Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q2

0
307

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal dhacdo kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobin qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

Markii Ingiriisku kaga dhawaaqay maxmiyad gobollada Waamo waxaa taladeeda qabtay shirakad la oran jiray The Imperial British East Africa Company oo dhowr sano koontaroolaysay deegaannadaas. Ka dib waxay ku wareejisay maamulki East Africa Protectorate iyo Xafiiska arrimaha debadda.

Ilaa laga soo gaaray 1909’ki maamulku wuxuu ku koobnaa xeebta kaliya oo xataa Afmadow oo 60 mayl kaliya ku jirta waxay ahayd mid uusan si toos ah gaari karin maamulku. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu sinnaba uma soo dhaweyn imaanshihi shirkadda iyo xafiiski arrimaha debadda ay ay shaqada ku wareejisay toona. Waxaa jiray kacdoon yaraa oo Hartidu samaysay 1893’di iyo duullaan ciqaab ahaa oo lagu qaaday Ogaadeen-ka. Ka dibkii dilkii caawiyihii guddoomiyaha ee dhacay 1900’ki waxaa lagu qaaday duullaan kale oo ciqaab ahaa Ogaadeen-ka waxaana raacay qalalaasooyin goos-goos ah.

Dhinaca kale, Goorta uu Sayid ka billaabayo kacdoonkiisa Waqooyiga, Herti-da iyo Ogaadeen-ka dagganaa cirifka Koonfureed waxay dabada ka riixayeen in Ingriisku saamayn badan ku yeesho Jubbaland. Sabtember 1898’di [sanad ka hor soo bixiddii sayidka] Axmed Murghan [magaca sida uu qoranyahay inuusan sax u ahayn baa laga yaabaa] oo ahaa suldaankii Maxamed Subeer (Ogaadeen) ayaa dhab u codsaday [in la siiyo] calanka Ingiriiska si ay caddayn ugu noqoto in dhulkaan Ingiriiska uu hoos tago. Intaas waxaa dheer in Faarax Ibraahin oo ahaa madixii Cawlyahanka (Ogaadeen) uu rabay in dowladdu xarun ka furato Sarinleey.

Isbaraanbarkaan Soomaalida haystay ee ah in dowladdu dhulka Soomaalida horay usii gashasho waxa ugu wacnaa cabsidii ay ka qabeen duullaan dhul boob ah oo kaga yimaado Itoobiya. Ilaa laga soo gaaray 1906’di jiritaanki cabsida laga qabay in Itoobiya isku soo fidiso ilaa Ceelwaaq iyo Wajeer ayaa ka abuuray dareen is diiddan Soomaalida dhexdeeda. Dhinac, in Ingriisku ka ilaaliyo qabsashada Xabashida waa rabeen, dhinaca kale marki ilaalintaasu la timid luminta qaar xorriyadda ka mid ah waxay jirayay dareen diidmo iyo ka falcelin. Sidaa darteed ma caddayn dhammaadki qarniga nooca uu u saamayn karay ree Jubbaland yeeridda jihaadka ee sayidka ka timid.

Saamaynti hore Sayid ku lahaa maxmiyaddii Ingriiska ee Bariga Afrika waxay ahayd mid maskixayan ah (psychological). Labo sano gudaghood markii uu qarxay kacdoonkii sayidka, saraakiishi Juballand waxay si feejigan u eegayeen wax calaamad ah oo tusayo in Sayidku dhinacaas ergooyin usoo diro. Balse ilaa ay dhacday dilkii caawiyihii guddomiyaha ee la oran Jenner ee dhacday dhammaadki 1900 ma jirin shaki toos ah oo laga qabay in xiriir toos ah uu dhexmaray Sayidka iyo ree Jubbaland. Inkastoo shakikaan u ahaa mid bilow ah, wuxuu tusayay cabisda kordhaysay ee ay qabeen saraakiishi Ingriiska ee Jubaland.

