Dagaalki Jameecadi Baardheere iyo Boqortooyadi Galedi

0
434

Hilaaddi 1843’ki ayuu Suldaanki Galedi ee la oran jiray sheekh Yuusuf ciidan kasoo hoggaamiyay dagmada Afgooye. Ciidankaan oo lagu qiyaasay afartan kun ayaa weerar ku ekeeyay dagmada Baardheere. Waxaa dhacay dagaal lagu hoobtay. Waxaa jab, ay kasoo kaban waayeen, loo gaystay jameecadi waxaana gabi ahaanba la gubay Baardheere oo labaatanki sano ee xigtay aanan dib loo dagin. Haddaba yay ahayd jameecadi Baardheere muxuu se ahaa maqsadkoodi? Maxay isku qoomeen iyaga saladanadii Galadi, maxaan se ka baran taariikhdaan?

Jameecada Baardheere waa middii ugu horraysay ee magac jihaad ku dagaal gashay inta la ogyahay. Facaadyahannadu waxay sheegaan in jamceedaan, Daraawiish iyo xarakooyinka casriga ee aan la noolnahay mooyee uusan ka dhicin dagaal kale oo magac jihaad leh dhulka maanta loo yaqaan Soomaaliya.

Jamaceedada Baardheere waxaa aasasay sheekh la oran jiray Sheekh Ibraahim Xasan Yabarow dhammaadki qarnigi 18aad. Sheekh Ibraahim wuxuu deegaan ahaan kasoo jeeday Daafeed. Halkaas ayuu ku dhashay kuna barbaaray. Ka dib wuxuu u socdaalay jasiiradda Carbeed oo aqoon kororsi iyo gudashada waajibaadka Xajka uu u aaday. Lama oga inta sano ee uu Mako ku maqnaa iyo cid uu la kulmay toona. Marki uu kusoo laabtay deegaankiisi wuxuu isku dayay inuu sameeyo isbaddalo xoog leh oo lagu saxayo dad diintooda.

Waqtigaas waxaa gayiga Soomaaliyeed aad ugu faafay quraafaadka. Waxaa caadi iska ahaa is dhexgalka ragga iyo dumarka xataa iyagoo Alla caabud isugu yimid. Danbiyada lagu galo siyaarada qabuuraha iyo xad-gudubyada lagula kaco dadka loo arkayay inay karaamo leeyihiin ayaa meel sare gaaray. Sheekh Ibraahim wuxuu isku dayay inuu yagleelo jameeco dacwada gaarsiiso dadka xumaanta ka reebto oo wanaagga ugu yeerto. Dadaalki isaga ahaa waxaa si xooggan uga horyimid dadki nidaamka caynkaas ah ku noolaa oo culimo iyo madax-maamul isugu jiray. Mar haddii uu dhulkiisi uu ku nabad gali waayay waxaa uu doonay inuu helo meel laga ogalyahay oo uu salka dhigto. Sidaas ayuu Baardheere ku yimid isagoo isu arko inuu samaynayo hijro la too ah middii saxaabada.

Sheekh Ibrahim wuxuu saldhigtay Baardheere. Wuxuu billaabay dacwo si dhaqso ah shacab u heshay. Muddo 7 sano ayuu hayay hoggaanka jameecada ilaa si nabad ah ay tii Rabbi ugu timid.

Maxaa saldhig u ahaa dacwadii Jameecada?

