Waxaan dhowr jeer oo isu dhow baraha bulshada ku arkay sheekooyin xanuun leh. Sheekooyinkaan waxaa soo dhigay dhallinyaro kala duwan oo aad loogu xiran yahay bogaggooda. Qaar iyagaa si toos ah ula falgalay dhacdada, qaarna dad ka danqaday ayaa u soo tabiyay. Sheekooyinkaan oo ku saabsan carruur yar yar oo wiilal iyo gabdhoba leh, ayaa dadka loogu soo gudbiyay in ay gacan ka geystaan caawintooda. Waxaa jiro hal arrin oo ay ka wada siman yihiin sheekooyinkaan taas oo ah in canugga laga soo qayliyay lala kulmay waqti uu shaqo ku jiray oo xooggiisa xalaal ku raadsanayay.
Mid iyo labo aan ka xuso si kooban. Wiil baalashle ah ayaa wiil dhallinyaro ah kabo ka casaystay. Intuu shaqada u hayay ayuu waraystay waxaa uuna u sheegay inuu baalashkaan hooyadii iyo walaalihii ka yar yar ka biilo. Wiilki loo shaqaynayay oo ka danqaday ilmaha yar ee kuwa isaga ka sii yar korinaya hooyo baahanna guriga u joogto ayaa sheekadiisi dad weynaha la wadaagay sidaasna uga codsaday inuu qof walba wuxuu awoodo u diro isagoo yiri wakaas telkiisa ee ugu tuura. Sidaas oo kale, gabar lows iibinayso ayaa nin dhallinyaro ah oo ladan u sheegtay in ay meel fog subax walba kasoo kacdo si ay lowskaan uga iibiso dad daawanya cayaaraha ka dhaco istaadiyow Muqdisho. Ka dib wuxuu la danqaday dhibkaan, wuxuuna usoo bandhigay dad weynaha.
Xaaladda ay carruurtaan ku jiraan waa mid xanuun badan, danqinaysa qof walba oo dammiir leh mudanna in wax ka qabashadeeda loo istaago. Hasa yeeshee marar badan waxaa dhacdo wax loo haysto badbaadin inay noqoto bud-dhigid. Caawinta noocaan oo kale ahna inta badan dhib ma ogiye dheef ma keento. Eebbe iyo Rasuukiisa iyo dadka tajribooyinka sameeyay intuba waxaa ay isku waafaqeen in dhiirrigalinta shaqadu ay tahay tan kaliya ee baddasho nolosha dadka horumarna keento. Mar walba oo dadka loo muujiyo ama lagu caawiyo si bilaash ah waxaa sii galaan xaalad middii hore ka xun.
Qisada Maryama bintu Cimraan oo ah Nabi Ciise CS hooyadii waa tusaalaha ugu wacan, ugu faahfaahsan uguna saamaynta badan dhiirrigalinta shaqada. Sidaan ognahay Maryama waxaa ay uuraysatay iyadoon nin qabin oo ugub ah. Xaaladda ay ku jirtay oo ahayd mid aysan dadka la wadaagi karin darteed, iyadoo uurka qarsanayso ayaa la gaaray waqtii umulidda. Duurka ayay ula carartay, waxaa ayna ku hoos foolatay geed timir ah. Xanuunki ayaa ka batay, cidlada ayaa uga daran, ceebeynta sugayso ayaa sii dheer. Calool-xumo, faker, walwal iyo murugo ayaa daboolay qalbigeeda ilaa ay tiri “maxaan isaga dhiman waayay inta aysan tan igu dhicin aan noqdo mid la halmaaye”. Gabar ugub ah, cidla joogta, oo fool hayso tabar-yarida hayso waa mid cid walba ay suuraysan karto. Haddii Eebbe iyada iyo ilmihi nabad ku kala keenay wax ay afka galiso ayay u baahatay. Miiska looma soo saarin, tabar ay ku kacdo ma jirto xoog keedna ah miro kuma lulan karto. Saas oo ay tahay Eebbe wuxuu doonay inuu aadanaha cashar uga dhigo in noloshu kasab rabto. Waxaa la faray in ay geedka timirta ah ruxto sidaasna miro ugu soo daataan.
