Aadanuhu waa mid baahi badan. Marki uu mid gaaraba tuu kalaa ku furanto. Baayihaan aadanuhu qabo Abraham Maslow wuxuu ugu horraysiiyay middaa aasaasiga ah sida helidda hooy, hu iyo hunguri wuxuuna ugu sarraysiiyay gaaridda mansab iyo maqaam sare. Sheekh Cabdisalaan Cilmi Warsame ayaa ku celcelin jiray “haddaad aragto qof xukun doonayo wuxuu cuni lahaa ayuu meel ku hubsaday”. Isla aragtida Maslow iyo Sheekh Cabdisalaan waxaa sugaan ku cabbiray AUN Carays Ciise Kaarshe markii uu yiri:
War hooy adigoo arradan, ilmuhu kaa ooyayaan
Ijaar jeeraad heshaa ammaan lama raadiyee
Naftaa orad aamintaye iskiinnii wax u qabsada
Raadinta mansab iyo maqaam sare waa mid soo jireen ah oo ilaa duudki Nabi Aadan soo taxnayd. Gabyaagii caanka ahaa ee Carbeed Imru Qays waa isagii quruun ka hor lahaa gabay macnihiisu ahaa haddii aan u oradaye gaaridda nolol hoosaysa way igu filnaan lahayd. Ma doonayo maal ee waxaan doonayaa gaaridda sharaf xididaysatay.
Siyaasaddu waa jidka loo maro gaaridda baahida u danbayso ee Ina Aadan qabo. Waa jidka lagu gaaro hanashada xukunka iyo hoggaaminta dad malaayiin ah, meel marinta arrigtada ruux leeyahay ka tagidda raad waara oo rasmi ah xumaan iyo samaan kuu doono ha noqdee. Waa shay dhib badan oo qofkii galo uusan ka bixin ilaa uu ku dhinto. Ku mammanaanta kursiga waxaa keeno waa muraayadda uu is fiiriyo ruuxa dhadhamiyay macaanka mansabkaas.
Raysulwasaarihii hore Ingiriiska Tony Blair ayaa sawir toolmoon ka bixiyay sababta madaxdu kursiga ugu dhagaan ama isagoo ka dagay mar kale usii raadsho. Yaabka siyaasadda waxaa ka mid ah waxaad soo gali adigoon aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn markaas ayaa lagugu dooran cod badan. Markaad hesho aqoonti, khibraddi iyo waayo-aragnimadi aad u baahnayd ayaa cod badan lagaaga saari. Ayuu yri kol.
Halkaan mudane Tony wuxuu tilmaamayaa in madaxdu isu aragto in xilka laga qaaday markay ugu mudnaayeen. Sidaas darteed ayaan u aragnaa madaxweyne shalay xilka looga guulaystay oo maanta goobayo waayo markuu fahmay wixii ka khaldanaa, bartay farsoomyin cusub helay xirfad dheeraad oo wax lagu hoggaamiyo ayuu booski waayay. Arrintaan nagu gaar maaha. Dalalka Talyaaniga, Ruushka, Malaysiya, Israaiil iyo kuwo kaleba waxaa xukunka dib u hantay madax horay loogala wareegay.
Ha yeeshee taariikhdu waxay na baraysaa in siyaasiga hanka sara lihi u nasto siyaasadda. Wuxuu ka waji qarsadaa dadka, muddo ayuu maqnaadaa, wuxuu dib u milicsadaa wixii ka hallaabay, wuxuu soo dhisaa istaraatiyad cusub, wuxuu sugaa inta dadka ka ilaawayaan ugu danbayna wuxuu dib isu soo nooleeyaa isagoo ah mid hadda soo galay oo kale.
Masku markuu gaboobo wuxuu iska siibaa xuubki haaraha yeeshay markaas ayaa maqaar quruxsan oo dhallin yar usoo baxaa. Siyaasiga wax fahansan sidaas ayuu u xuubsiibtaa. Kuwa intaas garan waayo, waxay ku haftaan siyaasadda markaas ayay gabi-dhaclayn iyo simbiriraxasho ku dilaan karaamadoodi iyo sumcaddii ay dadka ku hanan lahaayeen, ka dibna sida Raila Odinga iyo Faysal ayay 30 sano hogaamiye xisbi mucaarad ah ahaadaan!
Halkaan waxaan ku eegaynaa nolosha labo nin oo mar sare u kacay ka dibna kufay. Markii ay arkeen inay isu qaban la’dahay ka fadhiistay siyaasadda ka dibna iyagoo soo xuub dhacsaday kusoo laabtay sidaasna uga mid noqday madaxdii dunida ugu saamaynta iyo sumcadda badnayd.
Theodore Roosevelt waa madaxweynihi 26aad ee Maraykanka. Wuxuu xilka hayay intii u dhaxaysay 1901-1909’ki. Theodore wuxuu ka mid yahay dhowrka madaxweyne ee taariikhda Maraykanka baalka dahabka ka galay. Waxaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Maraykan. Wuxuu dalkiisa ka bixiyay waqti adag wuxuuna muujiyay hoggaan wanaag cid la garab dhigo yartahay. Halkaasi kuma gaarin jid toobiye ah balse wuxuu u maray xanan iyo ood cadaad. Mudane Roosevelt wuxuu ka dhashay qoys ladan oo magac leh. Isagoo magacaas ka kaalmaysanaya ayuu horay siyaasadda u galay wuxuuna xubin ka noqday golaha deegaan New York.

