Sidee habboon in laga yeelo ciidanki Gedo la geeyay?

0
828

Dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa meelo ka mid ah gobalka Gedo geysay ciidan heer federaal ah. Ujeedka ciidankaas maamulka Jubaland (JL) iyo madaxdi mucraadka waqtigaas, oo uu ku jiro madaxweynaha cusub, waxay ku sifeeyeen arrin siyaadadeed. waxaa ay cod dheer ku dhihi jireen “ciidanka ha la soo celiyo”. Madaxweyne Xasan sheekh si gaar ah ayuu ugu celceliyay in ciidaankaas khalad meesha lagu geeyay ayna tahay in dib loogu soo celiyo xeryihii laga qaaday. Haatan Xasan waa ninka dalka ugu sarreeya. Isagaa leh go’aanka iyo waxa laga yeelayo ciidankaas.

ka go’aan-qaadashada arrintaas waxay u baahan tahay helidda xog rasmi ah, kaadsiimo iyo ka fekerka meel ka fog halkii awal dooddu joogtay. Qormadaan gaaban waxaan rabaa inaan kusoo gudbiyo xog la xiriirta ciidammadda Gedo la geeyay. Waxaa ay u badan tahay in affriintaydu aysan gaarin madaxweynaha laakiin ugu yaraan dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan xogta dhabta ah ee ciidankaas iyo midda gobalka si ay sooyaalka ugu daraan tallaabooyinka la qaado.

Aan ku billaabo naftayda iyo xiriirka Gedo naga dhaxeeyo. Gobalka Gedo waa halka qoyskaygu ku noolyahay. In waqti ah seddexdi sanaba mar ayaan tagayay. safarkaygi ugu danbeeyay wuxuu soo gabagaboobay 24’ki Maarso 2022. Midkii ka horreeyay wuxuu ahaa isla bilaha Feebaraayo iyo Maarso 2019. Waxaa kaas xigay 2016. Taasoo ka dhigan inaan tagay laba jeer oo Farmaajo xilka hayay iyo mar uu Xasan hayay. Safarki ugu danbeeyay marki laga reebo, waxaan tagi jiray Baladxaawo iyo Garbahaarreey iyo mar aan Doolow ku daray.

Waxyaabaha aan mar walba u kuurgali jiray waxaa ka mid ahaa ciidammada iyo amniga. 2016, Garbahaarreey waxaa joogay ciidan u eg mid dowladeed. Si fiican u labbisan, gaajo aysan ka muuqan, xuquuq hela ilaa xadna disbiliin leh. Baladxaawo goortaas waxaa ay ahayd xero mooryaan. Ciidanka joogay wuxuu ahaa wiilal yaryar oo qoryaha dhulka ku jiidaya, aad u diifaysan, qaarkood dacas iyo macawiso gashanyihiin oo ay adagtahay in lagu tilmaamo ciidan. Gawaarida xamuulka keenta ayaad arki karaysay iyadoo dhowr wiil midba mar meel ku joojinayaan iyagoo lacag ka raba. Ma ahayn ciidan diiwaan-gashan oo xuquuq leh. Dhowr cisho oo aan joogay laba maalin oo ka mid ah ayay suuqa isku rasaaseeyeen iyagoo halis galiyay nafta dad badan oo shacab ah.

2019, Garbahaarreey waa ay sii hagaagtay. Xaqiiqdi waxaan kusoo arkay ciidan aad u disbiliin sarreeya. Waa ay adkayd inaad aragto askari qori sita oo suuqa maraya. Marki ay xeryahooda ka baxayaan waxaa laga reebi jiray qoryaha iyagoo tuutaha kaliya xiran ayayna magaalada soo aadi jireen. Maaddaama aan hub loo oggalayn in ay suuqa la maraan, galabnimo ayay xeryahooda ku noqon jireen. Baladxaawo waqtigaan (2019) isbaddal badan ayaan ku arkay. Wiilashi arradnaa tuute iyo kabo buud ah ayaa loo xiray. Muuqaal iyo haybad ciidan ayay yeesheen. Laakiin kuwa Garbahaarrrey ma aysan gaarin xagga disbiliinka oo wali hub ayay ku siteen suuqyada.

