Soomaaliya cashar ma ka baran doontaa waxa Afqaanistaan ka dhacay mise inta ay godka ku dhacayso ayay sugi doontaa?

0
1494

Markii uu dhammaaday dagaalki qaboobaa ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Ruushka 1990’ki kaasoo guushu ku raacday Maraykanka, dunidu waxay filaysay nasasho cabbaar ah. Ma muuqan awood kale oo Maraykan la loollami karaysa. Dal walba inta hoos u fiirshay ayuu Maraykanku ka dhex arkay inuusan ku jiran dal dhawaan madaxa taagi doona oo isaga isku garab dheerarin doona. Hasa ahaatee, siduu ku sii saadaaliyay Samuel Hantington risaaladiisi caanka baxday ee Clash of Civilizations, waxaa curtay isku dhacyo u dhexeeyo ilbaxyadi dunida ka jiray qaarkood.

Wuxuu ahaa dagaal gardarro iyo quursi salka ku hayay kaasoo ka dhex dillaacay wiilal tabar yar oo aan meel aan caqiidadooda ahayn ku tiirsanayn iyo dalkii dunida awoodda ku maquuniyay. Dagaalkaan, oo loogu waqlalay “Dagaalkii Argagixisada” dhab ahaanti wuxuu u dhaxeeyay laba caqiido oo kala ahaa Muslin iyo Masiixi ama haddii si kale loo yiraahdo labada ilbaxnimo ee Islaam iyo Kirishaan. Wuxuu ahaa dagaal laga maarmi karay oo Maraykanku inuu isku mashquuliyo u abuuray. Dagaalkaas, oo si dhayal ah u curtay, ayaa xoogaystay markii la qarixiyay sarihii dhaadheeraa ee Maraynka 11/9/2001. Qaraxyadaas waxaa ay dhaleen inuu maroodigu carto oo uu isku dayo inuu cagta mariyo cid walba oo uu u ciishooday ama dhib ha gaysteen ama yaysan geysane.

Toban cisho qaraxyadaasi ka dib, Marayku wuxuu dullaan balaaran ku qaaday dalka Afqaanistan. Bishii Nufember 2001 wuxuu si buuxdo gacanta ugu dhigay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. Bil ka dib waxaa la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo baddasho middii Taalibaan taaso madaxweyne looga dhigay Xamiid Karasaay.

Kowdi May 2003’di, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu dhammaaday dagaalki xooggiisi wixii intaas ka danbeeyana dadka Afqaanistaan dalkooda hanan doonaan. Hasa ahaatee, wuxuu ahaa hadal aan dhabta ku fadhin ogaal la’aanna loo yiri. Siddeed iyo toban sano, oo dagaal iyo qaxar ah, ayaa raacay maalinti hadalkaasu soo baxay. Waxaa ku dhimatay in ka badan 2400 oo askari oo Maraykan ah tiro kor u dhaaftay labaatan kunna waa ay uga dhaawacantay. Wuxuu Marayku dagaalkaas ku qarash gareeyay 2.2 trillion oo doollar.  Dhinaca reer Afqaanistan ayuu gaaray qasaaraha ugu badan. Inta la ogyahay, 47 kun oo shacab ah iyo 70 kun oo ciidan ah ayaa ka dhimatay dhinaca dowladda Afqaanistaan. Tirada Taalibaan ka dhimatay iyo maalka kaga baxay lama oga laakiin waa xisaab raacsan qasaaraha gaaray reer Afqaanistaan. Laba tobnaad oo xiran ka dib maalintii lagu duulay dalkaas, ayuu Marayku masallihiisi ka duubtay Afqaanistaan iyadoo xaalkeedu halkii uu ugu tagay ka liito.

Xaalad noocee ah ayuu Afqaanistaan uga tagay Maraykanku?

