Duullaan Kiinya soo qaaddo maxaa ka suuragal ah? 

0
674

 Shir uu guddoomiyay madaxweynaha Kiinya ayaa looga hadlay dagaalki ka dhacay magaalooyinka xudduudka ee Mandhera iyo Baladxaawo. Mirihi shirkaan kasoo baxay ayaa ahaa eedaymo loo jeediyay dowladda Soomaaliya. Eedaymahaas oo ahaa kuwo aad u culus ayaa saldhig looga dhigay in dowladda Soomaaliya kusoo xadgudubtay dhulka Kiinya dad iyo hantina ku waxyeellaysay.

Hab-qoraalka war-mutiyeedka ayaa u ekaa mid colaadeed oo furi kara jid ay dowladda Kiinya kusoo weerarto Soomaaliya. Haddaba maxaa ka suuragal ah walaaca noocaas ah? Haddiise ay dhacdo duullaan noocee ah ayaa la filan karaa?

Dunida maanta way adagtahay in dal mid kale duullaan qaawan ku qaado. Waxa adkeeyay maahan ilbaxnimo korortay ee waa in qiimaha dagaalku aad u qaaliyoobay. Dagaal kooban oo xataa la qaado wuxuu u baahan balaayiin lacag ah. Sidoo kale wuxuu u baahan taageero siyaasadeed mid shacab iyo caalami ah. Intaba Kiinya maanta ma hayso oo dhaqaale xooggan oo kumannaan ciidan  ah oo dagmooyinka xudduudka qabsado ay ku bixiso ma heli karto. Labo, dalka oo ilaa xad ah mid dimoquraaddi ah awgeed, xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin madaxbannaan iyo waliba qaar xisbiga talada hayo ka tirsan ayaa aad uga hor imaan duullaan qaawan oo waqtigaan la qaado.

Saddex, shacabka ree Kiinya guud ahaan wuxuu bartay tabarta ciidamadooda iyo inaysan cudud ciidan wax ku keeni Karin. Dagaalka toban jirsaday ee ay ku qabsadeen Jubbaland dhib ma ogiye dheef uma keenin wax guul ah ay gaareenna ma jiraan. Sidaas darteed waxaa hubaal in si buuxdo shacabku u diidi doono. Gaar ahaan shacabka daggan dhulka ugu muhiimsan ee taageerada laga rabo waxay si aan kala har lahayn ula jiraan Soomaaliya waxayna si buuxdo uga soo horjeedaan inay noqdaan meel loo maro buyburinta Soomaaliya. Taageerada iyo diidmada ay muujiyeen shacabka iyo madaxda ee Waqooyi-bari waa mid taariikhda gashay farriin cadna u dirtay madaxda Kiinya iyo dhowrka hanka gurran uu ku jiro ee Soomaalida ku abtirsada ee qaybta ka ah dagaalka.

Intaas waxaa dheer in dhulka muhiimka u ah soo maridda ciidamada lugta ay awood xooggan ku yeelatay kooxda Shabaab taas oo ka dhigan jid-gal badan iyo dagaal gaadmo ah oo joogta ah inay kala kulmi doonaan gudaha dhulka ka gaddisan xudduud-beenaadka. Awoodda lacageed, taageero la’aanta shacabka iyo siyaasiyiinta iyo diidamada Soomaalida gobalka waxay aad ciriiri uga dhigaysaa suuragalnimada duullaan toos ah oo ciidamada Kiinya kusoo qaadaan dagmooyinka xudduudka ee Waqooyiga Gedo.

Hasa yeeshee waxaa suuragal ah in doobbinta looga gol-leeyahay marmarsiyo u helidda duqaynta shacabka Baladxaawo iyo bannaysashada xoolahooda iyo dhiiggooda. Tani waxay ku suurigali kartaa in mar kale la hub iyo saanad la siiyo ciidamada Cabdi Janan laguna yiraahdo weerar qaada. Weerarkaas oo ay qayb ka noqdaan ciidamada Kiinya oo duqayn cir iyo dhulba ah ku sinto magaalada sidaasna magaalada ay ku galaan kuna qabsadaan ciidamada ay taagerayso.

Middaan waxay ahayd qaabki marki hore aan filaynay. Dhab ahaanti waxay ahayd arrin horay suuqa ugu jirtay oo maalinti uu dagaalku dhacay waxaan filaynay in ay raaci doonyo duqayn ciidamo Kiinyaan oo waqti kooban soo gudbo oo magaalada u qabto Cabdi janan. Eebbe fadligiis taas ma dhicin. Sababta aan is leeyahay way u dhici waydayna waxaa weeye in waqti aad u yar gudahiis ciidamadi soo duullay gadaal ugu carareen taaso oo kuwa Kiinya ku qasabtay inay halkooda difaac ka galaan. Sabab labaad ayaa ah, malahayga, in diyaar-garow ku filan iyo wada shaqayn ilaa heerka dowladda dhexe aysan ka jirin dagaal subaxaas la qaaday.

Haatan in tijaabo noocaas ah mar kale lagu dhiirrado ma caaggano. Laakiin waxaa iswaydiin mudan faa’iidada ay Kiinya ka heli karto. Marka hore haddii ay magaalada qabato ma sii joogi karto oo waqti yar dib ayay Mandera ugu guran. Midda labaad ciidamada taabacsan ee maxlalka u ah tiro ahaan iyo tayo ahaan toona kuma filna in ay kaligood haystaan magaalada haddii ciidamada Kiinya ka baxaan. Haddii aad is leedahay maxaa diiday in ay ciidamo Kiinyaan ah si rigli ah u dagaan Baladxaawo. Jawaabtu waa ay halis aad u daran u gali doonaan weerraro joogta ah oo kaka yimaado xarakada Shabaab. Ciidamada Itoobiya oo ka xoog badan kana kibir badan ayaa laga quusiyay in saldhig ka samaystaan Baladxaawo. Haddaba magaalo aysan sii haysan karin maxay dhiig ugu daadin maal bandanna ugu qasaarin?

Warki oo kooban Kiinya oo soo duusho waa mid durugsan. Fashilki hore iyo diidmada dadka deegaanka ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha ka baajin kara duullaan qaawan. Laakiin waxaa aad loo fishaa weerraro xagga hawada ah oo ay ku burburiyaan hantida Soomaalida kuna laayaan dad shacab ah. Maqsadka ugu weyn ee ay tan ka yeelan karaan waa inay dowladda Soomaaliya ku bahdilaan, yacni dalkiinna sida aan doonno ayaan u duqayn karnaa tabar aad isaga kaaya difaacdaanna ma haysaan.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here