Waa maxay sababta dowladdaan dhibba dhib ugu dhiibay?

0
407

 Sidii dowladdaanu u timid dhib ayay ka bixi wayday. Wareerba mid ayuu dhiibay. Kii sii dhammaanayaba midbaa daba socda. Xaggee laga gaaray? Maxaa keenayo shiddadaan aan dhammaadka lahayn? Su’aalahaan madaxayga buuxiyay waxaan filayaa inay dad badan ila qabaan sidaa darteed ayaan is iri waa muhiim inaad akhristiyaasha la wadaagto waxa kaaga soo baxay falaqaynti ay gashay maskaxdaadu.

Dhibaatooyinkaan oo ka koobnaa go’aanno iyo ficillo ayaa wada ahaa kuwo masiiri oo guushooda iyo guul-darradooduba mustaqbalka dalka saamayn weyn ku yeelan lahaa.

Mowqifkii ay ka qaadatay khilaafkii waddamada Khaliijka, qabsashadii lacagta Imaaraatka iyo cayrintiisi daba socotay, weerarka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, dagaalki ay la gashay maamul goboleedyada dib u habaynti ciidamada ee gedoodkii ciidamada eek u lammaanaa, midda hadda taagan ee Ahlu-sunna iyo iyada u dhaxeeya waa un qaar ka mid ah caqabadihi isdaba-joogga ah ee Nabad iyo Nolol faylka ugu jiro. Dhibkaan ma iyadaa abuurto? Ma aqoon darro iyo dadnimo xumaa u gaysay? Ma laga maarmi karaa? Waxtar iyo faaiido dalka ma u yahay yaase helayo miraha dhibaatooyinka haddiiba laga gurto miro macaan? Su’aalahaan ayaan isku dayi doonaa inaan wax ka iraahdo inta karaankayga ah.

Dadku waa saddex. Taageerayaal daacad u ah Nabad iyo Nolol, mucaarad si dhab ah ooga soo horjeeda iyo dhexdhexaad falanqeeyo xaaladaha dalku marayo iyagoo isticmaalayo macluumaadka ay heli karaan, faaqida ka dibna macno macquul ah si daacad ah ooga dhalaaliyo. Kuwa danbe ayaan isku tirayaa inaan khaldanahayna way dhici kartaa.

Dhiibaatooyinkaan dowladdu wajahayso, taageerayaasheedu waxay u arkaan khiyaamooyin ay maleegeen mucaarad oo lagu doonayo in dowladda waxqabadkeeda lagu mija-xaabiyo. Waxay ku doodaan dad horumarka diidan ayaa ka danbeeyo, mucaaradka ayaa abuuray, hadalka qalloociyay, dalal shisheeye ayaa ka danbeeyo IWM.

Dhinaca kale, mucaaradku wuxuu isla markiiba lasoo boodi waa dadnimo xumo iyo talo la’aan. Waa xukun boob iyo awood jeceyl, waa dulqaad la’aan iyo madax adayg, waa doonid xukun kaligi talis ah, waa fudayd iyo hanfadenimo IWM. Kooxda saddexaad oo aan anigu ku jiro waxaan leenahay labadaasba midna maaha.

Waxaan qabaa in dowladdu dhibka iyadu abuurto si ula kac ah ee aysan ahayn khiyaano loo maleegay. Go’aannada ay qaadatay intooda badan waxay ahaayeen kuwo ay baaqsan kartay haddii ay iyadu doonto. Qaar mujaamalayn iyo maslaxo ayay kaga gudbi kartay si fudud. Laakiin waxay go’aansatay inay si cad ugu bareerto oo iyadu bilowdo. Balse uma arko sida mucaaradka fududay iyo hanfadanimo ama xukun jeceyl iyo kaligi-talisnimo. Maxaa ku kallifay markaa?

