Dhambaalka Jimcaha: Ha ku hodmin Sayniska qabyada ah!

0
426

Dhambaalka Jimcaha — 24 | 22 Safar 1442 | 09 Oktoobar 2020

بسم الله الرحمن الرحيم

وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ

“Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaaye.”—Muuse Cali Faruur.***

HordhacLaga soo bilaabo Aristotle, falaasifada iyo saynisyahannadu waxay aaminsanaayeen in kawnku weligii jiray weligiina jiri doono mustaqbalka. Waxay ka mid ahayd arrimaha uu ku khilaafay macallinkiisii Plato oo aaminsanaa in kawnku leeyahay bar bilow oo mar la abuuray.Diimaha samaawiga ahi waxay ka siman yihiin in Alle abuuray kawnkan oo uu bilow lahaa. Qur’aankuna in badan ayuu si toos ah ugu soo celceliyaa xaqiiqadan. Abuurka kawnku waxa uu lahaa bilow oo ah markii Alle abuuray.

قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانْظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَوَلَقَدْ خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِنْ لُغُوبٍوَهُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍأَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقاً فَفَتَقْنَاهُمَافَقَضَاهُنَّ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ فِي يَوْمَيْنِوَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَقُلْ أَإِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِالَّذِي خَلَقَ الْأَرْضَ فِي يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُ أَنْدَاداً ذَلِكَ رَبُّ الْعَالَمِينَ*وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ مِنْ فَوْقِهَا وَبَارَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَا أَقْوَاتَهَا فِي أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِلسَّائِلِينَ*ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعاً أَوْ كَرْهاً قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ.وَهُوَ ٱلَّذِي يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَهُوَ أَهۡوَنُ عَلَيۡهِۚ وَلَهُ ٱلۡمَثَلُ ٱلۡأَعۡلَىٰ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ.ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ مَا لَكُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَلِيّٖ وَلَا شَفِيعٍۚ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ.مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ الْمُضِلِّينَ عَضُدًا. أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۗ مَّا خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۗ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِ بِلِقَآيِٕ رَبِّهِمۡ لَكَٰفِرُونَ.

Qofka Muslinka ahi muran kama qabo in kawnkan Alle abuuray oo kawnkan oo aan jirin uu jirsiiyay, sidaas ayayna ahayd caqiidada Muslimiintu ilaa la tarjumay falsafaddii Giriigga oo ay yimaaddeen faylasuufyo ku qancay aragtiyihii Giriigga ee lidka ku ahaa aragtida Islaamka, una arkayay maanfurnaan iyo caqliga oo laga shaqaysiiyo, halka in waxyiga sidiisa loo qaato ay u arkayeen maangaabnimo aan u cuntamin qof waxgarad ah. Faylasuufyadaa qaatay aragtidii Aristotle ee ahayd in kawnku weligii jiray jirina doono, mar uu bilowdayna aysan jirin, waxaa ka mid ahaa Ibnu Siinaa’. Ibnu Siinaa’Ibnu Siinaa’ waxa uu aaminsanaa in kawnku uu weligii jiray jirina doono oo uusan lahayn bilow iyo dhammaad. Maadaama uu aaminsanaa jiritaanka Alle, waxa ay noqotay in uu kaalin uga raadiyo jirsiinta kawnka.

Doodda uu la yimid waxay ahayd: Alle kawnka si toos ah uma abuurin e, sida meeshii dab ka jiro uu ilays u imanayo, ayaa jiritaanka kawnkuna uga yimaaddaa jiritaanka Alle, oo haddii aan Alle jiri lahayn kawnku ma uusan jireen, sida haddii dabku uu damo ilayskiina uusan u jirayn. Alle, marka la eego aragtida Ibnu Siinaa’ iyo falaasifadii la fikirka ahaa, ma laha awood uu ku doorto waxa uu abuurayo waxna si doorashadiisa ah uma abuuro e, waa sababe (عِلّة) uu jiritaankiisu qasab ka dhigayo jiritaanka kawnka. Sidaas awgeed, intii Alle jirayba waa qasab in kawnku jiray. Alle kawnka si guud uun buu uga warqabaaye abuurkiisu si gaar ah uguma kala soocna, aqoon gaar ahna uma kala laha oo mid mid uma uusan dooran abuurkooda. Arrintan iyo kuwa la mid ah ayaa kallifay in culamadii Islaamku ay ka horyimaaddaan falaasifada.

