XABBADDII DUNIDA GILGISHAY – Faallayn, iyo Sookoobid.

2
2029

“Waa waayihii Aaden-low iyo

War weyn oo naga daahan

Waa Xabbaddiisii, Walaal iyo

Weerarkii la dambeeyay

WADA-gaaray adduunkee 

War gaalaadka afkiisa 

World War 2 la yiraahdo,

Ee Walaalkey gacalloow 

Waafi si aad ugu dhuuxdid 

Aan wadaago xogtiisa.” – Cabdullaahi Bootaan.

Buuggani waxaa laga qoray taariikhdii, iyo waayihii nin aynaan wax sidaasi ah ka aqoon. Waa Aadan Shire Jaamac (Aadan-low) oo waayihiisii ugu dambeeyay Soomaaliya ka ahaa Wasiirka Garsoorka, iyo Caddaalada Xukuumaddii RW-re Cigaal ee la afgambiyay, afgambigii kaddibna maxaabiistii Siyaasadeed ee lagu kadeeday Xabsiyada a ka mid ahaa.

Gabadhiisii Shukri Aadan, oo waayihii [Isaga] dunida ugudambaysay gabar yar ahayd baa buuggani qortay. Waxayna billowgaba kasii afeefanaysaa inay aad uga dadaashay kala dhalantaalan ku dhaco mas’uuliyadda qoraalka, iyo dareenka waaridnimo ee ay Aabbaheed u qabto, hawshaasi oo qiimaynteeda ay sii sheegtay inay ka sugayso akhristayaasha buugga.

Inta aynu qormadani ku gudajirno ayaana isla eegidoonnaa taariikhdii Aadan-low, waayihiisii iyo sidii uu ula falgalay gedgeddoonkii dunida, iyo ugudambayn siday Shukri u gudatay mas’uuliyadda qoraalka.

     WAA KUMA AADAN-LOW?

Aadan-low qiyaastii 1918-dii ayuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee Galguduud, dabadeedna qoyskoodii oo reer guuraa ahaa ayaa u hayaamay dhankaa iyo deegaanka Doollo ee Soomaali-galbeed. Kaddibna noolashii xoolo raacnimo, dugsi Qur’aan dhigasho, iyo dagaalladii deegaanka ka dhacaayay ee kuwo shisheeye iyo kuwo sokeeyaba iskuugu jiray ayuu kusoo dhex koray, oo kasoo dhexbaxay.

Isaga oo 16 jir ah ayuuna qortay Ciidamadii Soomaalida ahaa ee uu Talyaanigu xilliyadaa (1930-meeyadii) ciidameeyay, ‘Duubcad’-na loogu yeeri jiray.

Isla sanadkaa 1934-tii oo uu ka mid noqday Ciidamadii ilaalada xuduudda ay isku hor fadhiyeen Talyaaniga, iyo Xabashidu ayuu riday xabbaddii billowga u ahayd dagaalkii kharaaraa ee Faashiistihii Talyaanigu ku qabsaday boqortooyada Itoobiyo. Dagaalkaa oo loogu yeero Dhacdadii Walwaal.

Halkaas ayuuna Aadan mar kale ka galayaa noolal kale oo uusan horay u aqoon. Xabbaddaa uusan amarka u haysan ee uu ku riday askariga Itoobiyaanka ah ayaa u horseedayso in halkaa laga soo jeebeeyo oo Xamar xabsi loogu keeno, dabadeed xabsi kale loogu sii dhoofiyo Talyaaniga. Isaga keligiisna ma ahanee, geedkii uu dhakada ka saarnaa kolkii uu xabbadda ridaayay oo lasoo rujiyay si caddayn loogu dhigo ayaa wehliyay.

Dabadeed Talyaanigu dagaalkii ayuu ku guulaysanayaa, oo Aadanna sidaasi ayuu uga badbaadayaa maxkamadayntii. Laakiin Talyaaniga ayuu kusii noolaan doonnaa ilaa uu halkaa kaga biiro jamhad xorriyad-doon oo ka soo horjeedday Faashistihii Talyaaniga. Kolkii laga guulaystay Faashistihiina, isaga oo halgamaa ah ayuu dalkiisii kusoo laabanayaa (1940-meeyadii), oo dadaal kale u galayaa u shaqaynta dadkiisa. 

Kol uu macallin noqdo, kol uu qayb ka noqdo taagista Xisbiyo-siyaasadeed, kol uu Wariye ka ahaado Idaacadda Muqdisho, iyo kol uu Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ka noqdo degmada Luuq, Gedo. Xukuumaddii daakhiliga ahayd ayuu Wasiir Kuxigeen ka noqday, isla sidaas oo kalena mudane Xildhibaan oo laga soo doorto Dhuusamareeb ayuu ahaa ilaa Xukuumadihii rayidka. Ugudambayna, xukuumaddii la afgambiyay ee Ra’iisul Wasaare Cigaal ayuu ka ahaa Wasiir.

