Akhrinta buugaagta ka hadasha nolasha dadka taariikhda lahaa ayaan aad u tammadiyaa. Ma jiro buugaag iiga xiiso badan iyo mowduuc iiga saamayn badan. Nafta iigu xasisha, nashaad ayaan ka helaa, hididdiilo ayay i galiyaan bogag cusub oo nolosha ah ayayna ii furaan. Maaha arrin igu gaar ah faa’iidooyinka aan ka helo sheekooyinkaan ee waa mid cilmiyan loo ogaaday aadunuhuna isku waafaqay in ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin xasilinta nafta. Sida ay nafta u dabiibaan waxaa noogu filan sida Eebbe weyne kor ahaaye, Xabiibka ugu daweeyay. Qur’aanka seddex moolod laba wax ku dhow ayaa ah taarriikh nololeedki anbiyadii hore iyo qisooyin kale. Qisooyinkaan ayaa lasoo dajin jiray waqtiyada culeysyo ay soo wajahaan Suubbanaha SCW.
Tusaale, Suubbanaha waxaa soo maray sannadki loo baxshay ‘Sannadkii Murugada’ waa goortii ay dhinteen Abuu Daalib oo Qureesh gaashaan uga ahaa iyo xaaskiisi Khadiija oo makaab u ahayd. Geeridooda ayaa ku abuurtay walwal iyo walbahaar aan xad lahayn. dhulkii ayaa ku cirriryoobay wuxuuna iska helay cidlo ciirsi la’. Waxaa u sawirmay in albaabbadi soo xirmeen. Waqti uu xaalkaas ku jiro ayaa waxaa lagu soo dajiyay Suuratul Yuusuf oo kaamil ah. Wuxuu Nabu Yuusuf maray marki loo eego dhibta waqtigaas Suubbanaha haysatay waa mid aan wax kasoo qaad lahayn.
Wax walba oo la marsiiyay nabi Yuusuf marna ma doorin gobonnimadi uu u dhashay. Cuqdad uma qaadin kuwii qorsheeyay in ay dilaan. Colaad iyo cunfi kuma dhaqaaqin. Aargosi ma uusan qorshayn. Niyad xumo iyo waji xiran ma tusin. In sidiisa uu u adkaysto kuwa dhibayana uu ka yeelo sidii nabi Yuusuf ka yeelay walaalihi ayaa lagu tusaaleeyay Suubbanaha SCW. Dhammaadka Suuradda (aayadda 111) ayaa, markaas, lagu yiri: waxaa ugu sugan qisooyinkooda cibroqaadasho kuwa caqliga leh. Cibroqaadashada ayaa ah tan loo rabo inaad u akhriso sheekooyinki dadkii sooyaalka lahaa. Hadday dad xun ahaayeen, waxa xumeeyay ayaad ka fogaan. Haddii ay wanaag lahaayeen waad ku dayan. Sidaas darteed, ayaa jeclaystay inaan idinla wadaago hal arrin oo si gaar ah i cajabgalisay taasoo ka helay buugga Up from Slavery ee ka warramaya noloshii Booker Waashington. Waa arrin aan leeyahay dadkeenna ayaa baahi dhab ah u qabo.
Ninkaan ayaa ahaa madow noolaa waqti addoonsi iyo midabtakoor lagu hayay dadka madow ee Maraykanka. Wuxuu noqday qoraa, samafale, khaddiib iyo codkar caan baxay. Wuxuu safarro ku maray Yurub isagoo lagu soo dhaweeyay qasriga boqorad Fiktooriya waqti ruuxa madow aan kursi lala fadhiisan jirin. Waxaa u baratamayay kaniisadaha Galbeedka ugu waaweyn iyo xarumaha baarlamaannada si uu hadal uga jeediyo. Heerkaas si fudud kuma uusan gaarin, sadaqo iyo tabarrucaad kuma helin ee dedaal ayuu ku taabay.