Dhowr arrimood oo waaweyn ayuu la yimid Shiikh Ibraahim. Arrimahaan waa mabaadidda Islaamka ee aasaasiga ah. Kow waxaa ka ahaa in kitaabka Qur’aanku noqdo isha daliisha culimada. 2: Waxay si cad u diideen danuubta shirkiga gaarsiisnayd ee ka dhacaysay qubuuraha suluxada. 3: Waxay ka horyimaadeen cayaaro dhaqan ahaa oo ragga iyo dumarku is-dhex gali jiray. 4: Waxay dadka ugu yeereen guud ahaan in labada jinsi ee ajannabiga kala ah ay kala soocnaadaan. 5: Haweenka waxay ugu yeereen inay is xijaabaan. 6: Waxay xaraam ku tilmaameen dadkana u diideen tubaakada oo barigaas lagu inkaarnaa. 7: Waxay xaraan ku sheegeen si cadna u diideen ka ganacsiga faan-maroodiga oo waagaas ahayd mid aad looga macaasho. Waxaa sidoo kale jiray arrimo kale oo aad u badan oo ay diideen laakiin sida kuwaan aan u cuslayn. Waxaa ka mid ahaa xeerar dadka deegaanku u isticmaali jireen dhaxalka iyo furriinka qoyska kuwaas oo lid ku ahaa mad’habka Shaaficiga ee lagu dhaqmayay. Waxay si adag oo waafi ah u barayeen dadka uguna dhaqmayeen mad’habka Shaaficiga!

Arrimahaan halkaan ku taxan ee Shiikh Ibraahim dadka faray waa aasaasiyaadka Islaamka. Waa arrimo marnaba aan la fili karin in la diido ama cidda dadka ugu yeerto loo arko daalimiin. Laakiin wax walba marki la siyaasadeeyo waji kale ayay yeeshaan. Arrimaha ay taabteen qaar badan oo ka mid ah waxay ka hor imaanayeen dano culimo, ganacsato iyo madax boqorro iyo oday dhaqameedyaba leh.

Culimada barigaan joogtaay waxaa ugu xoogganaa kuwo ku abtirsado dariiqada Qaaddiriyada. Dariiqadaan meel walba oo ay joogto waxay caan ku tahay waxbarid iyo hagaajinta nafta oo aysan la socon reebidda waxyaabaha diintu diidday dadku se sameeyaan (shaqsiyaad dariiqada ku abtirsada oo jidkaan khilaafa waa jiraan). Waxay u arkaan haddii dadka diinta la baro naftana la jiheeyo in dhaqanka xun iska baxayo. Jameecada isbaddal-doonka ah waxay u arkaysaa in sida dadka wanaagga loo farayo xumaantana looga reebo. Faridda wanaagga iyo reebidda xumaanta waa labo aan kala harin oo xoog iyo si walbana in lagu fuliyo ay tahay. Mid labaad ayaa ah in hoggaanka dariiqadda Qaaddiriyada lagu dooran jiray dhaxaltooyo ama abtir ah ama karaamo ah. Qofki loo arko in karaamada shiikha qaaday ayaa loo dardaarmi jiray hanashada wilaayada. Halka jameecada is-baddal doonka ah ay arrintaas diidday hoggaankana ay yiraahdeen ha lagu doorto qofka iyo waxtarkiisa xataa hadduusan karaamo muuqato lahayn.

Ganacsatada oo ahayd midda macaashka ugu badan ka hesho tubaakada iyo faan-maroodiga ayaa iyaguna dhibaato u arkay is-baddal doonka. Sidaas ayay diyaar ugu noqdeen inay garab siyaan cid walba oo meesha ka saari karto kooxda is-baddal doonka.

Waa sunno Rabbaani ah in is-baddal walba oo yimaadi uu samaynta ugu badan ku yeesho madaxda siyaasadda. Boqorradi barigaas jiray iyo odayaashi beeluha waxaa u muuqday khatarta meeshaaan kaga soo wajahan. Jameecadu waxay billowday inay madaxda ugu yeerto hoggaansan iyo usoo noqoshada diinta Islaamka. Waxay ku eedeeyeen in ay dadka uga raalli yihiin fasaad, gaalnimo iyo fusuuq. Kuwo madaxda ka mid ah wayba gaalnimo xugmiyeen. Sidoo kale, waxay Jameecadu tiri hoggaanku dhaxal ma noqdo taasoo si cad lid ugu ahayd nidaamka boqortooyo ee markaas ahaa kan ugu xoogga badan ee dalka ka jiray. Sidaas awgeed Jameecadu waxay yeelatay saddex cadow oo aad u xooggan bulshadana saamaynta ugu badan ku leh.