Waxay ahayd wax la sii ogaa in maalin un Maraykan ka bixi doono Afqaanistaan. Dad badan, oo ay ku jiraan madaxda Afqaanistaan, ayaa se aamminsanaa inuusan habayn madow iska dhaqaaqi doonin. Waxaa la filayay inuu ugu yaraan ka tagi doono dal dhisan oo isaga filan weerar lagu qabsado caasimadihiisa, ciidan awood badan, nidaam dowli ah oo shaqaynaya iyo shacab niyad san oo arkaya mustaqbal ifaya. Haa fakerkaan wuxuu ahaa midkii ay qabeen dadkii dhibsaday xukunkii Taalibaan ee ciriiriga ahaa.

Haddii uu Maraykan waqti intaas la eg joogay, kaasoo ku suntay dagaalkii ugu dheeraa ee uu abid galo, haddii uu ku baxshay maalka tiriilliniyada ah, haddii askar intaas la eg kaga dhimatay, waxaa la is lahaa wuu u dhabar adaygi doonaa inuu ka dhabeeyo hadafkiisi ahaa inuu dhiso Afqaanistaan nabad ah oo barwaaqaysan. Yaa yiri horta hadafkiisa ayaa sidaas ahaa? aanba u qabanno siduu sheeganayay inta dalka u dhiibtayna u jiibiyeen. Hasa yeeshee, ma yeelin. Markii ay u caddaatay inuusan ku guuleysanayn dagaalka uu kula jiro Taalibaan, wuxuu billaabay inuu la xaajoodo Taalibaan isagoo isaga booday dowladdi uu isagu dhisay. Arrintaan ayaa bixisay sawir ah in Maraykanku yahay quwad xoog ku haysato Afqaanistaan, oo aysan jirin dowlad xor ah oo dalkaasi leeyahay; taasina ay keentay inuu gumeystaha iyo xornimo doonku wada hadlaan.

Dowladda tabarta yarayd ee Afqaanistaan arrintaas waa ay dhibsatay laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysatay in aysan la hadlayn cid aan Maraykan ahayn waayo, ayay yiraahdeen, isaga un bay taladu ka go’daa. Is jiid-jiid dheer ka dib, Maraykanka waxaa u caddaatay inuusan wadahadalkaas ka heli doonin wuxuu rabay, taasoo ahayd in Taalibaan uu ku qanciyo in ay awood qaybsi siman talada dalka kula wadaagto dowladda uu isagu aqoonsan yahay.

Haddii taasi dhici wayday wuxuu go’aansaday inuu isaga dhex baxo reer Afqaanistaan oo iyagu ama is laayaan ama heshiiyaan. Saldhiggoodi ugu weynaa ee Bagram kaasoo ay labaatan sano daggaanaayeen ayay habayn madow ka guureen iyagoon xataa ku wargelin taliyihii ciidanka Afqaanistaan. Ka bixiddaas kadis ah waxay keentay niyad jab, jahawareer, iyo cabsi soo wajahday ciidanki Afqaanistaan. Taalibaan oo u aragtay habka habqanka ah ee Maraykanku u baxay, fursad qaali ah, ayaa weerar saf ballaaran ah qaadday waxaa ayna gacanta ku dhigeen dalki intiisi badnayd iyo marinnada ugu muhiimsan ee dalalka dariska ah ku xiro dalkaas.

Waxaa yaab leh in lacagta tiriiliyanka dhaaftay ay ku baxday kaliya dhisidda ciidan oo dalkaasi yeesho. Waxaa la sheegay in Afqaanistaan leedahay seddex boqol oo kun oo askari. Tirada intaas la eg asbuuc kaliya waa is difaaci waayeen. Sababta ayaa ah awalba ma ahayn ciidan loogu talagalay in ay amniga la wareegaan. Maxaa loogu baahnaa ciidan intaas la eg oo aan loo hayn miisaaniyad iyo daryeel ku filan? Waxaa loogu baahnaa waa in dalalka Afqaanistaan daneeyo lacag looga qaato maaddaama amnigu ahaa waxa kaliya ee qarash loo oggolaa. Madaxda dalkaas, waxay waqtigoodi oo dhan galiyeen boobka wixii dunidu u keentay, ka qabbaynta deeqaha, iyo tabcasho aad mooddo in aan laga dhiman doonin iyo kala riixashada kuraasda dalka looga arrimiyo!

