Labo tusaale oo cibro ugu filan ciddii wax qabadku ka dhabyahay

0
1846

Maxaan qaban karaa? Maxaan hayaa oo aan wax ku qabtaa? Waxaa loo baahan yahay tashiilaad, agab iyo qarash si wax loo baddalo iyo kuwo la jaad ah waa erayada nagu badan marki aan ka hadlayno caawinta dadkeenna iyo horumarinta bulshadeenna. Wacyigeenni ayaa ku xirmay in aannan waxba la qabin karin haddii aysan jirin dowlad, hay’ad ama urur gacan nagu siiyo waxa aan rabno inaan qabanno. Waxaan jeclaystay in aan akhristayaasha la wadaago labo tusaale oo dhab ahaan noo tusayo in qofkii wax qabashadu daacad ka tahay uusan waayin jid uu maro oo gaarsiiya hadafkiisa. Kan hore waa qoriddii Diiwaanka Sayidka.

Qof walba Soomaali ah Sayid Maxammed madaxa ayuu u saaranyahay. Suugaantiisi waxaa ay noogu jirtaa safka hore ee sooyaalkeenna. Waa yaryahay qof Soomaali ah oo aan tuducna Allaha ka dhigee aan wax ka hayn gabayadii Sayidka. In Sayidku noqdo halyeeyga Soomaalida iyo in ay baahdo suugaantiisu maahayn mid ku dhacday si dabiici ah mana ahayn mid urur iyo dowlad ay maalgaliyeen. Haddii uusan ahayn dadaal hal shaqsi, Sayid Maxammed maanta kama uusan duwanaadeen imaam Axmed Gurey oo inta yar ee aan ka hayno ay yihiin kuwo dad kale noo qoreen. Haddaba sideen ku helnay Diiwaanka Sayid? Aan inku dhaafo aruuriyaha Diiwaan Aw-Jaamac Cumar Ciise oo horudhaca Diiwaanka noogu sheegay:

Daraawiish markay jabtay, Sayid Maxamedna geeriyooday gumaysigu wuxuu ku dadaalay inuu raadkoodii baabbi’iyo si aan loogu dayan, taariikhdoodiina looga sheekeysan. Dabadeedna wuxuu fidiyey taariikh aan raad lahayn iyo dacaayad been ah iyo xuma-ka-sheeg si aan tii oo kale waa dambe u dhicin. Wixii kutub, buugaag, gabay ama waraaq ahaana waa gubay si aan wax raad ah Daraawiish looga arag. Waxay duni hadba heer ahaataba, waxay talo hadba geed harsataaba, afar iyo soddon gu’ iyadoo laga soo wareegay geeridii Sayid Maxamed ayaa anigiyo naftaydu ku heshiinnay inaan taariikhdii Daraawiisheed guud ahaan baadi goobo, wixii maanso ahaana gaar ahaan u raadiyo. Abbaaraha muddo sanad ah markaan wadey ayaa waxaa iga hor yimid labo dhibaato oo culculus:

  1. Tan hore nimankii Daraawiish ka noolaa oo gabayadii inay hayaan lagu malaynaayey dhammaantood waxay noqdeen reer miyi saraardaaq ah oo magaalooyinka ka dheer.
  2. Tan labaad waxay noqdeen niman haaliyoobay oo fiig ah oo si ay kuugu gole-fariistaan adag tahay, inay wax kuu sheegaan daaye!

Dabadeed waxaa lagama maarmaan noqday laba hal:

  1. Inaan helo xoolo aan ku meel maro.
  2. Inaan barto xeerka Dariiqda Saalixiya

In kastoo dhawr jeer aan ka hakaday lexajeclo daraaddeed, talo waxay iigaga ibabeeshay inaan iibiyo shan geela oo lacagtaan ka helo gabaygaas baadidoonkiisa iyo baaristiisa jicsin iyo baadifad uga dhigto. Ilaah mahaddii weeyaane, taasi waa ii meel martay.

b)      Waxaan u xeraystay koox wadaadda ah oo Saalixiya ah si aan u barto xeerka iyo xeeladda Dariiqada Saalixiya, iyana waa ii meel martay.

1955kii ayaa guntiga labada law geeyay, kitaabkana gacanta midig gashaday. Nugaal labadeeda daanna gees walba u qaaday, gugii dambena Hawd iyo Ciid baan wareegayey.