Jameecadu Wahaabiyo miyay ahayd?

Waxaa aad la isu waydiiyaa afkaarta ay wateen culimadi oogtay jameecada Baardheere. is-waydiintaanu waxay billaabatay marki ay yimaadeen dalka. Xog aruurin uu sameeyay Cassanelli 1970aadki waxay u badatay in Jameecadu Axmaddiya ay ahayd. Tusaale, Ree Daafeed waxay sheegteen in Shiikh Ibraahim uu qabay afkaarti Axmed ibnu Idriis Al-fasi (1760-1837) oo ahaa aasaasihii dariiqada Axmaddiyada sidaasna uu shiikh Ibraahim ku ahaa Axmaddiyo. Aasaasaha dariiqaddaan, inkasta oo uu suufi ahaa, wuxuu aad ugu faker dhawaa shiikh Maxammed Cabdiwahaab oo ay nolol isku soo gaareen. Arrimaha qubuuraha, siyaarada iyo kuwo la halmaalo isku meel ayay ka joogeen. Waxaa cad in shiikh Ibraahim iyo Shiikh Axmed Al-fasi nolol isku soo gaareen. Waxaa sidoo kale jirto in waqtiga uu shiikh Ibraahim Xijaas tagay dariiqada Axmddiyada, oo asalkeedu ahaa Waqooyiga Afrika, ay halkaas gaartay aadna looga raacay. Waxaa se dhici karto in, maaddaama ree Daafeed waqtigaas ay maqleen Axmaddiyo ay isaga qaateen inuu Axmaddiyo yahay ogaalna aysan u lahayn in faker kaas la mid ah oo Wahaabi la yiraahdo uu jiray.

Dhul-mareennadi hore ee ree Yurub waxay jameecada ku tilmaameen Wahaabiyo. Tusaale, Wiliam Christopher wuxuu ahaa sargaal sare oo ciidan una dhashay Ingiriis. Wuxuu Soomaaliya maray 1843’ki. William wuxuu qoray in marki la eego afkaarta ay xambaarsan yihiin jameecada Baardheere lagu tilmaami karo Wahaabiyo. Sidoo kale, Bishii Abriil isla sanadkaas ayuu William la kulmay Suldaanki Galadi oo diyaar garow ugu jiray dullaan uu ku qaado Baardheere. Wiliam wuxuu sheegay in Shiikh Yuusuf , oo ahaa Suldaanka Galadi, uu ka codsaday inuu gacan ku siiyo dagaalka Baardheere. William wuxuu yiri shiikh Yuusuf wuxuu ku celcelinayay inuu doonayo inuu baabi’iyo koox Wahaabiyo oo Baardheere kasoo baxday.

Soo jeedinta William ee ku qotonto afkaarta ay jameecadu la wadaagto Wahaabiyada inay ka dhigayso wahaabiyo maahan mid xaqiijinayso in jameecadu wahaabiyo ahayd. Waayo qarnigii 19aad waxaa soo baxay culimo suufiyo ku abtirsata laakiin isbaddal doon ahayd. Kor waxaan ku sheegnay Shiikh Axmed ibnu Idriis oo ahaa aasaasaha dariiqada Axmaddiyada. Waxaa la mid ahaa oo Galbeedka Afrika kasoo baxay Shiikh la oran jiray Shiikh Cismaan Fudey. Shiikh Cismaan wuxuu ahaa suufi ku abtirsada dariiqada Qaaddiriyada fiqhi ahaanna raacsan Maalkiyada. Shiikh Cismaan oo ka dhashay qoys diimmeed ayaa u istaagay isbaddal in loo baahanyahay ugu muuqday oo fisqi iyo fasaad badan inuu ku joojiyo uu doonayay.

