Xeebtii Geerida: Soo koobid iyo Faallo

0
448

Xeebtii Geerida waa buug yare soo baxay Julaay 1990. wuxuu ka kooban yahay 160 bog. 26’ka boge buugga uga danbaysa waa faallooyin uu horey u daabacay wargeyski Ogaal iyo bayaanki ay soo saareen kooxdi loo baxshay Manafeesto. Qoraaga buugga wa Cabdiqaadir Shire Faarax. jaldiga xaggiisa danbe wuxuu ku qoray waxbarashadiisi iyo heerkiisi shaqo iyo waayo’aragnimo. Waxaan ka xusi karnaa inuu ahaa xubin ka tirsanayd baarlamaanki Soomaaliya intii u dhaxaysay 1985 ilaa bishii labaad 1990 goortaas, oo uu sheegtay inuu xilkii iska casilay dalkana ka dhoofay. Wuxuu, sidoo kale, ahaa aasaasihii iyo tafarihii wergeyska Ogaal oo ahaa todobaadle.

Magaca buugga bari hore ayaan maqlay. Sida dad badan oo kale, ayaan u qaatay inuu si gaar ah uga warramayo gumaadki arxandarrada ahaa ee loogu geystay muwaaddiniin aan wax danbi ah lahayn 16’ki Luulyo 1989 xeebta Jasiira. Hasa ahaatee marki aad dhuuxdo hab dhaca doodda qoraaga waxaa kuu soo baxaya inuu Xeebta ula jeeday Soomaaliya oo dhan. Wuxuu tilmaamayaa in taliski Maxammed Siyaad dalka ka dhigay kawaan lagu gowraco shacabka. Jasiira dilal badan oo ka dhacay, oo qaarkood si bareer ah wiil nin madax ahi dhalay u geystay, ayuu xusayaa. Dabcan xasuuqii 1989’kina isagana waa uu soo qaaday. Inkasta oo uu xusay qaar ka mid ah shacabkii lagu laayay halkaas, haddana guud mar ma ogiye kama uusan bixin xog faahfaahsan iyo tilmaamo gaar ah. Malaha intaan ka ognahay ka badan kama uusan ogayn.

Buuggu wuxuu si weyn u weerarayaa maamulki markaas xukunka yahay. Waxaa qoray muwaaddin aqoon yahan ahaa oo arkayay in dalku god ku sii dhacayo. Colaadihi sokeeye ee dalka ka socday, dhaqaalihi sida xad dhaafka hoos ugu dhacay, aqoonyahanki iyo dadkii qiimaha lahaa ee torob-torobta dalka uga baxayay iyo adeeggi bulsho ee sii libdhayay ayuu sabab uga dhigay maamul xumadi dowladdi jirtay iyo damicii qoyska talada dalka hayay.

Wuxuu si gaar ah weerar ugu qaaday AUN’tee Jaalle Maxammed Siyaad iyo caa’iladiisi oo uu ku eedeeyay in doonayaan in ay xukunka dhaxaltooyo ka dhigaan dhibta haysata shacabkana aysan dan ka lahayn. Xaqiiqdi intaas wuuba sii dhaafay oo wuxuu Maxammed ku eedeeyay inuu ku raaxaysanayo silica shacabka isagoo sabab uga dhigay inuu doonayo in uu ka aargoosto. Haddii aad is leedahay sidee iyo maxay u dhibeen oo uu uga aargudanayaa? Qoraagu wuxuu ku dooday in Jaalle Siyaad isagoo aad u yar aabbihii Soomaali dishay, sabab u noqdeen inuu silic iyo saxariir ku koro isaga iyo hooyadiina tuseen nolo qaraar. Sidaad darteed qoraagu wuxuu ku doodayaa in dhibaatada dalka ka socotay uu ula kac u geysanayay Jaalle Siyaad oo daba socdo dil aabbihii nin Soomaali ah u geystay! Su’aalaha badan ee halkaas ka dhalanaya kama uusan jawaabin qoraagu.

