Culimadu kala fiiro dheer, Aqoonyahankuna kala faahinsan

0
272

Dad weynuhu waxay dhowraan culimada. Diintooda, dantooda iyo masaalixda kale ee noloshooda la xirrirta waxay ka qaataan cidda ay ku tuhmayaan inay ku aqoon dhaanto. Marki dhinaca diinta la eegayo kalmadda “culimo” ayaa la isticmaalaa. Marki dhinaca maaddiga la eegayana midda “aqoonyahan” ayaa la isticmaalaa. Labaduba waxay tusayaan macno isku mid ah kaasoo ah in ruuxaasi shay/ashyaa cayiman aqoon dheeraad ah u leeyahay.

Ku tiirsanaanta culimada iyo aqoonyahanku waxay keeneen in marar badan fasiraad tood ah oo aan diin iyo aqoon midna ka turjumayn balse ku fadhida fahamkooda shaqsiga ah loo qaato mid cuskasho mudan. Haddii fahamkoodu qallooco ama iyagu u fahmeen si ka duwan sidii saxda ahayd xataa waxaa dhacdo in lagu raaco oo loo arko mid xaq ah.

Fiqhigu waa mid ka muhiimsan aqoonta. Aqoonta waa mid loo siman yahay barashadeeda laakiin garashadu waa mid Eebbe dheeraad u bixiyo. Culimadu ciiddaas ka badan laakiin fuqahadu had iyo goor waa faro ku tiris. Waa sababta aad casri walba u maqasho dhowr faqiih kaliya halka aqoonyahanka nool malyan ka badan yahay. Waa midda afarta Imaam ee madaahibta ka soocday aynigoodi iyo kuwii la wadaagay deegaan, dugsi, macallin iyo maqaam intaba. 

Aqoonta barashadeeda waa loo simanyahay, in isku in laga xamaabrana waa suuragal balse fahanka iyo fiirada dheer waa hibo iyo deeq gooni ah oo Eebbe baxsho aqoonta iyo waayo-aragnimaduna ay kaabaan. Sida culimada diintu kula fahmo iyo fiiro dheertahay ayay aqoonyahanka maaddiguna kula aragti dheeryahay. Sida labo muslim u kala fiiro dheer tahay ayay labo gaalna u kala indheer-garadsan yihiin. Muslim ayaa ka fahan fiicnaan karo gaal, cagsiguna waa saxiix. Tusaalahaan si fiican u dheeg si aad u fahanto qodobka aan tilmaamayo.

Marki uu dhammaaday dagaalki labaad ee dunida waxay awooddi usoo hartay dalalki ku guulaystay dagaalka. Ka dib waxaa bilowday loollan dhexdooda ah. Waxay u kala baxeen Bari iyo Galbeed. Wallow ay ahaayeen dowlaha is hayo kuwo isku qaarad, isku asal iyo diin ah haddana adduunki iyaguu la kala saftay. Dagaal afkaareed oo qaraar ayaa ayaa dhexmaray. Dagaalkaas wuxuu soo afjarmay dhammaadki 1989’ki marki la dumiyay darbigii Baarliin. Guushi waxay raacday ree Galbeed oo uu Maraykan hoggaaminayo. Dhammaadki Desember 1991 waxaa tirmay raadki u danbeeyay ee Soofiyeed.

Waxaa soo muuqatay in halka awood ee dunida ku amar-taaglayn doonto ay tahay Maraykan. Dal u dhigma ama usoo dhow maal iyo mootar midna ma muuqan. Isagu dhoosha ayuu ka qoslay oo wuxuu is yiri loollan danbe kaa har oo haddaad nasan wixii yare soo baxana hal bistoolad ayaad madaxa kala dhici.

Aqoonyahanki dunida ee taqasuskoodu ahaa cilmiga bulshada, siyaasadda iyo taariikhda ayaa guda galay inay falanqeeyaan wajiga xiga. Say u dhammaayeen waxay saadaaliyeen in dagaalki afkaaruhu idlaaday, dimuraaddiyaddu dunidu wada qaadan doonto, Maraykan aabbo u noqon doono in dhowna aan laga cabsi qabin loollan iyo isku garab dheerarin Maraykan.

