Safarkeygii sanadkaan ee Gedo.

0
758

Sida caadada ii ah sanad walba markii lagaaro fasaxa jaamacadda oo mudo ahaan gaarayo 55 cisho, ayaan aadi jiray gobalkayga si aan usoo caawiyo reerkeena oo deegaankiisa ku yaal tuulo la yiraa Tubaala Badan ama Tuulo Barwaaqo, oo ujirto xarunta gobalka qiyaas ahantii 18km-19km.

Tuulada waa middaan ooga soo baxay dugsigeyga hoose dhexe iyo dugsiga sare intaba, magaceeda iyo isma lahan sida wax looga barto. Waxaan caawiyaa macllimiinta xillaga aan firaaqada ahay oon waalidkey shaqa u hayn sidoo kale waxaan kulamo laqaataa ardayda si aan u dhiirrigaliyo, waana waxa aan aadka u jeclahay in aan ardayda muujadaha aysan waxbo ka ogeyn wax badan ooga sheego middaas oon is leeyahay waad kaga waaya aragsantahay.

Waxaa carriga ka jirto abaar aad u daran oo xoolahu la macluuosanyihiin balse Alle wuxuu ree Buulo Barwaaqo iyo nawaaxigeeda dadka degan oogu nimceeyey banka Funnujo oo la maalo xilliga sanada lawaayo. Waxaan tagay beeraha oo iskugu jiro mid lagooyey, mid dubey ah, mid baalka iyo sabuulka keentay, mid lafalaayo iyo mid la sii qardaynayo oo biyihu kasii kacayaan.

Daalaga ka boxo Funnujo wuxxuu u badanyahay galley. Sababta aan is leeyahay waa loo door biday haruurka waxay tahay in ay leedahay qarij iyo masago labaduba ay xoolaha u baxsadaan.

Dooloow

Waxaan ka degay degmada Dooloow halkaa oo ay innagu soo dhaweeyeen aniga iyo guddoomiyaha ardayda Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed mudane Jibriil Khaliif Caabi oon isku diyaarad raacnay, guddoomiyaha dhallinta degmada Dooloow iyo qayb kamid ah golaha dhallinta deegaanka.

 Waxaan Dooloow kula qaadannay waqti aad u qurux badan gudoonka dhallinyarada iyo xubno ka tirsan guddiga dhallinta degmada. Waxaan in badan ka sheekeysannay arrimaha dhallinyarada gobalka, sida aan doorkeenna u gabnay iyo sida looga wada shaqeyn karo horumarinta deegaannada iyo isku xirka ururrada dhallinyarada.

Waxaan kaloo wax iska niri arrimo la xariiro  degmooyinka kale sida Garbohaarrey oo sanadkii hore laga yagleelay maktab ay bulshada ka fa’ideysto iyo sidoo kale degmada Luuq oo dhallinyaro isku daygeeda ay wadeen iney ka hergaliyaan maktab sida Garbohaarrey oo kale ah midaas oon kusoo xirnay in la iska kaalmeysto dhammaan waxyaabaha loo baahanyay in lagu horumariyo bulshada iyo deegaanka.

Balad Xaawo

Waxaan saacado dhowr ah ka dib usoo ambabaxnay degmada Balad Xaawo oo u jirto qiyaastii 40km Doolow, ahna magaalo xudduudeed ayadoo xudduuda la leh Kenya iyo Itoobiya.

Waxaan maalin iyo nasiino ka dib kusoo kallahay magalada halkaa oo aan kula kulmay sheekh Xassan Axmed Nuur oo kamid ah culumada gobalka sidoo kale ah nin aad u daneeya aqoonta iyo horumarinta deegaanka. Wuxuu igu qaaday gaarigiisa wuxuuna igu soo wareejiyey magaalada daafeheeda. Magaalada xuduudeedkaan Balad Xawo waxay ku tagaantahay waddadii ay ku horumari lahayd dhanka dhaqaalaha. Waxay u dhigantaa daket weyn oo si wacan u shaqaynayso.