فَحَمَلَتْهُ فَانتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا (22) فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا (23) فَنَادَاهَا مِن تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا (24) وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا (25)
Eebbe waa karay inuu horteeda keeno wax walba oo ay u baahan tahay. Waa isaga siiyay wiil Nabi ah iyadoon lab la kulmin. Markii ay yarayd ee aysan maskax wax garato iyo muruq wax qaban karo aysan lahayn wuxuu horteeda soo dhigi jiray cunto nooc walba ah ilaa dadkii koriynayay ay ka yaabeen sidaasna u waydiiyeen yaa ku keeno cuntadaan iyaduna ay ku jawaabtay Eebbe xaggiisa ayay ka ahaatay Eebbe ayaana cidduu doono quudiyo xisaab la’aa
Haatan se, haba tabar yaraatee, waxaa ay leedaxay caqli garan karo waxa la faray iyo xeelad ay u isticmaali karto helidda wax ay cunto sidaas ayaa waxaa ku dhashay wax soo saar ka yimid isku day shaqsi iyo kaalmo Eebbe.
Sidaas ayay ahayd tarbiyadii Suubbanuhu. Isagoo dhinac baray ummaddiisa isku tiirsanaanta, is-kaalmaysiga iyo isu-gurmashada ayuu dhinaca kale baray isku filnaanshada iyo shaqaysiga. Aad ugu fiirsi sheekadaan, dhuux oo u dhug yeelo maaddaama ay tahay mid si joogta aan ula kulanno laakiin sidii Suubbaha SCW si ka duwan aan u maarayno.
Anas waxaa uu wariyay in nin reer Ansaareed ah uu u yimid Suubbanaha SCW isagoo kaalmo waydiisanayo. Waxaa la sheegaa inuu ku yiri dadka wax ii waydii reerka ayaa iga baahane. Xaaladda ninkaan uu ku jiro iyo tan carruurtaas ku jiraan kee daran? Xabiibku ma uusan eegin xalka dhaqsaha badan ee ah in ninkaan caawa la nooleeyo ee wuxuu eegay xalka dhabta ah ee ninkaan ka saari kara dhibaatada haysato. Wuxuu ku yiri gurigeeda wax alaab ah ma kuu yaallaan? Wuxuu ku jawaabay haa waxaa noo yaal buste darafna aan goglanno, darafna aan huwanno iyo weel aan biyaha ku cabno. Xabiibka ayaa yiri SCW kac oo iila kaalay isna waa soo waldaamiyay. U fiirso sida uu yeelay naxariis badane nabi Muxammed SCw.
Dadkii la joogay ayuu usoo bandhigay labadi shay oo loo keenay waa naadiyay isagoo leh ayaa iga iibsanaya alaabtaan. U dhug yeelo meesha waxa yaal alaab maahee, waa maro iyo weel reer dhan xoolo ka lahaa oo aad dareemi karto waxa uskag iyo baaliyow ka muuqdo. Saxaabi ayaa yiri aniga Rasuulki Eebbow Dirham ayaan kaa siin. Maya ka badan ayaan ku rabaa ayuu yiri ee yaa ku daray. Wanaag-badane kale ayaa yiri anaa laba ka dhigay Rasuulki EEbbow. Gacanta ayuu ka riday alaabti waxaa uuna u dhiibay labadii Dirham ninkii. Mid caawa quuta ayuu yiri illeen qof lacag haysto gaajo ku seexo gar maahee. Kan kale se faas ku soo ibii oo iila imow. Waa ula yimid faaskii. Wuxuu ku SCW qaado, xaabo soo gur oo sii iibi iina soo laabo 15 cisho ka dib. Laba asbuuc ka dib ayuu soo laabtay wuxuuna u sheegay inuu maanta helay 15 Dirham, arrad baxay, cuntana iibsaday.
