Maxaysan u shaqaynayn shirarka dib-u-heshiisiineed ee Soomaalida loo qabto.

0
346

Soddonki sano ee lasoo dhaafay, Soomaalida waxaa loo qabtay in dhow darsin shirar caalaami ah oo debadda ka dhacay. Tiro taas la eg ama ka badan oo la ujeeddo ah kuwaas kale aya iyana gudaha dalka lagu qabtay. Marar koox yar shir loo qabto iyo marar ururro waaweyn iyo beelo badan la isu keeno ayay ahaayeen. Waxaa ku baxay balaayiin doolar iyo waqti aan caddad lahayn. Laakiin intuba jug jug meeshaadi joog ayay ku dhammaadeen.

Saas oo ay tahay wali wali waxaa la sii qorshaynayaa in kuwo kale la sii qabto. Siyaasiyiinta, ururrada bulshada, hay’adaha aan dowliga ahayn, dalalka Soomaaliya daneeyo iyo waliba dowladda Soomaaliya ayaa ka siman doonidda in shir dib u heshiisiin la qabto. Hadda mid ayay dowladdu ku howlantahay inay Dhuusomarreeb ku qabato natiijadiisu dad badan waa u caddahay. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa sababta ujeedki laga lahaa looga gaari la’yaahy shiararkaan.

Marka u horrayso erayga “dib-u-sheesiin” wuxuu tilmaamayaa soo celinta heshiis hore oo jiray ama dib u helidda nabad awal la haysan jiray oo hadda Meesha ka baxday.Eraygaan waxaa laga soo turjumay afka Ingiriisiga “reconciliation”. Dabcan luuqadda uu asalka ku hayay dhaqankeeda ayuu ku salaysan yahay. Waxa la goobayo waa arrin aan horay Soomaaliya uga jirin. Soomaalidu waligeed waxay ahayd qabaa’illo dagaal ka dhaxeeyo. Lama hayo waqti ay nabad iyo daris wanaag u wada noolayd. Dhab ahaanti, Soomaalidu qarnigaan 21aad ayay nabad ooga dhowdahay kii ka horreeyay, midki 20aad ayana ka nabadsanayd midkuu 19aad.

Qarnigii 19aad iyo horraanti midki 20aad meel walba oo ay Soomaali daggan tahay dagaal ayaa holcayay. Dagaalkaan wuxuu ahaa mid u dhexeeyay jifooyin iyo jilibyo hoose. Jilib jilib ayaa dhulka loo yaallay oo xoolaha loo daaqsan jiray. Jilib walba isagaa iskiis isu laynayay. Tusaale, beesha ree Diini Marreexaan waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo magacyo iyo mahadhooyin reebay. Waqtigaas dadka islaynayay waxay kala tirsanayeen labo iyo saddex oday. Waxa la mid ahaa beesha Cali Gari ee Dhulbahante. Waxaa dhinaceeda iska guraysay beesha ree Ugaas Maxamed Subeer (Ogaadeen). Soomaalida kala la mid un bay ahayd. Wa qariib inad maqasho dagaal wayadaas dhacay oo u dhaxeeyay beelaha waaweyn ee Soomaaliyed sida Hawiye iyo Daarood ama Isaaq iyo Hawiye IWM.

Cadaawadda waqtiyadaas u dhaxeesa Soomaalidu waxay ahayd mid xataa dadka qariibku ahi ogaan kareen. Jaajuuski sahanka gumeysi doonka ah ku maray dhulka Soomaalida ee la oran jiray Richard Burton waxaa uu buuggiisa can baxay ku qoray ee “Fisrt Footsteps of East Africa” ku qoray in Soomaalidu ku hubaystan warmo iyo toorreeyo goor walba iyo meel walba. Wuxuu yiri waa dad feejigan oo had iyo goor heegan is ilaalin ah ku jira, cid aan Soomaali kale ahayna iska ilaalin maayaan. Marka doonidda dib u helid gacaltooyo aan horay u jirin waa un tacab qasaaray iyo xoog doofaar lagu eryay.

Labo, sida magacu nooga soo galay luuqad shisheeyo ayuu habka loo maro shirarkaanna debadda nalooga keenay. Shirar waxaa qabto ama maalgaliyo shisheeyo. Shisheeyahaan ayaa had iyo goor soo xigto guulo lagu gaaray shirar noocaan ah oo dalal kale ka dhacay. Waxay isku dayaan in isla jidkii loo maro xal u helidda Soomaalida iyagoon milicsan kala duwanaanshaha dhaqanka iyo nolosha qowmiyadaha loo kala caaryaynayo wadiiqooyinka xal doonka. Qabanqaabiyaasha shirarku intooda badan niyad sami ayay ka tahay laakiin waxaa hayso aqoon darro ku saabsan dhaqanka soomaalida iyo murugsanaanta dhibka gayigaan ka jiro.

Waxay had iyo gooraale isku dayaan inay dabbaqaan wax dal kale ka hagaagay. Tusaale, Ruwaanda iyo Siiraaliyoon, oo Soomaalida la wadaago midabka iyo qaaradda kaliya, ayaa laga soo minguurin jidkii ay u mareen nabadda ay heleen dagaal ka dib.