Waxaan kulamo kala duwan laqaatay dhallinyarada iyo aqoonyahannada ku sugan degmada iyo macallimiin ka howl galo dugsiyada qaar. Waxay wax badan iiga sheegeen heerka aqoonta ay mareyso. Waxay leedaya hal dugsi sare oo dufcaddii 1aad ay sanadka 2020 la rajeynaayo iney soo qalin jabiso haddu Alle qaddaro. Sidoo kale waxaa ka howl galo jaamacado kala duwan oo midbo door ka duwan ka kale ay hayso. Waxay kala yihiin jaamacadahaas:

  1. Gedo international university
  2. Islamic university
  3. Sayid Mohamed technical Education Collage

Aan soo qaato Sayid Mohamed Technical Education Collage oo ah mac’had markiisii hore laga rabay in laga dhigo jaamacad balse xaalado ay saamixi weyday in ujeedkii laga lahaa lagaaro. Balse waxay soo saartay 7dii sanoo udanbeysay dhallinyaro iyo dad waaweyn oo ay u sameysay fursado dahabi ah kuwaas oo kala ah barashada

  1.  luuqadaha
  2. kalkaaliyaha
  3. sheybaarka
  4. korontada
  5. adeegsiga computer-ka
  6. Habka loo sameeyo sariiraha/ fuundi
  7. Habka loo isticmaalo sharqaanka/harqaanka
  8. Habka loo saaro cillaanka
  9. Farsamada baabuurta

Iyo qaar kaloo badan. Runtii waxay ahayd fursad iyo guul usoo hoyatay ree Balad Xaawo oo sidii oogu habbooneyd looga fa’iideystay. Farasamada gacanta oo ah baahida ugu badan ee dalka ka jirto ayaan aad loo baran. Gedo iyadu kuma sii jirto oo waxay ka mid tahay meelaha ceebta loo arko shaqooyinka gacanta. Mac’hadkaan ayaan isku dayay inuu baddalo aragtidaas hoosayso.

Garbohaarrey

Waxaan imaaday magaalada garbohaarrey 12 maalmood ka dib markii aan imid gobalka. Waxaan guda galay inaan raadiyo maamulka waxbarashada iyo macallimiinta degmada. Waxaan kulan iyo is maqal la kala yeeshay mamaulka dugsiyada oo qaarna fadhi yeelanay qaarna ay magalada ka maqnaayeen oon taleefan isku maqalnay kadibna ii ogalaadeen inaan tago oo ardayda aan waqti la soo qaato ayna muhiim tahay in la dhiiri galiyo ardayda ayagoo markaa igu xariiriyey macallimiinta si aan usii wato booqashadeyda. Waxaan ka billaabay inaan lakulmo macallimiinta dhigo luuqadda Ingiriiska maaddooyinka bay’olojiga iyo kimistariga si aan oo la tashado una ogaado halka ay ardaydu marayaan casharradooda iyo fahamkooda sida uu yahay. Nasiib wanaag wey ii fududeeyeen. Subixii sabtida ahayd  waxaan booqasho ku tagay dugsiyada sare ee Amiir Nuur ee degmada Garbohaarrey. waxaan la kulmay oo iga hordhacay qudbooyinkii ardayda subaxa sabtida ah ay ka soo jediyaan daabuurka midkaas oo ardaydu ay billaabaan 6:40am subaxnimo ilaa 7:40am. Halka Anwar aan ka dib dhacay barnaamijka subaxlaha ahaa.

Waxaa dugsiyadaan sare ka boxo subax waliba oo Sabti ah barnaamijyadaan hoos ku xusan oo ardaydu sameeyaan

  1. Qudbooyin kala duwan oo ku kala boxo luuqadda Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaali oo ku soo gasho sheeko taariikh ah.
  2. Su’aalo diini, maadi iyo aqoon guud ah
  3. Idaacad ay ardaydu leeyihiin subax waliba oo Sabti ah middaas oo ardo aad u tababaran ay soo jeediyaan. Subixii markaan aaday mid kamid ah dugsiyada waxaan ka gaaray markey dhammaadeen maxaaradooyinkii oo ay dhexda mareyso idaacadda subaxa midaas oo ay tabinaayeen wariye yaal arday ah ood moodo iney

U tababarteen nidaamka loo noqdo suxufi. Markaad sii dhageysato waxaad is leedahay dadaalka macallimiinta waxaa maadooyinka kamid ah barashada suxufinimo.

