Sookoobid iyo Faallayn buugga ‘XANTAYSI: Dheegag ka mid ah dharaarihii Gedo iyo ugaas Xirsi

0
1155

Buuggaan, oo soo baxay 2021 ayna soosaartay Garanuug, waxaa uu ku saabsanyahay oo uu ka hadlayaa labo dheeg oo aan horay loo dhugan waxna looga qoran kuwaas oo kala ah: Taariikhda gobolka Gedo, iyo tan Ugaaskii Marreexaan ee la oram jiray Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed. Waa taariikh shakhsiyadeed oo barbaarid, ku caanashubis iyo hoggaamin Ugaasnimo iskugu jirta. Intaas waxaa la socda taariikh gobol oo iyaduna iskugu jirta halgan, dirir, colaado sokeeye, gumaysi Shisheeye iyo nidaam dawladeed oo Yurub laga soo dhoofiyay. Dhanka kalena, sooyaalkaa uu maraayo xaalado adag oo abaaro, bulsho kala filiqsan, iyo guurguurid reero miyi skugu jira.

Wax sahlan ma ahan, in hal meel la iskugu keeno oo la isku dhex filqiyo taariikh qofeed iyo tu deegaan. Kolka se, ay isku leeyihiin isa-saamayn, arrinku sidii hore wuu kasoo yara raynayaa. Taa baana qoraaga buuggaan u sahashay inuu mar keliya isku dhexdaro oo si cajab leh labadaa taariikh uga soo saaro hal sheeko oo isku taxan, iskuna xiran billow ilaa dhammaad. Haddaba, qoraagu isaga oo aan luminayn ujeedka buugga oo taariikhda Ugaaska ah, ayuu udub dhexaad uga dhigayaa dhiganaha, tan gobolkana ay noqonaysaa mid ku gaafwareegta oo hadba dhinac uga timaaddo taariikhda Ugaaska, sidaasina waa sababta uusan buuggu u lahayn tusmooyin iyo cinwaano badan (walow ay jiraan kuwa dhawr ah oo aan badnayn).

Dhanka kale, buugga qofka laga qoraayo waa Ugaas beel, oo aan soohdinta reerkiisa aan dhan kale uga tallaabin hoggaamin ahaan, taa baana qasbayso si nuxurka dhacdooyinka loo fahmaa inaan laga gabban oo laga warwareegin sheegsheegidda magacyada qabiillada. Afeefta hore ee buugga ayuuna intaa qoraagu ku qoray, isaga oo kasii digtoon oo haysto maahmaahdii ahayd: Ama afeef hore lahow, ama adkaysi dambe. Waayadii dambe ayay dhulkaan Koonfureed ka caan ahayd in laga gaabsado sheeggidda magacyada qabiilooyinka, iyada oo qabiilka si kastaa iyo dhankastaaba loo isticmaalaayo.

Runtiina arrinkaa waa dhaqan silloon oo laba-wajiilannimada Soomaalida ka markhaati ah. Soomaalidu inbadan waxay caydaa oo tix iyo tiraabba ku fogaysaa dhaqankaan, kolka se noolasha dhabta ah ee Soomaalida aad eegto oo kolba aad dhan kasoo gasho, waxaa kuu muuqanaysa Laba-wajiilanimaduba inay tahay dhaqan barax la’ oo Soomaali asali ah. Taa ayuuna ka tallaabayaa oo deedafaynayaa qoraaga buuggaan, isaga oo u bareeraayo, wixii kasoo garaaba haka soo gaareenee, inuu toos u sheego oo marnaba ka gabban sheeggidda magacyada beelaha iyo dadka jilayaasha ka ah dhacdooyinkii tagay ee buuggan quseeya.

Kolka se beelo in badan magacyadooda lagu soo celceliyo haddana aan hal marna la xusin kuwa kale, ayaa laga yaabaa in dadku is-gashado, oo ay is dhahaan: “Wixii la wada lahaaba qolo gooni ah baa loo raraye, haddii aanba magacyadeena la sheegayn, buuggaan naga dhimay.” Taas isaga oo sii og, ayuu qoraagu leeyahay: “Beelaha iyo dadka taariikhda facaweyn ku leh gobolkaan ee aan buuggaan ku qorin, waxaan uga tegay xiriir aysan la lahayn ujeedka buugga, ama waxaan helin xog ku aaddan xiriirkii ay la lahaayeen.”

Dhanka sooyaalka gobolka, waxa uu qoraagu su’aal gelinayaa hadalka ay Soomaalidu soo wariyaan ee dhulkaan lahaanshiyihiisa lagu siiyo Oromo iyo ummado kale. Dhab ahaan maxaa ka jira arrinkaa buu isleeyahay. Dabadeed wuxuu eegayaa caddaymaha ay Soomaalidu u haayaan arrinkaa, oo labo keliya ah:

(b) Qabuuro wadareedyo qaddiimi ah, oo cirifka gobolka lagu arkayo, kuwaa oo ay Soomaalidu iyaga oo wax cilmibaaris aan marin, ay ku sheegaan inay yihiin ummadihii Orame ee gobolka loogu yimid.

