Kuwa tagtada dhow ka Damman ayaa ka Dhoohan Horumarka socda

0
398

Abrahim Lincoln, oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo maray Maraykanka kuwii ugu waxtarka iyo saamaynta badnaa, ayaa yiri isagoo jiro dhowr labaatan sano “ruux walba oo dalkaan ku nool waa in wax la baraa”. Ujeeddada uu kalaa Abraham waxbarashada maahayn oo kaliya in dalka lagu hormariyo ee waxaa u muuqday mid ka muhiimsan taas oo ahayd sida uu isagu yiri “muwaadin walba waa inuu akhrin karaa taariikhda dalkaan iyo wixii laga soo maray in halkaan la soo gaarsiiyo”.

Marki uu Jaalle Lincoln sidatan lahaa qiyaasti waxaa laga joogaa 170 sano. Waxay ahayd waqti siyaasadda iyo horumarka bulshada Maraykanku korriin ku jirtay. Dhalinyarada iyo shacabka oo u badnaa beeraleey aan waxba akhrin ayaa waday eed, dhaliil, cabasho iyo u qiil dayid in la is addoonsado. Sidaas ayay Jaalle Lincoln, oo markaas siyaasadda soo galayay, ula muuqatay in sida kaliya oo dadkaanu waxa ay haystaan iyo horumarka la samanayo ay ku fahmi karaan ay tahay in la baro sidii dalkaas lagu dagay iyo sida dowladdihii isaga danbeeyay loo dhisay iyo wixii laga soo maray. Taas oo la fahmo kaliya ayuu mudane Lincoln u arkayay inay tahay midda dadkiisa horusocod ka dhigi karta.

Sidaas si la mid ah ayaan aad isu waydiiyay waxa loo arki waayay horumarka soo socday 15’ki sano ee lasoo dhaafay. Maxaa loo waayay cid un ka mahad naqda ama ugu yaraan qirto in dalku horumar ballaaran samaynayo. Waxaan is iri tagtadi oo wax laga xuso dadka qaar ayay baraarujin kartaa. Sidaas awgeed ayaan u jeclaystay inaan bulshada la wadaago in yar oo ka mid ah dhibaatooyinki la soo maray intii aan goob joogga ka ahaa ama si rasmi ah isoo gaartay.

1: Waxaa noo martay  toban sano oo aannan aqoon magaca dowlad iyo dhammaan erayada la xariiro sida xukuumad, boolis, maxkamad, caddaalad iyo musuqmaasuq. Waqtigaan dalka waxaa talada u hayay dagaal oogayaal ma naxayaal ah. Waxa ay halleeyaan cidna looma raacan jirin, eedayn iyo dhaleecayna lama aqoon. Jidka kaliya ee furnaa wuxuu ahaa in laga aargoosto sir ma qabe ku qabiil ah dambiilaha.

Waqtigaan waxaan xasuusannaa isbaarooyinki meel walba yaallay ee dadka iyo gaadiidka lagu baadi jiray haddana sidii iyagoo sharci ah khidmaddooda meel la sii saaro. Waxaan arki jirnay kolonyo gaadiid ah oo safaf dheer ku jiro maalmaha qaarna waqti badan taagnaado isbaaro hal nin leeyahay. Waxaa ugu caansanaa isbaaradii Afgooye. Halkaas khidmadda isbaaradu kuma dhammaan jirine, tuulo walba iyo magaalo kasta oo la galo waxay lahayd xisaab u gooni.

Waqtigaan waxaan xasuusannaa iyadoo waddooyinka Xamar la wada xiro marki uu dagaal ooge dhoofaye ama soo dagaye. Waxay ahayd arrin caadi dad badanna aysan cabasho ka qabin. Sababtu maahayn in lagu raalli ahaa ee waxay ahayd inaysan cidna juuq oran karin.

Maanta waddooyinku waa xiran yihiin laakiin waxaa xiray boolis soomaaliyeed, waan ka cabannaa oo aan haaraannaa kuwii amray. Waan muddaharaadna oo eed culus iyo dhaliil u jeedinnaa madaxda. Intaas oo dhan waxay tusayaa inaan nahay muwaadiniin dal leh, madax leh, ciidan leh, boolis leh laakiin sidii ay rabeen aan helin.