2022 waxaan la kulmay waayo’aragnimo kale. Garbahaarreey ma aanan dhaafin. Iyadu ugama tagin ciidanki aan ku aqaannay. Ciidanku waa isla isagii laakiin waxaa lumay disbiliinki bilayay. Askartu habayn iyo maalin suuqyada ayay hubka la joogeen. iyagoo qoryaha dhabta ku haysta ayay biibitooyinka ku qayilayeen. Haddii aan waraystay sababta sidaan uu isugu baddalay ciidanku, waxaa la ii sheegay in wanaggi iyo disbillinki aan arkay uu la yimid taliyihii markaas xukumay. wuxuu ahaa nin adag oo aan cidna ugu joojin shaqadiisha. wuxuu hal jid saaray ciidanka kala sooc la’aan. Sargaalka hadda haysta ayay dadku iigu sheegeen nin jilicsan oo aysan askartu ka baqin. Sidii ay doonaan ayay u jabiyeen shuruucdi loo dhigay isna waxba ma dhaho.

Kuwaasu waa ciidanki awalba joogay oo ilaa waqtigii Xasan halkaas lagu ogaa. Waxaa kusoo kordhay malleeshiyaad NISA lagu sheegay. Waxaan magaalada (Garbahaarreey) ugu tagay laba Cabdibile oo NISA ku qoran tahay. Waxaa had iyo goor ku dhooban wiilal hubeysan oo kala jeestay iyagoo qoryaha keebka haysta. Muuqaalka hore waxaa kugu soo dhici qabaalladi sagaashamaadki lagu dagaal gali jiray. Marki ay magalaada dhex marayaan waa ay kuu xaqiiqoobi in ay yihiin mooryaanti rasmiga ahayd oo gaariga NISA loogu buufiyay.

Gaariga tiro badan ayay ku saaran yihiin. Isagoo aad mooddo galtaan la ganay ayaa suuqa la marsiin. Xiinkiisa, boorka uu kicinayo iyo quruuruxa uu firdhinayo ayaa argagax iyo cabsi ku rida dadka meesha ka dhow oo dhan. Bismillah iyo Ilaahow na mooti ayaa lagula noolyahay. Waxay dagganyihiin ayrboorrada dagmooyinka Gedo. iyagaa maamula wixii khidmad ahna ka qaada. Haddaan dhuuxaamay waxaa la igu xansaday in aysan ahayn NISA rasmi ah oo diiwaan la yaqaan ku jira, balse ay yihiin wiilal gobalka laga aruuriyay oo rag meesha qabsaday dadka ku baqdin galiyaan. Haddaan si kale u digo waa ciidan ka mid ah ciidanki Gedo la geeyay oo laba nooc ahaa.

Nooca labaad ee Gedo la geeyay waa cidanka Gorgor oo Doolow iyo Baladxaawo la geeyay. Inkasta oo aanan tagin Baladxaawo intii ciidankaan la geeyay, haddana aad ayaan xogtiisa u raadiyay. Waxaan isku dayay inaan helo xog rasmi ah oo ku saabsan dhib iyo dheef wuxuu keenay. Baladxaawo ciidankaan waa ku diirsatay. Geynti ciidankaas waxay uga dhignayd xorriyaddii Soomaaliya lixdanki qaadatay oo kale. Si aad u fahanto muhiimmada arrintaas, aan ku siiyo xog kooban oo ku saabsan dagmada.

Ilaa iyo 1997’ki, dagmadaas waxaa gacanta ku hayay maamul gacan ku samays ah oo had iyo goor ku xiran waddamada dariska ah. Hadba kan ku gacan sarreeya gobal, Itoobiya iyo Kenya ayuu u shaqayn jiray. Haba u shaqeeyee danta shacabka uguma adeegayn. Labada dal xagga la macaamilka shacabka waxaa xun Kiinya. Itoobiya waa gumeyste aanan doonayn in dhagartiisa la fahmo. Laakiin Kiinya waa cawaan loo jabay oo aanan wax dan ah oo kale naga lahayn.

