Saamaynti uu Sayid Maxammed ku lahaa Gobalka Waamo (Jubbaland &NFD) By E R Turton. Q6

0
593

Afeef: qormadaan waa turjumaad. Waxaa qoray ninka magaciisu kor ku xusan yahay oo Ingriis ahaa sanadi 1969’ki. Wuxuu si gooni u eegayaa dhulki iyo dadkii ay arrintaan saamaynta ku lahayd. Anigu siduu u qoray ayaan usoo guurshay. Ku akhri qalbi saafi oo dhaliil iyo dhaaco aqbali karo balse ka hufan tuhin iyo xukmin. Xasuusnow in qoraagu eegay hal dhacdo kaliya taasoo macnaheedu yahay inuusan soo wada koobin qabaa’illaadi dhulkaas wada dagganaa. Wixii faahfaahin ah ee aan anigu ku daro waxaan galin qaansooyin. Maaddama aysan suuragal ahayn in xaraf-xaraf loo turjumo waxaan kusoo gudbinayaa macnaha qormada.

Waxaa noo danbeeyay in kolonyo Ingiriis ah oo aan hubaysnayn ay dhex martay dhulki Marreexaan ayna gaareen yoolkoodi iyagoon dhib la kulmin. Middaan ayaan keentay in lagu dhiirrado hub ka dhigis lagu sameeyo Marreexaan oo si kooban loogu guulaystay ree Faarax Ugaas. Marki beelihi kale ee Marreexaan ay arkeen waxa ku dhacay ree Faarax Ugaas waxay ku dadaaleen in aan la gaadin. Sidaas darteed waxay u howl galeen inay cududdooda mideeyaan. Waxay heleen hoggaamiye howshaas ku habboon waa Xaaji Maxammed oo Cali-dheere ahaa.

Xaaji Maxammed markiisi hore wuxuu ka mid ahaa asxaabti Sayid Maxammed Cabdille Xasan. Sidoo kale waqti badan ayuu Mako kusoo qaatay wuxuuna Jubbaland kusoo laabtay Julaay 1913’ki. isla markiba wuxuu noqday qofka ugu saamaynta weyn Marreexaan. Waxaa la isla dhexmaray inuu qorshaynayo inuu kacdoon ballaaran ka sameeyo Jubbaland. Sidoo kale waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegayay inuu bishii Agoosto 1913’ki Sayidka u cid-dirsaday.

Laakiin Xaaji Maxammed wuxuu dhib ku filan kala kulmay inuu mideeyo beesha Marreexaan. Beesha ree Axmed, ayaa marki hore ahayd tan ugu saamaynta badan siyaasad ahaanna ugu muhiimsanyd Isaaq Gaalshireedle. Laakiin imaanshihi isdaba joogga ahaa ee galti ayaa ree Faarax Ugaas ka dhigtay tan ugu badan Isaaq Gaalshireedle. Marki la joogay Waqooyi ree Faarax Ugaas ayaa loo tixgalin jiray hoggaanka Marreexaan. Marki ay Jubbaland yimaadeen waxay dalbadeen inay dib u helaan saldanadoodi.

Dhowr ka mid ah qudwadoodi [ree Faarax Ugaas] oo ka qayb galay dagaalki Jidbaale ee 1904’ti [dhex maray Daraawiish iyo Ingriiski] iyo qaar badan oo galti ka mid ah ayaa taageeray. Laakiin baratankaan u dhaxeeyay Axmed Weyd iyo Faarax Ugaas ayaa ka dhigay mid mustaxiil ah in la helo isku-duubnidi gun-dhigga u noqon lahayd iska caabbin lagala hortago maamulki Ingriiska. Kaliya marki ree Faarax Ugaas hubki uu Ingiriisku ka dhigay ayuu Isaaq Gaaldhireedle gaaray isku-duubni sababtoo beelihi kale waxay dareemeen in ay qatar ku jiraan ree Faarax Ugaasna waxay ka tanaasuleen dalabkoodi ahaa marka hore saldanadi ha nala guddoonsiiyo.