Saddex, dadka shirarka la isugu keeno waa kuwo aan cidna matalin. Odayaal iyo siyaasiyiin la rumaysanyahay inay reerahooda matalaan ayaa la isku keenaa. Sariiro qurux badan, hool cammiran iyo kuraas la xardhay baa loo dhigaa. Waa sheekaystaan, wada hadlaan, sheegtaan inay is cafiyeen ka dibna gacmaha is galiyaa. Xaqiiduse waxa ay tahay inaysan cidna matalin ee magaca ay wataan un yahay maamuus. Ma laha awood ay ku meel mariyaan heshiisyada ay galaan. Ma laha ciidan iyo cudud fulin karta go’aannadooda.

Soomaalidu dhaqan ahaan, iyo dabci ahaanba waa dad aan kala sarrayn oo madaxbannaanidu la wayntahay. Madaxbannaanidoodu waxay u egtahay mid urur siyaasadeed oo aan lahayn hoggaan dhexe, nidaam kala sarrayn oo fowdo ku dhisan. Saajin u dhashay Yugaandha oo la socday ciidamadii gumeystahi Ingriiska ayaa la yaabay Soomaalida. Waxaa uu yiri isagoo la hadlaya sargaalkii taliyihiisa ahaa “taliye iyagu [Soomaalidu] ma fiicna mid walba isagaa suldaan isu ah”.

Hal ruux, oo ka mid ah beelihi heshiiska galay, ficil oo uu sameeyay ayaa burin karo wixii lagu dhintay oo dhan. Waayo odaygiisu kama reebi karo falidda dhibkaas, markii uu gaystana ma soo xiri karo si kalana uma ciqaabi karo. Dhinaca kale iyaguna aargoosi ayay isu diyaarin odayaasheeduna ma qaboojin karaan, awood ciidan oo ay ku celiyaanna ma leh. Tani waxay caddayn u tahay inuusan jirin sabab loogu daalo shir loo qabto odayaal iyo siyaasi isku sheeg waayo ma dhammayn karaan dhibka reeraha soo daashaday, wakiilnimadooduna macno ma leh.

Dhib kale oo ka mid ah arrimaha fashilo shirar dib-u-heshiisiinta ayaa ah in siyaasiyiinta jooga shirka aysan daacad ka ahayn waxa ay sheegayaan iyo waxa ay meesha u tageen. Marka uu tagayo wuxuu wataa ujeeddo uu rabo inuu gaaro walow uusan sheegayn. Marki ay u caddaato inuusan heli doonin waxa uu rabo ayuu go’aan hoose ku qaadan inuu qaadaco wixii shirka kasoo baxo. Laakiin sidaas u sheegi maayo ee wuxuu sugan inta shirku ka dhammaado. Isagoo hadda lahaa shirku waa guulaystay waa lagu heshiiyay ayuu marki uu dib laabto billaabi meesha fashil iyo khiyaano ayaa taallay. Xasuuso kuwii ka horyimid dowladdi CabdiQaasim iyo kuwii diiday middii AUN Cabdullaahi Yuusuf.

Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo soo tii shirkii Kenya lagu dhisay dowladda hadda jirta, oo Carta lagu qaatay nooca dowladnimo ee la isticaamo. Haa waa jirtaa in dowladda hadda jirta halkaas kasoo askummeen. Laakiin waxaa meesha ku jira in shir walba waxa kasoo baxayo ay go’aamiso cidda qabatay.

Dad tiro badan ayaa la shiriyaa. Maalmo dood iyo buuq ah ka dib guddi ayaa laga dhex qabtaa. Guddigaas waxaa loo qaybiyaa ajande ay ka doodaan oo cidda shirka qabatay ay u dhiibtay. Kama weecan karaan qodabbada la yiri ka dooda waana iyaga un qayb ka mid ah inay qaataan. Guddigaas ayaa wax ka xusho wixii loo yeeriyay. Waxay soo xusheen ayay odayaasha u keenaan oo yiraahdaan qodobbadaan ayaa la isku raacaye saxiixa. Odayaashu wax ma akhriyaan. Waxaa loo dhiibay waxa ay yihiin ma oga ee waa loo akhriyaa.

Iyagoo ku hurdooday dhagaysiga qodobbada boqollaalka bog ah ee lagu dul akhriyay ayaa la yiraahdaa wax su’aal ah ma qabtaan. Allow yaa naga dhammeeyo ayay ka joogtaaye waxay dhihi mayee keena aan saxiixnee. Sidaas waxaa kasoo baxo shirka natiijo sii qornayd inta aan shirka la qaban. Intaas aan kuu sheegay ayaa ka socota shirka Dhuusamarreeb. Dowladda oo qabanqaabada leh waxa ay ka shirka ka rabto waa ogtahay in la garab marana ma sahlana.

Warki oo kooban, shirarki la qaban jiray oo dhan natiijadi la rabay ma soo saarin. Sababtu waxaa  weeye in jid khalad ah loo maray. Soomaaliya way ka duwantahay dunida kale, dhaqan ahaan iyo dabci ahaanba. Sidaas oo kale ayaa dhibka ka jira ooga duwan yahay kuwa dunida kale ka socda. Sidaas darteed xalkeedu waa inuu noqdaa mid iyada lagu sargooyay ee aan laga soo minguurin dal kale. Xalka soomaalida kuma jiro shirar hadba meel lagu qabto ee dib ha loo eego.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Humbaale.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here