Hal nin baa dhinac u booday. Samuel P. Huntington’s wuxuu ahaa nin ku xeel dheer cilmiga bulshada iyo siyaasadda. Waqtigaas wuxuu ahaa nin aad loo yaqaan oo qoraallo qiimo-gal ah soo saaray. Intii arrintaan laga doodayay sheedda ayuu ka eegayay. Wixii loo batay markuu arkay ayuu ra’yigiisa soo bandhigay. Wuxuu yiri dunidu dagaal kama dhammaado. Waji cusub ayaa la gali wuxuuna noqon doonaa mid u dhaxeeyo ilbaxnimooyinki horay u jiri jiray.

Dagaal qaraar oo ka adag kii hore ee Bari iyo Galbeed u dhaxeeyay kuna salaysan dhaqan, diin iyo ilbaxnimo inuu billaaban doono ayuu ku sheegay risaalo uu ugu magac daray “The Clash of Civilization” sanadi 1993’di. Wuxuu oddorsay in Muslimiintu soo noolaan doonaan, dagaal qarxin doonaan. Wxuu sidoo kale oddorosay in la arki doono Hinduus jihaadi ah taasoo waqtigaas u muuqatay mustaxiil.

Halki ra’yiga Samuel la faaqidi lahaa waxaa lagala hortagay dhaleecayn ah inuu xaqiiqda iyo waaqiciga ka fogyahay. Waxaa lagu eedeeyay fiiro gaabni iyo faham darro. Aqoonyahanki u jawaabay ee qoraalladooda la daabacay waxaa ka mid ahaa nin la yiraahdo Fu’aad Cajami oo u dhashay dalka Lubnaan macallinna ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Maraykanka.

Fu’aad wuxuu weerar ku qaaday saadaashi Samuel wuxuuna ku dooday inaysan dunidaan diin u noqon doonin wax kale ha laga wada hadlee. Wuxuu yiri Hinduuga dabaqadda dhexe ah ee sii kordhaya marnaba ka suuragali mayso inay u dagaal galaan difaacidda asnaam iyo ashyaa ay caabudaan. Fu’aad waxay ula muuqatay in dunidu qaadatay horumar la yiraahdo dimuquraaddiyad dib u dhici diimuhu keeneenna aysan cidna doonayn inay dib ugu noqoto sida ay isaga la ahayd.

Risaaladi weerarki lagu qaaday ayaa qiimihi ka qaaday, meel ayaana lagu tuuray ilaa la soo gaaray 2001’di. Qarixii Sarahi New York ayaa lagu toosay waxaana caddaatay in Muslimiintu wali soo noqod rajo ka qabaan. Markaas ayaa risaaladi dib loo daabacay oo faaqidaad iyo raadin fahan dheeraad ah loogu noqday.

Maanta waxaan ognahay in dagaalka dunida ka jiraa yahay mid ku salaysan ilbaxnimo diimeed. Waxaan dhex taagannahay Hinduus muslimiinti u laynayo lo’ ayay qasheen. Looyarradoodi, dhaqaatiirdoodi iyo maalqabeenkoodi waxay maalgaliyaan figradda xisbiga talada hayo ee ku dhisan sarraynta Hinduuga. Shiine intaas oo kale ayaa ka jirta. Hal milyal oo muslimiin ah ayaa xabsi ugu jirto in diinta laga baddalo. Masiixiyiintu iyagu waligoodba kama tanaasulin. Muslimiintu waa soo noolaadeen oo dadlalkooda in diintooda iyo dhaqankooda laga haysto ayay dadaal ugu jiraan. cid ku guulaysataba saadaashi Sameul ayay kusoo ururtay talo. Ogow Samuel iyo Fu’ad isku shahaado ayay haystaan isku waxna waa barteen isku arrimona waa ka faalloodaan!

Sida fiiro saxiix ah u meel marto ayuu fahan qalloocanna u faafi karaa. Wadaad aqoon badan ayaa dhacdo in fahankiisu waydaariyo macnihii toolmoonaa dadkuna u qaataan inuu waafaqay. Tusaale, Shiikh ayaa fadwooday in ku hadlidda maahmaahda tiraahdo “114ka ayaan aqaan, kaa akhrisan maayo ayaa ka adag” ay gaalnimo tahay. Xaqiiqdu waxay tahay in maahmaahdu wax qadaf ah uusan ku jirin, qof kii dhahana gaalnimo iska daaye danbi uusan ka raacayn laakiin wadaadku isagaa si ka duwan sidii dadku yaqaan u fahmay.