Qaddar alle ayaa keentay in isagoo xil haya isku habayn hooyadii iyo xaaskiisi oo markaas curatay isku meel xanuun ugu dhintaan. Xanuun badan, khaakhaayir iyo waswaas ayaa ku dhacay. Taasi siyaasad kama saarin ee howshiisi ayuu sii watay. Wuxuu ahaa nin firfircoon, han sare leh doonayana inuu gaaro fiinta. Wuxuu ku biiray koox mayal adag oo doonaysay isbaddal aasaasi oo lagu sameeyo xisbigii ay ka tirsanaayeen ee Jamhuuriga. Si xagjirnimo ayuu u arrintaas u galay wuuna u dhar dhigtay oo waxba ma reeban. Si ay u helaan waxa ay doonayeen waxay taageereen nin la oran jiray George Admunds oo ku fikir ahaa. Balse waxaa ka raacay jab siyaasadeed oo karaamo tiray. Ninki ay wadeen guuldarraysay, kursigiisi lumiyay, taageerayaashi ayaa ka bayray wuxuuna kusoo dhacay bannaan cidla ah.
Doorashadii markii laga baxay waxaa u muuqatay meesha uu taagan yahay. Wuxuu ogaaday in haddii uu u diyaargaroobo doorashada danbe uusan gaari doonin yoolkiisa. Go’aan lama filaan ah ayuu qaatay oo cid rumaysa la waayay. Wuxuu go’aansaday inuu noqdo lo’leey ree miyi ah. “Waxaan lo’ ku dhaqan doonaa Dhokata intaa xagaaga ka dhimman iyo qabowga raacayo” ayuu ku yiri wariye su’aal ku dhibay.
Wuxuu iibsaday beer weyn iyo lo’ aad u tiri badan. Afartan kun oo doolar oo joogto 150 sano ka hor ayuu galiyay aasaaska noloshiisa cusub. Saddex meelood meel dhaxalki uu aabbihii ka helay ayay ahayd lacagtaasu. Lo’ jirnimadiisu maahayn mid dalxiis waxay ahayd mid dhab ah oo uu noolaa sida lo’ jirta dhabta ahi u noolayd.
Dhowrki sano ee raacay mudane Roosevelt wuxuu ahaa lo’ jir. Wuxuu iska ilaaway noloshii magaalada, siyaasadda iyo wixii la xiriiray oo dhan. Wuxuu ku foogganaa waqtigaan barasho, wax qorid, helidda khibrad, dhisidda maankiisa iyo mooralkiisa iyo dhaqashada lo’diisa. Waa danbe oo uu duqoobay mar la waydiiyay waqtigii dahabiga ahaa noloshiisa goorta ay ahayd wuxuu yiri “waa barigii aan lo’ jirka ahaa” wuxuu tilmaamay inay uga xasuus badan tahay xataa markii uu madaxweynaha ahaa.
Labo sano ayuu halkaas ku maqnaa oo aan shanqar laga maqal. Halkaas ayuu dib ugu howl galay soo noolaynti hammigiisi siyaasadeed iyo goobidda dhabbihi uu ku gaari lahaa maqaamka dalka ugu sarreeyo. Surinki oo maalintaas cagta la helay ayaa 14 gu ka dib gaarsiiyay Aqalka Cad.
Sooyaalka Theodore wuxuu na barayaa in siyaasaddu rabto samir, dulqaad, u kaadsi, ogaansho maalinta aad wax helayso iyo ka nasasho marki xiddigaadu dansan yahay.
Abraham Lincoln waa tusaalaheenna labaad. Waa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. wuxuu qabtay xilkaas 1861 wuxuuna hayay ilaa laga khaarajiyay 1865’ti. Wuxuu ka mid yahay madaxdii dunida ooga tagay xasuusaha lama illaawaanka ah. Wuxuu talinayay waqtigii uu socady dagaalkii sokeeye ee Maraykanka.

Abraham wuxuu dhinac walba ooga duwanaa Theodore. Hadduu ree magaal ahaa Theodore, Abraham wuxuu ahaa reer miyi, haddii uu hodan ahaa Abraham wuxuu sabool, haddii ay labadiisi waalid koriyeen Abraham wuxuu rajay, haddii aabbihii waxbaray Abraham aabbihii wuxuu ahaa oday reer baadiya ah oo xataa u diiday inuu isagu wax is baro, haddii sumcadda reerkooda u kaalmaysay galidda siyaasadda Abraham sumcaddiisa kaliya ayaa meel marisay.
Ha yeeshee waxay iska shabbaheen, inay labaduba yaraan kusoo galeen siyaasadda, dag dag u dallaceen hal marna si lama filaan ah dhulka u galeen iyo inay usoo nasteen sidaasna ku gaareen Aqalka Cad.
