Xeerarka la soo saaray xal ma u yihiin sicirbararka Guurka?

0
205

Isbaddal xawaare dheereeyo ku socdo ayaa ku habsaday nolosha dadka Soomaaliyeed. Dhinac walba oo nolosha ka mid ah waxaa hareeyay mowjado iyo hirar is garbinaya oo dhalan rogay hab nololeedki la yaqaannay. Qoyska ayaa ah meesha ugu badan ee laga daymoon karo taqayurka socda. Dhalinti lab iyo dhadigba waxay ka daahayaan guurki. Goor dhowayd ruxii 24 sano ku gaaro guur la’aan waxaa la saari jiray cadaadis uu ka seexan waayo. Haddii ay gabar tahay waxaa ku yeeri jiray magac aan dhagaha u roonayn oo guumeys la yiraahdo. Maanta kuwii soddon sano tirsaday wali guur nooma gaarin walwalna kama qabno.

Waxyaabo in laga wada hadlo iska daaye, gaalnimo iyo Alle diidnimo loo yaqaannay ayaa maanta caadi u ah lammaaha aqal galayo in ay iska waraystaan. Inta ilmood ee qoyskaan yeelanyo  ayaa laga niqaashaa waqtiyada haasaawaha; marar go’aan la isla ogalyahay ayaa laga gaaraa dadab-galka ka hor. Hasa ahaatee, kuwaan xanuunkooda wali lama dareemin. Ragga oo ah kan had iyo goor go’aamiyo nolosha bulshada kuna sargooyo sida iyaga u roon, lur badan kuma hayso mushkiladdaan yarayn doonto ubadka dhalanayo. Sababta ayaa ah inuu badan yahay guurka xaasas dhowr ah oo awlaad badan laga dhali karo.

Halka xanuunka laga dareemay ayaa ah sicirbararka ku yimid qiimihi guurka kaasoo damallo ololaya oo ay adagtahay in la tallaabo ku horgooyay raggii guur doonka ahaa. In la badsado iska daaye waxaa la tahli la’yahay mid qur ah. Xal iyo xeelad raadin aan mushkiladaha kale ee qoyska jiro aan loo doonin ayaa la galay. Odayaal iyo wadaaddo awal guurka gabdhaha ay dhali karaan u sahlanaa ayaa billaabay soo saaridda shuruuc adag. Waamo ayaa ugu badan meelaha sharciyada lagu soo rogay. Baladxaawo, dhowr sano ka hor ayaa la gooyay qiimo aysan cidna dhaafi Karin. Gaarisa darraad ayaa qiimo  cayiman loo jaray meherka iyo qarashaka arooska. Xeryaha Ifo iyo Xagar-dheer iyagu xeerki adkaa waxay ku dareen dhow. Culimo iyo garcaddaa ayaa habaar haamaha uga buuxshay ruxii dhaafiyo arooskiisa qiimaha ay gooyeen. Su’aashu waxay tahay kan xal ma yahay? Ma yarayn doonaa dhibaatada ka jirta qiima kaca guurka? Ma suuragalin doontaa in dhalintu yaraan ku guursato? Waxaan rumaysnahay maya?

Waxaa muhiim ah in la fahmo mushkiladda waxa keenay ka hor inta aan xal la raadin. Isbaddallada dhaqan-dhaqaale waligeed waa socdeen. Horumarka aadanuhu higsanayo meel kale ma galo ee waa hagaajinta dhaqanka iyo kobcinta dhaqaalaha. Iyadoo sidaas caqligu tusayo ayay Soomaalidu had iyo goor isbaddalka cusub ku sheegtaa calaamd qiyaamo iyo suur-gaddoon. Maansayahannadii noola horraanti iyo bartamihii qarnigii 20aad waxay noo reebeen maansooyin na tusayo sida ay u arkayeen isbaddalladi waqtigooda kusoo kordhay nolasha qoyska iyo hab nololeedka guud. Allaha u wada naxariistee Ismaaciim Mire, Guulleed Jucfe iyo Maxammuud Cali-Beenaleey intuba waxay ku tilmaameen isbaddaladi ay la noolaayeen mucjiso soo korortay iyo astaan muujinayso dhammaadka dunida. Sidaas darteed isbaddal cusub la yaab ma leh waxa se amankaagga leh ayaa ah in ilaa maanta aan u fikirno sidii raggii noolaa boqol sano ka hor. Waayuhu wax nama barin,  aqoontuna nooma kordhin fahan xallilo mashaakilka na wajaho. Wali yaamuddiinki ayaa la gaaray bay noo joogtaa.

