Shariif Maxammuud: Halgamaagii la hagraday

0
663

Sidii xorriyadda loo qaatay, madaxdeennu waxaa ay noo sheegtay in aan weynayno dadkii dalkeenna usoo halgamay sababna u noqday gobonnimada aan gaarnay. Halyeeyadaas in badan ayaa taallooyin loo sameeyay, qaar kalana waxaa lagu qoray dhigganayaasha dhaxal reebka ah. Sida loo xulay haldoorkaas iyo nidaamka lagu kala hormariyay aad uma cadda. Waxaa se mar walba jiray dhaliil iyo tabasho ku saabsan in aan loo xaqsoorin dadkii dalka usoo halgamay. Inta badan dadka dhaliisha keena ayaa ka eego dhinac qabiil. Waxaa ay si dhaqsa ah usoo saaraan sawir muujinaya sida qarsi la’aanta ah ee loo maamuusay qaar ka mid ah halgamayaashi dalka iyo sida qaar la mid ahaa qabiil dartii cagta loogu saaray.

Waxaa kaloo jiro dad badan, oo aan anigu ku jiro, oo eedda saara gumeystihii dalka halakeeyay. Edda uu leeyahay ayaa ah inuu isla asagii aan iska xoraynay noo tilmaamay dadka mudan inaan ka abaal marinno dadaalki aan ku xorownay. Waxaa caddayn weyn u ah sida loogu dadaalay in meesha laga saaro dadkii rasmiga ahaa ee naftooda u huray xoraynta dalka. Dadkaas oo ahaa culimada, ayaan la qarin kaliyee, laga faafiyay dacaayado doorkoodi liidayo ama xaqirayo. Tusaale, Talyaaniga ayaa buugtiisa ku qoray in Allaha u naxariistee (AUN) mujaahid sheekh Xasan Barsame ay isku qabteen addoommo uu lahaa oo Talyaanigu ku amray inuu xoreeyo. Sawirka uu noo dhiibayo ayaa ah Sheekh Xasan wuxuu ahaa arxan laawe addoomo laga xoreeyay inuu dib helo dagaal u galaye, ma ahayn mid ka dhiidhiyay gumeysgi Talyaanigu ku hayay dadka Soomaaliyeed. Aqoonyahankeenni ayaa iyagoon iska eegin waxa ay soo waaridayaan buugta noogu qoray warkii Talyaaniga. Waxaa la mid ah oo waliba kasii liita kuwa laga sheego sheekh Uweys Dheere.

Intii dacaayad loo waayay iyaguna waa la sheelay. Dadka doorka weyn qaatay halgan lama illaawaan ahna galay waxaa ka mid ahaa AUN Shariif Maxammuud Cabdiraxmaan oo ku caan ahaan Shariif Maryacadde. Shariifku wuxuu ku jiray dagaal culus oo ku lid ahaa faafinti afkaarihii Talyaanigu doonayay inuu dalka ku qabsado si nabad ah. Markii laga taag roonaaday culimadii hubka dalka ku difaacaysay waxaa la galay marxalad gumeysi oo rasmi ah. Dalka waxaa si buuxdo gacanta ugu dhigay Talyaaniga wixii ka billowday 19927’ki. Wuxuu samaystay askar iyo kaadiriin Soomaali ah oo uu isugu tababaray, u shaqaysa, adeecsan oo xambaarsan afkaartiisa.

Talyaaniga oo taa ka faa’iidaysanaya ayaa ku dadaalay inuu ka aargoosto diinta iyo dadkeeda. Wuxuu aad u fogeeyay culimadii. Wuxuu xoogga saaray inuu kala fogeeyo Soomaalida iyo wixii ku xiri kara Muslimiinta kale oo ay ugu horrayso barashada Carabiga. Shariif Maxammuud wuxuu ka mid ahaa dadkii u istaagay ka hortagidda fasaadkaas.

