Ma qooraa la isu diiddan yahay mise qodobbaa la isku hayaa? Cashar noogu jiro qisadii Xajaaj iyo Ibnu Cashcas

0
517

“Qab qab dhaafay waa waxay labo qabiil qaran ku waydaaye”

Markaan arkay hab-dhaqanka madaxda Soomaalida, gaar ahaan howlaha hadda taagan iyo sida ay madaxdu u wajahday, waxaa igu soo dhacay qiso u sawir eg. Qisadaaan ayaan u arkay inay na barayso casharro muhiim ah oo fahansiin karo waxa dhabta ah ee ay madaxdeennu isku hayso.

Sanadi 83aad ee Hijriyada waxaa dhacday maalin aad u daran oo bar madow ku ah taariikhda Islmaamka. Waa waqcada la baxday Dayrul-Jimaajim oo ah meel u dhaxayso Basra iyo Kuufa ee dalka Ciraaq. Waa maalin goob dagaal ay ku naf waayeen boqollaal ka mid raggii ugu caansanaa culimadii Islaamka ee waqtigaas iskaba daa dagaalyahannadi iyo intii kale ee bullaanka soo raacdaye.

Xanuunka caaqibada dagaalka ka dhalashay waxaa ka daran xanuunka ay leedahay sababti ka danbaysay marki sax loo fahmo. Culimada dagaalkaas muslimiinta u dhaxeeyay gashay iyagu wax u muuqday iyo sawir ay dhinac ka haysteen ayay u galeen oo dhinac kale u xoojiyeen. Laakiin dagaalku wuxuu dhaxeeyay labo nin oo is xiniinyo taabtay. Haa labo nin oo iyagu biyo hoostood iska arkay ayaa ummaddii isaga dhigay kuwo danta ummada kan kale u kala dagaalamayo. Bal aan gudo galno sheekada.

Xajaaj ibnu Yuusuf waa ninkaas la isyaqaan ee ku caan baxay dhiig-yacabnimada oo sharraxaad uma baahna. Waxaa loo soo baddalkay Ciraaq oo hoggaansan laga waayay. Shaqo fiican ayuu ka qabtay maamulka Cabdimalik Ibnu Marwaan ayuuna hoos keenay. Dhinaca dibadda Muslimiinta dagaallo ayaa kaga furnaa. Waxaa ka mid ahaa dagaal ka haystay dhinaca Afqaanistaan oo meel loo aqoon jiray Zabulistaan kaga furnaa. Dadkaan waa la mari waayay Muslimiintana furimaha waa ay kaga guulaysan jireen. Marki dhowr goor six un muslimiintu jab ugu gaaray furintaas ayuu Cabdimalik, oo khliifki Muslimiinta ahaa, Xajaaj, oo aaggaas xukumay, kusoo yiri furintaas guul ayaan ka rabaa.

Xajaaj wuxuu eegay janannadi Muslimiinta si uu u helo nin la hubo inuu meeshaan guul ka keeni doono. Waxaa usoo baxay Cabdiraxmaan Ibnu Ashcas (ashcath) inuu yahay ninka ugu habboon ee furintaas soo xiri karo. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa janan caan baxay, hoodo ku leh dagaallada hoggaanna fiican oo ciidammadu jecel yihiin. Wuxuu sidoo kale ahaa nin kasoo jeeday qoys caan ahaa oo ilaa awowgii ku abtirsaday qoys maamul. Hasa yeeshee labo libaax hal meel kama wada talin karaan. Ilaa maalinti Xajaaj loo soo baddalay Ciraaq isaga iyo Cabdiraxmaan meel ayay iska arkeen. Xajaaj ayaa sarreeyo oo maamulka gobalka haysto kan kalana waa jananka ciidamada gobalka haysto laakiin isma arki karaan meel ay ku dagaaleen ama colaad isugu qaadeenna lama oga iyaguna ma oga. Malaha jinnigooda ayaa is nacay! Waxaa la sheegay in Xajaaj dhowr goor rag la socday uu ku yiri “markuu iga soo horbaxo waxaa i qabato inaan kurka haatiyo” yacni nacaybka uu qabo inuu gacantiisa ku dilo ayaaba qabato. Saas oo ay tahay mana casilo dadkuna ma oga uurka sumaysan ee ay labada gobalka u sarrayso isu hayaan.

Xaal oo sidaas ah ayuu Xajaaj u yeeray Cabdiraxmaan. Wuxuu u sheegay inuu ka doonayo inuu ciidan u hoggaamiyo Zabulistaan furintaasna soo xiro. Warsan iyo hoggaansan ayuu ku jawaabay Cabdiraxmaan. Waxaa la sheegay in waqtiga amar siinta, ay labadooda dhex martay erayo xanaf leh sida “waxaa tahay maanta ayaa la baran” iyo “waan iskaa bari” ay is dhaafsadeen.

Dagaalki ayuu hoggaamiyay Cabdiraxmaan. Guulo dag dag ah ayuu gaaray cadowgina aad ayuu u fogeeyay laakiin ma uusan dabar-goyn. Isagoo wali sii riixayo ayaa waxaa billowday waqtigii qaboobaha oo dhulka lagu dagaalamayo uu baraf badan ka dhaco. Tashi ka dib waxaa usoo baxay Cabdiraxmaan inuusan cadowga kula dagaallami karin dhulkooda oo uu baraf ka dhacayo. Sababtu ma adka oo askarta muslimiintu aqoon uma laha sida loogu noolaado dhul baraf yaallo iskaba daa inay dagaal ku galaane. Waxaa usoo baxday Cabdiraxmaan inuu dagaalka joojiyo, halkiisa difaac ka xirto, marki xilliga laga baxana uu dagaal dib u billaabo oo soo afjaro zumbul iyo ciidankiisa.

