Dhanna uma Fayooba! Duruufaha ku xeeran ardayda Muqdisho

0
819

Waxaan qoraalkaan idin kugu soo bandhigi doonaa caqabadaha adag ee soo wajoho ardayda Xamar jaamacadaha ka dhigato. Waxaan ka eegi doonaa dhinacyo aan is leeyahay muhiim bey inoo wada tahay inaan wax ka wada ogaanno si inta hadda jaamacadaha dhigataa ay u helaan fursad ay isku hagaajiyaan mustaqbalkoodana ay dib ugu dhisaan, kuwa hada dugsiyada sare ka soo baxayana ay dunida uga raadsadaan waxbarasho tayo leh waddankoodana ay ku xisaabtamaan inuu dayac la daalaa dhacayo ayna oogu tala galaan qorshayaashii waddanku tayo ku lahaan lahaa.

Waxaan rajeynayaa wasaaradda waxbarashada dowladda federalka Soomaaliya doorka ay iyadu leedahay iney ka qeyb galiso oo ay gacan haadiso aqoonyahannada soomaaliyeed ee caalamka daafihiisa ku kala maqan ee taqasuskoodu yahay manhajka iney hor dhigto kalana tashato dib u xoojinta manhajka waddanka ee tacliinta sare.

Waxaan ka jawaabi doonaa su’alo dhowr ah sida, caqabado noocma aha ayaa kasoo wajoho nolosha ardayda Xamar jaamacadaja ka barata? Waa sidee ku noolaashaha Xamar? Ilo noocma ah ayey ardaydu ka helaan aqoonta?

Waa sidee xaalka ardayga Muqdisho wax ka barta

Ardayda jaamacadaha Xamar ka barata waxay dugsiyada sare ka soo baxaan iyagoon luuqadda English-ka lahayn awood ay ku adeegsadaan iyagoo sidaas ahna waxay bilaabaan jaamacaddii waxaana ku adkaada labo arimood.

1)fahamka duruusta ku baxdo luuqadda Ingiriiska

2) iyo iney iney aqris iyo mudaalacayn sameeyaan luuqadda oo liidato darteed.

Waxaa ay ku ekaadaan inta ay soo diyaariyeen barayaasha oo ay xifdiyaan si ay imtixaanka uga baxsadaan qaarna xil iskama saaraan.

Aqriste Xamar ardayda jaamacadaha dhigato maxaa keenay iney luuqadda ka liitaan iyadoo degma waliba oogu yaraan 6 bareefad ay ku yaalaan oo dhamidood luuqadda Ingiriiska lagu barto? Jawaabta ayaa ah guud ahaan barayaasha iyo macaahidda luuqadaha qaabilsan lagama barto ruux wax anfoco ee waxaa laga bartaa af suuqa caadiga ah ee looga yaqaano Xamar iska dhici facaa.

Hanjabinta baraha macallinka ka ah jaamacaddaha Xamar ku yaal ayaa iyaduna saamayn ku leh waxbarshada ardayda. Baraha wax ka bara jaamacadaha ku yaal xamar ayaan ardayda si toos ah oogu lahayn saamayn ay ku kordhiyaan aqoontooda iyo iney sare u qaadaan xirfaddooda luuqadeed baddalkeeda wuxuu u diyaariyaa waajibaadkii iyaga saarnaa oo ooga baahnaa iney soo baaraan sida camalka mas’alo kooxeedka (assignment) fasallada la iskaga diro bishiba mar ama labo jeer. Waxaan arkay oon sheeko yeelannay arday kala dhigata jaamado kala duwan, waxaad arkaysaa bare diraya in la soo diyaariyo mowduuc xilina uu uqabto, markii lagaaro waqtigii oo ardaydu ay keenaan nasiib darro barihii maba fiirinaya oo mudnaanba siin mahayo. Aniga 3 jaamacadood oon koorsooyin ka diyaariyey baan arkay mid kamid ah maalintii aan shahaadada qaadanaayey baa arday waliba waxaa loo diray mowduuc inuu soo diyaariyo nasiib darro waqtigeedii markan soo diyaarsanay baa barihii wuxuu noogu jawaabay muhiim maahan inaad soo jeedisaan.