Ardayda ku nool Garboharrey ayaa asbuuca dhan u kuurgalo dhageysiga idaacadaha gudaha waddanka iyo dibaddiisa oo xog inta ka aruuriyo soo jeedinaayo iyaga oo ay usii yaallaan duruustii iyo imtixaanaadkii. Waxaan nasiib u yeeshay markey dhammaatay idaacaddi ustaadka shaqada asbuuca leh inuu igusoo dhaweeyo dhaabuurka halkaana aan ka jeediyey kalimado aan ku dhiirrigalinaayey ardayda iney kobciyaan aqoontooda. Sidoo kale ay ku dadaalaan wax waliba oo muhiim u ah tala iyo tusaalaba lahaaa.

Waxaan ka billaabay inaan fasallada galo anigoo uu ii wehelinaayo macallinka dhiga luuqadda Ingiriiska. Waxaan oogu hambalyeeyey heerka ay noloshooda keeneen iyo maalmaha u dhiman iney is raacsadaan ayagoo ka fogaanaya iney is raaciyaan waxyaabaha deegaanka ka jira dhan waliba ay ahaadaan saameyna ay ku yeeshaan deegaankooda. Kadib waxaan usheegay inaan u sido imtixaan yar oo maris ah (passage) lagana rabo iney fahmaan oo ay ka shaqeeyaan shaqa fasal ahaan. Ustaad waliba asaga ayaa qaatay masuuliyaddii middaasna waxay i tusisay heerka macallinka uu joogo iyo awooda uu leeyahay. Si fiican bey oogu sharraxeen una sheegeen iney ku af dhaqdaan oo macneheedu ahayd wu fududyahay.

Dugsiyada sare fasal waliba waan galay farriintaan sidayna waan gaarsiiyey laga billaabo 9aad ilaa 12aad. Si hagar la’aan ah, waxaa aad iigu sharfay macallimiintii maaddooyinkooda ii baajiyey si fariinta aan sido aan ardayda u gaarsiiyo una dhiirrigaliyo sida oogu habboon ee awooddeeda leeyahay. Waxaan  dhamantood ka qaadaayey imtixaan tijaabo oo isku jaad ah (uniform test) middaas oon ku qiimeynaayey heerka ay kala joogaan iyo sida fasalba fasalka ka koreeyo uu oga dhibco bato. Halka maaddooyinka cilmiga (science) ka ah ay ahaayeen af iska  weydiin (oral test) badankoodana ay ka wada jawaabeen.

Waxaan ardayda u qeybiyey koox koox si ay cilmiga u wadaagaan oo ay u bartaan iney wada shaqeeyaan middaas oon u arkaayey inaan laga isticmaalin dugsiyada sare sababtana ay tahay waqtiga macallinka oo yar iyo midka ardayga oo aad u yar iney naftooda fursad u helaan sababtana ay tahay markey ka baxaan fasalka iney kitaabo horey ka galaan oo masaajidda cammiraan halka qaarna taxfiidka Qur’aanka laga rabo.

Si qaas waxaa iisoo jiitay, runtii ahna wax lagu farxo, dugsiga Amiir Nuur oo soo saaro bil waliba wargeys, ayadana waa arrin loo baanyahay qof waliba oo deegaanka wax ku bartay inuu aragtidiisa kusoo bandhigo oo fursaddaas dahabiga ah uu oogu faa’iideeyo bulshadiisa, wax bulshada uu is leeyahay wey ka maqantahay ama wey ku liidataa.

Talo soo jeedin

Waxaan ku talinayaa sidoo kale ay tahay arrin aan wax iska niri aniga iyo sheikh Xassan Axmed Nuur oo Balad Xaawo igu qaabilay fadhina iigu sameeyey xafiiskiisa Hormuud talooyinka hoos ku xusan.