Hadduu sidaas talo ku qaatay waa inuu ogaysiiyo ninka xukumo oo ah Xajaaj. Waraaq ayuu usoo diray uu ku sharraxayo sida xaalku yahay iyo sida uu ku go’aan qaatay. Xajaaj marki uu warqaddi akhriyay kama uusan mahad naqin guulaha la gaaray iyo shaqada wacan ee uu Cabdiraxmaan qabtaye wuxuu ka dhigay fursad kale oo uu ku xaniinyo taabto Cabdiraxmanaan. Inta dhinaca kale u rogay ayuu ku qoray “awalba waan ogaa fuley xun inaad tahay oo aadan waxba soo hoyn doonin. Haddaad cabsatay maad iska soo noqotid maxaad baraf iyo qabow marmarisyo uga dhiganaysaa. Dagaalka wad ama waan ku casilayaa.”

Warqaddi marki loo keenay Cabdiraxmaan dhulkaa la wareegay. Inuu Xajaaj meel iska saaro ayuu go’aansaday. Dagaalki uu ku jiray, dantii Muslimiinta iyo maslaxadi ummadda oo dhan wuxuu u illaaway ciilki uu qabay xajaaj iyo wali inuu kusoo jeesjeesayo. Raggiisi ayuu isugu yeeray sida xaal yahay ayuuna u sheegay. In dagaalkaan halkaas lagu joojiyo, Zumbul heshiis ay la galaan ciidankana Ciraaq lagu jiheeyo oo Xajaaj cashar loo dhigo ayaa talo lagu gooyay.

Ciidanka waxa loo akhrinayo maahan ninki anuu i xaniinyo taabtay ee waa inuu maslaxada ummada iyo guulaha la gaaray lid ku yahay. Waxaa loo sheegayaa inay muhiim tahay in Xajaaj Muslimiinta laga qabto ka dibna cadowga lala dagaallamo. Ciidamadii ayuu kusoo hoggaamiyay Xajaaj isagoo cagta mariyay wixii ka horyimid. Waxaa qarxay mid ka mid ah dagaalladi ugu dhimashada badnaa Muslimiinta dhexdooda abid. Dhimashada kaliya maahee wuxuu galaaftay dadkii ugu qiimaha badnaa Muslimiinta waqtigaas oo ay ku jiraan culimadi ugu fadliga badnayd Taabiciinta sida Saciid Ibnu Jubayr. Khaliifki Muslimiinta wuxuu isku dayay inuu dagaalka joojiyo isagoo miiska u soo saaray kooxda Cabdiraxmaan inuu shaqada ka cayrinayo Xajaaj hadday dagaalka joojiyaan waase laga samray illeen waxa loo socdo waa nin iska dhiciye!

Wixii intaas ka danbeeyay waa sheeko dheer oo aan hadda na qusayn ee aan galo waaxaan sheekada ku keenay. Dhowrki asbuuc ee la soo dhaafay waxaa muuqatay in madaxda maamullada qaarkood ay ka biyo diideen shirki Samareeb. Marki si dhab ah loo fiiriyo ee la akhriyo sadarrada dhexdooda waxaa kusoo baxayo inaysan jirin tabasho dhab ah oo ay qabaan maamullada maqan. Puntland doorashadii 2016 waxay dood adag u gashay in la helo doorasho qof iyo cod ah. Ilaa beesha caalamku u dammaanad qaadday inay doorashada danbe oo ah tan hadda taagan la yeeli doono dalabkooda waa ay diideen inay hoggaansamaan. Marki toodi lasoo gaaray ayay dhinici kale u boodeen. Marki cadaadis badan ka dib ay aqbaleen inay Xamar yimaadeen, waxay u arkayaan waji gabax iyo hoosayn inay qaataan heshiiski oo aan waxba laga baddalin. Sidaas cadna u oran mahayaane meelo kale ayay qardajeexi! Hadba shuruud xirasho iyo albaab kale galid ayaa lagu wareegaysanayaa.

Ma jirto qodobbo la isku hayee waxaa la isku hayaa qooro. La iima talin karo, nin kale kama amar qaato, haddaysan taydu soconayn taadu socon mayso wax aan ahayn oo la isku hayo ma jiraan. Sidii Xajaaj iyo Cabdiraxmaan ayaa dadka loo akhrinayaa dastuur baan ilaalinaynaa iyo danta ummaddaan u taagannahay. Waxaa lagu celceliyaa ani iyo hebel saaxiib ayaan nahay, colaad gooni ah nama dhex taal, waxaan isku haynaa danta dalka iyo dadka iyo ilaalinta dastuurka IWM. Xaqiiqdu se waxa ay tahay in biyo hoostood la iska arkay. Arrintaan kuma koobna inta hadda is hayso ee waa mid ku badan dadka hoggaamiyo Soomaalida.

Muhiimmada aan u socdo waa in shacabku fahmo xaqiiqda ay isku hayaan madaxdooda iyo inaysan noqon ciidanki Cabdrixamaan ibnu Cashcas iyo xajaaj ee iyaga la isku jabiyay!

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here