Xaaladda Jubbaland. Dowladdu Guusha yaysan gacanteeda ku lumin.

0
292

Waxaa sii xumaanayo xaaladda is-doorashada sheekh Axmed Islaan ee ka socoto Kismaayo. In muddo ayaa lagu loollamayay qabashada iyo joojinta is-doorashadaas. Taageerayaasha labada dhinac ayaa dagaal qaraar uu dhex marayay. Waxaa hawada la isu marinayay hanjabaado, eedaymo ismuujin iyo isu faan. Qolo walba waxaa u muuqatay inay iyagu guusha raaci doonto.

Dadka labada dhinac midna aan ahayn ee xaaladda oddoroso iyagu waxa u muuqda, waayaragnimadooda iyo aqoonta ay dalka iyo dadka u leeyihiin ayay wax ku dhisayeen, wixii usoo baxo ayayna sheegayeen haddii ay doonto dhinac inay u badan tahay ha u muuqatee. Waxaan isku tirinayaa inaan kuwaan ka mid ahay. Halkaanna waxaan idin kula wadaagi sida ay aniga ila tahay.

Isjiidkaan intii hore ilaa mar dhow waxaa ii muuqday inay dowladdu guusha raaci doonto. Dowladdu waxay ku guulaysatay inay dhinaceeda maraan salaaddiinti Jubbaland ee rasmiga ahaa intoodi badnayd. Waxay heshay siyaasiyiin muuqda oo matalo dhammaan beelaha dago gobalkaas. Waxay sida ay u rabto ku raacay beesha caalamka iyo waddamada daneeyo arrimaha Soomaaliya marki laga reebo Kenya.

Sidoo kale waxay hanatay taageerada shacabka Soomaaliyeed intooda badan. Waxaa loo arkayay inay dalka ka badbaadinayaan Kenya oo duullaan ah iyo maamul iyada u shaqeeyo meeshana ay ku hayso.

Intaas iyo iyadoo haysato awoodda dalka mid dhaqaale iyo mid matalaadba hadduu Axmed is-doorto waxay noqon lahayd mid aan haysan aqoonsi iyo matalaad. Haddii isagoo sidaas ah isku dayo inuu Kismaayo kaligeed adkaysto oo uu xoog ku joogo ciidamada Kenyana ku ilaaliyaan kama uu duwanaadeen madaxda Shabaab ee Bu’aale haysato.

Wuxuu noqonayaa dagaal ooge hubaysan oo kaligii meel qabsaday. Taasi waxay horseedi in laga tashado maamul matalaad haysto la dhiso magaalo kalana sandhig looga dhigo ka dibna isaga oo loo aqoonsanyahay burcad dowladda dagaal kula jira dagaal loo dhan yahay lagu qaado marki la gaaro waqti ku habboon.

Laga yaabo inuu xataa dagaalka ku guulaysto oo uu muddo dheer sii haysto laakiin wuxuu la mid ahaan kooxaha burcadda ah ee magaalooyinka haysto. Waxaa meesha ka bixi raaxada iyo damaashaadka, dhoofka iyo booqashada, dhaqaalaha badan iyo ixtiraamka la socda mansabka uu hadda haysto.



Qolyaha aamminsan inay shaqayn doonto isdoorashad Axmed Islaan waxay ku doodayaan inay horay ugu martay. Dowladdi Xasan oo diiddan ayuu hadda ka hor is doortay caleemo saarkina waa la tagay ka dib wada hadal heshiis ayaa lagu dhammeeyay. Haddana sidii oo kale ayaa lala hadli markuu isdoorto ayay ku doodayaan.

Waxaan aaminsanahay tani inay ka duwan tahay sidii hore. Dowladdaan la nooc iyo la dhaqan maaha midii MW Xasan. Way ka awood badan badan tahay kana dhaqaalo badan tahay. Maamuulladu waxay helaan dhaqaale iyada ka yimaada. Sidoo kale waxaa iyada soo mara dhaqaalaha ay beesha caalamku bixiso. Beesha caalamka oo barigii hore ahayd dowlad gooni ah ayaa hadda aan gacan dhaafin dowladda dhexe. Markaa dhinac walba marki laga eego way adag tahay in ay shaqayso isdoorashada Axmed Islaan.



Hasa yeeshee wajiga hadda uu loollanku yeeshay wuxuu iila muuqdaa mid dhaawici doona guushaas. Ilaa shalay waxaa sii xoogaysanaya wararka sheegayo in Itoobiya doonayso inay xoog ku joojiso isdoorashada. Faragalinta Itoobiya ee sidaan u qaawan haddiiba ay jirta maahan mid loo riyaaqo.

Waxaa hubaal ah in iyadoo ku socoto magaca AMISOM aysan tallaabo caynkaas ah qaadi karin. Haddii iyadoo ka baxsan AMISOM ay Kismaayo weerar ku ekayso, qabsato meelaheeda muhiimka, Axmed ama madax kale xirto ama ay qasto amniga magaalada ka jiro, iyadoo matalaysa dowladda dhexe ama iskeeda isu abaabushay, waxay noqonaysaa dharbaaxo xooggan oo ku dhacday matalaaddi dowladda dhexe u lahayd dalka.

Waxay noqon mid meesha ka saarto guushi si fudud ee quruxda badan lagu gaari karay. Waxay niyad jab ku ridi Soomaalidi badnayd ee dowladda taageerada u haysay. Waxay noqon cambaar ku taal magaca Soomaaliya maadaama uu noqday dal dowlado kale saacadda ay doonaan sida ay rabaan cidda ay rabaan ugu dhibaateeyaan.

Waxay noqon bar madow oo ku dhagta madaxda dalka. Waxaa taariikhda u gali arrin lama illaawaan ah. Waxaa laga yaabaa inay kugu soo dhacayso middii Abuu Mansuur oo aad isleedahay tiiba laga gudub? Tani la mid maaha. Mukhtaar wax mansab ah ma ahayn. Labo hal mar ayaa la gaaday oo saacado kooban ayaa lagu kala baxay. Wuxuu ahaa ruux loo hayay sababo badan oo lagu gabbado.

Saas oo ay tahay way yaraayeen dadka raalliga ka ah sideey wax u dhaceen. Sidoo kale, inay halkaas gaarto waxay ahayd talo xumo waayo markii horaba iyadoon la marin ciqaabti iyo xisaabtanki uu mudnaa ayaa dalka lagu fasaxay.

Warki oo kooban, dowladdu yaysan nagu furin wabigii ay iyadu naga xirtay. Yaysan mar kale naga dhigin dal aan xor ahayn oo muwaaddiniintiisa dalal kale iska xirtaan inta guryahooda ugu yimaadaan. Guusha waa ay u dhowdahaye yaysan iska ciidayn.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

kala soco: humbaale.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here