1959kii ayaan taabay taariikhdii Daraawiisheed inteedi badnayd, gaar ahaan gabaygii iyo goobihii dagaalada xumi ka dhaceen iyo gurigii Dariiqo wixii ka dhacay xumaan iyo samaan mid kastaba ha ahaatee. Waxaas oo idil waxay ku qorraayeen far carabi ah. Waxaan sugayey oo maskaxda ku hayey gooray noqotaba far Soomaali inay soo bixi doonto.

1971kii ayaa la unkay guddi afka Soomaaliga ka shaqeeya. Markaasna waxaa ii muuqday inay lagama maarmaan tahay in gabayadii la habeeyo oo laysu duwo, taasuna waxay u baahatay taageero la helo, maxaa yeelay waa hawl weyn.

1972kii bishii Jannaayo 4teedii, ayaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku heshiinnay inaan u yeeriyo isna gacanta ku qoro gabayadii Ina-Cabdulle Xasan oo awal carabiga ku qornaa. Hawshaasi waxay nagu qaadatay laba sano oo gaw ah iyo afar bilood.

Gabayada buuggan ku qoran waxaa la ururshay 1954kii-1974kii, waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo marki la marinaayey Xaruntii joogay, in kastoo maanta rag yari ka nool yahay.

Bal aan qiyaasno Aw-Jaamac oo maalintaas sugo dowlad maalgaliso ururinta gabayadaas? Maxaa dhici lahaa haddii uu sii sugi lahaa 10 sano kaliya? Imisa qof oo ka mid ahaa dadkii Sayidka la kulmay ama ku koray xarumihii Daraawiish ayaa sii noolaan lahaa? Dhinac kalana ka eeg isu fiiri qiimahi ay joogeen shantaas halaad iyo faa’iidada uu ku gaaray, ma labo siman baa? Shan geel ah oo waqtigaas joogta ama maantaba qof reer miyi haysto waxaa ay u dhigan tahay xaraashid shan boos oo magaalo fiican ku yaal. Ma ku fekertay inaad u quurto dhulkaada ama xoolaha kuu joogo ka miro-dhalinta hadaf caam ah oo qarash la’aan kaaga xayiran? Aw-Jaamac meesha ay gaarsiiyeen ururintii Sayidka ma gaarsiin lahaayeen shantaas halaad haddii uu lexejeclaysan lahaa?

Laga yaabo inaad is leedadahay oday miyi ka warqabeen ah oo Soomaaliya oo aan dowlad ahayn is xilqaamay baad rabtaa inaad tusaale uga dhigto dal dowlad leh. Si aan kuu qanciyo aan ku siiyo tusaale labaad oo ku qumman nolosheenna maanta iyo dalalka dowladaha leh.

Lydon Johnson waxaa madaxweynihii 36aad ee Maraykanka. Wuxuu ka mid yahay madaxdii dalkaas soo martay kuwii ugu magaca dheeraa ee waqti adag meel aan la filayn si aan la filayn uga saaray mashaakil Maraykan haystay. Kartida, waaxtar iyo ka run sheegidda qabashada shaqada waxaa laga arkay howlihii ugu horreeyay ee uu qabtay. Lyndon waxaa ku dhashay gobal weynaha Texas halkaas ayuuna ku koray. Marki uu dugsiga sare ka baxay waxaa uu galay kollej si u qaato waxbarashada sare waa ayse ka kala go’day qarash la’aan awgeed. Waxaa u qaatay sannad si uu u soo shaqaysto.

Lyndon waxaa u shaqo maamulennimo ka helay iskool ku yaallay tuulada Cotulla. Cotulla waa dagmo Texas ka mid ahayd oo dhacda xudduudka Maraykanku la leeyahay Maxico. Waxay ahayd dagmo dad sabool ah ku noolyahay oo xataa jidad aan lahayn. Iskoolka uu shaqada ka billaabay waxaa dhigto carruurta dadkaas masaakiinta ah oo ay u sii dheertahay in iskoolkuba yahay mid loo qoondeeyay carruurta la takooray. Waqtigaas Maraynku isma dhex gali jirin oo caddaan iyo madowgu fasal iyo meel kale kuma kulmi jirin waayo waxay ahaayeen dad kala sarreeyo oo aan sinnaba nolol ku wadaagin karin waa sidii caddaanki awoodda badnaa ugu talagalaye.