Booker wuxuu ku dhashay addoonnimo hillaadi 1858/9. Haa asagoo addoon la leeyahay ah ayuu dhashay waayo waxaa dhashay haweenay addoon ahayd oo nin cadi ku haystay beer ku taalla Waqooyiga Virginia ee carrigaas Maraykanka. Addoommadu kala nasiib badan oo qaarbaa leh aabbo lagu yaqaan iyo qoys wada jira oo hal qof isku leeyahay. Laakiin Booker ma aqoon abbiihis cid ay tahay. Caddaan iyo madow abbihi wuxuu ahaa looma sheegin. La yaab ma leh oo addoommada la leeyahay in qof walba u galmoodo dhaqan jiray ayay ahayd. Booker ma ogiye ina ayo ayaa tahay waligiis lama dhihin. waqtigaas dadka madow abtir ma lahayn oo xataa kan aabbo leh, hebelki hebel addoonkiisa ahaa ayaa lagu aqoonsan jiray. Ina ayo ayaa tahay uu maqlo waxaa ugu horreysay markuu galay fasal uu iska diiwaangalin rabay. Wax uusan soo dhigan ayay ahayd iyo waa ku baryay. Si fudud ayuu yiri ina Washington ayaan ahay. Sidaas ayuu ku qaatay abtirkaas uu gacanta ku samaystay.
Beerti hooyadii ka shaqayn jirtay ayuu ku koray ilaa baabi’inti addoonsiga ee Maraykanka 1863’ki. Marki ay xoroobeen isagoon wali aan gaarin 10 sano ayay u guureen magaalo yar oo isla gobalka ku taallay. Magaaladaan ayaa shaqo waxaa ka helay nin hooyadiis guursaday. Warshaddii uu ninku ka shaqayn jiray ayaa laga qoray Booker oo aan 10 sano gaarin si uu uga shaqeeyo. Isla waqtigaas Booker waxaa la jeclaysiiyay waxbarashada. Dadka madow looma oggolayn in ay yeeshaan wax aqoon ah. Buugta waa laga ilaalin jiray waqtigii addoonsiga. Marka kaliya ee ay buug taabtaan wuxuu ahaa goor qofka leh adeeg ugu dirsado inuu u keeno ama meel u geeyo. Booker wuxuu yiri “hooyaday ayaan ku iri buug ayaan rabaa. Si ay ku keentay ma aqaane, waxay ii keentay buug laga barto alfabeetada oo ay ku qoran tahay xuruuf aan macno samaynayn sida “ab” “ba” “ca”. wuxuu ahaa buuggii iigu horreeyay ee aan abid taabto. Habayn iyo maalin xuruuftaas ayaan ku celcelin jiray ilaa ay ii noqdeen biyo aan cabbayo oo kale.”
Adeerkiis wuxuu rabay in Booker iyo walaalkiis warshadda ay ka shaqeeyaan maaddaama ay lacag reerka soo galinayeen. Waxbarashadooda iyo mustaqbal kale toona dan kama uusan lahayn. Laakiin Booker meel ayaa u caddayd. Abuur gooni ah ayuu ahaa. Qalin iyo buug ayaa laabtiisa lagu uumay. Balse haddii uusan haysan taageero qoys qorshihiisu meel ma gaari karo. Hooyadii ayaa ku taageertay inuu waxbarto. Xaggee se wax laga baran. Dadka waa la xoreeyay laakiin midabtakoorki waa sidii iyo waliba ka xun. Dowladduu taageeero dhaqaale ma siinnin, iskoollo uma furin hab ay dunida kula qabsadaan dadkii boqollaalka sano sidii duunyada la lahaana ma abuurin.
Waxaa tuuladi yimid wiil madow oo fartu u baxsantahay. Dadkii deegaanka ayaa ku heshiiyay in wiilka dugsi laga ooto. Ha yeeshee Booker adeerkii ma doonayn inuu wiilka dugsi u diro. xoogaaga laga helo shaqada uu qabto ayaa wax walba uga muhiimsanayd. Sidaas darteed dugsigii la ooday Booker xanuun kaliya ayuu ku kordhiyay. Waayo waxaa maalin walba sii mari jiray oo soo mari jiray carruur la eg oo dugsiga ka timid. Isha ka eeg mooyee, wax kale kuma darsan karin. Hooyadii oo la kurbootay tiraanyada waxbarsho ee Booker haysa ayaa ku garab gashay inuu habaynki shaqada ka dib waxbarto.