Madaxda hadda talada hayso waxay la socdeen xaaladihii uu dalku marayay tobanki sano ee ka horraysay. Waxay arkayeen go’aannadi ay qaateen madaxdi ka horraysay iyo natiijooyinki ka dhashay inay u badnaayeen kuwo ku salaysan faaiidada waqtiga dhow ee danta dowladda markaas xukunka haysay laakiin cawaaqib aan laga soo kaban karin dalka ku yeelanayeen. Tusaalahaan si dhug leh u dheeg.

Dowladdi madaxweyne Shariif waxay aad isugu daalisay qancinta maamulka Puntland (PL) oo markaas ahaa maamul goboleedka kaliya ee dalka ka jiray. Laf dhuun gashay ayay PL ku noqotay. Cabasho, dacwo iyo sheegasho iyo faragin awoodda dowladda dhexe ayay ka dhmmaan waayeen madaxdi markaas haysay talada PL. Madexweyne Shariif inuu dabeec muujiyo ayuu ku dadaalay.

Wuxuu qaaday tallaabo walba oo PL ku qanci karto ilaa uu aqbalay in guddigii loo saaray dhexdhexaadinta Dowladda federalka ah iyo Soomalilaan (SL) lagu daro dad matalayo maamula PL. Arrintaas waqtigaas Shariif culayski waa ka yaraysay laakiin waxay dhashay dhibka ilaa maanta ka imaanayo PL oo ah in lagu qancin waayo inay la siman tahay maamuullada kale ee dalka, inaysan xaq u lahayn xubin matasho iyada oo ka qayb qaato wada hadalka SL.

Sidoo kale, dabacii uu Shariif tusay PL wuxuu tusaale u noqday maamulladi cusbaa ee la dhisay. Dhammaan waxay dooneen madaxda dowladda dhexe inay kursiga kula fadhiyaan. PL ayaa markiiba isku duwatay maamuulladi cusbaa si ay hormuudka u hayso, awood ay dowladda dhexe ku xukuntana u hesho. Waxay wadaanba waxay madexweyne Xasan ku qasbaan inuu sameeyo guddi ay maamul goboleeyadu u badan yihiin oo ka taliyo dalka.

Safiir iyo wasiir booqasho ku yimid Villa Soomaaliya haddaan guddigaas lala socodsiin waxay noqotay xukun maroorsi iyo madax tag in lagu tilmaami. Dowladdi ayaa shaqadaydi qabsan wayday dhinaca kale madaxdi maamullada ayaa waqtigii ay ugu adeegi lahaayeen dadki doortay waxay galiyeen ilaalinta dhaqdhaqaaqa madaxda dowladda dhexe. Madexweyne Xasan isagoo arkaya khaladka siduu u weynyahay ayuu maslaxo u arkay samaynta guddigaas si xal loo helo balse dhib ma ogiye dheef ma keenin.

Tusaale labaad waa qaabki ciidamadu aayeen. Waxaa qornaa kumannaan ciidan ah oo been ah. Taliyayaashooda ayaan ku qaadan jiray lacagta badan ee ciidanka magac ahaan un waraaqaha ugu qoran loo siiyo mushaar. Madaxdu waa arkayaan waase ka cabsanayeen inay tallaabo qaadaan. Sanadi 2014ki ayaan meel qado ah ku kulannay xildhibaan ka mid ah raggii madaxweyne Xasan aadka ugu dhawaa. Waxaan kusuoo qaaday arrinta ciidamada oo aan islahaa amuu madaxweyne Xasan farriinta gaarsiiyaa.

Wuxuu igu yiri Xamar kaliya waxaa u qoran soddon kun oo isugu jiro boolis, militiri iyo nabada sugid. Laakiin inta dhabta ah kama badno shan kun waana ognahay. Waxaan ku iri maxaa diiday in arrintaan la saxo. Wuxuu igu jawaabay aad ayaan ooga fakernay. Dad aad u badan oo awood leh ayaa ku lug leh. Haddii la farogaliyo wareer aan kasoo kaban weyno ayaa nagu furmi.

