Dhibaatada uu leeyahay Forex-ka

0
485

Dhibaatada uu leeyahay Suuqa isku badalka lacagaha Qalaad , (Forex Market).

Dhaqalaha, Ganacsiga, iyo wax haynta Dadka somaliyed, oo awalba iska ahayd mid aan caga Quman ama Awood muqata ku taagneyn, Ayaad hada mooda inay soo shaac baxayso Arin Halis ku ah Dhaqalaha wadanka iyo xoolaha ummadda somaliyed.

Ganacsiga (Forex Market), oo ah ganacsi iyo suuq ku cusub saaxadda Ganacsiga soomalida, aqoon badanse aysan somalidu ulahayn ayaa Malmahan samayn ku yeeshay Suuqyadda iyo Ganansiga dadka soomaliyeed Qaasatan Magalada Muqdisho.

Forex Market, waa suuq lacaged kashaqeya isku badalka lacaga Qalada ( foreign currency exchange rate), waa suuq ay fududdahay in laga helo faaido deg deg ah oo aan lafileyn ( unexpected return), taasna waxay keenaysa in qofku markiisa hore ku dhiirado inuu aamino oo xoolihiiso dhan wada gashto, taas badal keed qofku wuxuu kala kulmayaa Qasaaro deg deg ah oo usan filanayn ( unexpected loss), taas oo sababaysa in qofku xoolahiisa iyo Hantidiisa ku waayo si dhaqso ah oo uusan malaysaneyn.

Forex Market maleh wax Damanad buuxda ah iyo Meel aad hadhow uraacato xolahaaga ( no reserve Bank and no insurance), taasna waa sababta uu Bangiga dhexe ee somaliya (central Bank of Somalia ) uu uga mabnucay inuu wadanka kashaqeeyo.

Ugu dambayn Forex market waa suuq loogu talagalay in lagu dhaco xolaha ummadda somaliyed ee aan aqoon badan ulahayn isticmalka iyo shaqada suuqan.

Videogan waa ruwayad ama jilniin, laga sameyay Aqoon darrada bulshada somaliyed kahaysata suuqa isku badalka lacagaha qalaad ee (Forex Market).

Saeed Ergo Mire

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here