21 Oktoobar ayaana la afgambiyay dawladdii Madexweynaheeda shirqoolka lagu dilay 15-kii Oktoobar ee isla sanadkaa 1969-kii. Ciidamadii Qalabka siday ee Dawladda afgambiyay, waxaa u Taliye ahaa, Madexweynaha dalkana noqday Janaraal Maxamed Siyaad Barre, oo ay isku jifo hoose (reer Diini, Marreexaan), iyo Oori-Walaal yihiin Wasiir Aaden-low.

Intaasi se kuma uusan fakin Aadan-low e, bal si gaar ah baaba loo beegsaday, maxaabiistii siyaasadeed ee dalka ayuuna ka mid noqday. Kadeedka, jirdilka, bahdilaadda, iyo cadaabta ka jirtay Xabsiyada ayuuna ersaday Wasiirku, oo waxaa intaasi usii raacay daryeel la’aan iyo xaalladdiisii oo dadka laga qariyay. Waxa uuna magaalada Roma oo caafimaad loogu geeyay ku geeriyooday 18-kii December 1973-dii, Xamar ayaana lagu soo celiyay oo lagu aasay.

Intaas waa guudmarka waayihii Aadan-low, bal aynu sii gudagalno siday Shukri inoogu qorayso taariikhdani dheer.

Qoraa Shukri Aadan, waxay ilaa iyo xad ka gungaartay inay gudato mas’uuliyadda qoraal, oo dareenka waaridnimo uusan sidaa usii qaadin. Waxay sheeko tebin ahaan dib inoogu celinaysaa deegaankii uu kusoo koray Aadan, iyo xaaladihii dhaqan-dhaqaale, gumeysi-la-dirir, iyo dagaallo sokeeye ee ku gadaamannaa.

Damacii Fashistigii Talyaaniga ee ahaa inuu dhiso Boqortooyada Talyaaniha ee Geeska Afrika, oo ay hoos imaanayaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Ereteriya ayay dib inoogu celinaysaa. Damacaas iyo wixii hor istaagay ee ahaa Talyaanigu inuu iskacaabbin kulul kala kulmay Boqortooyada Xabashida ayay ina tusinaysaa, iyo dagaalkii uu ku jabay ee Adwa.

Dabadeed, inay talo ku caddaatay Talyaanigii oo xeelad iyo qorsho kale inuu adeegsado ay tahay bay inoo sheegaysaa. Xeeladdaas ayaana noqotay inuu ciidameeyo Soomaalida reer guuraaga ah ee dagaalyahannada ah. Kolkaas ayuuna aasaasayaa ciidamada Duubcadda, oo uu Aadan ka mid noqon doonno.

Dareenkii Soomaalida ay u qoranaayeen ciidamanimada ayay eegaysaa, oo ay ku sheegaysaa si ay iskaaga dhiciyaan boqortooyada guunka ah ee isfidinta kusoo waddo, awood u barbardhigantana aysan u haysan. Isla dareenkii muwaadiniinta Xabashida ay ka qabeen Talyaaniga iyo siday ugu diyaarka ahaayeen inay ilaashadaan dhulkooda ayay na tusaysaa.

Haddaba, Talyaanigii, iyo Xabashadii oo isku hor fadhiyo xuduuddahooda ay qoriga caaraddiis ku jeexdeen, Aadanna uu ka mid yahay ilaalada Duubcadda Talyaaniga, ayay is-af-dhaafayaan oo uu laf kusoo tuurayaa askari Xabashi ah oo dhinaca kale ilaale ka ahaa. Halkaas ayuuna Aadan ka ridayaa xabaddii billowga u ahayd inay foodda toos isku daraan labada awoodood. 

Xabbaddii halkaas Walwaal ah ka billaabantay ayaana boqor Xayle Salaale ugu tagayso qasrigiisii boqortooyo, oo weliba qixinayso isaga iyo boqortooyadiisaba ilaa iyo London.

Xaflad faan tookhsi, iyo buruud ku faan ah ayuuna Keligii taliyihii buruudda weynaa Benito Mussolini ku qabsanayaa barxadda weyn weyn ee Pizza Venezia – Roma. Halkaas ayuuna dhiigga ku karayaa wiil Ereteriyaan ah oo dhulkiisii looga keenay in uu Mussolini guddoonsiiyo seef astaan u ahayd Boqortooyada Itoobiya oo ay qabsadeen Ciidamada Talyaanigu, dabadeedna dad ku dhammaynayaa oo isna [halkaa] lagu dilayaa.

Kolkaa uu Mussolini xafladdaa dhiganaayo, boqor Xayle Salaase waxa uu qaxooti ku yahay oo magan u yahay Ingiriiska. Laakiin se maxay kuugu taallaa! Xayle Salaase lix sano kaddib (1941-dii) dalkiisa ayuu kusoo noqon doonaa, kaddib dagaalladii uu Ingiriisku ku jabiyay Talyaaniga oo Geeska Afrika oo dhan uu uga la wareegay. Kolkaas ayaana markale taajkiisii loo saari doonaa boqor Xayle, saddex sano kaddibna Xayle oo boqor ah ayuu soo gaaridoonaa warka sheegaayo in gacanta lagu qabtay Keligii taliye Mussolini, oo weliba haddii si xun loo dilay maydkiisa laga soo lulay magaalada Milan.