Si lamid ah waxan wareysiyo la kala yeeshay arday iyaguna dhigta jaamacadaha qaar oo ku xamaasha bajaaj(pajio) magaaladana ku dhameysta maalin iyo habeen kala daabulidda dad weynaha iyo macaamiishooda iyagoo middaa ay u dheertahay ardaynimo oo jamaacaddii ay ooga baahantahay waajibaadyo kala duwan. Waxaan weydiiyey sideed shaqadaan iyo iskugu keentaan la socoshada jaamacadda? markaa ayey jawaab iga dhigeen jaamacaddu lacagteeda ayey naga rabtaa waana siineynaa oo imtixaan ka baaqan meyno muhiimaduna waa baakaddaas inaanu helno maalinta qalinjabintana waan xaadireynaa cajiib!!!.Guud ahaan ardayga Muqdisho wax ku bartay waxaa u furan inuu asaga naftiisa ka dhiso kaliya inuu ka gudbo caqabadda aqriska iyo fahamka.

Waa sidee nolosha ardayga muqdisho wax ka barta?

Qodobkaan waxaan kusoo koobi doonaa ammaanka iyo saameynta uu ku leeyahay nolosha ardayga Muqdisho wax ku barata. Ammanaka caasimadda oo dhan waliba markii laga fiiriyo waa halis maalinle ah umaddana aysan mudnayn iney kusii jirto. Waxaa abaaday farxaddii iyo hammuuntii loo qabay iyo weliba ku faaniddii waxbarashada waddanka ahayd iyadoo dadkii naga horeeyey ee hada wax yar ka hareen markii aad wareysato wax ku barshaada wadanka gudihiisa ay ilini ku hibitiqayso macnaha ay lahayd iyo maqaamkii ay joogtay bari samaadkii iyo sida waaya aragnimada waddanka loo leeyahay ay u suureysneyd middaas oo ay kuu caddaaneyso in abadanba meesha ay ka baxday fursadii indheer-garad ardaygu ku noqon lahaa sida inuu fasaxa waddankiisa ku dhex safro oo kale oo uusan awood u lahayn inuu dhulkiisa barto, inuu cilmi baaris soo sameeyo isagoo dhulka ku safraya cabsi daraadeed iskaba dhaaf inuu safree gurigiisa iyo jaamacadda ayuuba walwal ka qabaa. Waxaa marka loo abasaxansanyahay in la helo ammaan loogu arxamayo ardayda mustaqbalkooda si jiilalka danbe ee inaga nagu xigaa ay uyeeshaan tusmo iyo dariiq ay iyaguna raacaan.

Waxay ardaydu iyagoo adaadaxayo aadaan jaamacadaha aadna u niyad jabsan oo ka walwalaya iney nolol ku soo noqonayaan iyo inkale oo mid waliba ogyahay hadduu qarax dhoco meeluu u afar qaado ineysan jiri Karin oo labada dhinac hub la iskaga shubayo ciddii sooctana ay haleeleyso xabaddaa midaas baa ardayga waxay ka dhigeysaa inuu noqdo mid ahbal ah. Middaas oo ay keentay  iney maalin waliba dhimanaya jiilkii lahaa la imaanshaha is bedal dhab ah, ka shaqeyn lahaa horumarka waddanka iyo xasiloonidiisa maadaama uu waddanka soo maray 27 sano oo bur bur iyo degaal sokeeye. Ardayga ku nool xamar wuxuu la noolyahay walwal iyo walaac uu ka qabo haddaad jaamacaddii saaka Alle kusoo bad baadiyey galabta aqoon kororsi uma bixi kartid ee gurigaaga iska joog wuxuu ka harayaa inuu ka faa’ideysto waqtigiisa iyo inuu cilmi kororsado waayo hadaad maqaayad fadhiisato ood ku daahdo dhimashada meel kuuma jirto, haddii uu maktab ku yaal magaalada aqris u tago waxaa tusaale u ha bun iyo bug oo arday badan naftoodii ku waayey qarax iyo dagaal maalmo ka socday ku waayey mustaqbalkoodii.

Ubaxa waddanka qarnigaan waxay mudnaayeen iney ayagu sabab unoqdaan badalka wacyigii iyo waayihii xumaa ee ina soo weheshaday laakiin maxay muteysteen? Waxaa dhinta aqoonyahan loo baahnaa inuu wadanka iyo dadkaba anfaco balse wuxuu udhexeeyaa inuu qarax ku dhinto iyo in laamiyada xaafadaha maro lagu dilo asagoo udhimanaya naftiisana ku waayaya taleefan qiima yar joogo

jaamacadaha xamar ka shaqayeeya waxay u dhisanyihiin iney soo saaraan lacag iyo baasidda arday aan aqoon lahayn.