Shariifku wuxuu ku dhashay dagmada Luuq ee gobalka Gedo sannadki 1904. Isla Luuq ayuu ku barbaaray, Qur’aanka ku xafiday kuna qaatay aqoonta aasaasiga ee diinta. Wuxuu u safray dalka Masar isagoo aqoon doon ah 1923’ki. Intii uu Masar joogay waxaa aad u saameeyay dhaqdhaqaaqi Ikhwaanka iyo siyaasaddi Masaarida ee waddaniyadda Carabnimo ku dhisnayd. Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 1900 iyo soddonnadi waqtigii dowalddii Faashiistaha uu dalka gacanta ugu jiray. Markiba wuxuu billaabay diidmo iyo baraarujin lid ku ah arxanlaawihi Talyaaniga. Markii la arkay inuu dad badan duufsanayo, ayuu gumeystihii u musaafuriyay magaadalada Boosaaso. Halkaas ayaa lagu hayay ilaa uu billowday dagaalki Talyaanigu ku qaaday Itoobiya.

Dagaalkaan waxaa ka qayb galay Soomaali aad u badan oo Talyaaniga garab siinaysay. Waxaa la sheegay in lix kun oo askar joogta ah iyo afartan kun oo aan rigli ahayn oo wada Soomaali ah ay dagaalkaas Talyaani dartiis u galeen. Talyaaniga oo doonaya inuu dagaalka ka dhigo mid xaq ah oo jihaad ah ayaa raadshay wadaad u fadwoodo wuxuu rabo. Shariif Maxammuud ayaa arrintaa loogu yeeray. Waxaa laga codsaday inuu fadwoodo in dagaalku yahay jihaad dadka ku jirana ay afuri karaan inta lagu jiro bisha Ramadaan sidaas oo ay yeelaanna Alle sawaabkiisa ku heli doonaan. AUN’tee uma hogan damicii gumeystaha wuxuu si cad u diiday inuu saaro fadwo noocaas ah. Intaas kuma ekaane wuxuu Soomaalidi ku yiri dagaalku wuxuu u dhaxeeyaa laba gaal. Qofkii galaa isagaa yaqaan u dhimanayo ujeedka uu leeyahay laakiin kolba mid Islaam iyo Soomaali quseeya.

Intii lagu jiray dagaalki Labaad ee Dunida, Soomaaliya waxaa wada qabsaday Ingiriiska. Waxaa Koonfurta maamulayay ciidamadii Ingiriiska hoggaanka u hayeen kaas oo la oran jiray British Military Administration (BMA). Ingiriiska oo markaa haysaty inta badan waddamada Bariga Afrika ayaa isku dayay inuu dhammaan dalalkaas u sameeyo hal af. Afka Sawaaxiliga, oo qorshahaas loo dooray, ayuu isku dayay in Soomaaliya laga hirgaliyo. Dhammaan iskoollada iyo goobaha maamulka ayuu soo saaray in afka laga isticmaalo uu noqdo Sawaaxiliga. Shariif Maxammuud wuxuu noqday ninkii ka hortagga howshaas gurracan u istaagay. Markiiba wuxuu abaabulay culimadi. Wuxuu billaabay baraarujinta khatarta arrintaasu ku leedahay dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka. Kacdoon maamulki Ingiriisku hayn kari waayay ayuu billaabay. Si uu uga hortago xoogaysiga kacdoonkaas iyo inuu isu baddalo mid xornimo doon ayuu Ingiriisku wuxuu Shariif Maxammuud u masaafuriyay Baraawe. Taasu wax weyn uma dhibin oo Ilaahay waa ka miri dhaliyay dadaalkiisi ahaa in aan Sawaaxili dalka laga hirgalin. Haddii uusan maalintaa u istaageen waxaa ay u badnaan lahayd in maanta Sawaaxilugu noqon lahaa afafka dalka looga hadlo.