Bilowgi 1914’ki isku daygi ahaa in hubka laga dhigo Marreexaan ayaa mideeyay, Xaaji Maxammed-na wuxuu ku guulaystay inuu ku qanciyo qaaddigi Marreexaan in dagaal iclaamiyo. Ka dib Marreexaan wuxuu isku dayay inuu taageero ka helo beesha Ogaadeen. Waxay u direen labo nin oo u dhalatay beesha ree Xasan inay u tagaan ree Af-waax (Cawlyahan, Ogaadeen) oo ay ku tashkiiliyaan inay dagaal Ingriiska ka dhan ah ku garab istaagaan Marreexaan.

Doodda sida ay usoo gudbiyeen ayaa ah mid xiiso leh: Marki hore waxay dhaheen ree Af-waax iyo Marreexaa waa wada dhaseen, Marka labaad haddii Marreexaan hubka laga dhigo, iyaguna sii haysan maayaan marka saddexaadna Islaam ayaan nahay [inaan is difaacno waa waajib]. Nidaamka loo ratibay codsiga ayaa cajab leh. Waxaa lagu billaabay habar-wacasho abtir [isku dhiig ayaan nahay macnaha Daarood ayaan wada nahay inaan isku hilbo dirirno waa xaq]. Waxaa lagu xijiyay danta ka wada dhaxayso oo ah inay is wada difaacaan intii marba qolo meel lagu cuni lahaa. Waxay ugu danbaysiiyeen diinta taasoo ah mid la yaab leh.

Marreexaan wuxuu hareereeyay saldhigyo dowladdu lahayd, dagaal xooggan oo dhacana waxaa baajiyay kaliya ciidan badan oo uu Ingiriisku soo aruursaday taasoo Soomaalidi ku dhalisay inaysan ciid ahaan kaga guulaysan karin Ingiriiska. Laakiin 1916’ki waxaa qarxay colaad kale ka dib marki Lutanent Elliot oo ahaa taliyaha ciidamadi lagu dilay Sarinley xaruntiisina cagta la mariyay.

Falcelinti ugu horraysay ee xafiiska gumeystaha waxa ahayd inuu u qaatay dad un bililiqo doon ah. Runti ahaanti guddoomiyihii gobalku wuu jahawareerary ilaa uu wax sharraxaad ah ka bixin waayay uuna si cad u qirtay inuusan fahmin waxa keenay kacdoonka Sarinley. Tani waxay keentay dareen ah in ay jiraan ujeeddo qarsoon iyo dhibaato la maagganyahay. Tan waxay horseedday madaxii gobalka uu ku taliyo in lala socdo dhaqdhaqaaqa Soomaalida xataa kuwa joogo Nayroobi.

Markiba waxaa la isla dhex maray in Sayid Maxammed uu ka danbeeyo kacdoonka. Sakrataariga guud ayaan ku andacooday in Cabdiraxmaan Mursal oo ahaa hoggaamiyaha xarunta cagta mariyay uu doonayo inuu noqdo sida Sayid Maxammed oo kale. Waxaa la xusay inuu marar badan Sayidka la xariiray oo uu kaalmo waydiistay tanna waxaa si dhab ah loogu qaatay in kaalmadi iyada ahayd ay soo gaartay. Bishii Sebtember 1916’ki waxaa suuqa lasoo galiyay in wakiillo ka socdo Sayidka ay Luuq yimaadeen xariirna la sameeyeen Cawlyahan oo ah beesha kacdoonkaan wadday.

Waxaa shaki sii dhaliyay marki qaaddigi Sarinley uu yiri “sidii Cabdiraxmaan uu Nayroobi uga soo laammayba arrinkiisu ma saxnayn” Dabcan Soomaalidi joogtay Nayroobi iyo Mombasa waxaa shukaansaday saamayna ku lahaa Sayid Maxammed. 1908’di Sayidka ayaa waraaq iyo boqol shilin u diray sheekh Axmed Juma oo ahaa qaaddigi Mombasa taasoo uu kaga codsaday inuu isaga iyo Soomaalida oo dhanba ay taageeraan.

