Caaqibada laga dhaxlo ciidansiga Shisheeyaha?

0
506

Ujeedka qormadaan waa inaan wax ka baranaa taariikhda na soo martay. In kaalmo laga doonto shisheeyo si loo maquuniyo sokeeye waa arrin Soomaalida waqti hore ka dhex jirtay. Qolo walba oo sidaas yeeshay iyadaa ugu danbayn god ku dhacday oo kuwii ay cawimaadda u keensatay ay ihaano badday. Maaddaama ilaa hadda ay wali taagan tahay shisheeyo loo soo kaxaysto sokeeyo waa muhiim inaan is xasuusinno wixii aan horay usoo marnay. Sidaas darteed, qormada u akhri si aad cashar uga qaadato.

1868’di waxaa doon ku yimid Kismaayo tiro yar oo ree Puntaland ah si ay uga ganacsadaan. kooxdaan ayaa kasoo kicitimay Berbara sida ay qoreen dhulmareennadi ree Yurub. [Iima cadda sababta ay uga soo bixi waayeen xeebaha tirada badan ee Puntland.] Intaan waxaa ka daba yimid koox kale oo dhulka soo martay [malaha ay u cid dirsadeen]. Waxay sidoo kale taageero ka heleen Ogaadeenki dagganaa Afmadow. Intaas mar ay isla helaan ay weerarro ku billaabeen Wardeey oo Koonfur ka jirtay iyo Tunni oo waqooyi ka xigtay kuwaas oo ay xanuujiyeen. Wardeey awood badan ma lahayn oo Daaroodki horay u yimid ayaa naafeeyay. Balse Tunni maahayn mid xoog badan oo kaliya ee sidoo kale, waxay lahayd isbahaysiyo xooggan oo waqtiga baahi timaaddo ay u habar wacdaan.

Sanadki xigayba (1869) waxay Tunnidu, oo kaalmo ka helayso beelaha Wasagua Wagosha [waa qabiillo ree Goleed ah oo ila hadda wax ka dhaqan yihiin] iyo Eeleey [Raxanweyn], weerar ku qaadeen Ogaadeen iyo Harti. Laakiin Tunnidi jab kale ayaa markanna soo gaaray. Ha yeeshee, goortaan, guushu ha raacdo Daaroodkee, awooddu waa isu dhawayd oo aad looguma kala adkaan. Tunni waxay, marki isbahaysigi hore guushi ay rabeen ku gaari waayeen, u weecatay Suldaan Sheekh Axmed Yuusuf. Waa suldaanki Galadi ee xoogga badnaa ee aan ku aragnay qormadi Baardheere. 1870’ki sheekh Yuusuf wuxuu hoggaamiyay isbahaysi jabiyay Hartidi oo dib ugu celiyay Kismaayo.

Jabkaasu wuxuu noqon lahaa mid aysan kasoo waaqsan oo arladaas oo dhan looga saaro haddii aysan horay ugu sii cid dirsan waaligi Laamu kaasoo si dhaqso ah gurmad ugu soo diray una suuragaliyay inay xajistaan Kismaayo. [Waxay Hartidu meel sii dhigtay qorshe labaad (plan B) kaas oo ah in haddii ay iska celin waayaan Soomalida ay iyagu isku ciyeen inay isbahaysi shisheeye caawimaad ka helaan]. Faragalintaan Laamu iyo Zanzibaar oo daba socotay ay ku sameeyeen arrimaha Soomaalida afka wabiga Jubba waxay dhashay caaqibo aan la mahdin. Danaynti uu muujiyay Carabki aaggaas xukumay waxaa kusoo biiray midka ree Yurub ee isaga ka ogaaday waxa meesha ka socda. Ciidanki maalintaas u yimid caawinta Harti ayaa noqday tallaabadi ugu horraysay ee Soomaalida oo dhan hubka looga dhigi lahaa.