“Maalin aniga shaqo ku jiro ayaan maqlay laba nin oo ka sheekaysanaysa iskool loo furey dadka madow. Tartiib ayaan usoo siqay anoo iska qarinaya labada nin si aan dhab ugu maqlo waxa ay leeyihiin. Iskool u gaar ah dadka madow ayaa la furey. Carruurta aan waxba haysan waxaa loo oggolyahay in ay shaqooyin ka qabtaan iskoolka oo intaas fiigooda laga dhigo ayay dhaheen. Hadalkaas ayaan u riyaaqay ilaa aan garan waayay meel aan joogo. Meel loo maro iyo inta uu ii jiro toona ma aqoon. Habayn iyo maalin ayuu maankayga ka bixi waayay Hampton School” ayuu yiri Booker.
Halkii ayuu kasii shaqaynayay dhowr bilood oo kale. Maalin danbe ayuu maqlay in qof shaqaale ah laga raba guriga ninka isleh warshadda. Xaaskiisa oo la oran Mrs Voila Ruffner ayaa jaariyad u baahan buu maqlay. Ka shaqaynta guriga waa uu ka fiicnaa kan warshadda dhuxusha. Ka dhib yar kana lacag badan haddii qof insaan ah leeyahay. Laakiin bilcaanta guriga leh waxay ahayd habar qabiidad ah, arxan daran oo naxariis laga fogeeyay sida lagu sheekaysan jiray. Waxay ahayd qof shaqaalaha caddibta oo la waayay ruux bil ku dhammaysta gurigeeda. Waa halkaan qodobka igu kallifay inaan qoro maqaalkaan ee si fiican u dhuux casharka ku jira.
Booker waa nin dan leh oo ay ka go’antahay inuu gaaro hankiisa. “Maslaxadaada maqaar eey baa loogu seexdaa” ayuu ku socdaa. Laakiin taas maahan casharka aan rabno inaan ka baranno. Wuxuu yiri Booker “warkeeda horey ayaan u maqlay. cabsi darteed wajigeeda sidaan u hor istaagi lahaa ayaa walwal igu abuuray. Markaan gurigeeda imid cabsi ayaan la kufay.” Booker shaqadi ayuu qaatay waxaa ayna noqotay furaha noloshiisa iyo guul walba oo uu gaaray. Dhowr asbuuc markuu la joogay ayuu fahmay waxa dhabta ah ee bilcaantu rabto. Qof xun ma wada aha e waxay rabtay in shaqada dhaqso loo qabto, si hufan loo fuliyo oo daacadnimo ku dheehantahay lana joogteeyo waxqabadkaas. Nadiifinta guriga ayay sigaar ah ugu waalnayd. Saxar meel looga tagay ayaa ka caraysiin karay.
Booker markuu fahmay sida Mrs Ruffner wax u rabto wuxuu ku dedaalay inuu shaqada sida ay rabto uu u qabto. Waqtiba kama soo wareegin markay ka maqsuudday haweenaydi una bogtay daacanimada, howlkarnida iyo waxtarka Booker. Hasa yeeshee Booker halkuu rabay shaqo ma ahayn. Shaqada wuxuu ka rabay sahaydii uu ku tagi lahaa Hampton oo shan boqol oo mayl u jirta si uu iskool uga galo. Sannad iyo wax hadduu la joogay reerkaas, wuxuu buraashadda u biyaystay Hampton 1872’ki. Waa safar dheer oo tareen, fardo iyo lug isugu jiro. Wuxuu sannadka oo dhan shaqaynayay ma dhammayn wax safakaas kaliya kaafiya.
Lugayn, tuugsi iyo rafaad ka dib wuxuu gaaray meel aan aad uga fogeyn Hampton oo magaalo weyn ah waa Richmond e. Mar kale ayuu sagxadda taabtay gaajo, arrad iyo lacag la’aan. Darbi jiif ayuu noqday. In muddo ah ayuu Richmond maalintii dekadda xammaali ka ahaa habaynkiinna darbiga seexanayay (ogow waa 13 jir). Xoogaa gaarsiiya Hampton markuu helay ayuu dhaqaajiyay. Gaaryay halkuu rabay maxaa se yaal. Wuxuu hor istaagay maamulihi iskoolka oo ahayd haweeneey cad. Muuqiisu maahan mid faraxgaliyay qofka uu hortaagan yahay Waa wiil madow, gaajaysan, arradan oo soo rafaaday. Duruufta ka muuqata qofna isma oranayn ninkaan ayaa waxbarasho raba ama waxbaran doona. Iskoolka uu yimid qof walba iskama qaato dadka raba oo tirada ka batay awgeed. Subax walba albnaabka ayuu yimaadaa oo laga cayriyaa.
