Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q1

0
346

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal arrin kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobon qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

kowdi Sebtember gugi 1899’ki Shiikh Maxammed Cabdille Xasan ayaa kacdoon gobonnimo doon ah ka billaabay dhulkii uu Ingiriisku gumeysanayay ee la oran jiray British Somaliland (SL). Kacdoonkaas ugu danbayn waxaa la soo afjaray 1920’ki. Saamaynti uu kacdoonkaasi ku lahaa SL waa mid aad loo yaqaan. Waxaa, sidoo kale, si guud la isugu raacsan yahay in dhaqdhaqaaqaasu saamayn ku lahaa Koonfurta Wabiga Jubba ee markaasi Ingiriisku ugu yeeri jiray East African Protectorate. Inkastoo saamayntaasu ay ahayd mid yar oo aan toos ahayn haddana waxay ahayd arrin taabatay nolosha beelihi halkaas dagganaa iyo siduu maamulki Ingiriisku ula dhaqmayay.

Soomaalida Jubbaland waxay ahaayeen ree guuraa kasoo jeeda labo qabiil, Daarood iyo Hawiye. Hawiye-yaha halkaas daggenaa waxaa ugu muhiimsanaa Ajuuraan iyo Dagoodiye [waxaa muuqato in qoraaga la siiyay war khalad ah waayo Ajuuraan Hawiye maaha. Waxaa kaloo halkaan ka cad in waqtigaan Ajuuraan oo maanta aysan cidi ka dagganayn Jubbaland uu xoog ku lahaa deegaannada JL].

Daaroodku wuxuu usii kala qaybsanyahay saddex qabiil oo waaweyn: Marreexaan, Ogaadeen iyo Harti [isagaa sidaas u kala hormariyay]. Halka Ajuuraanku ka mid ahaa Soomaalidi ugu soo horraysay dhulkaan, Dagoodiyuhu wuxuu kusoo billowday Jubbalad tobanki sano ee ugu danbeeyay qarnigii 19aad (1890aadki). Labadaan beelood ee Hawiye (Ajuuraan&Dagoodiye) waxay la fangaleen dadyowgi ay dhulka ugu yimaadeen laakiin kuma aysan guulaysan inay xukunkood ah yagleelaan.

Dhinaca kale Daaroodku dhawaan ayuu yimid wabiga Jubba-na waxay gaareen bartamihii qarnigii 19aad markaas oo ay ood-la-yaal u noqdeen qabiilka Galla. Geeddigaan wuxuu u taaganyahay labo midkood: inuu ahaa mid ay markaas ku yimaadeen oo ka dhashay durjin laga soo riixay Koonfurta Itoobiya iyo inuu ahaa kii ugu danbeeyay geeddiyaal ballaarnaa oo is daba socday waqti dheerna soo jiitamayay [kan danbe ayaa dhab ah mar kale ayaanna eegi doonaa Eeebbe idinkii].

Xoogga hijrada Daaroodku waxay dhacday gugi 1867’di markaas oo Daaroodku uu ku jabiyay Warday-da Galla agagaarka Afmadow uuna ka saaray Jubbaland. Bilo gudahood ayuu gaaray khabarkii jabka Wardaydu Waqooyiga Soomaaliya, wuxuuna dhiirrigaliyay in Daaroodku usoo hijroodo jihada Koonfureed.

Kooxo Marreexaan iyo Ogaadeen ah ayaa kasoo kicitimayay bartamaha Soomaaliya iyagoo kusii jeeda Jubbaland halka tiro ballaaran oo Harti ah doomo kasoo raaceen Barbera oo ahayd kobtii Sayid Maxammed ka billaabay dacwada. Sidaa darteed hijradi Daaroodku ma dhalin nuqsaan ama kala go’ xariir oo dhex mara kuwoodi Waqooyiga iyo kuwa Koonfur yimid. Lidkeeda waxay dhabtii abuurtay xariir dheeraad ah taasaana ah midda sharraxayso xiisaha ballaaran ee uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqi Sayid Maxammed deegaannada Jubbaland.

Kala qaybinti gumeystaha ayaa ahayd midda kala teedday beelaha Daarood ee ku kala noolaa Waqooyi iyo Koonfur ee mahayn hijrada midda kala xirtay. Julaay 1890’ki, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday heshiis caddaynaya dhulka ay labadoodu ku yeelanayaan Bariga Afrika. Waxyar ka dib heshiiskaas, waxaa is fahan dhexmaray Ingiriiska iyo Talyaaniga. Infahankaan ayaa ahaa in Ingriisku iska illaawo sheegashada dhulka ku teedsan Koonfurta wabiga Jubba.

Heshiisyadaan diblomaasiyadeed ayaa horseeday in deegaannada Jubbaland maamul [Ingiriis leeyahay] laga hirgaliyo. Intaas waxaa dheer in heshiiski Jarmalka iyo Ingriisku ay ku jirtay in Jarmalku ka tanaasulo haysashadii dhulkii loo yaqaannay German Witu Protectorate taasoo daboolaysay inta u dhaxayso Wabiga Jubba iyo Tana River [Kenya]. 1890’ki Ingiriiska ayaa kaga dhawaaqay Jubbaland “protectorate” [Protectorate macnaheedu waa in Ingiriisku ka ilaaliyo dhulkaas cid kale oo kusoo duusho isna loo ogolaado inuu kor kala socdo maamulka deegaanka. Si kale waa ismaamul hoose oo deegaanku leeyahay balse kor Ingiriis ka haysto. Wuu dhaamay gumeysiga tooska ah ee markii danbe aan galnay].

La soco qaybta xigta

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here