Ha ku dheeraado dhaliisha dowladda iyo weerarka madaxweynaheedee, kama aysan hoos bixin tilmaamidda ceebaha kooxihii hubka qaatay. Buuggu wuxuu leeyahay kooxahaasi qayr ma soo wadaan. Wuxuu ku dooday inay yihiin kuwo qabiil ku dhisan, hadaf cad aan ahayn, waxay doonayaan aan aqoon, Siyaad rida ma ogiye maxaan keeni doonnaana aan is waydiin. Dhab ahaanti, wuxuu sadaal toolmoon oo gadaal ka rumowday ka bixiyay waxa ay dhali doonaan mucaaradki fooshu haysay. Bogga 127’aad ee buugga wuxuu ku qoray:

Wali arrintu meel durugsan ayay soo maraysaa. Jaanta la isula qaadayo sidii heli lahaa isbaddal run ah, way kala dhimmantahay. Gidaarka qabiilku wali wuxuu la xoog badan yahay kan qarameed. Taasi macnaha ka qaadi doonta isbaddal kasta oo yimaada iyo saba[b]ta aynu isbaddalka ugu soo dagaalnay. Sidaas darteed, dhagar ummadeed, oo isbbadalka kasoo fool leh galaa, waxay Maxammed Siyaad ka dhigi kartaa geesi qaran oo lagu xadgudbay, ka sakow, guuldarrada qaran ahaan lagala kulmayo.

Aydhoolaji ahaan, qoraagu waa nin aamminsan dimuquraaddiyadda. Sidaa darteed wuxuu xal u arkaa kaliya qaadashadeeda iyo ku dhaqankeeda. Wuxuu sidoo kale u hadlayaa ama u doodayaa aqoonyahanka iyo qalinmaalka guud ahaan.

Afsoomaaliga ku qoran, habaynta iyo jihaynta buugga, tabinta sheekkoyinka ku jira iyo soo gudbinta doodda uu xambaarsan yahay buugga ayaa intaba xiiso gaar ah u yeelaya akhriska. Xirfad, hibo qoraannimo iyo xog’ogaalnimo ayaa ka muuqanaysa inta badan kitaabkaan. Aqoontiisa iyo xirfaddiisa qoraannimo ka sakow, qoraha inuu la qabiil ahaa waliba jifo hoose la sii ahaa AUN’tee Jaalle Siyaad ayaa buugga ka difaacaysa eedaha Soomaalidu ku qaaddo qofkii faker ku diida. Runtii Qoraagu wuu dhiiratay wuxuuna jabiyay darbigii adkaa ee qablayaadda. Waxaa lagu doodi karaa wuxuu qaatay khatar nafeed iyo mid bulsho maaddaama ay hubaal ahayd in qabiilkiisu u deyrin doonaan sheegidda ceebaha nin madax ah oo ku qoys ah. Waa ku ammaanan yahay jabinta dhufeskaas ay ka gudbi waayeen aqooyahanno badan ilaa maantana bulshadeenna haysta.

Hasa yeeshee buuggu ma ceeba yara. Xigashooyin tiro beel ah oo ku jira ma leh tixraac. Meelaha qaar kuwo aad is leedahay sabab aan loo sheegin magaca qofka laga soo xigtay ma jirto ayuu ka tagayaa inuu magacaabo. Tusaale, Bogga 13’aad wuxuu ku qoray:

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa wargesyka Ogaal u sheegay in Afrika qaarkeed deynta ay qabaan lagu bixin karaayo oo kaliya muddo soddon sano ah. Haddii aan deyn danbe la qaadan dal kasatana kaaftoomo inuu dhaqaalihiisa sii xun u maamulo…