Taas waxaa ku tusayo dadka soo saaray xeerarka uma guurgalin, baarid kuma aysan samayn xirfadna uma laha inay hubiyaan waxa keenay mashaakilkaan. Xogta kaliya ee ay nala wadaagaan waa inuu dhib jiro iyo go’aanka ay ka gaareen xalkiisa. Waxay u sawiraan arrin ugub ah oo hadda cirka un ka timid haddii la cabburiyana aasmi doonto. Baariddu waxay sahashaa in la ogaado nooca dhibka na haysto; waxa dabada ka riixayo, inay jiraan dad nala qabo iyo inuu horay usii jiray. Haddii la helo dad uu horay u qabsaday maxay ku xalliyeen mase lagu dayan karaa.

 Arrintaan waa dhibaato dunida waa hore kusoo biirtay laakiin innaga hadda na soo gaartay. Isbaddallada nolosha ku dhaca dunida waxay kasoo galaan dhinaca Galbeeedka. Innaga waxay noo soo martaa Carabta. Taas oo ka dhigan inay nasoo gaarto boqol sano ka dib markii ay meelo kale kasoo ifbaxdo. Hadda se tegnoolajiyadda ayaa fududaysay in dhibkii waqti dheer soo socon jiray waqti yar dhunidu isku daarato. Isbaddalkaan wuxuu galbeedka ka bilowday 70 sano ka hor, Carabta soddon sano ka hor ayuu soo gaaray shan iyo tobanki sano ee lasoo dhaafay ayuu annagana na saameeyay.

 Qiimaha guurka ee dalka Hindiya wuxuu u dhaxeeyaa celcelis ahaan $2800 ilaa $710,000. Shan meelood meel ayuu qofka Hindiyaanka ahi gubaa habaynka arooska kaliya wuxuu hanta tabcaday. 2018’ki celceliska lammaane Maraykan ah aroos ku dhigtaan wuxuu ahaa $34000; Ingriisku wuxuu ahaa $39000, Shiinaha $12000. Marki dhinaca Carabta loo tallaabo waa af kala qaad. Lammaane ree Imaaraat ah celcelis arooskooda waxaa ku baxo $186000, Sacuudi waa $185000.

Waxaa keenay waa un kaliya isbaddalka dhaqaale ee dunidu ku tallaabsatay. Qolo walba marki dhaqaalaheedu meel gaaro ayay bilowdaa isbadal dhaqan-dhaqaale oo bulshada ku dhaca. Meesha ugu horrayso ee laga dareemo ayaa ah qoyska oo ah meel aad u nugul. Sida goor dhawayd uu guurku noogu ahaa arrin qoys u gaar ah ayay dunidu dalba mar ahaa. Maanta guurku wuxuu noqday bare lagu soo bandhigo awoodda dhaqaale ee qoys leeyahay. Waxaa laga dhigay madal la isugu faano oo qofku dhoollo-tus ku sameeyo. Meherka gabadha ayaa noqday kobta laga ogaado maqaamkeeda iyo muunada ay bulshada ku dhex leedahay. Qiimaha arooska ayaa laga dhigay calaamad u taagan inta ninka guursanayo jecelyahay inanta. Mansab, maxabbo, maal iyo muunaba ruuxa meesha uu bulshada kaga jiro ama jeexiisa kale uu ka joogo arooska qiimaha ku baxo ayaa lagu soo koobay!

Halkaas waxaa ka ogaannay in mushkiladdu caalami tahay, dunida oo dhanna ay wada saamaysay. Sidoo kale waxaan ogaannay inay tahay marxad qasab ay tahay in la maro oo sunnada kawniga ah ee Eebbe ka mid ah. Markaa waxaa qasab ah inaan aqbalno inaan marayno marxaladdaan. Hasa ahaatee taasi kama dhigno inaan indhaha ka eegno oo aan gacmaha ka laabanno. Mar haddaan aqbalnay mushkiladda xalka aan raadinayno wuxuu noqonayaa side lagu yareeyaa halki waqti lagu lumin lahaa sidee lagu dabar-gooyaa ama looga hortagaa cudur la hubo inuusan dabar-goyn bulshadana horayba ugu dhex faafay. Anigu sidaan ayaan u arkaa in lagu yarayn karo saamaynta uu nolosheennu ku yeelanayo qiima-kaca guurku.

Wacyi-galin. Waan hubaa inaad dhihi doontaa wacyi galin iyo wacdi wadaaddadu ku daale wax kale sheeg. Haa waa ku daaleen laakiin ciddii ay qusaysay lama wacdiyo. Culimadu waxay la hadashaa dhallinyarada waliba gabdhaha oo loo ammaano wanaagga guurka jaban iyo barakada ku jirto. Dhalinyara da’daas ah wacdi ma dhagaystaan, haddii ay maqlaanna saamayn badan kuma yeesho. Waxay ku jiraan marxalad kuwii masaajidda lagu koriyay ee aan waligood muusig maqal heesaha nafta ugu raaxeeyaan. Wacdi iyo waano midna ma galo. Markaa wacdiga culimadu wuxuu ku dhacaa dhago awdan.