  1. In 2da dugsi sare la isku biiriyo oo laga dhigo 1 dugsi oo ay leedahahy degmada kaasoo soo saaro ardo tayeysan oo u diyaarsan iney anfacaan deegaanka iyo bulshada deegaanka ah
  2.  In macallimiin tayeysan oo tababar dhameystiran leh la abuuro. Waxaa magaalada joogo in ka badan 100 dhallinyaro oo soo bogay heerka 1aad ee jaamacadda hadana shaqo aanan hayn. Si looga fakaro mustaqbalka ardayga in laga gudbo macallin bariddu ay u tahay shaqo uu ku sugo shaqa kale. Dhibka oogu badan oo ardayda haysata ayaa ah macallinka maaddadiisii oo kala baran ka tagaya oo macalin aan aqoon u lahayn layiraah sii dhig adiga, middaasna ma anfacayso deegaanka.

Waxay degmada Garboharrey ay ooga duwantahay degmooyinka kale ee gobalka ayaa ah inay dib oogu soo laabtay aqoonyahannadii degmada ku dhashay kana baxay dugsiyada aan kor kusoo xusay ayagoo bulshadii kula soo laabtay wacyi galin iyo iney ka shaqeeyaan

  1. Faya dhowrka: magaalada oo runtii ah doorka oogu weyn ee ay dhallinyaradu isku xilqaameen, halkaa oo ay ku aruuriyaan dhamaan walxaha dhacay oo magaalada soo galo. Haddey tahay daawo dhacday, sharaab dhacay iyo cuntada lagu dhex gado sunta loo isticmaalo xoolaha.
  2. Is dhageysiga iyo isku xirnaanta: Waxay magaalada kaga duwantahay degmooyinka kale, waxaa is dhageysi iyo wada shaqeyn toos ah ka dhaxaysaa odoyaasha magalada, ururka hooyooyinka, ururka dhallinyarada iyo dhamaan dadka deegaanka ah. Maamulka si waliba oo uu dhaliil u leeyahay ma jirto cid la timid wax ka fiican oo lagu baddalanaayo maantadan lajoogo.
  3. Qurxinta bilicda magaalada: bilicda magaalada oo lasoo celiyey iyo aruurinta qashinkiii oo la adkeeyey in lagu dhex daadiyo ama lagu tuuro laamiga iyo laami yatowyada magaalada ayadoo dhisma waliba la hor dhigay fuusto uu iskaga rido. Arrinkaas waxaa isku xil qaamay koox dhallinyara ah oo gabdho iyo wiilalbaa iskugu jiro.

Guuud ahaan gobalka wuxuu ku socdaa hannaan horay u socod oo dhan waliba iska taraya. Haba ahaato aqoonta oo uu oogu horreeyo goballada kale ee Soomaaliya. Waxaa daliil iyo marag ma doonto kuu ah dugsiyada Gedo ku yaal kuwooda sare waxay leeyihiin maktabad uu ardayga ka fa’ideysto iyo qeyb jiif ama hooy loogu tala galay in ardayga sanadka oogu danbeyso uu ku aqristo imtixaaankiisa ooguna diyaar garoobo siduu wax fiican u keeni lahaa.

Waxaan bogaadinayaa in loo istaago xoojinta waxbarashadaa iyo tayeynta ardayda tacliintooda. Waxaan rabaa inaan ooga fa’ideysto qormadaan in dugsiyada Garbohaarrey ay u baahanyihiin agabka daabacaadda joornaallada iyo buugaagta. Wuxuu dugsiga sare ee Amiir Nuur soo saaraa xog bille ah middaas oo u baahan in loo helo qalabkii lagu soo saari lahaa baddalkii bil waliba lagalin lahaa qarash lagu daaboco iyo mid lagu soo kireeyo oo xamar looga soo qaado. Waxaaan ku sii adkeynayaa qof waliba oo aqristaa qormadaan inuu ku talagalo inuu arrintaas qeyb ka qaato.

Oogu danbeyn waxaan rabaaa inaa ku xuso qoraalkaan walaalkey Ibraahim Xaaji Aaden Shire oo lahaa sababta keetay inaan qoro waxaan soo arkay iguna dhiirrigaliyey inaan waqti yar galiyo wixii ka jiray gobalka inta aan ka arkay.

WQ: Mohamud Abdirahman Ali

Kala xariir: mohamudabdirahman44@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here