Laakiin tagidda Cabdiraxmaan Mursal ee Nayroobi waxay u muuqataa inay ahayd mid dan gaar ah. Wuxuu aaday inuu guuriyo walaashii oo uu kasoo doontay nin ganacsade ahaa oo u dhashay beesha Isaaq [Iidoor] magaciisuna ahaa Xaaji Ciise. Saas oo ay tahay maamulki Ingiriiska wuu ogaaday in Xaaji Ciise horay loogu xiray Berbera isagoo loo haystay inuu yahay wadaad mayal adag. Haddiiba Cabdiraxmaan uu la kulmay Xaaji Ciise, ujeedka kulankaas maamulku hal si un buu ugu muuqday [inay isu bahaysan rabaan dagaal].

Dhab ahaanti, Cabdiraxmaan dhowr warqadood ayuu u diray qaybaha kale ee beesha Ogaadeen gaar ahaan Shiikh Xaaji Xasan oo ahaa qaaddigi Maxammed Subeer iyo Shiiqoodi ugu saamaynta badnaa. Hasa ahaatee dadaalkaas wax taageero ah kuma uusan helin. Waraaqaha uu diray Cabdiraxmanaan waxaa ka buuxay dhiirrigalin jihaad iyo inuu dadka ugu yeero iska caabbin balse Cabdiraxmaan wuxuu xataa ku guul-darraystay inuu arrinkaa u mideeyo beeshiisa Cawlyahan iskaba daa Ogaadeen kalee.

Weerar Sarinley ee Cabdiraxmaan Soomaalidu uma aysan arag mid gumeysi la dirir ee waxay u arkayeen mid un ku qotomo murannadi beelaha ka dhex jiray [sababta in noocaan la fakero keentay waxay ahayd in Ingiriisku jifada Cabdiraxmaan u sheegay inay soo celiyaan geel ay qolo kale ka dhaceen, ka dibna ay diideen, intaas ka dibna uu kama danbays u qabtay oo Ingiriisku ku hanjabay inuu soo weerari doono haddaysan waqtigaas geela ku keenin. Intii uusan Ingiriisku weerar soo qaadin ayay gacanta kala hormareen oo abaalkiisi ka waraabiyeen]. Kacdoonki Cabdiraxmaan halkaas ayuu ku burburay iyadoon dowladdu waxba ka felcelin.

Kacdoonki Sayid Maxammed wuxuu saamayn muhiim ah ku lahaa, inkastoo uu xaddidnaa, cirifka Koonfureed ee Soomaaliya. Geeddigi ree Afgaab iyo galti Marreexaan labaduba waxaa loo aanayn karaa jihaadkiisi. Hubki tira-dhaafka ahaa ee Koonfur-galbeed Jubbaland yimid qayb ahaan ayaa isna loo tiirin karaa. Intaas waxaa dheer in Marreexaan Gedo ay ku dhex milmeen galti badan oo ka mid ahaa ciidan Daraawiish ee sayidka ka barbar dagaallamay. Dabiici ahaan waa halkaan meesha kacdoon kii Sayidka la mid ah uu ugu dhawaa inuu ka kaco.

Laakiin waa in hal la xasuusnaado taasoo ah in Koonfurta aan Sayidka looga arkayn hoggaamiye diimeed sidii uu ka ahaa Waqooyiga oo kale ah. Ka saariddi laga saaray dariiqada Saalixiyada 1909’ki ayaa si xooggan u wax yeelleeyay sumcaddiisi dhinaca Koonfureed. Laakiin waxaa saamaynta ku yeeshay Koonfurta waxay ahayd u istaagi uu u istaagay in la iska xoreeyo gumeystihii ree Yurub. [Waxaa loo arkayay halyeey u istaagay xoraynta dalka oo ku dayasho mudan].

Halkaas ayay noogu xirantahay qormadii turjumaadda ahayd.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here