Laakiin Shiikh Cismaan wuxuu sidoo kale la yimid xagjirnimo ka yaabisay caalamka oo dhan. Qof walba oo maqla hab-dhaqankiisi waxaa kusoo dhacayso inuu ahaa Wahaabi. Laakiin, inkastoo ay nolol isku soo gaareen wuu ka horreeyay shiikh Maxammed Cabdiwahaab. Dhammaan arrimaha uu inkiray Shiikh Maxammed Cabdiwahaab ayuu isna inkiray. Sida Wahaabiyadu caan ugu tahay gaalaysiinta ayuu Shiikh Cismaan gaalaysiiyay intii kasoo horjeesatay. Sida Wahaabiyadu jihaad ugu arkaysay dagaalki ay la galaan muslimiinta ka aragti duwan ayay Cismaan iyo xertiisu jihaad ugu arkayeen dagaalladi lagu hoobtay ee ay galeen. Waliba meelaha qaar xerta Cismaan ayaa baac dheerayd. Tusaale, dhulkii ay ku noolaayeen inta ka guureen ayay ku tilmaameen hijro la mid ah middii suubbanuha Mako kaga baxay. Ka haajirid dhul gaalo loona haajiro ugu yaraan dhul aan muslmiinta lagu dhimin. Dadka ay ka haajirayaan waa dadkoodi islaamnimada ku dhashay ee iyaga ku dhalay. Dagaallo waqti dheer socday iyo dhiig badan oo daadday ka dib wuxuu yagleelay immaaro muddo qarni ka badan sii jirtay.

Kani waa tusaale na tusayo in ay kala duwan tahay in afkaar la isku waafaqo iyo in la isku koox yahay. In kastoo shiikh Cismaan la yimid is baddal-doon la mid ah kii uu la yimid shiikh Maxammed Cabdiwahaab haddana waxaa u dhaxeeyay farqi weyn. Shiikh Cismaan wuxuu ahaa Ashcari, Suufi Qaaddiriyo ah. Sifaadkaas oo ah kuwo meelna aan kasoo gali karin Wahaabisim. Laakiin marki la maqlo hab-dhaqankii Shiikh Cismaan waxa koowaad ee qof kusoo dhacayo waa inuu qabay afkaarta Wahaabiyada.

Hadalka Shiikh Yuusuf wuxuu na tusayaa in afkaarta wahaabiyada gayiga Soomaaliya laga yaqaannay waqtiga Jameecada. Hadalka Shiikh Yuusuf ma tusayo in jameecadu Wahaabiyo ahayd waayo waxaa dhici karto inuu dacaayad uu dadka ku kiciyo kala jeeday. Hasa yeeshee wuxuu si cad noogu qeexayaa in aan meesha laga saari karin suurtagalnimada soo gaaridda afkaarta Waahabiyada waqtigaas iyo ka hor iyo in Jameecadu ugu yaraan ku tasurtay afkaarta shiikh Maxammed Cabdiwahaab. In xariir ka dhaxayn karo Jameecada iyo Wahaabiyada waxaa si joojinayo warimaha sheegayo in shiikh Ibrahim sanado wax ka baranayay Xaramaynka ka hor intuusa Soomaaliya kusoo laaban. Waqtigaas ayaa ku beegan goorti xerti shiikh Maxammed Cabdiwahaab Xaramayn hanteen.

Laakiin Cassanelli waa uu diiday in Jameecadu Wahaabiyo ahayd. Wuxuu ku dooday in, inkastoo ay Jameecadu qabtay afkaar u dhow tan Wahaabiyada, ay siyaabo badan uga duwanayd Wahaabiyada. Wuxuu tusaale usoo qaatay in aysan jameecadu burburin qubbadihi ku yaallay dhulki ay joogeen. Wuxuu yiri Wahaabiyadu waxay qabsatay jasiiradda Sokotra oo Soomaaliya u muuqato. Tallaabbadi ugu horraysay ee ay qaadeen waxay ahayd burburinta qabuuraha ay u arkayeen in la caabudo. Sidaas darteed haddii jameecada Baardheere ay ahayd mid la xeer ah midda qabsatay Sokotra waxay ku dhaqaaqi lahayd inay dumiso qabuurihii ku yaallay dhulki ay qabsatay ayuu ku dooday Cassanelli oo ka mid ah qurubada cimrigoodi ku dhammeeyay barashada Soomaalida.

