Rooxaan by Shire J Axmed. Q6 (sheeko taxane ah)

0
394

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigii qoray farta Soomaaliga.

Xoogaa yar intii aan la joogin, yuu maqlay codad yaryar oo kala jaad ah. Codadkaas waxaa ku jirey codad haween. Guhaad wuu naxay markuu codadkaas maqlay. Wuxuu u maleeyey in rooxaantii uu riyada ku arkay ay timid. Kolkaas ayuu haddana sii naxay. Wadnihiisu wuxuu lahaa rug-rug. Markaas ayuu albaabkii furay markii ay neeftii ku noqotay.

Cariishku khalfado ma leh, neecawduna kama soo gasho. Albaabka markuu furay Guhaad, ayuu Shiikhii qayliyey. Wuxuu yiri, «Wiilkay albaabka ha furin», «Albaabka ha furin». Guhaad markaas ayuu xiray albaabkii. Shiikhii, wuxuu ku yiri wiilkii, «Maxaad albaabka u furtay shaydaan yohow?». Intaas wuxuu raaciyey Shiikhii, in Guhaad iska tago maanta, maxaa yeelay rooxaantii way carartay markii uu furay albaabka.

Guhaad wuu iska tegey isago oo yaabban kana shakisan carada Shiikha iyo dhaqdhaqaaqiisa. Guhaad gurigii buu iskaga luuday. Wuxuu ogaadey wixii uu ku arkay riyada inayan imaan. Habeynkaas wuu iska seexday sariirtiisii. Cawadii danbe ayuu u soo noqday Shiikhii. Cariishkii ayay haddana wada galeen. Sidii oo kale ayaa codadkii kala duwanaa haddana u yeeryeereen. Guhaad markaan muunan nixin. Indhihiisa ayuu furay.

Gurigii waxaa ka yeeray qaylo waxaana ka soo baxay bulaan. Guhaad wuu_ farxay markaan, wuxuuna moodayey inay rooxaantu u sheegi doonto meesha laga helayo tuugga. Guriga intaas waxaa ka soo baxayo caraf iyo udgoon. Shan iyo toban daqiiqo kaddib, ayaa Shiikhii wuxuu ku yiri Guhaad, «Lacagtii waxaad ka helaysaa guriga aad seexatid». Guhaad wuxuu yiri, «Xaggee, Shiikh Muxsin?». Shiikh Muxsin wuxuu ku yiri Guhaad, «Waxaad ka helaysaa barkinta aad ku seexatid hoosteeda!!». Guhaad markaas rayrayn darteed, ayuu kor u boodey. Gurigii ayuu ku orday. Gurigii markuu tegey, ayuu barkintii hoosteeda ka dayey lacagtii. Guhaad wuu ka waayay lacagtii barkinta hoosteeda. Ciil ayuu marakan u go’ay. Faruuryihiisa ayuu qaniiney. Wuxuu moodey inay rooxaantii iyo Shiikh Muxsinba ayan rabin.

Cawa danbe ayuu ku noqday gurigii Shiikh Muxsin. Markaan wuxuu doonayey inuu ogaado runta keliya. Guhaad markaan danbe wuxuu ku soo qaatay wax jeebka. Gurigii cariishka ahaa ayuu soo galay.

Gurigu wuxuu ahaa mugdi, Shiikhuna wuxuu fadhiyey gasada danbe oo guriga. Guriga waxaa ka soo kara- yey foox iyo cuud. «Shiikh Muxsin ma joogaa?…. Shiikh … Shiikh Muxsin ma joogaa?». ayuu Guhaad warsay. Shiikhii inyar inta aammusay, ayuu u jawaabey Guhaad, «Wuu joogaa?». Guhaad wuxuu u sheegay Shiikha inuunan lacagtii helin, tuuggiina uunan qaban. Shiikhii wuxuu faray Guhaad, inuu fariisto halkaas oo uu sugo inta uu kala hadlayo rooxaanta. Guhaad goobtii ayuu fariistay. Waxaa yeeray codad kala jaad ah sidii hore oo kale. Guhaad markaan wuu faristay inta maskaxda iyo maankaba furay. Wuxuu ku arkay guriga meelihiisa dul- duleela wax dhaqdhaqaaya.

Guhaad markaas ayuu karbuuno uu jeebka ku watay, la soo baxay oo ku iftiimiyey meelihii wax ka dhaqdhaqaaqayeen. Wuxuu ku arkay Shiikhii oo ganbar ku fadhiya oo qaawan, Nadiifana ag fadhido. Shiikha lugihiisa waxaa ku xirxirnaa xargo ka soo laalaada meelaha dulduleela. Shiikhu xargahaas wuxuu ku xirxirey looxyo iyo daasado isku dhacaya oo qaylo samaynaya. Codad kala duwanna Shiikhu wuu ku hadlayey. Nadiifana waxay samaynaysay codad haween oo kala jaad ah. Fooxa iyo cuudkuna waxay ka caawimi jireen dhinaca maskaxda saamaynteeda!.

Guhaad markuu ogaaday sidaas, ayuu isaga oo caraysan iska baxay. Intuunan ka bixin gurigii Shiikh Muxsin, ayuu wuxuu xusuustay maahmaahdii lahayd, «Meeshii iftiin soo galo mugdi wuu ka baxaa».

Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here