Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q4

0
259

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal dhacdo kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobin qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

Waxaa noo danbaysay innagoo niri ” Shaki kuma jirin in xiriir dhexmaray Hartida Jubbaland iyo kuwooda jiray Soomaaliland. Inta uu la ekaa xiriirkaas lama aqoon laakiin madaxdi Ingriisku waxay aamminsanaayeen in dhibka ka jira JL ay soo maleegeen jiifafka Waqooyiga.”

Isla waqtigaan (waa 1906’di) waa goorti ugu horraysay ee dariiqada Saalixiyadu (waa dariiqadii Sayidku taabacsanaa) dacwo ka billowday JL. Faafinta dariiqada Saalixiyada waxaa waday Shiikh Cali Nayroobi oo sidoo kale loo yaqaannay Shiikh Cali Maxammed Al-Adeli. Shiikh Cali wuxuu ahaa Dhulbahante ku dhashay Kismaayo. Wuxuu safar ku maray maxmiyadda Bariga Afrika oo dhan. Mar waxaa shaqo siiyay nin la oran jiray Ainsworth oo ahaa guddoomiye ku xigeenki gobalka Ukamba (Dhulka hadda Kiinya loo yaqaan intiisa badan ayaa la isku oran jiray Ukamba oo hal maamul oo Ingiriis ah ka talin jiray). 1902’di ayaa Shiikh Cali shaqadii laga eryay ka dibna wuxuu aaday Mako (xaramka) halkaas oo uu joogay saddex ilaa afar sano.

Dhammaadki 1906’di ayuu Kismaayo kusoo laabtay wuxuuna aasaasay jameeco (xer). Wuxuu saldhig ka samaystay Bander Salaam oo Baadheere dhinaca Koonfureed kaga beegan. Guushiisi waxay u muuqataa inay ku koobnayd Harti oo xiriir aan wanaagsanayn kala dhaxeeyay Ogaadeen. Sidoo kale wuxuu saamayn ku yeeshay beelaha Cabdalle iyo Makaahiil (labaduba waa Ogaadeen) oo uu xidid la ahaa.

Dadka dhaliilo Shiikh Cali waxay ku eedeeyeen in marki hore aad loola dhacay dacwadiisi iyo hoggaamintiisa diimeed laakiin taasi ay mijaxaabisay in lagu tuhmay adduunyo jeceyl iyo xoolo aruursi [Soomaali xoolo lama waydiiyo. Waxaa laga yaabaa xoolo uu yiri keena jihaadkaa lagu galayaa in ay u rogeen inuu isagu aruursanayay].

Ficliyan lama oga sida iyo habka ay dariiqada Saalixyadu kusoo gaartay JL. Waxaase la hubaa in 1924’tiba inta badan beelaha Marreexaan, Harti iyo Ogaadeen ay raaceen dariiqada Saalixiyada. Bartire ayaa ahaa qabiilka kaliya ee si cad ugu harsanaa dariiqada Qaaddiryada. Sidoo kale waxaa la sheegay in waayeelku wali Qaaddiriya sii haystay halka dhallintu qaadatay dariiqada cusub ee Saalixiyada. [Halkaas markaad joogta waxaad arkaysaa in dhallinta Soomaalidu xamaasaddu hoggaamiso. Sida muuqato sidii aan innagu goobjoogga u ahayn ee Itixaad iyo ururro diimeedyada kale indha la’aanta la isgu daadiyay ayaa dariiqooyinki suufiyada hadba tan cusub la isugu shubi jiray].

Laga billaabo 1907’di saamaynta dhabta ah ee Sayidku ku lahaa JL waxaa laga dareemay dhinaca Galbeed ee JL gaar ahaan beesha Marreexaan. Qiyaasti 1901’di Sayidku wuxuu waraaq ku diray Ugaaski Garre oo la oran jiray Ugaas Cali Cabdi kaasoo fadhigiisu ahaa wabiga Daawo. Sayidku wuxuu xaashidaan ku dhigay inuu u soo socdo dhinaca Koonfur Bari Soomaaliya sidaas darteedna uu taageero ka rabo Ugaas Cali. Ha yeeshee waxba kama soo bixin codsigaan lamana yaqaan inuu xiriir dheeraad ah dhexmaray Sayidka iyo Soomaalidii Koonfur Bari. waxaa se ka muhiimsanaa wakiillada uu Sayidku dirayay iyo hijradi dhacday waqtigaas sababna ay u ahayd Jihaadki Sayidka.