Dadka ku nool Baladxaawo, oo in badan, noloshoodu ku xirantahay Mandera ayaa dhib weyn ku qabay askrata Kiinya. Qofkii ay doonaan ayay dili jireen, xiri jireen, kufsan jireen, dhici jireen ama waxa ay doonaan ka samayn jireen iyagoon ka baqayn xataa cambaarayn. Intaasu, inta badan, waxaa ay ka dhici jirtay xudduud-beenaadka. waayadii danbe waa ay soo tallaabsatay. Tan iyo markii gobalka loo dhiibay maamul JL ku xiran oo Kenya daacad u ah, waxaa ay billowday in ay dadka ku dhibaatayso Baladxaawo gudaheeda. Muwaaddiniin Soomaali ah, oo danbi loo xiray ama tuhun Shabaab loo xiray, ayay danbibaarayaal Kiinyaan ku dhexwaraysan jireen xabsiga Baladxaawo.

Marar badan in ay jirdil xabsiga ugu geysteen ayaa la sheegay. Laakiin inta badan lacag baad ah ayay ka qaadan jireen. Ogow waxaan ku leeyahay, wiil soomaali ah oo Baladxaawo askari Soomaali ah ku xiray ayaa inta sargaal danbibaare Kiinyaan ah loogu yeero looga furan jiray lacag isagoo Baladxaawo joogo. Lacagtaas askariga Kiinyaan ah looma dhiibi jirin ee kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya marki horana u yeeray ayaa loo marin jiray. Sidoo kale kuwa Itoobiya ayaa iyaguna tuhmanayaasha waraysan jiray marki ay doonaan kuwa ay doonaanna Doolow u taxaaban jiray.

Ihaanadaas ayaa lagu noolaa waqti dheer. Markii maamul dulligaas sharciyeeyay gobalki laga dhisayna waa la quustay. Quustaas waxaa meesha ka saaray ciidanki Gorgor ee Baladxaawo la geeyay. Wuxuu ahaa ciidan Soomaaliyeed, aad u tababaran, disbiliin leh, oo aan kusoo korin meel sawaaxili Soomaali ku gumeysto walina aan baran la shaqaysiga cadowga Soomaalida. Askartaan waxaa ay dageen xudduud-beenaadka. Waxaa marki ugu horreysay muddo 24 sano ah la dareemay xudduud rasmi oo kiinyaanku xurmeeyaan. Ayaamihii hore, shaqadoodi dad baarashada iyo hujuunka ahayd ayay Kiinyaanku isku dayeen. Laakiin marki ficilladaas ciidanka Gorgor gacan-ka-hadal kaga jawaabay xudduudka ayayba dhowr kiiloomitir ka sikadeen.

Waxaa loo sheegay Kiinyaanka in aysan qofna xiran karin, dhibi karin ama aysan wax kale u geysan karin. “Qofkii idiin soo gudba ama u oggolaada inuu sii socdo ama naga noqo dhaha adinkoo xagtin gaarsiin.” ayaa lagu yiri. Marar ay isku dayeen in ay jabiyaan heshiiskaas, weerar xanuujiyay ayaa loogu jawaabay. Hal dhacdo oo qofka ay ku dhacday aan xogtiisa la socday aan idinku tusaaleeyo.

Waa gabar Soomaaliyeed oo Maraykan ka timid. Nayroobi ayay soo martay. ka dib in ay Baladxaawo u gudubto ayay rabtay. Xudduudbeenaadka ayay askar kiinyaan ah ku joojisay. Baarid ka dib waxay arkeen in ay baasaboor Maraykan ah sidato. Waa baarteen xoogaa lacag ah oo ay wadatay iyo baasaboorki ayay ka qaateen bax iska soco ayayna ku dhaheen. Konton tallaabo ayadoon socon ayay u tagtay ciidanki Gorgor oo ay ku barooratay. Taliyihii Gorgor, oo horey cashar lama illaawaan ah, ugu dhigay dhiggisa Kiinya ayaa taleefan u diray dhiggiisa. “Gabadhaas oo dhib noocaas ah loo geystay ayaa ila joogta. haddii aadan saacad gudaheeda lacagti, baasaboorki iyo askarigi ka qaatay aadan isku keenin xeradaada ayaan isku wareysan doonnaa” ayuu ku yiri.

