Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q5

0
587

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal dhacdo kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobin qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

Waxaa inoo danbeysay maamulki Ingiriiska oo walaac xooggan ka muujiyay hubki sida siyaadada ah ay ula imaanayeen Galtidi Marreexaan ee dhinaca Waqooyi ka imaanaysay.

1909’ki wadaad la oran jiray shiikh Cabdi-Baari Shariif oo wakiil ka ahaa dowladda Ingiriiska ayaa la kulmay odayaashi Marreexaan. Cabdi-Baari wuxuu ku yiri odayaashi maamulka dhawaan ayuu dhulkiinna soo gaari doonaa. Waxaa la idinka rabaa inaad xallisaan wixii khilaaf ah ee dhexdiinna ka jira ka hor inta uusan imaan wakiil boqoradda oo lagu magacaabo Zaphiro.

Wax saamayn ah ma yeelan farriinti Cabdi-baari. Zaphiro oo ka wakiil ahaa boqoradda Ingiriiska ma uusan lahayn awood uu ku meelmariyo amarradiisa. Sidoo kale, gaarsiinti maamulka dhulka Marreexaan kuma dhicin waqtigii loo qorsheeyay. Qorshihii uu keenay Major Gwynn, marki uu ka warbixiyay sahankiisi xog-aruurinta ahaa ee ku saabsanaa xudduudka Itoobiya iyo Ingiriiska [dhulka ay labadaan dal xudduudka kula xarriiqanayaan waa dhulka Soomaaliyeed ee la socda] qaanad ayaa la iska galiyay. Iyada oo ay sabab u ahayd in xafiiska gumeystuhu sheegay in arrintaas lacag badan u baahantahay haddana aan loo hayn.

Illoowse, 1910’kiba waxaa muuqatay in Marreexaanku xargo-goosytay. Gumeystahi Talyaanigu wuxuu kasoo cawday Marreexaan dhinaca Ingiriiska ka imaanayo oo xoolo ka dhacayo Soomaalida ku nool dhinaca Talyaaniga. Itoobiya waxay sheegatay in Marreexaan soo weeraray. Dhulka Ingiriisku xukumay Soomaalidi ku noolayd iyaduna kama nabad galin oo Garre iyo Cawlyahan ayay weerar ku qaadeen. Arrintaas waxay sara u qaadday iibisgi hubka waxaana aad u kordhay qabaa’illada doonayo inay hub iibsadaan ay isku difaacaan.

Bishii Jun 1910’ki Cali cabdi oo ahaa wakiilki maammulka wuxuu ku warbixiyay in dhawaan wax walba gacantiisa ka bixi doonaan. Wuxuu sheegay in qabaa’illadu hub tiro dhaafay ay iibsanayaan isna uusan ka joojin karin in dowladdu u ballan-qaaddo inay Marreexaan ka ilaalinayso mooyee. [sheekadaan ah Marreexaan ayaa dadkoo dhan dagaal ku waday inaysan dhab ahayn ayay u badan tahay balse ay ahayd warbixinti ay gudbiyeen wakiilladi Ingiriiska oo soomaali ahaa kana soo jeeday qaar ka mid ah beelihii daaqa la isku hayay]. Taasi waxay sii xoojisay fakerki ahaa in Marreexaan hubka laga dhigo.

Sanadihii 1909’ki ilaa 1910’ki waxaa imaanayay warar xooggan oo sheegayay dagaallo dhexmarayay Marreexaan iyo beelihii deriska ay ahaayeen. Marki hore waxay weerar ku ekeeyeen Garre dagganaa Ceelwaaq. Laakiin waxaa lasoo jabiyay markii Ajuuraan la saftay Garre. Ka dib waxay xoolo badan kasoo qaadeen ree Afgaab (Cawlyahan) dagganaa Doolow agtiisa. Ree Afgaab raacdo ah ayaa kasoo daba duulay balse ma aysan helin Marreexaan ay ka aar-gutaan taasoo baddalkeedi ay ku ciil baxeen Gabaaweyn dagganayd dhinca Talyaaniga oo aysan waxba ooga soo tagin.

Dhinaca kale, xiriirka dhexmarayay Marreexaan iyo wakiillada Sayidku waxay u muuqdeen kuwo sii xoogaysanaya. 1909’ki Cabdullahi Mooge Cige oo duullaamo ka waday agaggaarka webi Shabeelle ayaa warqad u diray Marreexaan taasoo uu ku sheegtay in Sayidku usoo magacaabay guddoomiyaha Jubbaland. Sidoo kale, waxaa la isla dhexmaray in Sayidka adeer, oo la oran jiray Amin, uu yimid Koonfurta Soomaaliya uuna sheegay in Sayidku heshiis la galay Itoobiya.