Gurmadka dagdagga ah ee loo fidiyay Hartida waxaa dabada ka riixayay damac ganacsi oo ku jiray waaliga Laamu. Waaliga Laamu, oo danihiisa gaarka ah eegayo iyo inuu dhiirrigaliyo ganacsiga gaarka ah wuxuu danaynayay in Kismaayo ay noqoto deegaan rasmi ah. Maajid, suldaanki Zanzibaar, oo doonayay inuu dhulka iyo dadkiisaba la wareego isna waa ku waafaqay. [Laamu, la soco waxay hoos tagaysay gumeystihi Cummaan ee Zanzibaar xarunta u ahayd]. Muhiimmadda uu deegaankaas lahaa wuxuu ahaa mid si fudud loo fahmi karay. Kirk, qunsulki Ingiriiska u fadhiyay Zanzibaar, ayaa qoray waqtigaas “inkastoo ganacsiga Kismaayo waqtigaan uusan qiimo lahayn, shaki kuma jiro inay noqon doonto mid muhiimmad sare leh iyo dakadda dabiiciga ah ee wabi Jubba.”

Dhimashadi suldaan Maajid ee 1870’ki ayaa dib dhigtay in la fuliyo qorshihi Zanzibaar ka lahayd Kismaayo. Labo sano ka dib ayaa nin la oran jiray Sef Nuur loo diray inuu Waali ka noqdo Kismaayo wuxuuna gaaray Kismaayo isagoo wato 10 askari kaliya. Laakiin toban askari waxba ku filnaan wayday, isna ma noqon nin adag oo dhulki gacanta ku dhigo. 1874’ki ayuu Xamiid bin Xamiid la wareegay howsha Kismaayo. Xamiid wuxuu ahaa ninki ugu kartida iyo maamulka badnaa Carabti Zanzibaar joogtay. Waxaa muuqato in loo soo xulay nin la hubo inuu fulin karo ujeeddada gumeystaha Carbeed. Xamiid wuxuu yimid isagoo wato 80 askari kaliya.

Shaqada ugu horraysay ee loo diray Xamiid waxay ahayd inuu dhiso qalcad ciidanku saldhigto. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in qalcad kale oo dhoobo ah uu ka dhiso Afka wabiga si uu canshuur uga qaado doomaha marayo. Isla markaas joogitaankiisu waxay xaqiijisay in Hartidu ku nabad gasho Kismaayo. Hartida oo si xirfadaysan u isticmaashay isbahaysiga shisheeye ayaa ku guulaysatay inay Tunni kaga guulaysato loollanki kala dhaxeeyay iyo kontoroolka daanta koonfureed ee wabi Jubba.

Tunni, haddii loogu awood sheegtay cudud shisheeye, iyaduna waa inay heshaa gacan shisheeyo sida dhaqankeennu yahay. 1875’ki dowladdi Masar ayaa Mckillop Pasha oo ahaa jannaraal ree Iskootlaan ah oo shaqada ka fadhiistay u magacabaatay inuu hoggaamiyo duullaan ay ku doonaysay in ay dhulka Soomaaliyeed oo dhan iyadu qabsato. Halkaas ka baro in Masar danta ay waligeed Soomaaliya ka leedahay ay tahay gumeysi iyo isticmaal oo marnaba aysan daacad ka ahayn kaalmada ay noo fidiso. Masar baa walaal fiican ah Soomaaliga aad ka maqasho ama aqoon-darro ayaa hayso ama waa shaqaale fulinayo danaheeda.

Mckillop waxaa u suuragashay inuu qabsado Baraawe oo si fudud dagaal la’aan isu dhiibtay. Labo oday dhaqameed oo Tunni ahaa ayaa joogay Baraawe. Labadaan oday ayaa u sheegay Mckillop inay gacan ku siin doonaan hadduu doonayo inuu Kismaayo qabsado. Labadaan oday ujeedkoodu wuxuu ahaa inay dhexdhexaadiyaan Masaarida duullaanka ah iyo Hartida Kismaayo joogto ee gacanta ka helayso Zanzibaar. Taas oo ay haddii ay ku guulaystaan u suura galin lahayd inay Kismaayo iyo nawaaxigeeda awood kale ku yeeshaan.