Imaam al-Qasaali kitaabkiisa Tahaafut al-Falaasifah (Hadaltirada Falaasifada) ayuu ku raddinayaa dooddan iyo kuwo kale oo la mid ah. Dood aad u dheer ka dib, dhammaadka kitaabka imaam Qasaali waxa uu ku soo qaadanayaa saddex masalo oo ay falaasifada ay ka mid yihiin Ibnu Siinaa’ iyo Faaraabii ku gaaloobayaan; inaan kawnku bilow lahayn, in Alle uusan ogeyn waxyaalaha gaarka ah, iyo in qiyaamaha la soo bixin doono jidhka. Waxa uu leeyahay waa saddex masalo oo aan Islaamka boos ku lahayn ahna gaalnimo cad. Imaam Qasaali wuu ku guulaystay ilaa xad in uu dhaawac weyn gaadhsiiyo falaasifadii, laakiin aragtidoodii ma aysan dabargo’in.

Ibnu Rushd oo dhashay geeridii Qasaali ka dib, aadna ugu dedaali jiray in uu iswaafajiyo diinta iyo falsafaddii Giriigga, oo qoraalladii Aristotle sharraxaaddooda iyo faahfaahintooda ilaa Yurubiyaanku uga dambeeyeen, ayaa qoray Tahaafut at-Tahaatuf oo uu ugu jawaabayo imaam Qasaali isaga oo difaacaya falaasifada. Muddo dheer ayay aragtidan Aristotle ee markii dambana Ibnu Siinaa’ sii taageeray haysatay fikirka falaasifada iyo cidda ku saamowdayba. Doqon aan garasho dheerayn oo diini indhaha tirtay oo aan maanka shiilin ayay xisaabsanayd ciddii diidda aragtidooda! Ilaa 1965, waxaa la odhan karaa sayniska iyo falsafaddu lid ayay ku ahaayeen xaqiiqada Qur’aanku sheegay ee ah in kawnku uusan weligii jirin e, uu yimid xilli go’an oo uu leeyahay bilow.

Jugjuglee oo halkaaga joog (Steady State). Maanta aragtida saynis ee awoodda leh waa in kawnku ka yimid Qarax Weyn (Big Bang Theory) oo hortii aysan jirin waqti iyo makaan (space and time) toona. Qaraxii ka dib ayuu kawnku dhinac kasta u fiday oo uu ballaadhay ee wuxuu ka bilowday dhibic aan yaraanteeda, kulaylkeeda, iyo cufnaanteeda la cabbiri karin. 1920-meeyadii in kawnku mar yaraa oo uu fiday welina fidayo waxay ahayd bidco aan lagu fekerin haddii ay maanka ku soo dhacdana la iska naaro sidii shaydaanka. Way ka baxsanayd xadka la aqbali karo. Mabda’a ay saynisyahannadu ka duulayeen ee garaadkooda hagayay waxa uu ahaa in kawnku uu sidaa yahay uusanna isbeddel iyo fiditaan aqbali karin. Marar badan ayaa natiijooyinkii iyo xisaabihii ay saynisyahannadu wadeen biyadhacoodii uu noqday in kawnku uu isbeddelayo oo uu fidayo. Mararka qaar waxyaalo ay fahmi la’aayeen ayaa ku xallismayay in la dhaho kawnku bilow buu lahaaye weligii ma jirin.

Mar kasta oo ay soo hadalqaadaan kawnku inuu bilow yeelan karo, haddana in aysan dhici karin bay isku qancin jireen. Waxay qiil ka dhiganayeen in aysan lahayn wax qaddarin ah oo saynis ku dhisan (scientific merit). 1930 ayay bilaabatay in aragtidan laga shakiyo oo la aqbalo in kawnku bilow lahaa. Xitaa Aynistaayn baa markii hore ka soo horjeeday in kawnku wado fidid ilaa uu markii dambe ku qancay caddaymihii. Laakiin in laga aag beddesho aragtidaa hore oo la qaato in kawnku bilow lahaa haddana wado fiditaan waxay qaadatay ilaa 1960. Waxyaalaha diidmadaa ka qaybqaatayna waxaa ka mid ahayd ka carar ay ka cararayeen in abuurid iyo ilaah ay meeshaa ka soo galaan. Saynisyahannadu ma aha mashiinno ay xaqiiqadu hoggaanka u hayso ee waa dad leh caqiido, adduun-arag, iyo maanhag ay ka duulaan oo qaabeeya fekerkooda iyo waxqabadkooda. Saynisyahanka Allediidka ahi ma rabo in uu wax ku dhiso aragti uu u arko inay jiritaanka Alle hoosta ku wadan karto, waayo ma oggola in ilaah jiri karo.

وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا ۚ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ

“Intaan isku duubay been

Ka buuxsadey labada dacal

Maxay runi daadi tidhi.

Maxaan arrin dawlis dhow

Ma-diiddo la soo qor-qoray

Ku daabacan baal madow

Ku daawaday meel madow

Wax aan duluc sii ridnayn

Indhuhu ku daraandareen.