(t) Magacyo asal shaan kasoo jeeda afka Oramada oo ilaa maantay la yiraahdo degmooyin iyo deegaanno ka mid ah gobolka, arrinkaa oo gobolka Soomaaliyeed ee NFD uu la qabo Gedo. Waxaan goobahaa ka mid ah: Garbaharrey, Mandheera, Harabuunyo, Harakoobe, Mataa-arbaa iwm.

Haddaba, qoraagu isaga oo arrinkaa doodgelinaayo, ayuu soo qaadanayaa cilmibaaris uu sameeyay, Herbert S. Lewis oo ka mid ah Khabiiradii reer Galbeedka ee waqtigoodii ugu badnaa geliyay Soomaalida iyo barashadeeda. H. S. Lewis, wuxuu cilmibaaristiisa ugu doodayaa; “In Soomaalida iyo Oramaduba ay dhulkaan Soogalooti ku yihiin. Se ay Soomaalidu ugu soo horraysay dhulka.

Dooddiisa waxyaalaha uu u cuskanayo, waxaa ka mid ah:

  • Maadaama Soomaalida iyo Oramaduba aysan waxba qorin, waxaa uu raadiyay oo uu soo helay qoraallada iyo diiwaannada sugan ee ay dhulkaan ka qoreen dhulmareennadii iyo badmareennadii hortii yimid. Sida Ibnu Sacdi oo maray Xeebaha Soomaaliya qarnigii 13aad oo qoray in magaalada Marka ay ahayd caasimadda Hawiye, iyo inay ka koobnayd Konton tuullo.

Taasi waxay tilmaamaysaa inay Soomaalidu uga yaraan 700 oo Sano ka hor ay degganayd Koonfurta Soomaaliya. Taa oo macnaheedu yahay, in Soomaalidu aysan ahayn dhawaan-soo-dhoof iyo qarnigii 18aad in dhulkaan ugu horreeyay. Dhulmareenno iyo Badmareenno kale ayaa iyaguna uu soo xiganayaa, buugga baa se aad kaga bogoni.

  • Barayaal kale oo Afeed, sida H. S. Lewis, Greenberg, Murdock, Fleming ayaa isticmaalay isbarbardhigga xagga afafka si ay u sugaan halka ay ummadahani kasoo farcameen.

Waxayna heleen afafka ay ku hadlaan ummadaha Kushitigu ee 24-ka ah, 21 ka mid ah in asal ahaan looga hadlo Koonfurta Itoobiya iyo Waqooyiga Kiinya. Waxa haray ee meelaha kale looga hadlaana inay yihiin 3-da af ee Soomaaliga, Canfarta, iyo reer Diinle. Taa oo macnaheedu yahay, inay Oromadu u badantahay halka uu afkeeda asalka u leeyahay oo Koonfurta Itoobiya ah, waxa uuna caqligu tusayaa: “In meesha lagu badan yahay ay tahay, halka asalka loo leeyahay, meesha lagu yaryahayna ay tahay tan loo soo hijrooday.”

Doodo kale, iyo caddaymo badan ayaa jira oo aad buugga uga bogandoonto. Halkaana aan kaga gudbo, idan Alle, dooddaa ku aaddan asalka lahaanshiyaha gobolka.

Waxaa inta badan dhacda, oo dunida oo dhanba laga siman yahay, qof kolkii uu qoraayo taariikh qof kale, inuu ku talaxtago oo ilaa xad ammaan ahaan, ama se aflagaaddayn uu ku fogaado. Weliba kuma sii jirto kolka qofka wax qoraya, iyo kan laga qorayaaba ay isla yihiin jifo hoose, oo ay dhawr odoyo kala tirsadaan. Nin Oday ah, oo Marreexaan reer Diini ahaa, aadna ay u dhibijirtay dawladdii Ciidanka, isla kolkaasna la arkijiray sida weyn ee uu ugu riyaaqsan yahay nidaamka dawladdaa caddibtay, ayaa lagu yiri: Waar niyow, Maxamed Siyaad wuu ku xiraa, oo jago iyo naasnuujin kalena kama hishide, maxaad weli u sidataa oo aad sidaa weyn ugu taageersantahay nidaamkiisa? Kolkaa buu aayar ku jawaabay: “Cabdow, Madexweyne aad lix Oday kala tirsataan dunida lagama helo!”

Hadda waa sidiiye, qoraa Ibraahin, qofka uu buugga ka qorayo waa Ugaaskiisii oo ay toddobo oday ka kala tirsadaan reer Diini. Kolkaa, halkaa mas’uuliyad culus oo qaraabonnimo ayaa ka saarnayd, oo anigu laftigayga aan af cad ku oran karin: “Mas’uuliyaddiisii wuu kasoo baxay.” Waayo, laftigayga baaba qoraalkaani iga saaran mas’uuliyad, oo ku xukumidda Ibraahin ee ah: inuu mas’uuliyaddiisii gutay iyo inuusan gudan kuma degdegi karo.