Maahmaahdu waxay u jeeddaa ruuxa yaqaan Qur’aanka ee maahan Qur’aanka waxa laga adkaanayo ama la qiimaynayo. Ujeedku waxaa weeye wax walba oo aad taqaan haddii aan lagaa qaadan meelna marin maysid. Qur’aanka oo ah shayga ugu qaalisan Soomaalida dhexdeeda ayaa tusaale loo yiri xataa haddii aad wadaadow tiraahdo Xaafid baan ahay ee i dhagaysta adiga ha ku anfacdo ayaa ku filan aammusintaada. Labada qof ee midna farriinta wado midna loo wado had iyo goor waxaa go’aanka leh kan loo wado. Inuu isagu aqbalo inuu farriinta dhagaysto kaliya ayay ku fuli kartaa ujeedka farriinta laga lahaa. Wadaadku se wuxuu u fahmay in Qur’aanka la qiimo tiray oo lagu jeesjeesayo oo canaad iyo madaxadayg loo diidan yahay in la dhagaysto.

Tusaale labaad. Soomaalidu waxaa ku badan magaca “cabdi” oo Carabi ah. Carabti magaca lahayd waxay raaciyaan/jireen magac kale oo noqon karo mid Eebbe ama shay sida ‘qorraxda’. Agtooda magaca Cabdi la raacshay ayuu addoon u yahay. Haddii qorrax lagu daro sida ‘cabdishamsi’ waxay noqon ‘addoonki qorrxada’. Soomaalidu laakiin se sidaas si ka duwan ayay u isticmaashaa. waxaa dhacdo in ruux waalidkii ugu magac bixiyay Cabdiraxmaan loo baxsho ‘Cabdidheere’ ama nanays kale.

Wadaad ayaa u fahmay magaca Soomaalidu ‘Cabdi’ daba dhigtay inay gaalnimo keenayso oo ay ka dhigan tahay Cabdidheere ‘addoonki dheerarka’. Fahankiisa oo qalloocday ayaa keenay inuu dadka ku yiraahdo ciddii isagu yeerto ama ka raalli noqoto in loogu yeero waa gaal. Dad badan ayaa sdiaas magacyadoodi ku baddalay ama diiday. Waxaan aqaan rag ka dhaartay in loogu yeero ‘Cabdi-deeq iyo Cabdi-Xoosh’ oo horay oo loo oran jiray.

Wadaadku waxaa ka hoos baxday in magaca la dabadhigay Cabdi loola jeedo tilmaam (sifo) oo ay tahay Cabdi-gi dheeraa ee aysan ahayn addoonki dheerarka, Cabdideeq ay tahay addoonki deeqda badnaa ee aysan ahayn addoonki deeqda.

Tusaalooyinka noocaan waa ay badan yihiin. Maalin walba ayay dhacdaa in arrimo aan is lahay dusha la iska saaro, in wax uusan Eebbe xarrimin fahan khaldamay lagu xarrimo, mid uu xarrimayna fiiro qaloocan lagu xallilo; in arrimo aan diin xariir la lahayn la diimeeyo oo dadka loo diido, gaalnimo lagu gaarsiiyo oo moorada looga saaro.

Haddaba akhristow ujeedka farriintaydu waxa ay tahay inaad iska hubiso waxa aad maqashay. In aad adigu isku daydo inaad fahanto waxa aad akhrisay, maqashay ama kusoo gaaray. In aad kala ogaato in dadku kala fiiro iyo aragti dheer yahay. In aqoonyahan walba waxa uu yiraahdo aysan ahayn midda dhabta. In culimadu kala fiqhi badan yihiin kalana fiiro dheer yihiin. Si kooban in aadan noqon cajalad duubto dhawaqa kusoo dhacayo bse aad noqoto aadane faker iyo fiiro leh. Taasina yaysan ku kadin oo ha noqon macangag wax walba iska laalaadiyo ee garasho iyo garaad kaasho

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

humbaale.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here