Bare waliba wuxuu isticmaalaa xirfad ay jaamacadu farto oo uusan ka gubi Karin waana arimaha soo socdo, waa midda koowaade baraha jaamacadda wuxuu soo diyaariyaa buuga koorsada uu dhigaayo.  Labo mowduuc waliba maalinta uu leeyahay baa wuxuu ka soo bixiyaa inta uu is leeyahay wey ogu muhiimsanyihiin wuxuuna kusoo bandhigaa aaladda loo isticmaalo soo jeedinta ee (Microsoft PowerPoint presentation). saddex Wuxuu ku sharraxaa afsoomaali si loo fahmo. Afar Marka xilliga imtixaanka soo dhawaado wuxuu baruhu ardaydiisa u calaamadeeyaa inta imtixaanka uu ka imaanayo wixii uu u arko in ardaydu aysan xifdin Karin oo tusaale (Greek words) ah wuu ka reebaa asagoo tixgalinaayo mudnaanna siinaayo fahamka ardayga. Halkaas waxaa ku lumay shaqadii ardayga qaban lahaa iyo aqriskii waana sababta koowaad oo jaamacaddu u tahay midda keentay in uusan ardaygu is dhibin oo isagu wax is barin.

Sabata labaad oo jaamacaddu ooga qeyb qaadato taya xumada ardayga ayaa ah ardayga imtixaanka ku dhoco inuu leeyahay xafiis layiraahdo xafiiska imtixaanaadka iyo cabashada ardayga oo inta ardayga tago uu ka ashtakoonayo barihiisii haddana sheeganaya inuu mudnaa dhibco ka badan kuwa la siiyey, kadib laga dhageysanayo oo la leeyahay xuquuq buu leeyahay ardayga si loo meel mariyo waxaa loo yeerayaa barihii kadibna loo sheegayaa inuusan ardayda nacsiin jaamacadda iyadoo weliba loogu digayo jaamacaddu waxay ku dhisantahay ardayda oo aad mushaarkooda qaadataaa. Deetana ardaygii wuxuu helayaa 100% oo uusan la imaanin. Barihiina la leeyahay shuruucda noo deggan ayaa ah inaan mudnaanta koobaad siinno ardayda adigana shaqadaada dhowro

Sababta saddexaad baa waxay tahay jaamacaduhu ma lahan maktabado ay kulliyadaha ay bixiso maraajic iyo meel koorsooyinka wixii la xariiray dib looga daalacdo ay ka helaan ardayda Xamar wax ka barta. Waana nasiib darro weyn oo lagu luminaayo ubaxa waddanka usoo koraya iyo dib u dhaca waddanka saameyntiisa ku leh. (qorshaha wasaaradda ayaa horay loogu soo xusay) horay ayaan kusoo xusnay qodobkaan

Ardayga marxaladahaas kala duwan la soo kufay ayaa albaabka kusoo garaacaa sanadka oogu danbeeya ee bug qorista asagoo weli ka lunsan dowga, waxaana uu maciinsadaa 2 dariiqadood. Waa midda koobaade wuxuu qeylo dhaan u geystaa ardaydii kaga horeysay kulliyada uu ka baxayo oo buugtii ay kusoo qalin jabiyeen sanadkii hore soft-gooda ka raadsadaa, dariiqadda labaadna waa barayaasha oo iyagu habeen iyo maalinba utaagan iney caawiyaan ardayda aan heerkooda gaarsiisnayn iney qoraal ka baxaan oo ay garabkooda istaagaan sidaasna ardayga ayaa buuggiisa ku qoro oo ku  dufaacdo ka dibna xaflad qalin jabin ayaa loo qabtaa.

