Soomaaliya iyo Itoobiya ma noqon karaan sida Jabbaan iyo Maraykan ama Fiitnaam iyo Maraykan?

0
432

Waxaan dhowr goor qoray maqaallo baraarujin, tilmaamid iyo toosin ahaa. Maqaalladaasu waxay inta badan abbaarayeen iska jiridda cadowga Itoobiya. Waxaan farta ku fiiqay in Itoobiya aysan marnaba cadowtinnimadeedu dhammaan doonin sidaas darteedna kheyr walba oo xaggeeda kasoo yeero il tuhun qabto la isaga fiiriyo.

Qormooyinkaas waxaa mar walba iga soo gaarayay jawaabo is waydaarsan. In badan ayaa ii aragtay nin un ogaa meel lagu dagaalay ee aan la socon heshiisyada iyo isbaddalada dhacay. Waxaa lagu dooday in dowladuhu diriraan heshiiyaanna. Si tan loo caddeeyo waxaa tusaalooyin loo soo qaatay dalalka Maraykan iyo Jabbaan oo mar col xun ahaa maantana saaxiibbo ah. Haddii Jabbaan uu Maraykan oo hal miyan oo qof hal bam kaga dilay uu la heshiiyay maxaan noo diidayo inaan Itoobiya la heshiinno ayaa la igu xujeeyay.

Qormadaan waxaan kaga jawaabi doonaa xujooyinkaas. Waxaan ku doodi doonaa in colaadda dariskeenna nagala dhaxayso ay ka duwan tahay middii u dhaxaysay Jabbaan iyo Maraykan ama Fiitnaam iyo Maraykan. Ha yeeshee aan iftiimiyo in yar mowqifka aan ka qabo Itoobiya in lala heshiiyo. Anigu marnaba ma qabo in la diido heshiis iyo nabad, ma qabo in Itoobiya albaabka laga xirto oo gafuurka loo taago, ma qabo in la tuso waqtigaan waji colaad iyo dagaal xambaarsan. Baddalkeeda waxaan qabaa in isbaddalka laga faa’iidaysto oo la qaato nabadda ay ku baaqday. Laakiin laga feejignaado, laga taxaddaro waxa lala wadaagayo, qalbigana lagu hayo inay mar walba tahay cadow khiyaano maleegayo iyo inay naga haysato dad iyo dal aan marnaba mudnayn in laga taasulo.

Si aan u fahanno farqiga u dhaxeeyo labada colaadood marka hore waa inaan fahannaa waxa la isku hayo iyo inta la isu jiray. Jabbaan waa dal ku yaal bariga Aasiya. Waa dal horay u ilbaxay oo awood militiri iyo aqooneed yeeshay waa hore. Maraykan waa dal cusub oo dad Yurub ka qaxay ay dageen. Xariirka Jabbaan iyo Maraykan u dhaxeeyo wuxuu billowday qarnigii 18aad. Xiriirkaas ka dib waxaa dhexmaray isku dhacyo aan badnayn oo Maraynka oo dhul boob ahaa uu sabab u ahaa. Laakiin iyagiina waa laga heshiiyay.

Khilaafka dagaalka hooggan horseeday wuxuu billowday 1931’di markaas oo Jabbaan uu ku duulay Shiinaha. 1937’di ayuu Maraykanku goostay inuu u ciqaabo Jabbaan dagaalka ku qaaday Shiinaha. Isagoo kaalmaysanaya xulufadiisa Yurub ayuu ka jaray shidaalki iyo birtii uu Jabbaanku ugu baahnaa dagaalka. Jabbaan ayaa ku jawaabay dagaal, gaar ahaan mid gaadmo ah oo ku qaaday ciidamo Maraykanku leeyahay oo joogay xeebaha Haawaay sanadi 1941’ki. Sidaas ayuu Jabbaan kaga mid noqday waddamadii galay dagaalki labaad ee dunida. Haddaba colaadda u dhaxayso Jabbaan iyo Maraykan waa mid intaas un ku billaabatay. sida uu ku dhammaatayna waa u imaan doonnaa.

Maraykan iyo Fiidnaam

Sida Jabbaan, ayay Fiidnaam Maraykan ka fogtahay. Wax aan faduul ahayn oo isu keeni karay ma jirin. Dalka Fiidnaam horraanti qarnigii 20aad wuxuu u kala qaybsamay Waqooyi iyo Koonfur oo gumeyste sabab u ahaa. Waqooyi wuxuu ahaa Hantiwadaag taageero ka haysta Shiine iyo kuwa la mamda’a ahaa. Dhinaca kale wuxuu ahaa Hanti-goosad taageero ka helo Faransiiska iyo kuwa la mamda’a ahaa oo uu Maraykan aabbo u ahaa. Labada gobal ee Fiitnaam waxaa dhexmaraya dagaallo lagu hoobtay oo dhexdooda ah oo mid walba uu ku doonayay inuu helo Fiitnaam ku midaysan afkaartiisa. Bishii May 1954’ki ayaa waxaa si ba’an loo jabiyay dhinicii Koonfureed ee faransiisku taageerayay. Faransiisku wuxuu aqbalay in dagaalka looga adkaaday. Laakiin waxaa booskiisi buuxiyay Maraykan oo garab istaagay ree Koonfur.