Markii SYL la aasaasay Shariifku wuxuu ka mid noqday dadkii sida weyn uga dhex muuqday. Sannadihii hore ee ururka isagaa u ahaa afhayeen. Wuxuu ahaa nin aftahan ah, hadalka heli og aad u yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Soomaaliga. Shariif Maxammuud ayuu ahaa ninki ku hadlay afka SYL intii lagu jiray booqashadii guddiga afarta quwadood ee 1948’ki. Sababo aan la ogayn ayuu isaga casilay ururki SYL wuxuuna aasaasay urur la oran jiray Somali Islamic League 1950’ki. ururkaan ayaa ujeeddadiisa ugu muhiimsan ay ahayd ka ilaalinta dhaqan, luuqadda Carabiga iyo diinta afkaaraha reer Galbeedka.

Shariifku wuxuu aad ugu dhaga nuglaa qaddiyadda Carabnimo. Wuxuu isku dayay in si walba oo ay tahay aanan Carabta laga fogaan, dhib iyo dheef lala wadaago, hiil iyo hoona lala garab istaago. Arrintaasu wuxuu ficil ahaan u muujiyay duullaanki saddex geesoodka ahaa ee Masar ay kusoo qaadeen waddamada Israa’iil, Ingiriiska iyo Faransiiska 1957’ki. Wuxuu Soomaaliya ka billaabay baraarujin iyo wacyi galin lagu garab istaagayo Masar. Wuxuu aruurshay lacag iyo mucaawino uu gaarsiiyay dowladdi Masar. Ogaada in Masar inta ay noo gurmatay ka badan aan u gurmannay laakiin aqoonyahankeennu teenna ma sheegaan ee tan Masaarida kaliya ayay buunbiinyaan.

Marki xorriyadda la helay waddamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya aqoonsaday waxaa ka mid ahayd Yuhuudda. Badalkeedi waxaa ay heleen casuumaad ay kaga soo qayb galaan xafladda xoriyadda. Shariifka oo aad uga xumaaday in Soomaaliya oo xor ah xiriir la samaysato ayaa dadaal u galay in arrintaa la joojiyo. Wacyi galin iyo abaabul looga hortago waftiga Israa’iil in ay Xamar yimaadaan ayuu sameeyay waa uuna ku guuleystay joojinta arrintaas cambaarta nagu noqon lahayd.

Markii xoriyadda la qaatay dadaalkiisi ku wajahnaa u addeegidda luuqadda Carabiga iyo u dhawaanshaha waddamada Carbeed halkiisi ayuu kasii waday. wxuu dadaal weyn galiyay in Soomaaliya ka mid moqoto ururka Jaamacadda Carabta taasuu xaqiiqowday 1974’ki. Marki la qorayay dastuurki lixdanki, Shariifku wuxuu u keenay kitaabka Minhaajka ah oo uu yiri, dadkii qorayay, kanaa nagu filane dadka ku maamula. Markii lagu diiday wuxuu dadaal xooggan galiyay in calmaaniyaddu aysan sal u noqon dastuurka dalka taas oo uu ku guuleystay.

Dadaalki uu ugu jiray in aan dhidibbada loo siibin Carabiga, gumeystihii kaliya kuma colaadin ee si la mid ah qaar badan oo Soomaali ah ayaa ku dhibsaday. Dhammaan waxbarshadu waxay ku bixi jirtay Aftalyaani. Koonfurta oo dhan ma lahayn hal mac’had oo nidaami ah oo Carabi ku baxao ama diin lagu barto. Waxaa jiray hal mid oo la oran jiray Displina Islamico. Shahaadooyinka laga qaato kollejkaan waxay ku qornaayeen Talyaani marki laga reebo erayga ‘Islamico’ ee magaca kollejka ku jiray. Waxaa magaca dhibsaday ardaydii dhiganaysay sida uu sheegay AUNtee sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Ardaydi ayaa u cabatay Cabdirashiid Cali Sharmaake oo madaxweyne ahaa. Waxaa ay ka codsadeen in magaca laga baddalo oo laga jaro kalmadda ‘islamico’. Ardaydu waxay ku doodaysay shahaadada magacaan ku qoran yahay shaqo kuma helayno.