Halgamaagii reer Itoobiya Zaria Deres, Wiilkii iska diiday inuu gunnimo qaato oo uu astaanta boqortooyadiisa guddoonsiiyo Mussolini, ayaa kolkaan dambe la maamuusidoonaa oo Markabkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan ciidamada Itoobiya loo bixin doonaa magaciisa.

Boqor Xayle isagana kibirkiisii baa kufindoono e, ciidamadii Dergiga ayaa afgambindoono boqortooyadiisii 1974-tii, dhacdadii ‘Sabtida Madoobayd,’ ayaana isaga iyo ehelkiisii lagu dabarjaridoonaa.

Haddaba, xaaladahaas ay sida farshaxannimada leh iskuugu xirayso qoraa Shukri kolka aad akhrisato waxaa kugu soo dhacaayo meerisyadii maanseed ee abwaan Ismaaciil Mire (AHUN):

“Adaa dunida keligaa leh buu Koofil eersadaye

Kashiisaba ma gelin Wiilal baa keebka kuu qabane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici Wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye

Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e

Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye

Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado.”

      DHALIISHA BUUGGA

Dhaliisha ugu weyn ee buugga laga helayaa waa Wareysi laga qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar (1967-69), kaasi oo sinnaba wax xiriir ah aan la lahayn taariikh-ka-qorista Wasiir Aadan-low. Wareysigaa waxaa qaaday Wargeyska Kasmo, oo isla buugga daabacay. 

Waana su’aal iyo jawaabahooda oo ay isweydaarsanayaan Sheekh Mukhtaar, iyo Wariyaha. Taariikhdiisii, Xornimadii, Siyaasaddii, Xisbiyada, Doorashooyinka, Shirqoolkii Madexweynaha lagu dilay, Askartii iyo dawladnimadii, Odayaashii Manafesto, iyo Qaranjabkii ayaa laga wareysanayaa. Intaasina wax quseeyo taariikhda Aadan-low laga heli maayo, weliba Bogagga ugu badan cutubyada buugga buu qaatay wareysigaasi (26 bog).

Xitaa hal marna lama waydiin su’aal ku saabsan Mudanihii ay Baarlamaanka iskaaga tirsanaayeen, buuggaana laga qoraayo ee Xil. Aadan-low. Wargeyskuna wuxuu dhammaadka ku caddaynayaa inuu [isagu] oggolaaday in wareysigaan lagu daabaco buuggaan, taasi oo malaha aynu is oran karno Qoraayaddu waxay uga dan lahayd iskuxirid taariikheed.

      GUNAANAD

Aadan-low oo halgamaa, aqoonyahan, iyo siyaasi rugcaddaa ahaa, waxay Ciidamadii dawladnimada qabsaday ku abaalmariyeen sida ay la qabeen halgamayaashii SYL-ba, Xabsi iyo jirdiilkiis, askari iyo amar-ku-taaglayntiis.

Waxaana isaga u dheereed xanuuno uu ka dhexqaaday xabsiga gudihiisa, kuwaasi oo aan lagu daryeelin, xaaladdiisana aan loo sheegin ehelkiisa. Jirdilkii loo gaystay waxa uu ku waayay Xaniiiyihiisii laboodnimo, isha midig oo nabar culus kasoo gaaray, iyo nabarro kale.

Waxaa amakaag iyo yaab badnaa siidii ehelkiisa loogu diiday inay dibadda caafimaad ugu diraan, halka raggii la xirnaa ee lasoo fasaxay qaarkood Safiiro laga dhigay. Qarsoonidii lagu kaxeeyay, isbitaalkii la geeyay, iyo kolkii uu geeriyooday xurmad-darradii lagula dhaqmay qoyskiisii baa iyaduna cajab, iyo naxdin weyn leh.

Sidaasi buu aakhiro ugu hoyday Alle-u-naxariisaygii Aadan-low ahaa, dadkiisana inay maamuusaanba haba joogtee, taariikhdiisii, iyo tii Walwaal baysan waxba ka ogayn. Buuggaan oo keliya baana ilaa iyo hadda arrimahaasi wax ka qoray, isaguna waa billow un e, ma ahan mid keliya inoogu filan taariikh ogaanshiyaha dhacdadii Walwaal, iyo noolashii Aadan-low

Ugudambayn, waxaan Qoraayad Shukri Aadan-low ku bogaadinayaa kuna hambalyaynayaa qorista buuggedaan [hadda un isoo gaaray]. Halkaasna waxaa inooga bidhaamaayo qoraalka, iyo ahmiyaddiisa, iyo in wixii la qoraa ay sii haridoonaan quruumo innaga sii dambeeyo, taasi oo aynu kusoo xasuusanayno ereyadii Cabdi-sinimo (AHUN):

“Wixii la qoraa, quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay.” – Cabdi Deeqsi Warfaa (Cabdi-sinimo).

W/Q: Maxamed-karama A. Xasan.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.