Sheekh Nuur-Xuseen iyo qoyskii uu ka dhashay waa tusaale na baraya doorkii Soomaalidu ku lahayd ku faafidda Diinta Islaamka Dalka Itoobiya.

0
3682

Soomaalidu waxay ku lahayd dacwada facaad guun ah. Magaalooyin badan oo Soomaaliya ah ayaa muddo dheer ahaa manbaca aqoonta iyo dowda ay usoo arooraan dadka aqoon raadiska ah Carab iyo Cajamiba. Ha yeeshee waxaan aad loo darsin doorka ay Soomaalidu ka qaadatay faafidda Islaamku gaaray daafaha Itoobiya. Dadku waxay u arkaan in diintu naga soo gaartay xagga Itoobiya, halka xaqiiqdu tahay in Soomaalidu waqti galisay sidii dadkii cawaanka ahaa ee Itoobiya ku noolaa dacwada loo gaarsiin lahaa. Qoyskaan taarikkhdiisa waa un hal tusaale oo noo iftiiminaya sida Soomaalidu isugu howshay gaarsiinta dacwada buuralayda Itoobiya.

Imaam Sayid, Al-Caarif, Sheekh Nuur-Xussen Ibrahim Cabullahi Al-Shaafici wuxuu ku dhashay Annajina oo ku taal Itoobiya 800 oo sano ka hor. Wuxuu dhashay qiyaasti 620 Hijriyada  (1220’ki). Sheekh Nuur awowgii Cabdullahi wuxuu kasoo kicitimay jasiiradda Carbeed si uu dago Marko Soomaaliya hillaadi 460H (1160’ki). Marko ayuu diinta ka bari jiray markii danbana wuxuu u kicitimay Baali oo ku taal Itoobiya halkaas oo baahi ba’an loo qabay barashada iyo faafinta Islaamka.

Facaadyahannada qaar ayaa qabo in Sheekh cabdullaahi naftiisu ahaa Soomaali asal ahaan Carab se uu dool ku tagay. Macnaha jasiiradda Carbeed ha ku dhashee asal ahaan qoyskiisu Soomaaliya ayuu ka yimid sidaas ayuuna Soomaaliya u soo aaday. Marka waqtigaas waxay ahayd xarun cilmi iyo markas laga faafiyo dacwada. Sidaas darteed inuu aado buuralayda Itoobiya si uu dadka cawaanka ah ee halkaas daggan dacwada u gaarsiiyo ayaa u muuqatay waxayna ahayd waafajin Eebbe. Al-idriisi (1100-1165AD) iyo Ibnu Sacdi oo ka danbeeyay (1214-1274AD) waxay sheegeen in Marko ay ka mid ahayd magaalooyin Soomaaliyeed oo beesha Hawiye ka talin jirtay ayna iyadu caasimad u ahayd.

Sida uu qabo Ulrich Braukamber Soomaalida waligeed waxaa laga siin jiray Annajina tixgalin gaar ah taasoo keentay in Sheekh Cabdullaahi oo ahaa sheikh Nuur-Xuseen awowgi in aad loo soo dhaweeyo. Tani waxay caddayn muuqato u tahay xiriirka u dhaxeeyay Soomaalida iyo qowmiyadaha ku nool dhulka sare ee Itoobiya inuu horay u billowday.

Marki uu reerku dagay Baali, sheikh Ibraahin oo ah Sheekh Cabdullahi wiilkiisa iyo adooga Sheekh Nuur-Xuseen wuxuu diinta bari jiray dadka reer Annajina. Sheekh Ibraahin wuxuu guursaday gabar la oran Makida oo macnaheedu yahay  Shamis. Makida waxay ahayd gabar uu dhalay sheikh caalim ahaa oo la oran jiray Cumar kaasoo markii danbe noqday saaxiib dhow iyo ardaygii uu ugu jeclaa Sheekh Ibraahin. Sheekh Cumar wuxuu ahaa qabiilka Girri (ma kala hubo in Garre laga wado iyo Gari loola jeedo) oo Soomaali ahaa lana qaybayo inuu kasoo jeeday Soomaali Galbeed. Arrintaan waxay mar kale caddaynaysaa in Soomaalidu waa hore joogtay dhulka sare ee Itoobiya.

