Waxaa soo dhawaaday maalinti la dooran lahaa madaxweyne. Labadi doorasho ee inoo danbaysay isku nooc ayay ku dhammaatay. Madexweyne walba (Shariif iyo Xasan) wuxuu sanadki ugu danbeeyay waqtigiisi iyo awooddiisi oo dhan galiyay siduu kusoo noqon lahaa mar kale. waxaa ay meel iska dhigeen shaqadii dad weynaha iyo wax badan oo ay dadka iyo dalkaba tari kareen tasoo siin lahayd fursad mar labaad lagu doorto. Maalinti la gaaray codbixinta dadaalkoodi waxba uma tarin oo mid walba isoo faramaran ayuu meesha ka huleelay. Farmaajo kuwaas cashar kama baran. Isagu laba sano iyo ka badan ayuu ku bixiyay inuu samaysto doorasho uusan sinnaba ugu qasaarin. Hadda se waxay u muuqataa in taasi uu ku hungoobay oo waxaa muuqda ifafaalo muujinaya in sunnadii soo jireenka ahayd aan wali la jabin.
Seddexdaan madaxweyne kama sinna oo kaliya waqtiga ay galiyeen sii joogidda kursiga, ee sidoo kale waxay ka simanyihiin sida ay ku yimaadeen, sida loo arkayay marki ay xilka qabteen iyo sida loogu hungoobay rajadi laga qabay. Isku darkoodu wuxuu naga qaatay 13 sano oo nolosheenna ka mid ah innagoo wali taagan meel aad ugu dhow halki ay kasoo amba qaadeen. Mid walba intuu joogay wax isbaddal lagu tilmaami karo wuu sameeyay. Laakiin waqtiga ay xilka hayeen waxaa lagu qaban karay waxyaabo si weyn nolosha dadka u baddali lahaa dalkana gaarsiin lahaa meesha uu maanta joogo meel ka wanaagsan.
Waxtar la’aantooda waxaa u sii dheer in mid walba galay khalad masiiri ah oo ummadda Soomaaliyeed saamayn baaxad weyn ku yeeshay. Shariif intuu xilka hayay waxaa dhacay saxiixi badda qataatada galiyay. Xasan waxaa lagu xasuustaa u hibaynti Itoobiya Soomaaligalbeed oo ah dhaawac ay adagtahay in laga soo kabto. Farmaajo wuxuu jabiyay rekoorki Xasan oo waqtigiisi waxaa dhacay dhiibiddi muwaadin Cabdikariin Qalbidhagax. mid walba oo ka mid ah wuxuu farqaha ku wataa guuldarrooyin lagu oran karo “ma adaa wali xil raba?” Saas oo ay tahay waxaan qabaa in midkood mar labaad la doorto oo aan waji cusub sannadkaan la inoo keenin.
Raysulwaasirihii hore ee Ingiriiska Tonny Blair ayaa yiri “cajaa’ibta siyaasadda waxaa ka mid ah in lagu doorto oo kor laguu qaado adoon khibrad iyo aqoon u lahayn xafiiska laguu dhiibay. Haddana markaad khibrad u yeelato oo aad ogaato khaladaadkaada iyo wixii kaa hallaabay ayaa adoo lagu nacay xilka lagaa tuuri.”
Sababta ugu weyn ee madaxda aan soo sheegay u galeen khaladaad masiiri ah waa in aysan lahayn khibrad ku filan oo ay ku hoggaamiyaan xafiiska loo dhiibay. Waqtigi dheeraa ee aan dowlad la’aanta ahayn ayaa keenay in la waayo dad ku barbaaray nidaam dowladeed oo hoos inta kasoo billaaba xil sare qabta isagoo leh aqoon iyo waayo’aragnimo kaabta. Kaligood maaha e xataa kuwa la taliyo waa iyaga oo kale kama kuwo ka waayo’argnimo yar. Sidaaa darteed haddii mar kale la doorto kaliya laga badbaadi maayo in lagu dhaco khalad masiiri ah ee sidoo kale, afarta sano e cusub waxay ku dul dhisi intoodi hore iyagoo ku dedaali doona hagaajinta wixii ka hallaabay iyo la imaanshaha waddo ka wanaagsan middii ay horey u mareen. sidaa awadeed ayaan leeyahay markaan waji cusub inaga daaya!
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