Waxaan se hubaa, sida uu Ibraahin ugu ammaannay oo usoo bandhigay guulihii hoggaamiyanimo ee Ugaasku soo hooyay, si la mid ah inuu usoo bandhigay tabashooyinkii laga qabay, dadkii ay isa-seegeen iyo waxay isku seegeen, iyo go’aannadii qalloocnaa ee uu Ugaasku qaatay, oo qaarkoodna uu gadaal kaga laabtay, kuwana ay sidii kusii jireen.

Waxyaalaha uu soo bandhigay, oo Ugaasku ku ammaanan yahay waxaa ka mid ah: Inuu reerkiisa u ahaa Guddoonshaa la tashado oo talada iyo gartaba ka sugo nabaddoonada jifooyinka; Xaalal miirad ku nool Xoolihiisa, oo aan qaadan gunnooyinkii ay bixin jireen Gumaystihii Talyaaniga ee “Baago” loogu yeeri jiray, iyo inuu si cad uga horyimid canshuurtii ay Talyaanigu damceen inay ka qaadaan Geelii Marreexaan.

Dhanka kale, Xeerarkii uu Ugaasku guddoonshay, oo dhib iyo jarribadda ay dadku kala kulmeen kolkii dambana uu Ugaas laalay, waxaa ka mid ahaa Xeerkii la oran jiray ‘Xoolo-Oryo.’ Wixii uu ahaa, sidii uu kusoo ifbaxay, iyo sidii lagu laalayba buugga ayaad ugu tagaysaa.

Suugaanta tixda oo awal ugu tun weynaa Gabaygu, waa halka laga helaayo wax kasta oo ay Soomaalidu leedahay, Sooyaalkaba ha ugu horreeyee. Sidaas ayaana loo yiraahdaa: “Buug soomaaliyeed oo suugaan aysan ku jirin, sidii uu dadka uga gadmaa way adagtahay.” Sababta oo ah, caddaymihii taariikheed iyo wax kastaa oo intaa kasii dheeraa, oo macnayaasha ereyada ka mid yihiin, suugaantii baa intii ay uruurin kartay uruurisay oo ay ku jiraan. Sidaas ayuuna Gabaygu ku noqonayaa ilaha ugu horreeya ee xog laga helo, illeen ummad aan horay wax u qorin buu il u ahaaye.

Haddaba, sidaas awgeed baa dhiganaha loogu tagi gabayo badan oo ay tiriyeen gabyaa iska daa in wax laga qoro oo gabayadooda la hayo e, aanba magacyadooda la garanayn.

Suugaanyahannadaa, waxaa ka mid ah, Gabya Siyaad Barre Guuleed Cali, oo aan ahayn Siyaad Barrihii dhalay Madexweyne Maxamed S. Barre. Alle dhammaantood, ha u wada naxariistee.

Waxaana gabaygiisa oo sababtii uu ku yimid, iyo sharraxaadiisaba aad buugga kaga bogandoonto, ka mid ah:

“Guuleed hal aad sabinka tiri, ii saldhigi waaye

Waa kaa siyowdayee, ma marin surin dhiiggiisiiye

Libaax socon, libaax sabo hurdiyo, kan u sinnaaraayo

Iyo saancaddaalaha dhurwaa, sixirka gawdiida

Dugaag adiga reerkaada sugi, waa isku waxa siiir’ e

Kuma kala sokeeyaan markaad, saari reer Magan’ e

Safna waa Sharmaakiyo kuwii, joogay Sarinley’ e

Kuwee baa saqiirka iyo hablaha, suudi kaa hor joogsan?” -Siyaad Barre Guuleed Cali.

Sidaas ayuuna buugga u noqday mid dhan kastaaba isku haysto oo dheelliyi aysan ka jirin.

Habqoraalka iyo isku habaynta weeraha iyo sadarradana waxaa si weyn uga shaqaysay tifaftirkii sugnaa ee ay mariyeen Garanuug. Faaladaydii buuggana intaa bay igaaga egtahay, oo aan idin kaaga tagayaa weedhihii ugu dambeeyay ee uu buuggu ku ilxiray:

Kuwaas way tageen, wixii ku aaddanaana waa sameeyeen. “Waaqdhac tabartii ayuu fartaaye,” intii ay aqoontooda gaarsiisnayd in ka badan ayay geysteen. Dhul ballaaran ayay fureen oo weliba ku hubiyeen in jiilalka ka danbeeyaa colaad dibadda ah iyagoon cabsi ka qabin ay ku noolaadaan. Marar badan, dadnimo, wanaag, hoggaan suubanaan, iyo indheergaradnimo ayay muujiyeen. Eebbe ha u wada naxariisto. XANTAYSI, 2021.

W/Q: Maxamed-karama A. Xasan.

20/03/2021.

Garbaharrey, Gedo.

kala xiriid: mohajilboxasykarama@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.