Makida/Shamis waxay dhashay saddex wiil oo la kala oran jiray: Maxammed, Saleebaan, iyo Nuur-Huseyn. Sheekh Nuur-Xuseen wuxuu noqday ilayskii dacwadii abbihii iyo awowgii dhulkaasi ka billaabeen. [Wuxuu dacwada gaarsiiyay dhul cusub iyo meelo aan horay loo gaarin].

Sheekh Nuur wuxuu aqoon raadis u tagay ilaa Shaam, Dimishiq dib ayuuna ugu soo laabtay deegaankiisi. Sheekh Nuur wuxuu ahaa af-qabeen doodyahan ah. Waxaa la diiwaan galiyay dood adag oo dhex martay isaga iyo fuqoho Xanafiya ahayd. Doodda ayaa ku saabsanayd xugunka NABIIDKA (nabiid waa nooc khamri ah laakiin aan aad loogu sarqaamin haddii la iska badiyo se sarqaan keeno) Xanafiyada ayaa nabiidka u arka mid cabbiddiisu bannaan tahay. Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Nuur waxaa lagu yaqiinnay inuu qaadka ammaano, ilaa maantana atbaacdiisu waa ay cunaan ama u arkaan mid bannaan. Al-Maqrizi, oo ahaa ka mid ahaa facaadyahannadii maray Barika Afrika wuxuu qaadka ku tilmaamay imuu “sare u qaado shaqada caqliga, keeno farxad halka uu omateedka xiro, galmada dhaawaco hurdo la’aanna keeno”. Culimadu waxay ugu yeeri jireen “caleenti Eebbe”.

FG: Cunidda qaadka iyo u arkidda mid faaiido u leh Eebbe caabudka waxay ahayd mid aad ugu baahsanayd muslimiinta Geeska Africa quruumihii dhexe. Imaamki mujaajidka ahaa ee Soomaalida gunnimada ka saaray Eebbe ha janneeyee Axmed Gurey waxaa marar badan lasoo guuriyay isagoo qaad iyo bun hadiyada ahaan loogu keenay.

Sidaas lidkeeda, Itoobiyaanka  Masiixiyiinta ahaa waxay u arkayeen qaadka mid xaaraan ah oo diintoodu aysan ogolayn. Ugu yaraan, inta la ogyahay, mid ka mid ah boqorradii Xabashida ayaa xukunka looga tuuray inuu qaad cunay awgeed.

Waayadii uu noolaa sheikh Nuur-xuseen xariir wanaagsan ayaa u dhaxeeyay muslimiinta iyo masiixiyiinta Itoobiya. Barigaas waxaa talada Itoobiya hayay qoyskii ree Zegwa. Waqtigaan waxaa Baali ka istaagtay saldanad Islaami ah sida uu sheegay Shihaabu-Diin Axmed Ibn fadli oo noolaa 1364-1442.

Sheekh Nuur wuxuu ku dhintay halkii u dhashay ee Annajina waxaana wilaayadi ka dhaxlay wiilkiisa Cabdullahi. Facaadyahan ayaa sheegay in qubbadda Sheekh Nuur yahay midda loogu siyaarasho badan yahay koonfurta Itoobiya iyo wixii ka gaddisan (dhisidda qubuuraha iyo weynaynta culimada ku jirta waxay ahayd mid aad u xoogaysatay waqtiyadaas waqti dheerna socotay ilaa maantana aan laga dhammaan. Inkastoo ay diinta khilaafsan tahay waxay noqotay dhaqan muslimiinta ku dhex baahay oo caadi la isaga arkay).

Afar qarni ka dib dhammaadki 1790aadki,  marki Oromadi soo duushay qabsatay Baali, Suldaanki Harar Amiir Cabdalla Akl-Shakuur (1783-1794’ti) wuxuu Annajina ka dhigay xarunta dacwada iyo dadaalladii lagu doonayay in lagu islaamiyo caawaankii soo duulay. Amiir Cabdalla wuxuu u magacaabay gudashada howshaas sheikh Soomaali ahaa oo la oran jiray Aw Maxammed. Tani hal tusaale oo na tusayo sida Soomaalidu diinta ugu faafisay Geeska Afrika.

Qormadaan waxaa afka Ingriiska ku qoray Maxammed Cabdullahi Cartan oo ah qoraa sare iyo baare ku xeel dheer barashada Soomaalida. Anigu waxaan usoo rogay afkeenna. Meelo kooban ayaan sharraxaad ku daray aan is iri si kale laguma fahmi karo.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Humbaale.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.