Ka dib, 1910’ki waxaa lagu soo warramay in madixii beesha ree Axmed oo la oran Shire Jaamac uu isu diyaarinayo inuu boos la mid ah kan Sayidka [macnaha hoggaamiye gobonimo-doon]. khatarta ka soo muuqanaysay xiriirka dhexmarayay Sayidka iyo beesha Marreexaan wuxuu ahaa mid dhab u muuqday waqtigaas. Hope, oo ahaa taliyaha ciidamadi NDF oo dhawaantaas la sameeyay, ayaa codsaday ciidamo dagdag ah oo uu ku joojiyo in xiriirkaasu dhib abuuro loo soo diro. Ha yeeshee codsigiisi waxaa is-hortaagay barasaabki gobalka Sir P. Girourd oo go’aan ka qaadan waayay in dib u garasho la sameeyo iyo ciidamo xoojin ah la diro.

Bishii Juun 1910’ki Ingiriisku wuxuu xarun ka samaystay Sarinley (Baardheere). Balse tan ma horseedin hub ka dhigis dhaqso ah. Ujeedka ayaa ahaa in lagala socdo dhaqdhaqaaqa Marreexaan ee maahayn gaarsiin xukunka gumeystaha. Waxaa la filayay in xukunku iska gaari doono carrada oo dhan si tartartiib ah iyadoon dowladda lacag badan uga bixin.

Ha yeeshee go’aankaan waxaa ka horyimid korneyl Thesiger oo ahaa Inisbaktarki guud ee guutadi King’s Afrikan Rifles. Kornaylku wuxuu ku dooday inaysan suuragal ahayn in ciidamada dowladdu joogaan meel aysan faragalinayn murannada u dhaxeeyo qabiilooyinka [halkaan wuxu ku muujinayaa in masuuliyad ka saarantahay kala celinta beelaha Soomaalida. Ma is tiri madaxda Soomaalida iyagaaba halkaan ku dhaamo]. Maaddaama uu Marreexaan ku ahaa midka la ilaalinayo, lama dhayalsan karo muhiimmadda ay leedahay in hubka laga dhigo ayuu yiri Kornaylku.

Arrinta hub ka dhista Marreexaan waxaa sii xoojiyay marki ay soo baxday warbixin sheegtay in beelaha Garre, Maxamed Subeer (Ogaadeen), Cawlyahan (Ogaadeen) iyo Marreexaan ay ku jiraan hub gadasho xooggan ujeedkooduna yahay inay isu qalab qaadaan. [Bal u fiirso, iyagu waxay u hub gadanayaan inay is laayaan, dalkina waxaa si xawli ah ula wareegayo saancadde].

Maamulki Ingiriisku wuxuu u muuqday inuu galayo duullaan uusan diyaar-garowgiisa ku jirin. Halka Thesiger uu dabada ka riixayay hub ka dhigis lagu sameeyo Marreexaan, Girourd wuxuu ku adkaysanayay in aan arrintaas la samayn sababtoo ah buu yiri “waxaan u cabsi qabaa ciidamada dhawaan la dajiyay Doolow”. Isla mar ahaantaas Girourd wuxuu u arkayay jidka loo maro Doolow in aysan khatar amini ka jirin iyo in siyaasadda ugu fiican ee Marreexaan lagula dhaqmo ay tahay in la kasbado kalsoonidooda iyadoo loo marayo maamulka oo dhulkooda la gaarsiiyo. Sidoo kale wuxuu ku dooday in haddii hubka laga dhigo ay khatar ugu jiraan in Itoobiyaanku qabsado.

Harcourt oo ahaa xogyaha gumestaha wuxuu ayiday Girourd marki hore. Hasa ahaatee, weerarrada uu Marreexaanku ku qaadayay beelaha loo arkayay saaxiibka maahayn mid la iska indha-tiri karay. Sidoo kale, mowqifka Girourd maahayn mid sugan. Mar waxaa kasoo yeertay in Marreexaan hub ka dhigis lagu sameeyo, marna wuxuu ku dooday in aan loo baahnayn, mar kale wuxuuba soo jeediyay in la hubeeyo beelaha xudduuda daggan oo dhan.

Laakiin siyaasaddi lagu sheegay kor-joogtaynta waxay ahayd mid is-baraanbar iyo mugdi ka buuxo. Intii badnayd sanadkii 1911’ki waxaa loo malaynayay in maamulki iskiis u fidi doono, iyadoo isla markaasna Soomaalida arrimahooda loo daynayo inay xallistaan. Balse 1912’ki maamulka oo is-ballaariyo waxaa lala xariiriyay in hub ka dhigis lagu sameeyo beesha Marreexaan.

Had iyo goor waxaa jiray dad qabay in hub ka dhigista Marreexaan ay tahay howl fudud. 1911’ki safar ballaaran oo dowladda ah ilaalo badanna aan wadan ayaa ka gudbay dhulka Marreexaan iyadoo loola dhaqmay si saaxiibtinimo ah. Tani waxay sii xoojisay in hub ka dhigis Marreexaan si fudud lagu gaari karo. Laakiin taasi ma dhicin ilaa laga soo gaaray 1913’ki goortaas oo mid kooban lagu sameeyay ree Faarax Ugaas kuwaas oo si gaadmo ah lagu qabtay looguna guulaystay in tiro hub ah laga aruuriyo. Tani waxay adkaysay in qaybaha kale beesha Marreexaanna sidaas oo kale lagu samayn karo.

La soco qeybta 6aad

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here