Sida halkaas nooga muuqato madaxdu waa u caddayd in isbaddal loo baahan yahay laakiin khatarta la socoto isbaddalka in loo bareero ayaan sahlanayn. Haddii maamul walba oo yimaado ka cabsado wajihidda khatarta ka imaanayso isbaddalka daruuriga ah sidee looga bixi dhibta?

Madaxda hadda jirta iyagoo arkaya khatartaas ayay u bareereen isbaddal dhab ah oo ciidamada tiradooda lagu saxo. Waxaan xasuusanna hadalki Xasan Cali Kheyre ee ahaa “waxaa la igu yiri ka joog arrinta ciidamada wax kama qaban kartide. Waxaan iri haddii xataa aan shaqadayda ku waayayo joojin mahayo ilaa la helo tiro rasmi ah”.

Taalloobooyinka iyo go’aannada adag ay dowladdu qaadday qaar waxay ahaayeen kuwo sax ah oo qof walba oo Soomaali oo dalkiisa jecel raalli ka ahaa. Tusaale, midkii ay ka qaadatay Imiaaraat. Haddaysan Imaaraat waddanka ka saarteen waxaa hubaal ah in maanta ay jiri lahayd jamhad la mid ah kuwa la dagaalamo Liibiya iyo yamen. Saas oo ay tahay dad badan ayaa u arkayay waalli iyo qar iska tuurnimo. Waayo cidna ma filanayn inay Imaaraat ka adkaan doonto.

Ficilladu qaar waxay ahaayeen kuwo khaldan ayna qirteen inay khalad ahayd balse natiijada laga helay ay anfici doonto badbaadada dalka sida ay aniga ila tahay. Tusaale, weerarki Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur wuxuu ahaa khalad. Mu’waadin in la iska weeraro danbi la’aan cidna ma soo dhawayn iyaguna inay macluumaad aan jirin oo loo gudbiyay ka ficiltameen bay u muuqatay.

Marki dhibki dhacay wixii la tuhmayayna laga waayay cudurdaar ayay dowladdu ka bixisay. Wasiir Ducaale Isloow waa isagii ku yiri odaayashii matalayay Jaallee Cabdiraxmaan Cabdishakuur “naga raalli ahaada wiilashiinni oo khalad galay ayaan nahaye”.

Hasa yeeshee khaladkaas waxaa laga dhaxlay faaiido weyn. Wuxuu cashar u noqday raggii dowladaha shisheeye la shaqayn jiray ee sida nabadda ah Xamar danaha shisheeye ooga fulin jiray. Dhibkaas ka dib raggii aadka oo loo tuhmi jiray ee uu aabbaha u ahaa Cumar Cabdirashiid lug danbe Xamar masoo dhigin. Sidoo kale, shirarka ay abuubulaan dalalka shisheeye ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya waxaa qasab noqotay in dibadda lagu qabto. Ma lihi Cabdiraxmaan ayaa dal shisheeye u shaqayn jiray waayo cid ku caddaysay ma jirto. Ee waxaan u jeedaa natiijadi weerarkaas wixii laga dhaxlay.

Cabsidaas waxaa keenay baan isleeyahay in la arkay inaysan dowladdu cidna ooga haybaysanayn wixii ay u aragto maslaxada dalka jidka loo marayo khaladba ha noqdee. Ma filayo n dadkii bixiyay amarki lagu weeraray Cabdiraxmaan uu ujeedkeedu ahaa farriin u dira ama quusiya kuwa shaqooyinka khatarta ku ah jiritaanka dalka hoos ka wado. Balse waxay ku socdeen macluumaad sirdoonku keenay oo gadaal laga ogaaday inuusan sugnayn.