Waxaan qabaa wacdiga in lagu jiheeyo waalidka. Waalidku hadduu go’aansado inuu gacan buuxa ka gaysto guurinta ubadkiisa wax badan ayaa fududaan lahaa. waxaan is leeyahay haddii sida wiilasha guurkooda waalidku uga fikiro gabdhahana xisaabta uu ugu darsan lahaa waxaa bixi lahaa jid. Waalidku wuxuu yeeli karaa inuu gabadha ku dhiirrigaliyo inay wiil la timaaddo; inuu u sheego inuu taageeri doono haddii ay u keento wiil ay rabto oo wanaagsan hadduu rabo ha jeeb yaraadee; inuu u sheego in noloshu tahay wada noolaansho ee aysan ahayn habaynka arooska. Waxaan u jeedaa inaan iraahdo haddii waalidku wacyigalinta qayb ka noqdo waxaa meesha ka bixi lahaa walwalka gabdhaha ee ah waalidkeey oo intaas oo sano i korinayay inaan culaab kale u keeno ma rabo. Middaas ayaa in badan gabdhaha ku qasabto inay guurka ka ragaan waayo waxay goobayaan nin wax haysto oo aroos lagu farxo iyo guri laga dhargo isugu daro sidaasna uu waalidkeed ku raalli noqdo.

Haddii Hindidu shan meelood meel xoolahooda habaynka arooska gubaan, innagu waxaan gubno waa xoolo qaaraan iyo aruuris lagu keenay. Dhallinteennu inta aysan guursan ma shaqaystaan. In loo guuriyo oo waliba kan ugu qaalisan loo dhigo ayay rabaan. Waxay isla simaan ragga hodanka ah. Waayo waxay ku doodaan hadduusan ka nasab fiicnayn kama aroos fiicnaan karo. Waxaan joogay aroosyo saddex ah oo isku bil dhacay. Saddexduba rag aan ila adeer labaad nahay ayaa dhigtay, labada hore waxay ahaayeen rag ladan oo aroos qaali ku ah halki ay ku noolyeen ayay dhigteen. Midki saddaxaad xataa guri uu dago ma heli karin. Wuxuu se ku adkaystay in loo dhigo aroos la mid ah kuwii labadii kale. Walaalkii oo gurayo qaaraan lagu dhigo arooskaas qaaliga ah ayaan kulannay. Wixii la igu soo qoray markuu iga qaaday baan iri “go’e aan ahayn wiilku wax ma hasytee xoolaha ha ka qasaarin ee aroos jaban u dhig inta kalana ha quutee sii”. Wuxuu iigu jawaabay “walaal wiilku ilma adeerradii ka liidan maayo” taas oo uu ula jeeday arooski labadi hore oo kale waa inuu dhigtaa maaddaama rag abtir siman ay yihiin.

Dulucda aan u socda ayaa ah, in wacyi galinta iskoollada la geeyo. Maahajka waa in lagu daraa tarbiyada nolosha iyo inuu qofku isagu isku tashado tabartiisana ku arooso kuna noolaado. Caruurtu inta ay yaryihiin ee aafada quluubta wasaqayso aysan qaadan, wixii la baro saamayn raagto ayay ku yeelataa. Sidaas awadeed, waxbariddu waa inay da’ aad u yar ku billaabataa. Middaas inaysan hadda tan taagan wax weyn ka baddalin ayaa laga yaabaa, laakiin jiilka hadda soo kacayo ee saamaynta ugu badan ee dhaqankaan uu dhici doono ayay badbaado u noqon.

Haddaan soo kobo duduubta, taariikhda aadanaha ma soo marin, dhaqan qasab lagu baddalay. Nabiyadu ma isticmaalin ganaax iyo gacajuglayn si ay u baddalaan dhaqammadi xumaa ee loo soo saaray inay wax ka qabtaan. Qasabku dhibki ayuu dunka sii geeyaa ee xal ma noqdo. Haddii aysan dowlad fulisana waaba hadal tiro. Habaarka laga dhigay booliski ilaalin lahaa fulintiisa in la aqbalo oo ummaddu rogmato ayaaba laga baqaa. Jidka ugu fudud waa waano iyo wacyi galin. Waanadaas waa in lagu abbaaraa cidda mudan ee xalku la jiro, waa waalidkee, iyo waqtiga ay saamaynta yeelan karto waa carruurnimada e.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here