Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q3

0
241

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal dhacdo kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobin qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

Dhammaadki Sabtember 1902’di guddoomiyihii gobalka Banaadir ee Talyaaniga ahaa ayaa billaabay inuu ka walwalo in halganka Sayidku soo gaaro Koonfurta ama Ingiriiska usoo baacsado dhinaca Koonfurta. Sidaa darteed ayuu farriin u diray ruux Talyaani ahaa oo la oran jiray Perducci kasoo dagganaa Jumbo. Farriintaan wuxuu ugu sheegay in la isla dhexmarayo in Sayidku maaganyahay inuu usoo gudbo Koonfurta oo ilaa Baadheere gaaro lagana yaabo inuu usii gudbo ilaa Maxmiyadda Ingiriiska. Wuxuu ku yiri xogtaan Ingriiska saraakiishiisa gaarsii.

Ha yeeshee Peducci farriinti wuu sii dhoodhoobay, hadalki ahaa waa la isla dhexmarayaa wuxuu ka dhigay dhab ah. Wuxuu u qoray warqad Ingriiski wuxuuna u sheegay in ciidamadi Sayidka boqol mayl kaliya u jiraan Baardheere. Wuxuu yiri Sayidka oo wato labo boqol oo askari oo la xulay ayaa kaabiga u ah Baardheere halka labo kun oo kale ay ka danbeeyaan boqol mayl kaliya. Wuxuu ku daray in Talyaanigu ciidamadiisi kala baxay Luuq arrintaan darted.

Arrintaan waxay ku keentay maamulki Maxmiyadda Bariga cabsi iyo argagax. Harrison oo ahaa taliyihii ciidamada Kismaayo joogay ayaa amray in si dhaqsa ah loo qabsado Wajeer iyo Sarinleey si sayidka looga hormaro intuusan soo gaarin. Wuxuu sidoo kale codsaday in la hubeeyo Booranta maamulkoodana loo daayo odayaashooda. Wuxuu yiri haddii aan sidaas la yeelin  halaag aan laga soo kaban ayaa na gaari doono. Harrison wuxuu u arkayay in haddii Booranta la hubayn waayo ay Soomaalidu ku durdurin doonto Booranta ka dibna Ingiriiska kusoo jeesan doonaan. [ujeedkiisu wuxuu ahaa in Soomaalida iyo Boorantu noqdaan labo cududood oo siman sidaasna ay iyagu isugu mashquulaan oo aysan waligood kala adkaan sidaasna Soomaalidu Ingriiska ay waqti ugu waydo]

Si kasta ha ahaatee, bartamihii Octobar waxaa caddaatay in dhowr nin oo Sayidka ka wakiil ahaa ay Baardheere yimaadeen ayna codsadeen in calanka Talyaaniga la dajiyo laakiin la iska dhago tiray. Waxaa sidoo kale caddaatay in Talyaanigu ciidankiisa uusan kala bixin Luuq. [Si kooban wuxuu sheegay Perducci oo dhan been ayay ahaayeen]. Ha yeeshee waxaa jiray waxoogaa caddaymo ah oo tusayay shiikhii dariiqada Qaaddiriyada Baardheere Shiikh Cismaan Cabdow inuu u janjeeray halganka Sayidka. Laakiin janjeerkaasu maahayn mid saamayn badan yeelan karay waayo Jenner [oo la kulmay Shiikh Cusmaan 1899, waa ninkii Soomaalidu dishay 1900] wuxuu ku tilmaamay Shiik Cismaan “oday shayb ah oo masiirka hagayo uu yahay wax walba oo siinayo nolol qarsoon [saahid]. Wuxuu u muuqday nin diimeed laakiin aan xag jir ahayn wuxuuna codsaday in la siiyo nusqo Baybal oo Carabi ah”.

Xataa haddii aynu aqbalno in Jenner uu ka badbadiyay qabowga uu ku tilmaamay sheikh Cusmaan, waxaa jirtay in Shiikhu uusan lahayn tayo hoggaamin ama saamayn xooggan oo uu dadka ku kiciyo. [Caddaanka loo diro shaqooyinka waa kuwo dhinac walba ka dhisan oo ruuxa ay u tagayaan waqti yar ku qiimayn kara waxa uu galo iyo waxa uu gooyo. Innagoo u qabno inuu salaan noogu yimid ayaa naga aruuriyaan warbixin ku filan wax walba oo la inagu qabsan karo].