Carruur kale ayaa timaadda oo la qaataa isagoo wali meesha taagan tasoo qalbijab iyo calool xumo kale ku abuurtay. Ma quusan. Wuxuu ku dedaalay inuu maamulaha iska gado. La hadal, baryootan wax walba akhri uma se beerjileecin. Maalin ayaa isagoo darbiga taagan ay u yeertay maamulihii. Waxay ku tiri hoolka akhriska ayaa nadiifin raba ee xaaqin qaado oo nadiifi. Wuxuu yiri Booker “intaas markaan maqlay ayay igu soo dhacday inaan haatan gacanta u hayo furihii noloshayda. Hadba sidaan u maareeyo nadiifinta hoolkaan ayay ku xirantahay helidda iskoolkaan ayaan naftayda ku iri. Maantaas ayaan u baxsaday casharkii aan ka qaatay Mrs Ruffner.”
“Waxaan xaqaay hoolki seddex goor. Ka dib waxaan qaatay maro qoyan markaas ayaan afar goor masaxay dhulkii. Maro kale ayaan qaatay markaas ayaan masaxay darbi walba, miis kasta iyo laab meel uu ku yaallayba. Mid walba afar goor ayaan ku celiyay. Markii aan is iri waa dhantahay ayaan u yeeray. Waxay ahayd naag taqaan meelaha wax laga eego. Masarkeedi inta gacanta ku qabsatay ayay laab walba iyo qaanad kasta marisay bal in boor kasoo raaco. Waxba soo raaci waaye. Dhulkii ayay ku masaxday masarkeedi waaba nadiif oo saxar ma saarna. Inta si dabacsan ii eegtay ayay igu tiri “waxaan isleeyahay waad u qalantaa inaad kusoo biirto mac’hadkaan.”
Booker sidaas ayuu ugu biiray Hampton isagoo lagu qaatay inuu nadiifiye ka noqdo hoolasha sidaasna fiiga iskool lagu daboolo ilaa uu ka qalin jabiyay. Wixii intaas ka danbeeyo waa damaashaad iyo dallacaaddiisi ee aan yara milicsanno casharka aan qoramada usoo qaatay. Qiyaas Booker oo inta xaaqin meelaha marmariyo waan dhammeeyay lasoo istaaga? Muxuu ku danbayn lahaa xaalkiisu? Safarkii uu soo galay soo qasaaro ma noqdeen? Guushaas uu gaaray ayaa abaalkeeda leh? Miyaysan lahayn Mrs Ruffner oo an haweenaydi aan ku sheegnay qumayo?
Dul istaag islaanta aan ku sheegnay in ay naxariis darnayd. Kasoo qaad in ay ahaan lahayd haweenay jilicsan oo aan dan ka lahayn sida shaqaaluhu wax ugu qabto. Ma kuu caddahay in aysan nafteeda kaliya qiyaanteen ee sidoo kale ay luggoyn lahayd kuwa u shaqeeya? Soo kuuma cadda in dadka u sheeganayay ay ahaayeen kuwo rabay in ay mushaar ku qaataan shaqo aysan si hufan u qaban? Haddii ay tahay qof xumaan kaliya ka samaysan marnaba kuma qanacdeen sida Booker wax u qabtay ee waxa ay diidaysay waa in wax malac-malac laga siiyo, qashinka jiirooyinka loogu qariyo, marki ay baxdo aan waxba loo qaban haddana mushaar loogu soo fadhiyo.
Sida Booker ugu baramoosay imtixaanki Mrs Ruffner wuxuu ku qotomaa xaddiiskii wanaagsanaa ee oranayay “Eebbe wuxuu jecel yahay midkiin markuu wax qabanayo inuu sugo waxa uu qabanayo”. Taas ayaa ah furaha guusha iyo horumarka shaqsi iyo ummadeed. Waa midda ka maqan dadkeenna dalkeenuna u basaasay. Waa midda aan rabno inaan ku barbaarinno ubadkeenna. Ma jirto shaqo xun, adag oo aan faa’iido lahayn ee waa sidaad u qaadato, aad u qabato iyo danta aad ka leedahay.
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
Qormadaan aad bn ooga hely
Cimra qaadasho ayy mudantahy
Iyo in aan nolasha laga quusan….