Marki la soo gaaray 1908’di way suuragashay in la kala sooco saddex qolo oo u soo hijrootay JL taasoo iba-furtay fadqalallo ka bilowdo gobollada Waamo. Kan koowaad wuxuu ahaa geeddigii Dagoodiye uu ku yimid JL (Gedo iyo nawaaxigeeda). Dagoodiye wuxuu ka soo qaxay dhibaatadi Amxaaradu ku haysay. Waxaa raacay Cawlyahan ree Afgaab ah (Ogaadeen) oo si tartartiib ah usoo guuray oo gaaray ilaa wabiga Jubba. Ugu danbayn waxaa ka daba yimid Galti Marreexaan oo si daa’im ah u socotay. Galtidaan qaarkeed waxaa hor kacayay Shire Jaamac oo ka mid ahaa janannadii Sayidka ciidaankiisa hoggaamin jiray [wuxuu Marreexaan ka ahaa ree Axmed].

Dagoodiye wuxuu u jihaysnaa dhinaca Koonfureed ilaa Wajeer sidaas darteed wax shaqaaqo badan ah ma dhex marin iyaga iyo Marreexaanki daaqsintiisu ahayd Galbeedka Luuq. Laakiin tartan daaqsimeed ayaa ka dhex abuurmay Cawlyahanka oo ku xoogganaa Sarinleey iyo Marreexaanki. Tartankaan ayaa siyaadiyay in Cawlyahanku horay u sii siqo ilaa uu wabiga tallaabay.

Soo guuridda Cawlyahan wuxuu ka dhashay cadaadiska Itoobiya iyo mid ay kala kulmeen Sayidka. Hilaaddi 1905’ti Ugaaski ree Afgaab wuxuu wiilkiisa iyo wiil uu adeer u ahaa u diray Kismaayo isagoo codsaday in gurmad ka dhan ah Sayidka loo soo diro. Ree Afgaab waxay ka cawdeen in Sayidku usoo diray farriin uu kaga dalbanayo in ay soo dhiibaan kun buntuq, fardo, geel iyo rag ku diriro intaba. Haddii ay arrintaas kasoo bixi waayeen waxay sheegteen in Sayidku ugu hanjabay inuu baabi’in doono.

Waqtigaas xiriirka ree Afgaab iyo kan Daraawiish ma wacnayn sababtoo ah waxay magan galiyeen Bah Habar-Celi (Makaahiil, Ogaadeen) oo Sayidku dagaal kala dhaxeeyay. Culayski isaga ahaa wuxuu ree Afgaab ku riixay inay u kicitimaan JL. Intii u dhaxaysay 1907’di iyo 1914’ki waxaa soo gudbay tiro ballaaran oo Cawlyahan ah.

Halka ree Afgaab iyo inta badan beesha Cawlyahan ee gudubtay aysan xariir wacan la lahayn daraawiish, Marreexaanka galtida ahaa waxay si ballaaran taageero ugu hayeen halgankii Daraawiish, qaar badan oo ka mid ahna dagaaladi Daraawiish gashay ayay ku jireen.

Marreexaanka [Gedo joogay waqtigaan] wuxuu kala baxay labo: Xasan and Isaaq (Ilma Gaalshireedle). Ree Xasan waxaa la filayaa in ay tahay beeshi marreexaan Gedo ugu hortimid. Deegaankoodu wuxuu gaarayay cirifka Koonfureed waxayna laahaayeen xoolo aad u badan. Waxay doorbidayeen hab nololeedki hore (status qua) ee sii jiray saamaynta Sayidkana ma aysan soo dhawayn maaddaama galtidi yaacaysay ee Sayidka raacsanayd ay ahayd Isaaq [Isaaq Gaalshireedle] kuwaasoo dhib dhac uu ka mid yahay ku hayay.

Isaaq waxaa loo sii kala qaybin karay afar lafood: Ree Faarax Ugaas, ree Axmed Weyd, Cali Dheere iyo Talxe. Hab qaybinta muhiimmadda leh se waxay ahayd midda ku fadhida Guri [kuwii sii joogay] iyo Galti [kuwa hadda soo galay]. Galtidu waxay yimaadeen iyagoo gacmo maran oo sito buntuqyo iyo rasaas kaliya. Dabiiciyan waxay rajaynayeen inay xoolo ku tabcan doonaan dhac iyo boob taas ayaana horseedday dagaallo gobalka ka curto. Hubka tira dhaafay ee Galtidu la imaanaysay, kaasoo ay kasoo haleen ka garab dagaallankii Sayidka, isna wuxuu walaac ku abuuray maamulka Ingiriiska ee carrada xukumay.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

la soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here