Amarki ayuu dagdag u qaatay. Isagoo lacagti iyo baasaboorki wado ayuu yimid. Wuxuu ergo ka furey in laga daayo soo xiridda askariga. Wuxuu ku dooday kiiskaan wuxuu noqon mid ilaa madaxdayda sare ay ogaato oo aan qoro sababta aan askariga u xiray. Dhib iyo howl aanan ka bixi karin ayay igu furi ee iga raalli noqda ayuu ku cataabay. Isagoo u arka in loo ixsaan falay ayaa lagu yiri iska soco mar danbana yaysan noo imaan dhacdo noocaan oo kale ah. Tani waa hal tusaale oo aan xog-ogaal u ahaa.

Xorriyaddaas dadku heleen, sharafka iyo gobinnimadaas la dareemay waxaa dheer in ciidaankaas dartii kiinya u joojisay darbigii ay ka wadday xudduud-beenaadka kasoo gudaha usoo galay Baladxaawo. Siduu caddeeyay waftigii uu hoggaaminyay wasiir Juxaa oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha dhowr kiilomitir ayay xadka Soomaliya soo galiyeen xarriiqa. Shaqadi socotay waxaa joojiyay shacabka caraysan oo guryahooda la dumin rabay. Ciidanka Kiinya, oo gacmahooda kala faanaya shacabkaas caraysan, ayaa doonay in ay adeegsadaan kuwa u shaqeeya ee magaca nala wadaaga. Ciidan daraawiish lagu sheegay ayaa maalmihii danbe difaac u ahaa Kiinyaanki dhulballaarsiga waday. Iyadoo isbaacsi lagu noolyahay oo daraawiishta JL iyo shacabku weerar iyo weerar celis isku yihiin ayaa Gorgor la keenay. Darbibaan dhisaynaa halkaas ayaa ugu danbsay lamana arag Kiinyaan danbe oo deyrka taagan.

Aan soo khulaaseeyo qormada. Ciidanka gobalka la geeyay waa laba. Ujeedki la rabo ha loo geeyee mid waa lagu diirsaday waana lagama maarmaan in halkiisa loo daayo. Midna wuxuu rabaa wax ka qabasho dhaqsa ah. Ciidanka NISA lagu sheegay wax aan dhib ahayn Gedo kuma hayo. Ma ahan ciidan dharcad ah ee waa mid tuutsaysan oo isaga iyo gaadiidkiisaba la yaqaan. NISA dharcad ah oo shaqadeedu sirdoon tahay waa loo baahanyahay, laakiin kan hadda jooga isbaddal ayuu rabaa.

Midka labaad waa ciidanka Gorgor ee xudduudaha la geeyay. Madaxweynow ogow in ciidaankaas ciidda Soomaaliyeed difaac u yahay. Ogow soo saariddiisu in ay ka dhigantahay bixinta arli Soomaaliyeed, dulleynta dad soomaaliyeed iyo hibaynta sharafki Soomaaliyeed. Waxaad ka shaqayso ha noqdaan sii xoojintooda iyo hubinta xuquuqdooda si aysan shacabka hunguri uga raadin. Ha noqdaan kuwo lixdi biloodba ama ugu badnaan sannadkiba mar la baddalo si aysan u baran la shaqaysiga waddammada dariska ah. Ogsoonow shaqadoodu waa ilaalinta xudduudaha ee maaha ilaalinta amniga gudaha. Waxaan u jeedaa, haddii JL dood kuula timaaddo, booliskooda ayaa ku filan ee wax kaga xiran ma jiraan ciidan ku eg ilaalinta xudduudka. Haddii intaas oo dhan wax lagu fahmi waayo, ogsoonow in Gorgorka la geeyay Gedo uusan ka duwanayn kan la geeyay Dhuusammareeb iyo Baladweyne. Haddii aanan dhammaan lasoo wada celinayn ma jiri karto sabab gaar ah oo loo beegsado kan Gedo jooga oo dhabtii ah kan ugu xaqsan. Ka dhabee Soomaali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah adigoo hubinaya JL mid ah, nabad ah, xor ah oo xudduudaheeda ilaashanyihiin.

Allaahumma hal ballaqtu!

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.