Shariif Maxammuud wuxuu maqlay in la doonayo in halki meel ee goob waxbarasho magac Islaam ka lahayd la baddali rabo. Qaylo-dhaan ayuu billaabay iyo in uu ka istaago masaajidda. Wuxuu joogi jiray masjidka Marwaas. Farriinti wuxuu gaarsiiyay madaxweynaha dalka isagoo ka codsaday inuu arrintaa joojiyo. taasoo uu ka aqbalay. Halganka Shariifka waxaa maqlay qaar ka mid ah ardaydii wax ka dhiganaysay kollejkaas. Wuxuu yiri sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax “Maqrib ayaan salaad soo aaday. Waxaan masaajidka hortiisa ugu imid wiil aan isku magaalo kasoo jeedno oo aan aqiinnay. Waxaan ku kri Yuusufow kolley tukan mayside maxaad masaajidka hortiisa ka haysaa? Wuxuu iigu jawaabay salaad uma imaane mid wadaad ah oo meeshaan ku jira baan sugayaa oo aan rabaa inaa ku iraahdo faraha ma naga qaadaysaa mise shaqaan kaa qabannaa”. Qofka wiilki sugayo ee uu leeyahay faraha hadduusan naga qaadin shaqo ayaan ka qabanaynaa waa Shariif Maxammuud. Waxa u keenay in kuray illinka u istaago waa kaliya inuu doonayay in dalka iyo dadkiisu ku baaqi ahaadaan Islaannimo khaalis ah.

Shariifku waxbarashada dalka gacan weyn ayuu ku lahaa. Isagoo ka faa’iidaysanaya xiriir wanaagsanaa ee uu waddamada Carabta la lahaa ayuu dadaal u galay in gacan laga siiyo sidii Soomaaliya Jaamacad u yeelan lahayd. Ururka Jaamacadda Carabta ayuu arrintaa u daba istaagay kaasoo codsigii Shariifka aqbalay 1971’ki. warkii farxadda lahaa ayuu ugu bishaareeyay AUNtee madaxweyne Maxammed Siyaad Barre oo isna niyad sami iyo gacmo furan ku soo dhaweeyay in jaamacadda Carabtu fududdayso in Soomaaliya jaamacad yeelato. Nasiib darro, dowladda waxaa ku xoogganaa dadkii Talyaanigu wax bartay ee meesha uga tagooday. Markii ay warkaas maqleenba waxay dadaal u galeen in aysan dhicin taasu. Si looga hortago jaamacad af Carabi ku baxdo oo dalku yeeshu waxay la xiriireen Talyaaniga. Waxay u sheegeen inuu danihiisa waayi doono haddii dalku xagga Carabta u bato sida looga badbaadi karana ay tahay inuu maalgaliyo jaamacad Carabta ka hor. Sidaas ayuu Suuqa Yurub ku meel mariyay in ay iyagu maalgaliyeen waxbarashada sare ee Soomaaliya laguna furay Jaamacadda ummadda 1971’ki.

Shariif Maxammuud isagoo sidii dadkiisa ugu adeego ayay dowladdi dhacday markaas oo uu u qaxay Baraawe, markii uu iyadana ku badbaadi waayay uga sii gudbay Mombasa Kenya kadibna Masar oo uu ku noolaa ilaa tii Rabbi u timid 1994’ki.

Naxariisti Allaha geeyee, waxaa noo muuqata doorka shariifka ahaa ee Shariif Maryacadde ku lahaa halgankii gobonnimo doonka, midkii uu la galay gumeystihii doonayay dhaqan-roganka, dadaalkiisi waxbarashada, midkii wanaajinta xiriirka Carbeed iyo Soomaaliya iyo kuwo kale oo badan. Waa halgamaa noloshiisi oo dhan ku bixiyay hagajaahinta nolosheenna iyo midda jiilalka naga danbeeyo. Allaha wanaag nooga abaal mariyo xaqiisa ma gudi karno isaga iyo kumannaanka kale ee noloshoodi noo huray.

Xogtaan inteeda badan waxaan ka qoray buugga The Islamic Movement In Somalia ee Dr Baadiyow iyo muxadaro uu leeyahay AUNtee sheekh cabdiqaadir Nuur Faarax.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here