2: Waxaa nasoo maray maalmo madaxda Tigreegu sideey doonaan dalka u maraan waardiye la’aan. Waxaa jirtay mar lix nin oo isku jifo ay gobalka Gedo ka kaxeeyeen kornayl Tigree iyagoo geeyay Baydhabo. Ma jirin cid kale oo la socotay. Isagu kama cabsi qabin in jidka loo galo ama kuwo wado ay dilaan. Waxay ahayd xorriyad uusan ku haysan dalkiisa hooyo. Waxay ahayd kalsooni uusan u qabin kuwa ay calanka wadaagaan. Waxaa igu maqaala ah inuu sargaalkaan ahaa midkii Baybdhabo sal dhigtay ee gabadha loo dhisay goor danbane gurigiisa bamka lagu weerari jiray.

Marki ay Baydhabo gaareen waxaa isagii iyo raggii wadayba loo soo dhaweeyay sidii madax sare. Isagii meel qaas ah ayaa loo qaaday halka raggii waday la dajiyay huteello salaam koox koox ah iyo geel qalow na lagu maamusay. Lixdi nin maanta qaar waa dhinteen allaha u raxmado, qaarna Arsenaal ayay u dheelaan halka qaar ay shicib yihiin aan filayo inay farriintaan akhrin doonaan.

Waxa keenay in kornaylkaasu naftiisa sidaas ugu aamino Soomaali waxay ahayd meesha uu kusoo hubsaday. Wuxuu ogaa in dadkii lagu abuuray cabsi ahayd Tigree qofkii taabto ma badbaado; in shicibka lagu akhriyay haddii aad la shaqayn waydaan Tigreega waxay garab u noqon kuwa aad is haysaan oo sidaas ayaana la idinku gumaadi; wuxuu ogaa inuusan jirin ruux Soomaali oo xataa il kulul ku eegi karo.

Maanta waxaan ognahay in sargaal kaligiis ah iska daaye kolonyo Xabashi aysan nabad ku mari kari dhulka Soomaaliyeed. Meelaha ay joogaan keeb la yuurur iyo cabsina ay ku joogaan. Cabsidaas dagaalka Shabaab kaliya ma keenin iyo waxaa qayb weyn ka ah in shicibku fahmay tabar darrada cadowgooda iyo dhibka ay ku hayeen.

3: Waxaan daawanayay maalinti ciidamada Itoobiya Xamar ay soo galeen ee, halki lagu muddaharaadi lahaa, lagala hortagay caleemo qoyan iyo laab furnaan. Waxaa xigay gumeysi, dil iyo dullaysi aan erayo lagu cabbiri karin.

Waxaan daawanayay, si toos ah, habaynki la baahiyay barnaamiji “War lord next door”. Barnaajikaan oo ka baxay Tv laga leeyahay Ingriiska oo la yiraahdo Chennal4 ayaa madaxdi soomaalida waqtigii AUN madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ku tilmaamay dagaal oogayaal. Inkastoo qaar xukuummada ka tirsanaa dagaal oogayal ahaayeen, haddana ma uusan kala reebin. Kuwa uu leenaahay albaabka kugu xigo ayay daggan yihiin wuxuu ula jeeday koox Ingiriiska ka tagay oo wasiirro ahaa. Wariyaha qof walba oo xukuumaddaas ka tirsanaa wuxuu u arkayay dagaal ooge waayo sharafteenna ayaa halkaas joogtay cid ka hadli kartayna ma jirin.

Waxaan daawanayay isla barnaanijkaas marki wariyihii yiri “waxaan la kulmayaa ninka ugu amar sarreeyo Soomaaliya” ka dibna uu u tagay janeraal Gebra oo Villa soomaaliya dhafiya. Waxaa la joogay AUN Cabdullahi Yuusuf madexnaynaha dalka ah.