Ardaydaas waxay kusoo gaba gaboobaan 2 ilaa 3 arimood, waa kooxda koobaad waxay dib usii wataan shaqooyinkoodii ay ka midka ahaayeen wadista bajaajta iyo kabalyeerinimadii ay xilligii jaamacaddaba ay wateen. Waa kooxda labaade waxay deg deg u aadaan waddanka dibadiisa oo heerka labaad ayeey raadiyaan. Halkaan markaan mareyno aan kula wadaago barayaasheyda mid kamid ah taariikh uu inoooga sheekeeyey xilligaan jaamacadda bilaabaayey

“waxaa Xamar ka wada qalin jabiyey arday isku dufcad ahaa oo isku kulliyad ahaa waxaa uu ardaygaan ka baxay kulliyadda caafimaadka, waxaa la tagay waddamada Asia mid kamid ah, waxaa bilaabatay in imtixaan loo fadhiistay wadaadkii wuxuu ku dhacay imtixaankii koobaad, dabadeed waxaa la siiyey  saddex bilood oo uu isku soo dhiso intii fursadda loo siiyey markii ay soo dhawaatay ayuu bilaabay inuu isticmaalo walxaha maanka dooriyo oo uu asbuucyo ka dib ku daray qamri. Wadaadkii qolka kama uusan bixin mudo 2 bilood ahayd, waalidkiisa ayaa ku wareeray anaga ayey nala soo xariiraan waxaana usheegnaa in uu aqris ku mashquulsanyahay oo uu dadaal kula xareysanyahay guriga, waxaa dhamaatay waqtigii ay jaamacadda u qabatay balse wuxuu qortay warqad mudo kordhin ah waana laga ogolaaday waxaana loogu daray 25 maalmood oo muddo ah, asagoo qamrigii cabbaya ayey ku dhammaatay 25tii maalmoodna.

Kadib waxaan la xariirnay waalidkii oon la wadaagnay dhibaato kusoo korortay wiilkiisa wuxuu nagu amray inaan cusbital geyno waxaana u wadnay cusbitaal si aan u darisno xaalka uu ku suganyahay walaalkeen nasiib wanaag waxaa imaaday aabbihii oo waddan u dhaw markaa jooogay oo cusbitalkaba nagu soo gaaray, dhaqaatiirtii waxay sheegeen ninkaan inaan meelna laga hayn oo uu 100% caafimaad qabo laakiin ay usheegeen waalidka inuu soo wareysto asaga oo dib ay iskugu laabtaan, aabbihii ayaa wiilkiisii huteel inta geeyey wareysi u qaatay oo si wanaagsan waqti oola qaatay, wuxuu weydiiyey aabbe waligey waxaad u baahato ma iga weyday?

Markaa ayuu yiri maya aabbe, haddaba runta jirto adiga unbaa oge ii sheeg dhibaatada ku haysato si aan kuu caawiyo waxaad rabtana aan kuugu sameeyo. Wuxuu ku jawaabay aabbe aniga mustaqbalkeyga adaa iga lumiyey oo markaan dugsiga sare dhiganaayey waxaan jeclaa inaan barto kulliyadda teknolojiyadda balse adaa ii diiday oo waxaad igu amartay inaan caafimaad barto aan jecleyn oo koley tahay aan cirbaddaba necbahay waan usoo dulqaatay intaan digriiga soo sameynaayey laakiin waan niyad jabay oo waxaan rabin ma sii wadi Karin sidaas darteed ayaan u galay mugdi iyo xaalad nololeed. Waxaa inankii dib u bilaabay in la yiraahdo waxaad jeceshahay hada biloow garabkaaga ayaa nahay dhammaanteena balse waa goorma!! Waa markii xeero iyo fandhaal ay kala dheceen ee sanado badan qasaareen.”

Sheekadaan gaaban waxaan ooga dan leeyahay waalidiinta habaabinaya mustaqbalka ubadkooda iney ogaadaan oo ay mudnaan iyo tixgalin siiyaan waxa ubadku markey dugsiga sare dhigtaan ay ku fakarayaan oo loo madax banneeyo dhismaha mustaqbalkooda.

So kooban, ardayda Xamar waxay wajahaan dufuuro adag oo saamayn ku leh waxbarashadooda. Caqabadahaan oo aan tiro lahayn ayaa waxay isugu jiraan kuwo jaamacadaha ay sabab u yihiin iyo kuwo xaalad amni xumo ku yimid iyo waliba ardaydu ay marki horaba wateen. Dhibaatooyinkaan is biirsaday ayaa adkeeyay in jaamacadaha dalku ay soo saari waayaan aqoonyahan iyo xirfadlayaalka dalku u baahan yahay.

WQ: Mohamud Abdirahman Ali

Kala xariir: mohamudabdirahman44@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here