Reer Gedow soo talo idiin ma dhalato!

0
654

Gedo waxaa ay maanta noqotay meesha loogu hadal haynta badan yahay dalka. Waxaa ay noqotay caqabad hortaagan doorashadaii dalka ka dhici lahayd. Waxaa ay sidoo kale ay noqotay goob ay ku loollamaan dowladda Soomaaliya iyo midda Kenya taasoo keentay in ay noqoto gole colaadeed oo dagaal u joog ah. Dhibkaan maanta ka jira Gedo maahan mid cusub ee waa mid soo noqnoqday. Ilaa 1992 hadba qolo ayaa imaanaysay oo danaheeda ka fushanaysay iyadoon xeerin dhibka uga imaan kara shacabka Gedo. Halkaan waxaan ku tixi doonaa inta jeer dadka reer Gedo lagu qiyaamay mashruuc dan guud oo aan meelna jirin.

1992 waxaa gobalka Bari ee maamulka Puntland ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo dhex maray ururki Itixaad iyo jamhaddii SSDF. Dagaalka oo muddo qaatay ka dib, wuxuu ku dhammaaday in Itixaad is difaacay. isagoo gacanta sare leh, ayay culimadii u dhalatay Puntland ee ku jiray Itixaad waxaa ay diideen inuu dagaalka sii socdo. Waxaa ay dadaal u galeen in hubka la dhigo dhallinyarada dagaallamaysana la kala diro. Si buuxdo ayay ugu guulesyteen waxaana si rasmi ah meel fageere loogu kala diray 1993’ki.

Arrintaasu madaxdi Itixaad ma wada rabin ee waxay ahayd mid ay qasbeen intii Puntland ku abtirsinaysay oo u badnaa dadkii ururka udubka u ahaa. Qaarki u jeel qabay maamul ay cudud ku haystaan markiiba waxaa ay guda galeen in ay helaan meesha ugu fudud ee dadkeedu aqbali karaan in la dul dago. Gedo ayaa noqotay goobta ugu habboon ee balaggu u qabtay. Dhallintii la kala diray ee loo arkay in hubkoodu caqabad ku hayay dacwada, aminiga, horumarka iyo nolosha gobolladi Puntland ayaa dib loogu aruuriyay dagmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Doolow ilaa ay noqdeen kuwo looga soo hirto Boosniya, Turki iyo meelo ka fog. Caaqibadii laga dhaxlay waxay noqotay le’asho, qax, burbur, dhibaato iyo ku kali ah reer Gedo. Xataa dagaalki xabashida lala galay, 167 ka mid ah 302’lada Itixaad kaga dhimatay waxay ahaayeen reer Gedo taasoo ah kala bar in ka badan ay reer Gedo ahaayeen dunida inteeda kalana ay inta kala ahaayeen. Dhibka baaxaddaas leh waxaa keenay in madaxdi Itixaad reer Gedo ugu jirtay ay garan waayeen intii ay garteen kuwii Puntland ugu jiray.

Iyadoo walaahow lagu nool yahay ayaa la dhisay dowladdii Cabdiqaasin. Markii ay Xamar timid, madaxweynaha ayaa wasiirradiisa ka codsaday in ay aadaan goballada ay kasoo jeedaan si dowladdu taageero u hesho. Dalku intiisa badan wuxuu markaas ku jiraa gumeysi Tigree. Gobollada Koonfureed cid aysan rabin ma imaan karin kama talin karin. Dhammaan wasirradii kale waa ay ka cudur daarteen. Waxaa aqbalay halki wasiir ee reer Gedo dowladdaas ku lahaayeen. Isagoo jidbaysan ayuu Gabarhaaarreey yimid. Odayaashi iyo indheergaradki ma aysan dhihin maxaa kaligaa dadka kaa soo tookooray oo iskama saarin ee waa u mashxaradeen. Dowlad baa na deeqda iyo yaan loo kala harin ayaa dad loogu heesay. Tigree ayaa kaga jawaabay in ay usoo direen mid isaga dad u xigay oo amar lagu siiyay inuusan Luuq kusoo laaban karin isagoon wasiirkaas dilin ama gobalka ka cayrin. Natiijadi waxay noqotay in wax yar un salaadda Casar ka hor qorrxadi kululayd ee Gabrabaarreey xabbad shacabka lagu billaabay dooniddii Tigreeguna guuleysto.

Waxaa lagu sii noolaa gumayntaas Tigreega. Colaado ujeeddo la’aan ah oo ay iyadu maalin meel cusub ka huriso iyadoo isticmaalaysa kuwa magaca reer Gedo ah ka ah laakiin iyada u shaqeeya, ayaa gobalka muddo maansheeyay. Xaaladdaas kasoo kabashadeedi iyo waxaa kulmay soo bixiddii Maxkamadaha. Guulihii dag-dagga ahaa ay gaareen waxaa ay keentay inta Koonfurta gacanta ku dhigaan. Sufahadii ku dhex jirtay hoggaanka madaxda, ayaa markiiba go’aan ku qaatay in furinta lagala dagaalayo Itoobiya ay noqto Gedo. Waxaa ciidan xooggan laga soo diray Kismaayo si ay dhaqso u gaaraan Baladxaawo iyo Doolow.

Waxaan joogay habayn lala hadlayay ninkii hoggaaminayay ciidankaas. Wuxuu ahaa nin dadka ku qaali ah gobalkana aad looga yaqaannay. Waxaa la damcay in lagu qanciyo in aysan suuragal ahayn in ay furinta ka dhigtaan Doolow. Waxaa lagu yiri cadow iidan naga celin karin ha noogu yeerina. Isaga waxaa si gooni loo xusuusiyay wixii Gedo Itixaad iyo Itoobiya ku dhexmaray. Wuxuu ahaa nin gobalka u dhashay oo Itixaad ku jiray ogaana xaqiiqda dhabta ah. Nasiib-darro wuxuu hadalki kusoo xiray waxaad sheegaysaan waan arkaa waana gartiin laakiin waxaan ahay askari amar qaata madaxdayda ayaana igu soo amartay in aan halkaas tago. Isagoo soo gaarin ayuu qarxay dagaal Idamaale oo uu halkaas ku shahiiday Allaha u naxariisto.