Sidaas ayuu kusoo galay Maraykan arrimihii gudaha ee Fiidnaam. Maraykan wuxuu ka cabsi qabay fididda afkaarta Hanti-wadaagga. Inuu taas ka hortago ayaa keentay inuu taakuleeyo kooxda uu u arkayay inay xambaarsantahay afkaartiisa. gacan-siinti u horraysay wuxuu sameeyay 1955’ki taasoo ku koobnayd tababar kooban iyo xoogaa qalab militiri ah. Toban sano ka dib 82000 oo askari oo Maraykan ahaa ayaa furimaha ka dagaalamayay. 1967’ki nus malyuun ayay gaareen ciidamada Maraykanka ee furimaha Fiitnaam ka dirirayay. Dhimashadu waxay gaartay 15 kun halka dhaawacu 100 kun kor u dhaafay isla sanadkaas. Howshi ku billaabatay taakulayn iyo tababar ayaa isu baddashay dagaal toos ah oo daba dheeraaday.

Guul-darrada iyo qasaaraha is daba-joogga ah iyo sida foosha xun ee ay ula dhaqmeen shacabka ree Fiidnaam ayaa kiciyay mowjado shacab Maraykan ah oo dagaalka ka hor yimid. Xasuuqa carruurta iyo laynta waayeelka ee ay gaasaneyeen ciidamada Maraykanka ayaa sumcad-darro weyn u keentay xukummaddi markaas talada haysay. Kacdoonka shacabka waxaa garab socday askarti dagaalka ku jirtay oo dagaalka quus kasoo istaagtay waxay u dhimanayaanna garan waayay. Waxaa ciidamada ka goostay tiro tobannaan kun ah. Waxaa sidoo kale billowday in dhalinyaradu Kanada u tahriibaan si ay uga cararaan in loo qafaalo dagaalka. Culesyadaan is kaashaday iyo muuqasho la’aanta guul dhow ayaa horseedday inuu Maraykanku aqbalo wada xaajood lagu soo afjaro dagaalka 1973’ki. Dagaalka Fiitnaam wuxuu aad ugu suura egyahay kan maanta u dhaxeeyo Maraykan iyo Afqaanistaan.

Dagaalkaas wuxuu ahaa mid qasaaro badan gaystay. Waxaa ku dhintay saddex milyan oo ree Fiitnaam iyo xulufadoodi ah iyo 58000 oo askarti Maraykanka ah. Xasuuq iyo tacaddiyo kale oo badan ayuu gaystay Maraykanku. Magaalooyin ayaa la gubay, gabdho badan ayaa la kufsaday, saqiirro iyo waayeel ayaa la bireeyay. Saas oo tahay waa laga gudbay. Sababta keentay in laga gudbo waa labo arrimood. Tan hore waa in marki horaba dagaalku uusan haysan tiirar culus oo loo dhinto. Dagaal si fudud lagu galay ka dibna Maraykan oo qabkiisu weynaa aqbali waayay masaakiin sacabooleey ah ayaa ku hor istaagtay ayaa daba dheereeyay. midda labaad waa inuu Maraykan aqbalay inuusan guulaysan doonin. Taas oo horseedday inuu ciidamiisa la baxo heshiisna aqbalo. Haddii intaas laga helay ree Fiitnaam intii ka dhimatay waa ka samri karaan. Dhul lagama haystao, dadna lagama qafaalan, diin iyo afkaar kalana laguma qasbin oo waa iska diideen. Waxaa maxay waxa kale ee ay wali dagaal iyo colaad usii raadiyaan?

Sidaan lidkeeda waxaa ah siduu ku dhammaaday kan Jabbaan. Marki uu daba-dheeraaday dagaalki labaad Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu tijaabiyo bombaanooyin cusub oo uu markaas samaystay. Labo ka mid ah ayuu ku dhuftay magaalooyinka Horoshima (6’dii Agoosto) iyo Nagasaki (9’ki Agoosto 1945’ki) ee ku yaal Jabaan. Halkaas ayuu ku dilay dad ka badan hal milyan oo qof. Haddii labo jug intaas ka dishay Jabaan, waxaa usoo baxday inuusan dagaalka sii wadi karin. Natiijadi waxay noqotay inuu is dhiibo shuruud la’aan. Haddii uu is dhiibay wixii loo yeeriyo inuu qaato ayay noqotay. Maalintaas ka dib, Jabaan wuxuu noqday gobal ka mid ah Maraykan. Macnaha qaato wixii loo yeeriyo. Hadduu hoggaansamay wixii loo daba socdo waa gar-darro, intaas ayaana awalba laga rabay. Labada tusaale ee kore midna wuxuu ku dhammaaday aan is dayno midna wuxuu ku dhammaaday kala adkaansho. Haddaba colaadda innaga iyo Itoobiya labadaan qaanadood keebay ku jirtaa mise midna kuma jirto?

