa tuuggii lacagta kaa xaday. Cawadii ayuu Guhaad ku soo laabtay gurigii shiikha. Shiikhu wuxuu geeyay Guhaad guri duug ah oo cariish ah oo ku ag yaalla guriga Shiikha. Shiikh Muxsin wuxuu ku yiri Guhaad, «Wiilkay halkaan soo fariiso oo albaabka xir». Guhaad meeshii ayuu fariistay oo xiray albaabkii isaga oo naxsan. Wuxuu ka baqayey rooxaantii uu riyada ku arkay.

Cariishku wuxuu leeyahay daldaloollo. Gudaha cariishka waxaa ku daahnaa maryo duqoobey oo catir la moodo. Guriga cariishka ah, waxaa ka soo urarey barafuun iyo catarcuud. Markuu fariistay Guhaad oo in yar fadhiyey ayuu wareeray. Madaxa ayaa laga qabtay. Xoogaa yar intii aan la joogin, yuu maqlay codad yaryar oo kala jaad ah. Codadkaas waxaa ku jirey codad haween. Guhaad wuu naxay markuu codadkaas maqiay. Wuxuu u maleeyey in rooxaantii uu riyada ku arkay ay timid. Kolkaas ayuu haddana sii naxay.

La soco qaybta xigta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here