Ha yeeshee cabsidi laga qabay Sayidka inuu soo gaaro Koonfurta sidaas Kuma dhammaan inkastoo ay yara dagtay. Waxaa markiiba soo gaaray maamulki Jubbaland in Sayidku guulo ka gaaray ka dagaalki Erigo ee dhacay 6 Oktoobar 1902’di. Sidaas darted inuu Koonfurta usoo jihaysto lama dhayalsan karin. Nofember, Lansdowne oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ingriiska ayaa qirtay in ciidamada Ingriiska ee joogay Soomaaliland aysan tabar u ahayn in ay ka hortagaan in Sayidku u gudbo Koonfurta sidaas darted wuxuu ku amray Harrison inuu qaado tallaabo walba oo ku difaaci karo maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in jaajuusiin dadka deegaanka ah loo diro dhinaca Wabiga Shabeelle si ay usoo xuuraamaan dhaqdhaqaaqa Sayidka iyo taageerayaashiisu ku leeyihiin deegannadaas. Laakiin xogta noocaas waxay ahayd mid uusan Ingriisku ka heli karin xataa deegaannada isaga hoos yimaado. Maadaama uu ka guuray agagaarka wabiga Jubba, waxay ahayd mid aan suuragal ahayn inuu xariir la yeesho Soomaalida daggan Wabi Shabeelle.

Inkastoo ku-tiri-kuteenti 1902’di ay ahayd aad loo buunbuuniyay haddana waxay tilmaamaysay kororka xiriirka dhexmarayay taageerayaasha Sayidka iyo ree Jubaland. Tusaale, Desember 1902’di 22 ka mid ah wakiillada Sayidka ayaa Baardheere yimid kuwaas oo Talyaanigu ku dhiirran waayay inuu ku yiraahdo hubka dhiga. Warbixinnadi Sirdoonka Jubbalad iyaguna waxay si goos goos ah u tabinayeen in Sayidku Koonfur u soo jihaysan yahay inkastoo taasi si tartartiib ah ay saamaynteedi u hoos ugu dhacday.

Ha yeeshee, digniinahaan waxay saamayn xooggan ku yeesheen siyaasaddi Ingriiska ee ku wajahnayd Jubbaland. Cabsida laga qabay in Sayidku usoo dhaqaajiyo Koonfurta ama halgankiisu ka curta Jubbaland waxay Ingiriiska ka joojisay inuu horay ugu soo siqo deegaannada Jubbalad.

Dhinaca kale, wixii loo soo gaaray 1905’ti kacdoonka Sayidku wuxuu noqday qodob muhiim ah oo saamayn ku leh nolosha ree Jubbaland. Tani waxay kaa muuqanaysay marki hore Herti-da dagganayd Koonfurta Kismaayo, marki danbana Marreexaan-ka gudaha hoose jiray.

Desember 1905’ti, Salked oo ahaa ku simaha kumishiner ku xigeenka iyo taliyaha ciidamada Jubbaland, ayaa ogaaday in nin Harti ah oo la oran jiray Ashkir uu dagay Yoontooy isagoo billaabay ciidan arruursi dadkana ugu yeeray kacdoon. Ashkir dhawaanahaas ayuu carriga yimid. Wuxuu waqtiyadaas Sayidka ku booqday xaruntiisi Ilig, sanadki ka horreyayna wuxuu joogay Soomaaliland. Salked wuxuu uga ficil qaatay si dhaqsa ah oo taxaddar leh, dhammaadki bishana wuxuu weeraray Ashkir iyo ciidankiisi. Waxaa dhacay iska hor imaad kooban Ashkir-na halkaas ayaa lagu dilay. Salked wuxuu aaminay inuu suuxiyay khatar weyn oo kusoo wajahnayd.

Ma cadda inta ay dhammayd kalsoonida uu Ashkir ka samaystay beesha Harti. Wuxuu ka dhashay beesha Cismaan Maxamuud kuwaasoo dilkiisi ugu aaray nin kale oo Harti ahaa oo dowladda Ingriiska u shaqaynayay sanadki 1906’di kaasoo la oran jiray Cali Nahar [Soomaalidu inay iyadu un iska aarsato waa arrin horraysay]. Dadka lala xiriiriyay dilka Cali Nahar waxaa ka mid ahaa dad u dhashay beelaha Cumar Maxamud iyo Warsangali laakiin ma jirin kacdoon guud oo ballaaran.

Qaar badan oo ka mid ahaa shaqsiyaadki dilay Cali Nahar waxay u hayeen nacayb shaqsiyadeed iyo eed gaar ah. Tusaale, Cali Erig ayaa ka mid ahaa oo isaga horay ugu shaqayn jiray [malaha shaqada markii uu ka eryay ayuu caro u qaaday]. Laakiin kuwa kale sida Axmed cabdi way ka duwanayeen. Harti-da Jubbaland waxay ahaayeen ganacsato ee maahayn xoolo dhaqato ree guuraa ah. Aad ayay u safri jireen, Axmed-na wuxuu horay safar oogu tagay Laamu, Mombasa iyo Nayroobi. Wuxuu sidoo kale maqaallo ku qoray joornaalka East African Standard sidaas darteed shaki kuma jirin inuu si mug leh uga warhayay dhaqdhaqaaqi Sayidku waday. Shaki kuma jirin in xiriir dhexmaray Hartida Jubbaland iyo kuwooda jiray Soomaaliland. Inta uu la ekaa xiriirkaas lama aqoon laakiin madaxdi Ingriisku waxay aamminsanaayeen in dhibka ka jira JL ay soo maleegeen jiifafka Waqooyiga.

La soco Q4

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here