Waxaan na soo maray iyadoo safiirka Itoobiya kala dhex daggan yahay madaxweynaha iyo raysulwasaaraha. Halkaas oo oo uu ku kala ilaalin jiray madaxda dalka, sir iyo saaqna ugu maleegi jiray.  

Waxaa na soo martay iyadoo tayada ugu sarrayso ee madaxda lagu xusho ay tahay Itoobiya ayuu xariir la leeyahay, Itoobiya ayaa wadato iyo Itoobiya ayuu nagu xiri. Waxaa nasoo martay iyadoo Adis ay madaxdeennu u tahay sida Mako muslimiinta u tahay.

Mar ayaan la kulmay nin u sharraxnaa inuu gobalka Gedo ka noqdo barasaab. Howlaha u yaal uu qabanayo si uu xilkaas u helo wuxuu kow ooga dhigay inuu Jigjigo tago oo Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Ileey) lasoo kulmo. Markaan iri maxaad ooga baahantahay la kulunka ninkaan soomaali neceybka ka sokow dhagar qabaha ah oo dadki laayay, wuxuu iigu jawaabay “walaal nin uusan isagu feermayn Gedo xil ka qaban mayo waqtigaan”. Markiiba waxaa igu soo dhacay muddo waqtigaas inyar un ka horraysay in nin kale oo aan macrifo ahayn markaasna doonayay inuu siyaasadda Soomaaliya galo uu safarkiisi ka billaabay Jigjigo. Dib u raacid ka dib waxaa la ii xaqiijiyay in qasadka safarkaasi ahaa isbarid iyo iska gadid Cabdi Cumar.

Taasi waxay ku tusaysaa in dalka qaarkii gaaray inuu ka mid noqdo dhulweynaha Soomaali Galbeed ee xabashidu gumeysato. Waxay ku tusaysaa in dadku dal iyo dibadna aqbalay gumeysiga Xabashida, baddalki la iska kicin lahaa la door biday in dhibta lala noolaado. In dhalinyarada, aqoonyahanka iyo siyaasigu midkoodna ka sarriiganayn la shaqaynta Xabashida.

Waxaa laga yaabaa in qalbigaadu is leeyahay ma haddaa Itoobiya laga xoroobay, soo si dadban nooma maamusho? Inkasta oo aan aaminsanahay in faragalinti Itoobiya ay meesha ka baxday ama aad oo weyn u yaraatay sabab keentayba, haddana haddaan ku raaco inta qabto waxay si dadban ugu taliyaan madaxda dalka u sarrayso, waxaan meesha laga saari karin farqiga u dhaxeeyo haysashada tooska ah iyo midda dadban.

Dunida si dadban waa la isu wada haystaa gumesysina looma yaqaan ee saamayn ayaa loo yaqaan. In dal madaxtooyadiisa ay gacanta ku hayaan ciidamo soo duulay waa mid dhaawac weyn u gaysata quluubta shicibka halkaas daggan ihaano iyo hoosayn ayayna galaan. Sida aan Qur’aanka ku hayno wuxuu Eebbe weyne shimbiro dhagxaan naaro ah wato usoo diray ciidan kusoo duulay Mako.

Waqtigaas Mako waxaa gacanta ku hayay mushrikiin dhagxaan caabuddo. Diinta xaqa ah ee markaas dunida ka jirtay waxay ahayd midda Masiixiga. Ciidaanka soo duulay waxay ahaayeen masiixiyiin, kuwa ay kusoo duuleenna waxay ahaayeen mushrikiin sidaas darteed  Ilaahay waxaa u dhawaa kuwo soo duulay oo ruumaysnaa Isaga diintiisa xaqa ahaydna raacay. Laakiin waxaa la halaagay kuwii diinta xaqa ah haystay waxaana loo hiilliyay kuwii Eebe inkiray.

Sababta waxay culimadu ku sheegeen in soo bixidda Nabi Muxammed SCW ay dhawayd. Eebbe wuxuu diiday inuu nabigiisa kasoo saaro dhul la haysto oo gacan soo duushay ku jiro. Ogow waqtigaas dhulka Carbeed oo dhan Masiixiyiin ayaa gacanta ku haysay si toos ah ama si dadban. Jasiiradda Carabta oo ay Mako ku jirto si dadban ayuu xukunka boqorradi Masiixinyiinta, ee aan Carabta ahayn, ooga fulayay. Saas oo tahay Eebe ma halaagin ee wuxuu halaagay kuwii isku dayay inay toos ah u qabsadaan.