Abraham waxaa dhalay oday ree baadiye ah oo beeralay ahaa. Hammiggiisu wuxuu ahaa in wiilkiisu beerta ka nasiyo. Wuxuu aad ugu dadaalay inu baro xirfad walba oo beertaas ku anfici lahayd. Wuxuuse kala diriray inuu waxbarto. Abraham waxaa la jeclaysiiyay waxbarashada. Laakiin meel iskool leh kuma noolayn, dadka ku xeeran aqoon ma lahayn, dowlad iyo deegaan u kaalmeeyana ma jirin. Xaalkaasi ma niyad jabin Abraham. Si walba oo uu wax isku bari karo ayuu doonay wuuna maareeyay.
Wuxuu u lugayn jiray meel u jirta 9km si uu dad daggan buug uga soo caaryaysto. Macnaha 18km sii socod iyo soo socod ayuu jari jiray inuu helo hal buug. Aabbihii wuxuu kala dhuumman jiray buugta uu meelaha kasoo baryo waayo wuu ka tuuri jiray haddii uu ku arko isagoo wax akhrinaya sababtoo ah wuxuu u arkayay in uu shaqada beerta ooga dhuumanayo.
Marki uu labaatan gaaray ayuu baladka iska galay. 23 gu markuu jiray wuxuu noqday siyaasi la jecelyahay isla sanadkaas waxaa loo doortay xubin ka mid ah golaha deegaanka. 30 asagoon gaarin ayuu ka mid noqday xubnaha aqalka baarlamaanka. Geedki orad lagu fuulo orad ayaa looga soo dagtaa baa ku dhacday. Abraham wuxuu doonayay wax qabad dhab ah. Wuxuu rabay inuu biyo xireenno, buundoonyin iyo doomo isku xiro dhulkii miyiga ahaa oo ku yamid ka dhiso. Arrintaasu waxay u baahnayd maalgalin xooggan. Wuu isku dhabar jabiyay kana nasan waayay.
Ajendayaashi iyadoon la awoodin lagu dhaqaaqay ayaa dalki dhaqaalihiisi dumiyay. Waxaa qasab ku noqotay inuu dhexda ku joojiyo jidadkii iyo buundooyinkii u billaabay. Dhisme iska daaye wax la cuno ayaa laga waayay gobalkiisi. Fashil iyo kabtaydi maaragtay ayaa ka raacday. Wuxuu dusha iska saaray eeddi wixii dhacay. Isagoo markaas 32 jir ayay u caddaatay in suncaddiisi dhulka gashay haddii uusan idaba qabanna uusan gaari doonin halka uu higsanayo. Wuxuu ku dhawaaqay inuu siyaasadda ka baxayo marki uu dhammaado teeramka markaas socday.
Sidii ayuu yeelay. Sanado badan ayaa laga waayay meel fagaare ah. Wax is barid, is daweyn, is dhisid iyo is diyaarin ayuu galay. Ka dib wuxuu meherad ka dhigtay garyaqaannimo ah oo uu ku shaqayn jiray. Haataan waa qareen caan ah, cod kar doodo badan ka galay arrimihii addoonsiga. Dadku waxay ku barteen hadalladiisa xigmadaysan iyo doodihiisa ciddii usoo baxdaba uu debadda dhigi jiray. Balse siyaasi looma yaqaan. Waaba la iska illaaway inuu markaan xubin baarlamaan ah. Markuu hubsaday inuu mar kale sumsacaddiis soo dhisay ayuu siyaasaddi dub ugu laabtay ilaa uu tagay meeshi ugu sarraysay waa madaxweynenimo e.
Haddii ad tiraahdo kuwaaso waxay siyaasadda galeen iyagoo aad u da’ yar oo waqti ku filan ayay haysteen, bal qabso Mahatiir Maxamed. Wuxuu caan ku yahay meeshi uu kasoo qaaday dalkiisa Malaysia. Faqrigi ayuu dhimay wuxuuna gaarsiiyay meel aan marnaba laga filayn dalkiisa. Shan goor oo xigta ayuu jagada ku guulaystay. Isagoo wali xilka rabo ayuu gartay in sii joogiddisu sumcaddiisa dili doonto. Xilki ayuu wareejiyay 2003’di wuxuuna sheegay inuu siyaasadda ka fadhiistay. Wuxuu dib usoo noolaaday 2016’ki oo xisbi cusub furtay 2018 kina wuxuu ku guulaystay doorashadi dalkaas isagoo jiro 92 gu. Hadda waa raysulwasaaraha dalkaas.

Tusaalooyinkaan waxay noo qeexayaan in siyaasigu u baahan yahay inuu garto goorta sumcaddiisu khatar ku jirto, marka magaciisu shaqayn karo, waqtiga uu wax heli karo iyo saacadda mudan in daaha gadaal laga maro. Warki oo kooban siyaasadda lagama baxo, lamana dhex taagnaadee waa loo nastaa haddii uu damac kaa hayo kursiga dalka ugu sarreeyo.
Ibrahim Aden Shire
Humbaale.com