Lyndon wuxuu shaqo billaabay 1928’ki. Markiiba waxaa danqiyay ilxumada carruurta ka muuqato iyo dayaca iskoolka haysta. Caddaanba ha ahaadee, wuxuu lahaa dareen aadane waxaana ku beernaa karti iyo dadnimo u diidday inuu musuqmaasuqo shaqada uu mushaarka ku qaadanayo. “Ardaydaydu waxay ahaayeen kuwo sabool ah oo intooda badan iyagoon soo quraan ay fasalka yimaadaan” ayuu yiri waa danbe isagoo ka warramayo shaqadii ugu horraysay ee uu qabto. “xataa carruurnimadooda ayay yaqaanneen xanuunka takoorka” ayuu ku daray.

Lyndon intuu karay ayuu iskoolka galiyay oo dadaal waxabarid, dhimrin, dhiirrigalin, hagaajin iyo isu dumid ah. Tusaale, shaqadiisa maamuleninada ahayd waxaa u ku daray inuu casharro ku saabsan doodaha iyo aragti-waydaarsiga siiyo, fasallada shanaad, lixaad iyo kuwaas oo aan shaqadiisa ku jirin. Waxa se aan hadda uga jeednaa waa siduu u wajahay wixii dhaafsiisnaa intuu karay ee iskookla loo qoondoeeyay. Waxaa u muuqday iskoolka inuusan lahayn waqti nashaad. Carruurtu fasalka ayay galaan guryahoodi ayayna ku laabtaan. Malaha meelo lagu cayaaro iyo agab ay waqti bareegga ku yara mashquulaan. Iskoolka maamulkiisa iyo madaxdiisu wax dhaqaale ah uguma tagalain arrintaan diyaarna uma ahayn in ay ku baxshaan lacag kale. Oo maxaa looga dhigayaa waaba carruur la iska fogeeyay si aysan kuwa nadiifka ah ee caddaanka aysan ugu dhawaane!

Lyndon ma uusan dhihin maxaan ka qaban karaa haddii aysan dowladdu lacag ku bixinayn; ma uusan dhihin waxaan qaban kary qabtay wax kalana uma hayo; ma uusan oran maxaa iga galay carruurtaan masaakiinta ee duurka lagu xiray. Baddalkeedi wuxuu qaatay door hoggaamineed oo naf-huridnimo ah. Waxaa uu billaabay inuu mushaarkiisa nus uga jaro agabka iskoolku ugu baahanyahay horumarinta caruurta. Lacagti uu iska jaray ayuu ugu soo gaday qalab isboortis waxaa uuna borogaraamyadi iskoolka ku daray cayaaro iyo tartan. Ugu danbayn halsano gudahiis waxaa uu gaarsiiyay carruurti duurka ku awdnayd in tartammo cayareed la yeesheen iskoollo kale oo gobalka ahaa. Mooraalka uu sare u qaaday iyo dareenka dadnimo ee carruurta uu ku beeray ayaa noqday kuwo taariikhda u galay laguna asteeyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu qabtay noloshiisi.

Xasuuso Lyndon iskoolka lacag doon ayaa keenay. Ujeedka dhan ee uu u yimdi wuxuu ahaa inuu hal sano ka shaqaysto, xoogaa lacag ah ka urursado ka dibna waxbarashadiisi dib ugu laabto. Xaqiiqdi waa uu ka dhabeeyay hadafkaas oo lacagtii uu shaqaystay ayuu ku dhammaystirtay waxbarashadiisi. Laakiin wuxuu in badan oo jeebkiisa kusoo hari lahayd ama baahi shaqsiyadeed uu u qabay uu u huray wax ka baddalidda ardaydi uu maamulaha u noqday.

Bal qiyaas in maalintaas Lyndon uusan dan ka yeelan dhibti carruurtaas haysatay? Maxaa ka duway caddaanki marki horaba takooray? Maxaa ku kallifay inuu jeebkiisa ka hormariyo carruur uu ugu yimid inuu lacag ka sameeyo? Jawaabaha su’aalahaas oo aan fahanno ayaa noogu filan inaan baddalno dadkeenna iyo dalkeenna. Hal qodob ayayna ku koobantahay kaas oo ah in qof walba inta uu hayo uu si dhab ah u qabto una hagarbaxo shaqada uu gacanta ku hayo sida Aw-Jaamac iyo Lyndon.

Ibrahim Aden Shire

ishire@gmail.com

FG: Arigtida halkaan ku qoran waxay u gaar tahay qoraha kamana turjumayso aragtida Humbaale Media. Humbaale waa bog u furan wadaagidda aragtiyaha iyo ka sheekaysiga arrimaha dalkeenna quseeya. kala soo xiriir: humbaale15@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.