Maxaa Gedo loo doortay? Imisa xudduuddood kale ayaa jira oo Itoobiya ka dhowdahay? Maxaa diiday in Xuddur laga dhigo, Goldogob ay noqoto ama Balanbal laga galo? Hubaasha ayaa ah intaasu dadkii kaga jiray Maxkamadaha aysan oggolayn in dagaalka loo raro guryahooda ama ugu yaraan dhaga-fudaydka reer Gedo aan laga rajaynayn.

Wixii raacay waxay ahayd dowlad la yabyabay iyo iyadoo laga baxay ku meelgaarki. Dowladdi ugu horraysay ee aan ku meelgaar ahayn waxay noqotay middii Xasan Sheekh. Isaga oo aan raalli ka ahayn ayaa lagu dul dhisay maamulka Jubalaand. Reer Gedood ayaa iyaguna masuugsanaa dhisidda maamulkaas iyo sida loo maareeyay. MW Xasan ayaa halkaas fursad ka dhex arkay. Markiiba wuxuu ku dhaqaaqay siduu u kala irdhayn lahaa dadkii JL ka dhaxaysay oo awalba is qaniinsanaa. Wuxuu soo sahayay oo habayn doon soo saaray Barre Hiiraale. Waxaa xigay dagaal uu Kismaayo ka billaabo. Waxaa raacay dagaalki oo ku soo fido Gedo. Dowladdi Xasan ayaa billowday in ay si gooni ah ula macaamisho reer Gedo. Ciidan iyada ka amar qaata oo aan marin JL ayay samaysay. Dadkii ayay aad ugu dhiirrigalisay diidmada waxa ka jira Kismaayo.

Waxaa loo daaray riwaayad la yiraahdo Qaran. Dowladdaan garab taagannahay iyo dowlad baa na deeqda ayuu hal haysku noqday. Waxaa la waayay cid si dhab ah u raadiso waxa u danta ah shacabka gobalka. Ma jirin odayaal, culimo iyo indheergarad kale oo yiraahdo labaduba nama anfacaane aan danteenna ka tashanno. Sidii Xasan loogu sacab tumayay ayuu Xasan is baddalay markii ay dantu u run sheegtay. Tigree oo awood badan lahaa ayaa ku qasbay in dhinacyadu heshiis qaataan. Shir loogu qabtay Adis-ababa Xasan wuxuu aqbalay inuu aqoonsado maamulka Juballand. Shardiga uu la tagay wuxuu noqday in magaca Jubaland la joojiyo oo maamulkaas loo baxsho Jubba kaliya. Colaaddi reer Gedo la galiyay iyo xasaraddii laga abuuray iyo dadkii kala irdhoobay iyadoo waxba laga waydiin ayuu intaas dhaafsaday. Sida uu sheegay guddiimiyaha dagmada Garbahaarreey oo markaas ahaa ku xigeenka gobalka, Xasan inta soo wacay barasaabki gobalka ayuu ku yiri waa laga iga adkaadaye heshiiska iska qaata.

Tabashadi ma dhammaan lamana tashan. iyadoo sidii la yahay ayuu Axmed mar kale is doortay. Halkii cuqaashu u istaagi lahaayeen in aysan mar kale dhicin in gobalku noqdo garoonka kala baxa dowladda dhexe iyo maamulka is magacaabay, waxaa loo durbaan tumay riwaayaddii hore. Taladii ayaa Xamar loo raray. Intii Xamar boos ka wayday Kismaayo ayay uga bidhaantay. Axmed Islaan oo og in Gedo oo xasisho ay horseedi doonta ka hadalka qabshada Bu’aale ee J/Dhexe ayaa dhankiisa ku dadaalay inuu geed dheer ku laalo xal iyo xasilooni reer Gedo helaan. Axmed Islaan, oo doonayo inuusan meelna aadin ilaa ajashiisu dhammaato, ayaa u arka qabashada Bu’aale mid soo dadajin karta dadkoo tashada iyo taladoo shacabku yeesho. Isagoo kaalmaysanaya Kenya oo awalna dhistay haddana danteedu tahay Soomaaliya qasan, ayuu hadba meel ka dalooliya haanta boosta ah ee xasiloonida gobalka lagu doonayo.

Cayaarahaas Axmed la dheelo madaxweyne walba oo yimaada Shafiif ilaa Farmaajo, reer Gedo garan waaye ka tashada labadaba oo dantiinna raacda. Hal mar kol ay ku tahay la waa cid tiraahdo, bal labada dhinac ha inoo danbeeyeene aan innagu isu imaanno oo danaheenna ka tashanno. Haddii la tashan waayay in la isu taliyo waxaa la fisho. In la isu taliyo iyaduna waa arrin jirtoo jirku uusan diidayn. Laakiin ma disho ma noolayso ha lagugu dhaqo waa meesha ugu danbeyso oo dadku gaaro. Ilaa reer Gedo ay gartaan isbaddal walba oo dalka ka dhaca si taban ayuu u saamayn. Haddii intaas oo dhacda ah oo nasoo maray 30 sano ka yar gudahood aan wax ka baran waynay maxaan dhaannaa geedaha?

Hadaan guga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyo waayo arag

Ilayn wax ma dhaantid geed

(Gaarriye)

Ibrahim Aden Shire

Ishire86:gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here