Waxa aan ku xoojinayaa aragtida Cassanelli in 20 sano ka dib jabkeedi, Jameecadi dib boorka looga jafay. Waqtigaan wixii ka danbeeyay waxay u xuubsiibatay Qaaddiriyo barax la’ oo soocotay ilaa iyo labo-kunnadi. Labaatan sano maahan waqti dheer oo gabi ahaanba jiilki hore dabar go’i karo. Wali waxaa noolaa dadkii joogay dagaalka iyo dhallinyaradii ka badbaadday gumaadki loo gaystay Jameecada. Haddii dadki ka badbaaday dagaalka ama kuwo wax ka bartay ay dib u nooleeyeen Jameecadi afkaarteedi hore wax badan oo ka mid ah ayaa wali sii jiray. Taas waxay ka dhigan tahay in Jameecadu marki dib loo billaabay ay ka tanaasushay qaybti jihaadka ayna isu baddashay mid nabdoon laakiin ay sii wadday diidmada waxyaabihii kale ay Jameecadu la goonida ahayd. Halkaasi waxaan ka dheehan karnaa in ay adkaan lahayd Jameeco Wahaabiyo ahayd in haraadigeedi Qaaddiriyo barax la’ isu baddasho waqti sidaas u yar gudahiis. Tusaale nool waxaa inoo ah burburki xarakadi Al-itixaad ee hubaysnayd. Marki dagaalladi looga taag roonaaday waxay isu baddaleen culimo nabdoon laakiin afkaartoodi oo aan waxba laga baddalin sii haysato.

Khulaasada dooddaan waxay u dhacaysaa in aysan cidina hubin halka sida rasmiga ay ugu abtirsato Jameecadi Baardheere. Hasa yeeshee waxaa loo badaniayaa inay ahayd Jameeco sideeda u badax-bannaan oo meelo kala duwan ka dhuxula-qaadatay. Waxay ahaydba waxay soo baxday waqti loo baahnaa oo fasaad badan carrada yaallay. Waxay nooleeyeen taw’xiidki waxayna istaajiyeen dacwadii saxda ahayd ee uu Suubbanuhu SCW la yimid. Waxay Koonfurta dalka ka askumeen xadaarad sarrayso iyo nidaam siyaasi ah oo dalka dhinac san u jihayn lahaa haddii loo kaadin lahaa. Waxaase su’aal maxaa keenay inay dagaal sidaa u baab’iyo ay gasho?

Ugu yaraan labaatanki sano ee hore, Jamaceedau waxay ahayd mid dacwadeeda si nabdoon u wadato. Waxay kasbatay sumcad iyo shacbiyad. xerti sheekh Ibraahim ee dhowrka qof ku billaabatay waxay gaartay ilaa 20 kun oo qof. Marki lasoo gaaray 1830’nadi ayay jameecadu gashay waji colaadeed. Waqtigaan waxay billowday inay ku duusho dadyow’gi dariska la ahaa ee gaalada ahaa sida Wardaydi. Ka dib waxay u gudubtay dagaallo ay ku qaaddo Soomaalidi aan iyada hoos imaan. Waxay qabsadeen Luuq oo ahayd magaalo ganacsi oo ahmiyad weyn lah. Waxay u jihaysteen dhinaca Baraawe oo ahayd xarunti ugu weynayd Qaaddiriyada ahaydna meel soo saartay culimo badan oo waqtigaas iyo ka hor dalka caan ka ahayd.