Halkaasi waxaad ka garatay farqiga u dhaxeeyo qabsashada tooska ah iyo saamaynta dadban iyo faragalinta aan muuqan ee dalalku isku hayaan. Ummad la qabsaday oo gumeysi dhab ah ku jirto ayaan ahayn laakiin marna aan qiran.

5: Waxaan xasuustaa maalintaan akhrinayay warbixin ay qortay jariiradda New York Times taasoo wariyaheedu Soomaaliya uu ka yiri “Soomalia waa dal guul darraystays (failed state). Ma dhihi karo waa dal guul darraystay waayo Zimbabwe iyo Congo DR ba waa dalal guul darraystay laakiin waxay leeyihiin ciidan dowladeed iyo boolis balse Soomaaliya labadaba midna ma leh”. Marka uu sidaan wariyuhu leeyahay waa sanado 2009 bishii labaad. Maanta ugu yaraan labadaas waan leenahay haba tabar yaraadeene. Sidoo kale tegnikaal ahaan erayga “failed state” waa naga haray. Isla sanadaas Soomaaliya waxay ahayd dalka dunida ugu halista badan. Maanta waxay ku jirtaa kaalinta shanaad. Waxaa ka horreeyo dalalka Suuriya, Afqaanistaan, Koonfurta Suudaan iyo Ciraaq.

Is daji, oo in yar dhiigga qabooji oo ha igu shaabbadayn taageere koox ama talis gaar ah. Waxaa ka hadlayo maahan guulo ay keentay koox kaliya. Tani waxay ku tumid dadaal soo socday ilaa sanadi labadi kun. Waa dadaal iyo horumar maamul kasta oo ilaa waqtigaas dalka soo maray uu midba qayb ku leeyahay. Waa horumar luudayay oo tallaabo gaabnaa ilaa haddana nuutaxayo.

Maamulladaan ayaa u kala waxtar badnaa sida ay u kala danbeeyeen. Sababtu maaha in madaxdu kala fiicnayd ama sharaf iyo qaddiyad badnayd (in kastoo laga yaabo inayba jirto anigu ma xaqiijin karo) ee waa in midba kan ka danbeeyay yimid meeshi meel ka wanaagsan. Cabdullahi wuxuu yimid meel dhaanto meeshi Cabdi Qaasim, Shariif wuxuu yimid meel uu AUN Cabdullahi shaqo wacan ka qabtay, halka Xasan uu wax badan ku daray intii Shariif ka tagay, kobtii Xasan kaga tagayna maamulka hadda jiro uu aad uga dhaqaajiyay.

Qasadkaygu maaha in la seexdo madaxdana dhaliisha laga daayo. Uma dan lihi inaan aamusiyo ama u jawaabo xisbiyada mucaaradka ah. Uma ordayo ammaanta madaxda iyo in loo sacab tumo. Waxaa u taaganahay waa in aan niyadda u dhiso shicibka la quusiyay, inaan muujiyo tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaaday inta badanna aan dadka u muuqan, in aan dhaliisha ku darno mahadnaq si loo dardar galiyo horumarka. Ugu danbayn inaan aqoonsanno nimacada Eebbe si aan ugu shugri naqno isaguna baddal nooga dhigo siyaado.

Intani waa dhacdooyinki aan usoo joogay, aan la kulmay ama si toos ah igu soo gaaray ee qalbigayga raadka murugada leh ku reebay  qaar ka mid ah. Waxaan hubaa in ruux walba oo soomaali ah intaan iyo ka badan ay soo mareen. Haddii ay jiraan dhacdooyin aad illaawi wayday nala wadaag adoo kusoo aadinayo: Ishire86@gmail.com ama halki kale ee kuu sahlan.

WQ: Ibrahim Aden Shire.

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here