Isma aysan dhihin, adduunyadaan aad arurusateen xaggeed ku cuni doontaan, kursiga aad ku fadhidaan se ayaa idinku iaalin doona haddii Maraykan baxo? Su’aashaas meesha ma aysan oollin waayo waxaa ay u haysteen in Maraykan uusan aqbali doonin guuldarro oo uusan dalka oo sidaas ah isaga dhaqaaqi doonin. Maanta se dhacday oo daleel ayuu kaga tagey Taalibaan ayaana labataan sano ka dib magan loo yahay!

Haddaba maxaa keenay inuu Maraykanku isaga baxo isagoo habqan ah dalkii uu intaas oo maal iyo mood ah ku baxshay?

Sidaan kor ku soo sheegnay, dagaalka awalkiisu wuxuu ku billowday si dhayal ah. Wuxuu ahaa dagal uu filayay inuu bilo iyo wax la mid ah kusoo af meeri doono. Sidoo kale wuxuu ahaa dagaal hambaasi ah oo uu isla lahaa hubka iyo ciidanka yaysan macno beeline inta laga helayo awood u qalanto halkaas jiirooniga ha kasii wadeen. Laakiin wuxuu ku noqday bidaaru sibiq ayay kugu gashaa.

Qasaaraha kasoo gaaray wuxuu ka batay midkii kasoo gaaray dagaalki qaboobaa. Wuxuu noqday dagaal aan dhammaad lahayn guulna aan sinnaba looga gaari Karin. Dadka uu dagaalka kula Jiro maaha kuwo awood siyaadadeed iyo mid ciidan luminayo sidii Soofiyeedki oo kale. Intii uu dagaalkaas aan dhammaadka lahayn uu ku jiray ayaa waxaa kusoo baxay dalal uu is lahaa waligood ama ugu yaraan qarnigaan kusoo dhawaan mahayaan. Shiine, oo dhaqaale, militiri iyo tignoolajiyad ahaanba kaabiga kusoo ah, ayuu ku toosay.  Turki iyo Ruush oo mayd ahaan uu uga tagay oo soo kacay ayuu arkay. Waxaa u caddaatay inuusan kusii Jiri karin dagaalka uu ugu yeeray ‘argagixisada’ hadduu doonayo inuu la dagaalo Shiine.

Labadi sano ee lasoo dhaafay wuxuu ku mashquulsanaa inuu baddalo aragtida dadka taabacsaan oo matoorki argagaixisada loogu baddalo mid la yiraahdo “cadowga Shiinaha”. Waxaa is baddalay luuqaddi ay isticmaali jireen idaacadaha reer Galbeedka. Waxaa gabi ahaanba la baabi’iyay isticaamla erayga ‘argagixiso’ marki la tabinayo dhib ka dhacay caasimadaha Galbeedka mid ah ka mid kaas oo awal ahaa erayga ugu horreeyo ee lagu hadlo. Xasuuso goorti kuugu danbaysay ee aad maqasho erayga “argagixiso” sidoo kale is xasuusi inta jeer ee aad maqli jirtay maalinki eraygaas sanadihii laba kunnadi iyo wixii ka danbeeyay! Wuxuu baddalay aragtidiisi iyo siyaasaddiisi ku aaddayand dalalka Islaamka. Ujeedkuna wuxuu yahay inuu u farabannaanaado iska caabbinta koritaanka Shiinaha. Taas ayaa keentay inuusan waqti ku sii lumin dagaal aan dantiisa ahayn.

Soomaaliya maxaa la gudboon?

