Waa maxay sababta hadalki Shariif looga hari waayay?

0
238

Waxaa falcelin kulul laga bixiyay hadalkii hanjabaadda ahaa ee madaxweynihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran iyo waliba guddoomiyaha xisbiyo dhowr ah oo midoobay. Shiikh Shariif isagoo caraysan ayuu dhaar ku maray in ay dowladda ka saari doonaan Xamar sidii looga saaray Shabaab, gumeystihii Itoobiya iyo dagaal oogayaashii Soomaali ragaadiyay. Soomaalidu dhaarta ugu fog waxaa u ahaa ‘saddex Wallahi’ Shiikh Shariif se lix wallaahi ayuu maray taasoo ka dhigan saddexdi hore iyo saddex lagu adkeeyay.

Soomaalida nabadda jecel hadalkaas wuu ka nixiyay, niyad jabiyay oo walaac ku abuuray. Waa ka jawaabeen si adagna ooga falceliyeen. Falcelinta shacabka dadka qaar ayaa u arkay taageero xukuumadda, qarin, wixii loo gaystay madaxweynaha, qaddarin la’aan xaaladda carada lahayd ee hadalka ka keentay. Waxaa intaas lagu daray in hadalka la gaarsiiyay meel uusan mudnayn. Wixii isaga loo gaystay sida uu u yiri hadday u jirto waa xadgudub aan sinnaba looga aamusi karin. Waa mid ii dhibayso sida ay isaga u dhibtay laakiin sida looga jawaabayo weeye meesha lagu kala tagay. Qormadaan gaaban waxaan rabaa kaliya inaan kaga hadlo sababta sidaas hadalka loogu cusleeyay ee looga hari waayay.

Aadanaha hoggaamiye soo mara waxaa ugu mudnaa, ugu saamayn badnaa uguna saxnaa Nabigeenna Muxammed ah SCW. Gaalo iyo islaan waa isla qirsanyihiin inuu intaas yahay. Waqtigiisi wuxuu ahaa hoggaanka dowladda, kan diinta iyo kan dhaqanka. Intaasba tarbiyadeeda ayuu Eebbe siiyay si aadanuhu ugu tusaale qaato. Maanta dunida ka suuragal maaha in intaas oo xil hal qof isku hayo. Shaqadii waa la qaybiyay. Doorki diinta culimada ayaa kala wareegtay, doorki dhaqanka odayaasha ayaa hayo halka doorki dowladda madaxweynayaashu milkiyeen. Mid walba booska uu joogo wuxuu matalaa halkii Suubbanuhu u joogay ummaddii uu hoggaanka u ahaa.

Qofka heerskaas gaaro wuxuu ka baxayaa xaaladda caadiga. Wuxu galayaa heer ay qasab tahay inuu ilaasho kalmad kasta oo kasoo baxdo iyo ficil walba oo ka dhaco. Sababtu waa inuu muraayad u yahay ummada, isaga siduu u dhaqamana dadka intiisa kale u dhaqmi doonaan.

Maqaamkaas sare ee la gaarsiiyay wixii ugu horreeyay ee la baray wuxuu ahaa inuusan naftiisa wax loo dhibay waxba kasoo qaadin. Wax dhiba ee uu ka dhiidhiyo ay yihiin wixii wax u dhimo masuuliyadda saaran (dowladda, diinta iyo dhaqanka). Xadiiski caanka ahaa waa la inoogu sheegay “waligiis naftiisa uma aar-gudan. Wuxuu u aari jiray Ilaah iyo diintiisa kaliya”.

Tusaalahaas ayay arkayeen saaxabada oo ay ka barteen. Sayid Cali ayaa usoo baxay gaal madax adkaa. markii ay foodda is dareen ayaa gaalkii la lagday. Cali oo dusha kaga fadhiyo oo billaawe inta ula soo baxay inuu unuunka jaro rabo ayuu gaalkii oo hooseeyo wajigii Cali ee kusoo fooraray candhuuf ku tufay. Cali toorridii ayuu galka ku ceshaday waana ka istaagay.

Daawadayaashi yaab ayaa kasoo haray. Sidee ninka kuu jiifa ee waliba candhuufta kugu tufay aad isaga daysay ayaa lagu yiri. Wuxuu ku jawaabay “markii hore dar Alle ayaan u dagaallamayay laakiin markii uu candhuufta igu tufay waan carooday, inaan naftadyda u aardsado ayaan u dhawaaday. taasaan isaga daayay.” Macnaha ninkaas oo aan u dilo caro iga keentay candhuufti uu igu tufay. Cali Suubbanuhu kuma uusan dhihin sidaas yeel haddaad rag is qabataan ee ficilkiisa ayuu arkay. Muraayadda uu daawanayo ayaa ahayd middii Suubbanaha SCW siduu u dhaqmay ayuuna ku raacay. Halkaas waa qodob.