Shiddooyinka iyagoo ka maarmi karo ay gacantooda ku doonteen waxaa ka mid ah midda hadda ka taagan Dhuusamarreeb. Ahlu-sunna (AHS) iyo dowladdu waa isku fiicnaayeen. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay AHS rabto waxaa weeye in ciidankeeda sidooda loogu daayo, dowladdu mushaar siiso korna kala socoto. Laakiin halkooda loo daayo, madaxda AHS ay ka amar qaataan ciidan kalana aan lagu darin.

Dabcan dowladdu intaan inay yeesho kuma cusla hadday danteeda kaliya eegayso, Dhuusomarreeb dhib iyo dheef midna dowaldda hadda kalam maqna. Inay maamul Galmudug dhisto, dhowr xubnood AHS laga siiyo ciidankoodana loo daayo way yeeli kartay. Laakiin taasi waxay khatar ku tahay horumarinta ciidamada iyo amniga dalka.

Jamhad gooni u taagan oo aan ka amar qaadan taliyaha xoogga dalka in sideeda loo sharciyeeyo waa mid aan barri loo tag helayn. Intii cid iyaga danbayso ay ku hallayn lahaayeen waxay u bareereen inay iyagu foodda galiyaan guul iyo guul-darro key ku dhammaataba.

Yaa ka faaiididayo go’aannada qaraar ee Nabad&Nolol? Waligeed isbaddal dadka keeno miraheeda ma gurtaan. Dhammaan kacdoonnadi adduunka soo maray dadkii hoggaaminayay iyagoo waxba ka helin ayay dhinteen ama taladi lagala wareegay. Sida dhabta ah isbaddallada socda waxay anfici doonaan dowladda tan ka danbayso. Tani dagaal unbay ku jiri oo kooxaha la saxayo si fudud isku dhiibi mahayaan. Waqtiga ay guusha rasmiga gaaraan iyo waxaa isku aadi marki doorashada la galo.

Dadku waxay ka daaleen wareerki dowdalladaan ku jirtay iyo walwalka joogtada ee maalin walba horyaal. Yaa naga baddalo iyagoo leha ayaa doorasgho la gali. Sidaas ayaa maamulki isbaddalki ugu muhiimsanaa keenay looga codeen.

Maamulka xilka la wareegay dal la islaaxiyay intiisi badnayd ayuu hanan. Wuxuu u imaan ciidamo si rasmi loo diiwaan galiyay oo tiro go’ah. Wuxuu heli maamul goboleedyo ka quustay inay madaxweynaha dalka kursiga kula fadhiistaan oo diyaar u ah xubinta ay xaqa u leeyihiin inay ku ekaadaan. Waxaa la macaamili dowlado shisheeye oo quusiyay markaasna diyaar u ah inay si gobonnimo ah wax ula qaybsadaan maamulka jiro.

Warki oo kooban dowladdu waxay gashaa dagaal joogta. Dagaalku maaha mid ay ku qasbantahay ee mid ay iyadu doonatay. Sababtu waa in ay u aragto inay sidaasi mustaqbalka dalka dan ugu jirto. Dagaalku in badan jid sax ah ayuu hayaa qaarna meelo khaldan ayay u maraan. Natiijadu waa mid u hari doonto dalka iyo dadkiisa iyo dowladaha middaan ka danbeeyo.

Shicibka welwalka qabo waxaa ugu wacan lexejeclo ka haysa dowladdooda iyo dalkooda. Waxay ka cabsi qabaan in dowladdaan curdanka ah dhaqso xiddidada loo siibo. Mucaaradku dhinicisa wax dhiba isma laha. Dhaleecayntoodu waxaa u badan inay helaan fursad ay ku duufsadaan dadka maankiisa si ay ugu guulaystaan hoggaanka dalka.

Walwalka ugu badan ee I hayo maaha in dowladdu mucaarad leedahay ee waa inuusan jirin mucaaradki loo baahnaa ee dowladdaan la xisaabtami lahaa. Sababta aan u iri ka sugo qormada xigta hadduu Eebbe idmo.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here