Waxa ka dhacay Afqaanistaan waxay farriin cad u tahay dowladda Soomaaliya. Awoodda ugu muhiimsan ee maanta xarumaha dowladda sugto waa ciidammada AMISOM. Dhaqaalaha ay dalka ku joogto AMISOM waxaa baxsho reer Galbeed. Askari walba oo ka mid ah 20ka kun ee AMISOM dalka ka joogo wuxuu qaataa $1028 bishii, waa adduun ku dhow $250 milyan sannad walba. Daryeelkooda, saanaddooda, agabkooda iyo hoygooda iyo hu’doodu waa sii dheertahay. Mashruucaan sidaan lacagta loogu hurayo wuxuu qayb ka ahaa dagaalkii argagixisada. Soomaaliya waxaa ay ku jirtay liiska waddamada uu madaxweynihii hore Maraykanka George W Bush ku sheegay “jidka sharka” (Axis of evil) 29’ki Jannaayo 2002’di. Ilaa goortaas wajiyo kala duwan ayuu uga daggaallamayay Maraykanku dalkeenna.

AMISOM iyo taageerada beesha caalamku waa qayb ka mid ah dagaalkaas ballaarnaa ee muddada socday haatanna dhammaadka joogo. Ma dheera goorta la arki doono reer Galbeed oo goostay lacagti ay siin jireen Afrikaanka dalkeenna joogo taasoo horseedi doonto in ay si lama filaan ah oo aan loo diyaar garoobin isaga baxaan. Haddii uu Afqaanistaan oo Maraykan si toos ah sumcaddiisa canbaar ugu noqon doonto uu isaga dhaqaaqay, ma wuxuu joojin doonaa Sooomaaliya oo uu si dadban ugu jiro?

Waqtigu wuu yar yahay laakiin waxaa la haytaa fursad dahabi ah oo looga badbaadi karo in ay dhacdo midda Afqaanistaan ku qabsatay. Madaxda Soomaalida laba jid kaliya ayaa u furan.

kow, in ay galaan diyaar garow xooggan oo dalkooda ay ku dhisayaan, isuguna diyaariyaan ka bixidda AMISOM ee goorta ay doonto noqon karta. Sida hadda ciidanku yahay waa tallaabo fiican oo horay loo qaaday sida: In hal dal (Turki) oo kaliya uu tababbaro. Dalal kala duwan oo midba ciidan gaar meel ugu xaraysto waa dhabbaha fashilka iyo foolxumada. Sidaa darteed dowladda joogto waa ay ku ammaanan tahay in ay xirtay xaruntii Imaaraatka ee sidoo kale waa in aysan aqbalin kuwa Ingriiska iyo dalalka kale ku doonayaan in ay ku furtaan. Haddii ay dowlad kale timaaddana waa in ay halkaas kasii waddaa wixii fiicnaa ee qabsoomay.

In ay helaan daryeel joogta haba yaraadee. Joogtaynta mushaarka iyo xuquuqda kale, waxaa ay sare u qaadaysaa niyad wanaagga iyo daacad ahaanshaha ciidanka. Xaqiiqdi dhowrki sano ee tagay isbaddal wanaagsan ayaa ka muuqdo ciidanka dalka. Waa dhow waxaan naqaannay iyadoo wiil wareeray iyo mooryaan ma ogiye uusan qof kale uusan askari qoran. Maanta waxaan marqaati ka nahay in dhallinyaro jaamacado ka baxday ay safaf ugu jiraan ka mid noqoshada ciidanka dalka. Waa billow fiican laakiin sii horumarin, hagaajin, iyo hufid joogta ah ayuu rabaa. Meelaha sida gaar ah u baahan in loo saxo xiriirika dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada marki la joogo ciidanka iyo u midoobidda helidda Soomaaliya nabad ah oo isku filan. Haddii aysan wada shaqayn jirin, waa la wada khasaari!

Jidka labaad ee madaxdeenna u furan waa in ay sida kuwa Afqaanistaan is dhigtaan; lacagta gaaladu keenayso ku qamaamaan, tabcasho iyo xoolo urursina ku bixiyaan waqtiga oo dhan, oo kolkaas maalintii ay arkaan AMISOM oo geeddi ah waa ku baryo oo kabtaydi maaragtay iyo xaggeen ka baxaa ay ka dhacdo. Labadaas jid kay dooranayaan waqtigaa sheegi oo ku astayn doono kuwo guuleystay oo waxa dhacaya cashar ka qaatay ama ma gudbayaal guriga ku dhaggan ee gubaanaya aan ku toosin

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmailcom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.