Maxaan dogob beer is-idhi

Daruuro u soo sasabay

Daryeelka ku maal is-idhi

Biyuhu uga sii dareen.

Wax aan degdeg jeer ku liqay

Maxay shishe ii damqeen

Kashayda dalooshadeen.

Muxuu hadba shay dellegan

Dareensigu soo tuf yidhi.” (Hadraawi: Dabahuwan).

Halkan cashar muhiim ah ayaa innoogu jira.

Haddii xaqiiqadii Qur’aanku sheegay ee kumannaan sano la iska indhatirayay maanta loo arko xaqiiqo saynis ah, immisa wax oo kale oo saynisyahannada Allediidka ahi ay “khuraafaad” ku tilmaamayaan maanta, kuwo iimaankoodu hooseeyaanna ay ku raaceen, ayaa mustaqbalka noqon doona xaqiiqooyin buugaagta sayniska ku qoran? Haddii maanta saynisyahannadu aysan aaminsanayn toddobo dhul iyo toddobo samo, ama aysan oggolayn jiritaanka malaa’igta iyo jinka, haddii yuuj iyo ma’juuj loo arko sheeko xariiro, haddii… — sida falaasifadii Ibnu Siinaa’ iyo Faaraabi, innaguna ma ku raacnaa waxyaalaha diinteenna lidka ku ah mise iimaankeenna ayaynu ku adkaysannaa oo waxaynu sugnaa intay garashadoodu soo gaadhayso xaqiiqada Alle sheegay?

Si kasta oo aynu u garabmarno, xaqiiqadu waa in Allihii kawnkan abuuray uu innooga aqoon badan yahay, wixii uu ka sheegaana yihiin sidaa, sayniskeennu ha waafaqo ama yuusan waafaqine. أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ

Allihii kawnkan iyo waxa dhex yaal abuuray cidina ugama aqoon badna, wixii uu waxyigiisa kaga warramayna waa xaqiiqo aan burayn weligeed. Tan waxaa la mid ah xadiiskii Nebiga SCW ee ku saabsanaa isku dawaynta kaadida geela oo sidii dadkani ay uga xaraabaysanayeen uu sayniskii keenay dawo casrigii ugu dambeeyay ah: saxarada dadka! Xadiiskii beryahan sidii hore loogama hadlo oo saynisyahannadii baa baro dhaafay. Markaa dibugurasho taaktiiki ah bay galeen dadkii weerarka ku ahaa!Ma unugyo uun baynu nahay oo naf ama ruux wax la dhahaa ma jiraan, sida saynisyahannada maantu u badan yihiin, mise caqiidadeenna ayaynu ku adkaysannaa inta saynisyahannadu ruuxda wax ka fahmayaan? وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الرُّوحِ ۖ قُلِ الرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي وَمَا أُوتِيتُم مِّنَ الْعِلْمِ إِلَّا قَلِيلًا

Haddii Aristotle iyo Ibnu Siinaa meel la saaray, hadda waxaa taagan in diintu sheegayso in time and space ay jireen kawnkan hortii ee aysan la bilaaban ‘Big Bang’. Markaa qofkii dafiraa sow ma taagna halkii Aristotle iyo Ibnu Siinaa? وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَكَانَ عَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۗ ***

Gabagabo

Ma dameeri dhaan raacday baynu noqonnaa oo marba ciddii calankeedu taagan yahay ayaynu dabo orodnaa oo diinteenna ayaynu ka dhaqaajinnaa? Mise sidii Mu’miniin laga rabay baynu iimaankeenna ku caanamaalnaa inta dadkaa marba meel cidla’ ah isku qaadaya ay naftu u run sheegi doonto?

فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَن لَّا يُؤْمِنُ بِهَا وَاتَّبَعَ هَوَاهُ فَتَرْدَىٰ Yuusan kaa horjoogsan mid aan rumaysnayn oo hawadiisa raaca, dabadeedna aad halaagsantid.

فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَلا يَسْتَخِفَّنَّكَ الَّذِينَ لا يُوقِنُونَSabir, ballanka Alle waa xaq e, yaysanna ku duufsannin kuwa aan rumaysnayn.

فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيْهِم بِعِلْمٍۢ ۖ وَمَا كُنَّا غَآئِبِينَ***“Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalana kuuma geyso.

Xigasho

تهافت الفلاسفة—الغزاليالمنقذ من الضلال—الغزالي

Conceptions of Cosmos From Myths to the Accelerating Universe A History of Cosmology—Helge Kragh.

The Oxford Handbook of Islamic Philosophy—Khaled El-Rouayheb, Sabine Schmidtke.

WQ: Sheekh Muxammed Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here