Soomaaliya iyo Itoobiya

Si taas ka duwan, Soomaaliya iyo Itoobiya inti ay jireen daris ayay ahaayeen waana ahaan doonaan. Waxaa u dhaxeeyay colaad ka askuntay aan ku gumeysto iyo kaa yeeli maayo. Gumeysi doonku kuma eka aan kor kaa haysto ee waxay ku doonaysaa dhulkeenna iyo dadkeenna oo dhan. Damacaan maahan mid bilo, sanado ama tobonnaan sano jiro ee waa mid kun sano ku dhow inta la hubo. Ilaa maalintii ay colaaddaas billaabatay, waxaa na dhex maray dagaallo qaraar oo marba qolo la riixayay. Inkastoo dagaallada furimaha la isaga horyimaado ay Soomaalidu ku adkaato had iyo goor, guusha dhabta waxay raaci jirtay Xabashida.

Labo dagaal ayaa ugu caansan inta na dhex martay innaga iyo Itoobiya. Kan hore waa midkii uu hoggaaminayay Imaam Axmed Gurey AUN. Dagaalkaas Soomaalidu guulo taariikhi ah ayay ka gaareen. Waxay iska dul qaadeen ihaanadi boqoarrada xabashidu ku haysay, waxay soo dhacsadeen dhulkii laga haysatay waxayna furteen dhul cusub. Inkastoo awood lagu maquuniayay Xabashidu isma dhiibin. Waqti dheer ayay dagaal rogaal celis ah ku wadday Soomaalida ilaa ay dhulkii ka maqnaa iyo mid kale laba qabsatay.

Dagaalka labaad waa midkii uu hoggaaminayay AUN Maxammed Siyaad Barre ee loo yaqaaan 77. Dagaalkaan waxaa lagu doonayay in lagu soo celiyo dhulka naga maqan. Iska hor imaadyadi hore Soomaalidu waxay dhigtay wacdarooyin lama filaan ah. Waxay qabsadeen dhulki ka maqnaa waxayna ku darsadeen mid kaloo cusub. Mar labaad Xabashidu isma dhiibin. Habar wacasho ka dib, waxaa Soomaalida lagu qasbay inay isaga baxaan dhulkoodi ay dib u hanteen iyo in iyagoo ihaanaysanna dib ugu laabtaan halki marki hore ay dirirta ka soo billaabeen. Maaddaama cidda na maquunisay ay ahayd awood meelo kale ka timid, ma aannan aqbalin in dagaalka nalooga adkaaday. Waxaan wali aamisannahay in aan Xabashi ka adagnahay. Waxaa kaloo hubaal in Itoobiya naga gar-daran tahay. Waxay naga haystaa dhul iyo dad aan marnaba laga tanaasuli karin. Intaas kuma ekee waxay raadinaysaa mid kaloo cusub inay naga qabsato. Intaas waxaa u dheer, inay rabto inay ugu yaraan Adis Ababa noqoto meesha taladeennu ka go’do.

Is-barbar-dhigga colaadaha maraykan iyo Aasiya iyo tan Soomaaliya iyo Itoobiya waa kuwo aan meelna haysan oo aan sinnaba tusaale isugu noqon karin. kuwa hore colaad dhexda ka billaabatay oo seeskeedu yahay afkaar igu raac ayay ahayd. Kuwii laga adkaan waayay waa la iska daayay, kuwii laga adkaadayna waa hoggaansameen. Midda kuwa danbe, colaad ku fadhido dad iyo dal lakala haysto weeye. Dadki iyo dalki wali waa maqan yihiin. Ma jirto qolo aqbashay in laga adkaaday oo hoggaansatay. Sidoo kale labada dhinac midna ma garowasana in la kala adkaan waawayay taasoo horseedi lahayd in meel dhexe la isugu yimaado. Itoobiya waxay u aragtaa inay naga adkaatay oo dhul weyn naga xoogtay sidaas darteedna mid kale inay ku darsato aysan mustaxiil ahayn. Soomaaliya waxay aaminsantahay in Itoobiya dhul ka haysato, haddaysan garab kale haysanna aysan marnaba haysan karin dhulkaas. Sidaas awgeed in maalin un la soo celin karo ayaa u muuqato.

Akhristow adigu go’aami nooca uu noqon karo is barbar-dhigga colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya iyo midda Maraykan iyo dalalka Aasiya ee aan kor u sheegnay? Sawiro oo qaado sida aan ku illaawi karno mushkiladda Itoobiya nagala dhaxayso!

Waxaan ku khatimayaa Itoobiya yaan la siin fursad kale oo ay dalkeenna ku dhex dagto. Yaan loo ogolaan inay dhulkeenna si shjarci ah ku joogto, meeshi ay rabto dagto ciddi ay rabtana ku duusho. Dabcan tani waxay gacanta ugu jirtaa siyaasiyiinta iyo dadka talada noo hayo oo aannan waxba ka qaban karin. Waxaan se wax ka qaban karnaa in aannan iibsan casharrada aan meelna haysan ee ay noo akhriyaan kuwa doonayo inay na illowsiiyaan dakanada naga maqan.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here