Dhowr sababood ayaa keenay in jameecadu billowdo adeegsiga awood ciidan. Kow awooddeeda siyaadday waxay keentay inay yeelato hammi siyaasadeed. Awal waxay wadday dacwo madani oo hagaajinta dadka un ku eg. Marki ay korartay tirada dadka raacsan iyo dhulka laga qaatay dacwadooda waxaa u muuqatay in laga gudbay marxaladdi dacwada hoose loona gudbay middi xoog loo adeegsan lahaa ciddii diiddo. Arrintaan waxay ahayd mid sahlan dadka raacsanna si fudud looga gadi karay. Waayo waxaa dagganaa dhulka maanta loo yaqaan Gedo iyo ilaa Gaarisa qabaa’illo aan Soomaali iyo islaan toona ahayn.

Weerarka dadkaas waxaa sii fududeeyay beelihii Daarood ee usoo hayaamay dhinaca Jubaland. Aqoonyahannada daraaseeyay waqtigaan sida Cassannelli waxay qabaan in beelihii Daarood ee ree guuraaga ahaa ay fududeeyeen guusha dag-dagga ah ee ay Jameecadu ka gaartay dagaalka Wardeey. Ree guuraagu waxay dantoodu waafaqday midda Jameecada. Labaduba waxay u jeel qabeen dhul iyo xoolo xoojiyo joogitaankooda carradaas. Labadaba waxaa laga heli karay dullaan lagu qaado gaalo-madowda dariska dhow dhinaca Dooy kala ahayd.

Guulihii dhaqsada ahaa ee ay ka gaartay dagaalladi Wardeey waxay Jameecada ku dhallisay in ay waqtigaas diyaar u tahay u gudbidda marxalada lagu dhiso dowlad Islaami ah. Marxaladdaan waa mid ku wajahana Soomaalidi islaamka ahayd balse aan raacsanayn Jameecada. Waxay billaabeen inay waraaqo u diraan meelihii ay ka jireen maamullada iyadoo ugu yeerayso inay xaqa raacaan ama dagaal u diyaar-garoobaan. Waxay weerartay oo gacanta ku dhigtay Luuq oo magaalo ganacsi ahayd. 1940’ki waxay gaareen ilaa Baraawe oo dadkeeda ku qasbaan inay u hoggaansamaan.

Qabsashada Baraawe waxay hurdada ka kicisay maamulki Galadi. Baraawe waxay ahayd xarun aad ugu muhiim ah dariiqada Qaaddiriyada. Sheekh Axmed Yuusuf oo ahaa aasaasihii boqortooyada ree Gabroon ee Galadi hoggaaminaysay iyo sheekh Maddow Macallin oo ahaa shiikhi Hintire labaduba waxay wax kusoo barteen Baraawe. In la qabsaday Baraawe waxay ka dhignayd in lagu xadgubay muqaddasaad ilaalintiisu saarnayd boqortooyada Galadi. Sidoo kale waxay cabsi galisay beelihii dhulka dhexe ku noolaa ee maamul ahaan hoos tagi jiray boqortooyada Galadi. Boqorradi Galadi waxay ku abtirsan jireen shiikkhi Gabroon. Taas oo ka dhigan inaysan ahayn boqorro kaliya ee ay yihiin culimo ahlu-karaamo ah oo kurisga ku joogo ralli-ahaansho Eebbe dadka sida ay u arkayeen.

Dhowr dagaal oo labada ciidan dhex maray oo aan lagu kala adkaan ka dib, hilaaddi 1943’ki ayuu sheekh Yuusuf naf ahaantiisa soo hoggaamiyay ciidan tiro ahaan lagu sheegay inuu gaarayay 40 kun oo askari. Wuxuu dul yimid Baardheere guga Soomaalidu u taqaan Arbaco. Magaaladi ayaa weerar lagu ekeeyay. Dadkeedi wixii seefta ka badbaaday midba meel ayuu u baynuunay. Labadi nin ee jameecada isaga hoosaysay, oo la kala oran jiray Shariif Cabdiraxmaan iyo Shariif Ibraahim, ayaa halkaas lagu dilay. Ciidanki jameecadana mid dhintay iyo mid dhaan raacay ayuu noqday. Ciidamadi soo duulay magaaladi ayay dab qabadsiiyeen. Waxaa la sheegay in muddo bil ka badan ay gubanayeen mudulladi magaaladu ka samaysnayd. Halkaas ayay Baardheere muddo labaatan sano ah ku ahayd gubad ugaartu daaqdo oo aadane danbe ku dhiirran waayay. Wiliam Christopher oo dhulkaas maray waqtigi dagaalku socday wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen in dhowrki sano ee tagay dagaalladi dhex maray Jameecada iyo Soomalida kale ay ku dhimatay ilaa shan kun oo qof. Inta qax iyo macaluul u dhimatay kasii badan, dagaalki ugu danbeeyayna dhimasho iyo dhib intaas kasii badan ayuu sababay!