Sidaa darteed kacdoonki Ogaadeen-ka ee raacay dilkii Jenner waxaa loo maleeyay inuu xiriir la lahaa dhaqdhaqaaqa Sayidka inkastoo aan la ahayn wax caddayn ah oo xoojiyo shakigaas. Marki uu kabtan Fisher booqday Kismaayo, wax yar un ka dib dilkii Jnner, wuxuu warbixintiisi ku tilmaamay in Harti dhawaan ka timid dhulka Ogaadeen ay u sheegeen in cadowgu [Ogaadeen] uusan midaysnayn. Qaar [Ogaadeen-ka ka mid ah] waxay doonayaan in ay diriraan qaarna waxay doonayaan nabad. Si loogu dhiirrigaliyo inay diriraan, waxaa lagu dhex faafifay in Sayidku usoo gurman doono marka ay dagaalka billaabaan [ayay warbixintu ku dartay].

Billowgi 1901’di waxaa Kismaayo soo gaarayay ku-tiri-ku-teen ahayd in xamaasad diimeed ay hoggaamiyaashu abuureen iyo in meelaha la isugu yimaado si muuqato looga akhriyo Qur’aanka [Qur’aan Alle bari ah kaliya maahee waa mid sidoo kale dadka ugu yeerayo jihaad iyo iska caabbin]. Bishii Abriil dhul mareen Jarmalka ahaa oo la oran jiray Erlanger ayaa kasoo safray Itoobiya isagoo gaaray ilaa xeebaha Jubbaland. Wuxuu sheegay Erlanger in markuu soo goynayay wabiga Daawo uu maqlay Soomaali ku heesayso magaca Sayid Maxammed taasoo loo qaatay inay taageerayaashiisa yihiin.

Laakiin tani maahayn caddayn tusaysa xiriir toos ah oo dhex maray Sayidka iyo ree Jubbaland ee waxay tusaysay in ree Jubbaland ay maqleen kacdoonka Sayidka iyo sida uu ugu istaagay iska difaacidda shisheeyaha ayna la dhaceen sidaasna ay u go’aansadeen inay ku daydaan. Dhinaca kale, aad suuragal uma ahayn in xamaasadda diimeed ee lagu sheegay inay ka curatay Jubbaland ay sabab u ahayd in dariiqada Saalixiyadu oo Sayidku ka tirsanaa carrigaas oo gaartay. Laakiin sababtu waxay ahayd in dhaqanka Soomaalidu ka mid yahay akhrinta Qur’aanka, oogidda xadrada iyo qabashada kullamo Alla bari ah marki ay dagaal ku jiraan waqtigaanna wuxuu ahaa mid ay dagaal dareemayeen.

Marki lasoo gaaray 1901’di kacdoonki Sayidku waa saameeyay dareenka Soomalidi dagganayd cirifka Koonfureed, maamulki Ingriiskuna wuxuu isagoo ka badbadinayo buunbuuninayay saamayntaas. Buunbuunitaas ayaa abuurtay cabsi xooggan oo uu maamulku qaaday. Duullaanki lagu ciqaabayay Ogaadeenka ee raacay dilkii Jenner wuxuu keenay in la daadgureeyo dadkii gudaha ka joogay maamulka halkii lasoo kordhin lahaa. Sanadihii raacay maamulku wuxuu isku koobay xeebta, ka warhaynta dhulka gudahana waxaa laga helayay socotada, ganacsatada iyo cid walba oo tagta Kismaayo [Soomaalida ayaa kasoo war bixinaysay waxa ka jira dhulkooda. Waxay u badan tahay inaysan ku talagal u dhiibayn warkaan ee markii la yiraahdo “bal warrama, maxaa carrada ka cusub ay fatihi jireen wixi ay soo arkeen sida aan haddaba nahay].

Waqtigaan wuxuu goor ku-tiri-ku-teentu bullaashay ayna adkaatay in dhabta iyo dhayalka la kala hufo. Jawigaan ayaa qasbay in saamaynta uu Sayidku ku lahaa Jubbaland laga dhigo mid weyn.

La Soco qaybta 3aad.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here