Laakiin Kismaayo Masaaridu xoog ayay ku gashay. 350 asakri oo artilari iyo hub kale oo culus wato ayaa qabsaday. Intaas kuma harine, Tunnidi waxay isku dayeen inay Masaarida ku milaan isqabqabsiga Soomaalida dhexdeeda ah si ay iyadu u noqoto awoodda kaliya ee Soomaaliyeed ee Masaarida la shaqayso. Halkaas markaad joogto garo in shisheeyaha loo kala dhuumanayo ee dalka iyo dadka laa dhaafsanyo uusan hadda billaaban walina cashar aan laga baran.

Si ay taas u gaaraan Tunnidu marki hore waxay shirqooleen Suldaanki beelaha Gosha . Waxay ku qanciyeen Mckillop inuu u yeero oo uu waydiisto inuu saldhig siiyo Masaarirda. Marki uu Suldaanki Kismaayo yimid ayay haddana Tunnidu ka dhaadhicisay in suldaanku khaa’in aan la aamini karin yahay sidaas ayaana lagu dilay. Nasiib wanaag, Tunni eerki ayaa la gaddoomay oo halki ay guul ka sugayeen, ree Goleed waxay suldaan u doorteen Nsiib Buundo oo ahaa dagaal yahan la iska yaqaannay horayna u ahaa addoon tunnida ka baxsaday. Hadda waxay la is hayaan ninkii ay shalay addoonsa jireen. Taas oo ka dhigan in asxaan dhammaaday.

Sidoo kale, Masaaridu waxay go’aansadeen inay faraha kala baxaan muranka Soomaalida is hayso. Maaddaama Hartidu ahayd kuwa kaliya ee Kismaayo ka ag dhawaa, Masaaridu waxay goosteen inay iyaga la macaamilaan intay ku xirnaan lahaayeen Tunni meel fog joogto. Sidaas ayay Masaaridgu ku taageertay Hartida taas oo Harti u suuragalisay inay koontaroolaan Kismaayo ilaa Kiyaambu.

Hasa yeeshee bilo gudahood, Masaaridi waa iska guureen, waxaana dib usoo laabtay saladanadi Zanzibaar. Dhinaca kale, Tuni iyo Daarood dagaallo ayaa dhex marayay ilaa laga soo gaaray 1878’ki. Cadow markaad soo dhawaysato adiga unbaa u ayaayiye, 1888’ki waxaa isku dhacay Carabti iyo Hartidi. Isku dhacaan wuxuu ka dhashay in waaligi Zanzibaar Kismaayo u joogay uu aqbalay calan uu siiyay markab Faransiis uu lahaa. Hartidu arrintaa aad ayay uga carootay waxayna dareentay in iyagoo taagan gacmo is dhaafsadeen. Waxay gubeen calanki waxayna dileen askari Carab ah. Sidoo kale waxay u hanjabeen ciidanki kale waxayna joojiyeen wada shaqayanti kala dhaxaysay Carabta dhulka haysatay. Dagaal toos ah ayaa ka dhex qarxay ka dib markay Carabtu si aargoosi ah u dishay nin Harti ahaa.

Cadowgu mar hadduu ku dhex dago howsha u horrayso ee uu qabto waa inuu ku kala qaybiyo. Nasiib-darro Harti arrintaas ayaa ku dhacday. Harti qaarkeed sida Cusmaan Maxammuud (Majeerteen) ayaa isku dayay inay wanaajiyaan xiriirka waaliga. Iyadoo ugu kala tuuran tahay, saladanadi Zansibaar iyo Soomaalidi Kismaayo kuso dhawaysay, ayay saldanadu doontay hilaaddu markay ahayd 188i’ki inay Kiyaambu dib u qabsato. Waxay gacan waydiisatay Harti. Laakiin markaan Harti fahantay dhibka uu leeyahay gacan-siinta shisheeyaha. Sidaas darteed way ku gacansayreen codsigii uga yimid Zanzibaar. Nasiib-darro waxaa codsigii aqbalay Maxammed Subeer (Ogaadeen). Arrintaas waxay ka caraysiisay Harti. Halkaas ayaa waxaa ka billowday colaad u dhex marto Harto iyo Ogaadeen.