Qodobka labaad. Maaddaama sidaas loo wayneeyay oo dadkii oo dhan laga sara mariyay loogu dul qaadan mahayo wixii dadka caadiga loogu qaadan jiray. Hadalkiisa iyo ficilkiisaba si adag oo keento inuusan dib ugu laaban ayaa looga falcelin. Tarbiyadaas waa midduu Eebbe siiyay rasuulkiisa SCW. Khalad walba oo uu galo Qur’aan ayaa lagu saxay. Waliba si canaan ah. Mar isagoo shir muhiim ah ku jiro ayaa miskiin muslimiinta ka mid ah u yimid. Wuu ka waji dadbay si uusan shirka uga carqaladayn. waxaa kusoo dagay suurad dhan oo canaan ah waa “cabaso e”. Ogow shirku wuxuu ahaa mid danta diinta uu ugu khidmaynayay.

Mar xaasaskiisa oo ku yara kacay ayuu damcay inuu xaalo-mastuur ku xalliyo. Waxaa lagu soo dajiyay ayadaha hore Suuratul Taxriim oo canaan kulul lagu siiyay iyo inuusan u laaban. Mar kale waa isaga gabar uu Sayd ibnu Xaaritha furay damcay inuu guursado, ka dibna uga walaacay inay Carab ku caydo darteed oo ay ku yiraahdeen wiilkiisi gabar uu furay buu guursaday. Aayado ayaa ku jiro Axzaab lagu soo dajiyay lagu saxay khaladkaas yar ee dhacay. Ayaan kale, waa isaga difacay nin tuugonimo loo haystay isagoo cuskaday caddaymaha horyaallay laakiin hubaal kale aan ahayn. Aaayadaha 107-108 ee Suutal Nisaa ayaa si adag loogu canaantay. Bari kale mar uu munaafiqiinta fasax siiyay waa lagu canaantay oo aayadda 43aad ee Towba ayaa kusoo dagtay.

Ogow arrimahaan dadka caadiga wax dhibaal uma aha. Qaarkood diintu waaba dhiirri galisay. Nabiga wuxuu nagu yiri “naftiisa meel tuhmo ha gaynina” macnaha meel in la tago uusan danbi ahayn laakiin haddii lagugu arko xan ay ka dhalan karto ha aadina ficilkuna waa la mide. Laakiin isaga intaas xataa looma ogala sababtu waa inuu ahaa indhaha dadka, lagu daydaha, hagaha iyo horseedka la eeganayo.

Madaxdu booskaas ayay joogaan. Khaladaadkooda saamaynta yeelan karo loo cudurdaari maayo, loo dulqaadan maayo lana qarin maayo. Waa la cambaarayn, la sheegi laguna qasbi inay ka noqdaan. Sidaas waa habkii diintu na bartay dunida horumartayna ay qaadatay. Bal u fiirso tuaasalahaan.

2017’ki ayaa waxaa gubtay guri London ku yaallay. Dad 80 ku dhow ayaa ku dhintay. Dadkaas in badan oo ka mid ah waxay sababsadeen taladii waaxda dab-damiska oo kula talisay inay qololkooda ku jiraan halkaas oo dabkii ugu yimid oo ay bas beeleen. Bishii hadda ina dhaaftay ayaa warbixin arrintaas lagu xusay la soo saaray. Maalmo ka dib ayaa la waraystay guddomiyaha aqlabiyadda aqal hoose ee Ingriiska. Wuxuu yiri “caqligi saliimka wuxuu na tusayaa inaadan cidna dhagaysan haddii naftaadu khatar gasho”. Hadalkaas wuxuu ula jeeday inay dab-damiska dhagaystaan maahayn.

Markii hadalkaas la baahiyay dalkii oo dhan ayaa dhawaaqay. Ninkii hadalka yiri raalli-galin dag dag ah ayuu lasoo orday laakiin lagama akhrisan. Haddii aad hadalka dhab u fiiriso wax khalad ah kuma jiraan. Laakiin waxaa khalad ka dhigayo qof yiri maqaamka uu joogo. Waa ninkii dadka ku dhiirrigalin laha inay dhagaystaan talooyinka waaxaha dowladda waana ninkii dadka dhintay u damqi lahaa. Hadalkiisa waxaa loo qaatay digasho.

Qodob saddexaad, ayaa ah Soomaaliya waxaa halkaan dhigay waa gacan ka hadal. In dadka la baro dulqaad iyo samir waa howsha ugu culus ee na hortaal. Mar haddii madaxdii dalka ay gacan ka hadal xal u arkaan maxaa dadka rayidka ah loo sheegi?

Waxaa caadi iska ahaa muddo dheer in ruuxu wuxuu doono yiraahdo, siduu doono u dhaqmo haddana halkaas lagu illaawo. Taas waxaa lagu baddali karaa kaliya in hadal walba la iska laalaadiyo. Sida Shariif loogu jawaabay haddii ruux walba loogu jawaabo lama arki doono masuul danbe oo hadal qalloocan idaacad la yimaado.

Duduubta oo kooban, Shariif qof caadi maaha. Waa indhaha ummada, karaamada qaranka iyo astaanta dalka. Wax walba oo waxa uu yahay wax dhibaal u ah loogu dulqaadan maayo. Waxa la haysto Shriif maaha ee waa maqaamka uu gaaray iyo matalaadda uu noo hayo. Taas ilaalinteeda waa waajib na wada saaran. kali kuma uu aha ee inta la maqaamka ah iyo intu ku dhow intaba isku si’ ayaa loo tixgalin.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here