Iima muuqato sabab loo qarin karo magaca aqoonyahanka warkaas sheegay. Waayo Kacaan iyo cid kale toona erayo ay ku qabsan karaan ma uusan oran. In aan la sheegin magaca qof arrin sidaas u sahlan yiri waxay shaki galinaysaa markii sidaas oo kale loo qoro eedayn weyn iyo danbi qof la saaro. Eedaymo iyo dhaliilo badan, oo uu dusha uga tuuray Jaalle Maxammed Siyaad, ayaa sidaan u wada qoran. Dilal qorshaysnaa oo dhacay Jaalle Siyaad oo askari ah, sida dilkii safiirki Masar, iyo kuwo dhacay isagoo xil sare ka hayo ciidanka sidii dilkii AUN’tee madaxweyne Cabdirashiid, iyo qaar badan ka dhacay isagoo madaxweyne ah ayuu intaba dusha u saaray Jaalle Siyaad. Xaqiiqdi, qoruhu meelo ayuu qirtay in eedayntiisa caddayn la’aanta ah aysan ku habboonayn qof tacliin sare leh malaha qaarkiina laga fiicanyahay wuxuu se isugu cudurdaray in ujeedkiisu yahay tilmaamidda tuhun dhalan kara si loo sii baaro. Bogga 85’aad wuxuu ku yiri:

Aayad Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah ayaa oranaysa “Malaha qaarkii waa danbi”. Qofka aqoonta lehna waxaa si gaar ah looga baahanyahay in uu ku saleeyo waxa uu ka hadlayo daacadnimo aqooneed (intellectual honesty), hasa ahaatee iyada oo arrimahaas oo dhan jiraan haddana waxaan qabaa qiyaas qaadasho iyo isweydiin in ay tahay (hypothesis) furaha cilmiga iyo gaarista xogta arrin mucayan ah oo ku dhex dahsoon adduun isku murugsan…

Si kastaba ha ahaatee dhaliilahaanu waa kuwo yar yar iyo khaladaad buugga loogu dulqaadan karo. Maahan kuwo aad hoos ugu dhigi kara doodda buugga xambaarsan yahay ee ahayd in dalku halis ku jiro, in badbadaado dag dag ah dalku doonayo, in shacabku dhibtooday, in cabburis, xarig, dil, handadaad iyo haybad tirid joogta ah lagu hayay aqoonyahanka iyo intii damac siyaasadeed galo, si mashaakilladaas badan looga gudbana ay tahay isbaddal hoggaamineed oo dhaca.

Waxaa se buugga qiima tiray dhowr sadar oo ku qoran bogga 44aad. Waa erayo ka tallaabay xayndaabki akhlaaqda, xudduudka shareecada, adaabta qoraaga iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban. Waa erayo uu ugu gafay shaqsiyadda madaxweyne Siyaad iyo madaxdi tirada badneyd la shaqayn jirtay. Maaha dhaliil hoggaamin, mid shaqo, karti iyo dadnimo, oo intaba noqon lahaa mid uu xaq ugu leeyahay ka muwaaddin ahaan, ee waa meel ka dhac shaqsiyadeed oo gaartay gogosha iyo xurmooyinka madaxda. Waa kalmado aanan malayn karin waxa ku kallifay qoraaga inuu buuggiisa ku qoro. Waa kuwo aan ii habboonayn inaan faafiyo sidaa darteed waxaan doortay in aanan soo guurin.


Guntii iyo gunaanadkii buugga Xeebta Geerida waa buug la qoray goor dowladdi sii dhacaysay. Wuxuu sidaa mashaakilladi taagnaa waqtigaas, duruufihii lagu noolaa iyo ifafaalihii mustaqbalka ka muuqday. Ma uusan tilmaamin khaladaadka madaxda iyo mucaaradka oo kaliya ee sidoo kale wuxuu isku dayay inuu xalka iftiimiyo. Haddii laga jaro waxa ku qoran bogga 44aad wuxuu noqon lahaa buug dhaxal gal ah iyo hadyad qaali ah!

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here