Ka sakow ilaashiga kursigiisa, shiikh Yuusuf wuxuu u arkayay in loo gafay isaga iyo culumadii uu ku abtirsan jiray iyo isaga kaaraamdkiisi. Waxaa lagu sheegay inuu gaal yahay isaga iyo inta raacsanna dhiiggoodu bannaan yahay. Beelihi uu u talin jiray in shiikhoodi intaas oo fac awliyada Ilaah ahaa gaalo lagu sheego waxay uga dhignayd inaan loo reebin wax sharaf ah. Shiikha iyo awoowyadiisi karaamaadka iyo awood meel kale haysato lahaa in maanta gaal xun lagu sheego aana laga dhiidhin waxay la ahayd gunnimo tan ugu liidato sida ay u arkaysay beeshi Galadi iyo beelihi isbahaysiga la ahaa. Sidaas darteed guushi dagaalka ay ka gaareen inteeda badan waxay u sababeeyeen karaamada shiikha iyo junuud qarsoon uu soo kacshay. Waxay sheegaan in guulaamo shinni ah weerar ay ka qayb qaadatay oo jameecadi jihadii ka lumisay.

Nuxurka iiga soo baxay taaariikhdaan waaxaa ka mid ah in baruuragga Islaamku gaaray gudaha Soomaaliya ee aadka uga fog xeebaha waqti aad u fog. In saxwadu sidaa ugu xoogaysatay dhulka gudaha ah waxay tusaysaa in dhaqdhaqaaqu ahaa mid ka madaxbannaan gacmo shisheeyo iyo taageero dibadeed. Haddii xarunta Jameecadu tahay magaalo xeeb ku taal waxaan aad u qaybi lahayn in ay heli jirtay taageero dhaqaale, mid ciidan iyo mid moraal oo meel kale laga soo xawilay.

Waxaan kaloon ka baran karnaa in ilaa maanta khaladaad isku mid ah ay galaan xarakooyinka diinta ee Soomaaliya kasoo baxo. Marki aad eegto sida loo raacay waqtigii aysan dagaalka qaadin waxaa kuu muuqanyso inay meelo badan oo dalka ka mid ah si nabad ah ku gaari lahayd. Waxay gudan lahayd waajibaadka dacwo iyadoon wax dhiig ah daadin. Laakiin sida caadada Aadanuhu tahay waxaa galay damaaci adduunyo oo ah inay dhisaan nidaam siyaasadeed oo ay iyagu hormuud ka yihiin. Isla jidkaas ayay martay saxwadii billaabatay 60aadki kuna dhammaatay duullaanki Itoobiya ee Gedo 1997’di. Nasiib-darro, waxaa muuqato in kuwaas hore iyo kuwaan danbe toona aannan waxba ka baran!

Ticraac

The Shaping of Somali Society Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900 by Lee V. Cassanelli

Islaam in Ethiopia by J.S Trimmingham (waxaa isna marjic u ah book Carabi ku qoran oo la yiraahdo Al-islaam fi Soomaal oo uu qoray sheekh Cabdiraxmaan Al-Najar oo ree Masar ah.

Extract from a Journal of by Lieut William Christopher 1844 pages 90-93

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here