Dib u milicso sidii uu ku yimid shisheeyuhu iyo halka uu hadda marayo. Isagoon hunguri uga jirin gayi Soomaaliyeed ayay rag cawimaad u doonteen. Taas ayaa horseedday in lagu soo dhaweeyo, la dajiyo oo waliba awood dalka xukunto loo aqoonsado. Intaas waxaa lagu baddashay beel kale oo Soomaaliyeed in la maquuniyo oo xoogaa deekaanka laga fogeeyo. Waxaa ku xigtay in kuwii keenay uu kala qaybiyo oo qaarna uu colaadiyo qaarna soo dhawaysto. Waxaa ku xigtay in labadoodiba inta isaga guuray uu Soomaali kale oo hor leh xiriir la samaystay. Haatan, waxaa wabiga Jubba Afkiisa wada joogo, Harti, Tunni iyo Ogaadeen midba kan kale dhulka ka aryan rabo iyo Carab doonayso in intoodaan iyo dhullkoodaba isku qaadato.

Dhinaca kale, quwadihii ree Yurub waxay billaabeen inay danaynayaan Geeska Afrika. Saldanadi Zanzibaar si iyada loogu maro dhulka Soomaaliyeed waxay sheegatay in ay iyadu ka taliso Jubbaland. Si ay taas u xaqiijiso waxay xoojisay ciidamadi ka joogay Kismaayo iyo Kiyaambu. Waxay sheegatay in dhulkaas uu hoos yimaado suldaanki Zanzibaar Saciid Barqash. Ciddii doonayso inay aaddo waxaa laga doonayaa inay idan ka qaadato isaga. Dillaal iyo mallaalnimo ayuu halkaas ka billaabay iyo inuu guda galo siduu ku iibsan lahaa dhulka Soomaaliyeed.

1886’ki waddamada Faransiiska, Jarmalka iyo Ingriiska waxay magacabeen guddi isku dhaf ah kaas oo qorshihiisu ahaa inuu soo xaqiijiyo sheegashada suldaanka Zanzibaar. Guddigaan ayaa loo diray Kismaayo si usoo waraystaan dadka deegaanka. Taas oo lagu hubinayo in dadku yahay raaciyad u hoggaansan suldaanka Zanzibaar. Si kale haddaa u dhigo, guddigu wuxuu hubinayaa waxa uu iibsanayo inuu leeyahay ninka uu ka iibsanayo. 24’ki Maarso 1886’ki ayay Kismaayo gaareen. Halkaas ayay waraysiyo kaga qaadeen odayaashi ay kula kulmeen.

Wixii xigay un waa soo galiddii ree Yurub iyagoo ku socdo dhul iyo dad ay ka iibsadeen Carab xoog iyo xaq-darro ku joogtay Zanzibaar. Wixii intaas ka danbeeyay waa sheeko loo wada joogay gumesigii dalku galay. Nasiib-darro, 150 sano ka dib wali waxaan cudud ka doonaynaa shisheeye. Waliba mid aan ognahay cadaawadda uu noo hayo iyo qasadka uu naga leeyahay. Akhristow haddii 80 askari oo Carab ah oo aan kusoo dhawaynay Kismaayo ay horseedday inay na qabsadaan, 80 kun oo Itoobiyaan ah sidee dalka looga saari doonaa? Haddii Carab dadkeenna lagu akhriyay waa ka mid tihiin, waa walalihiin, waa rafiiq IWM ay sidaas noo galeen, ka warran cadowga aan hubno ee aan haddana dalkeenna oo dhan dhinac walba uga oggolaannay, dadkeenna ku laynay deegaanno iyo saldhigyana u oggolaannay?

Tixraac: Turton, Edmund R. (1970) The pastoral tribes of Northern Kenya 1800-1916.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here