أخرج أبو داوود وابن ماجة: أن رجلا من الأنصار أتى النبي صلى الله عليه وسلم يسأله فقال أما في بيتك شيء قال بلى حلس نلبس بعضه ونبسط بعضه وقعب نشرب فيه من الماء قال ائتني بهما قال فأتاه بهما فأخذهما رسول الله صلى الله عليه وسلم بيده وقال من يشتري هذين قال رجل أنا آخذهما بدرهم قال من يزيد على درهم مرتين أو ثلاثا قال رجل أنا آخذهما بدرهمين فأعطاهما إياه وأخذ الدرهمين وأعطاهما الأنصاري وقال اشتر بأحدهما طعاما فانبذه إلى أهلك واشتر بالآخر قدوما فأتني به فأتاه به فشد فيه رسول الله صلى الله عليه وسلم عودا بيده ثم قال له اذهب فاحتطب وبع ولا أرينك خمسة عشر يوما فذهب الرجل يحتطب ويبيع فجاء وقد أصاب عشرة دراهم فاشترى ببعضها ثوبا وببعضها طعاما فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم هذا خير لك من أن تجيء المسألة نكتة في وجهك يوم القيامة إن المسألة لا تصلح إلا لثلاثة لذي فقر مدقع أو لذي غرم مفظع أو لذي دم موجع.
Akhristaha qaaliga ahow, is waydii waxa uu Suubbanuhu u siin waayay labada Dirham isagoon ka iibin alaabtiisa? Soo ma oran karin inuu yiraahdo qaado labadaan Dirham oo midna quudo midna masaar ku iibso oo soo xaabo guro? Waa maxay sababta uu u yiri wax un aad leedahay keen? Jawaabtu waxaa weeye inuu Suubbanuhu doonayay inuu na baro in qofku isku filnaan karo hadduu doono isagu. Wuxuu na baray in qofka aan la siin wax markaa gaajada ka jara ee la baro waxaa abid gaajada ka saari kara. Wuxuu noo jeexay jidkii ay mari lahaayeen dadka doonayo in ay kaalmeeyaan masaakiinta. Wuxuu noo caddeeyay, si aan mugdi ku jirinna ficil ahaan noogu tusay, in xalku yahay baridda iyo tusidda xirfad lagu shaqaysto iyo ugu kaalmaynta siduu xirfaddaas ugu howl-gali lahaa.
Ha ku dag-dagin inaad tiraahdo, “kheyrul-maanic” ayaa tahay iyo maxaa ku jaban in carruurtaas waxyar la siiyo. Waxba kuma jabna, in la caawiyo dadka baahan loo gurmado oo baahidooda la gudbayo. Laakiin, imisa wiil oo baalashlayaal ayaa reero dhan koriyo? Imisa canug oo ka yar toban sano suuqa u nolol doonto? Imisa hablood ayaa looska iyo jallaatada ay suuqa ku wareejiyanaan reero ka biilo? Miyaa la awoodaa in dhammaan lacag loo aruuriyo? Haddii ay maya tahay, labadii wiil ee shalay isla socday haddii midna shalay toban kun loo diray arrad baxay oo baalashki ka tagay kii kalana halkii taagan yahay sidee dareemi muxuuse samayn markuu ogaado in lacag loo aruuriyay sidaas noloshiisa u baddashay? Soo noqon mayso inuu baryo tago ama ugu yaraan rajeeyo inuu helo qof u garto inuu dadka ugu qayliyo isagoo is-bihin-bihin iyo is-liidid ku xoojinayo? Dhinaca Kale, canuggi maalinti laba iyo afar doollar ku xisaabtami jiray haddii maalin gudaheed kumannaan doollar kusoo shubanto xaalkiisu siduu noqon? Maaraynteeda iyo wareerka uu qaado in ay dhib u gaysato soo suuragal maaha?
Dal dadkiisu shaqo neceb yahay, shaqooyinka dalka yaallaana uu ka faano, shaxaadku ugu sahlanyahay xooggooda oo ay maalaan, shaqo la’aanta dhallinyarada haysato gaarsiisan tahay 70% ma habboontahay in la dhiirrigaliyo eegidda gacmo kale? Sidaas darteed, ayaa waxaa wanaagsan in aan jidka baryada iyo shaxaadka laami la saarin. Qofkii loo arko in ay ku fiicnaan lahayd in loogu kaalmeeyo shaqadiisa waa wacan in waxa loo aruurinayo cid kale loo dhiibo taaso xaqiijiyo inuu ku shaqo galo.
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com