Lu Xu ayaa yiri dadkaygu waxay la mid yihiin dad dhex hurdo guri shub ah oo albaabbadu u xiran yihiin dushana dab ooga shidan yahay oo hal qof kaliya bannaanka ka joogo oo ku qaylinayo ka baxa guriga waa uu gubanayaaye. Maadaama ay hurdaan warkama hayaan dabka ku shidan oo mar dhow gubi doono iyaga iyo guriga oo dhan, mana maqlahayaan qaylada qofka dibadda jooga. Waxaa lagu yiri tusaalahaan iyo wacyi galintaadu iskuma toosna, waayo dad xaaladdaas ku jira maxay u taraysaa qaylo bannaanka lala taagan yahay. Wuxuu ku jawaabay, waxaa laga yaabaa inuu qof ama labo ay ku toosaan qaylada oo ay inta kale kiciyaan dhammaanna sidaas ku badbaadaan! hoos kala dag iyadoo dhan