Waa Maxay Ahmiyadda ay leedahay In Ilmahu Wax Ku Bartaan afkooda Hooyo?

0
320

Been iyo or maahoo run baan lagu arooraaye

Afka hooyo ku idiin baddalo ma arki doontaane

 Ilaashada asaad leedihiin suu ahaadaba” -C/laahi Dahir.

Afka hooyo waa mid qiimo leh dhowr sababood dartood. Afka hooyo wuxuu muhiim u yahay habaynta fikirka iyo dareenka dadka. Barashada ku hadalka afka hooyo aad bay lagama maarmaan u tahay korriinka guud ee ilmaha.

Ku hadalka afka hooyo, oo sidoo kale loo yaqaan afka hooyo, wuxuu ilmaha uga faa’iidayaa dhinacyo badan. Waxay la xidhiidhisaa dhaqankiisa, waxay hubisaa korriinka garashada oo la xoojiyay, waxayna taageertaa barashada afafka kale. Ilmuhu waxa uu marka hore ku fahmayaa waxa hareerahooda ku jira luqadda ay ka maqlaan hooyadood oo ku hadlaysa ka hor inta aanay dhalan oo ay ka fikiraan noloshooda.

Afka hooyo waa laqaddariyaa sababo badan awgood. Afka hooyo ayaa udub dhexaad u ah habaynta fikirka iyo shucuurta shakhsiyaadka. Barashada dugsiga waxay iftiiminaysaa isticmaalka afka hooyo. Afka hooyo waa qalab wax ku ool u ah horumarinta waxbarashada dadka.

Muhiimadda afka hooyo waa la daraaseeyaa sababtoo ah marka carruurtu kobciyaan afkooda hooyo, waxay isla mar ahaantaan kobcinayaan xirfado kale oo badan oo muhiim ah, sida fekerka muhiimka ah iyo xirfadaha akhris-qoraalka taasoo sabata inuu ilamha uu sihufan uu wax u fahmo marka uu macalinka casharka sharaxaayo.

Barashada luuqadaha kale:

Qofka ama ilmaha ka dhisan luuqaddiisa hooyo waxaa sahal u noqota inuu si fiican u barto luuqadaha kale waayo fahamka iyo fasiraadda luuqaddisaa ayaa u sahleysa. Sidoo kale ilmaha buug aqriska badan waxaa xoogeesaneyso fahamka luuqaddisa sida naxwaha, jimlooyinka isku raacaan iyo gabayada oo kale, taasoo mustaqbalka faa’iido weyn ulaahaaneyso inuu aqristo buuggaag kale oo luuqaddiisa aan aheyn.

Horumarinta iyo Fahamka Isgaarsiinta

Caruurta yar-yar waxay ku kala xariifsan yihiin midba midka kale inta uu waalidkiis la sheekeysto. Waxaa hormara xirfadda dhinaca isgaarsiinta, kalsoonida iyo hadal-aqoonnimada. Taasna waxay sare u qaaddaa inuu canuggasu uu si waa casri ah wax u barto uguna fududaato dhinaca wax barashadiisa (Carol Benson, 14 April 2004).

Fursadda shaqo

Dunidaan casriga waxaa batay isdhexgalkii dadka iyo dad badan oo luuqado kala duwan ku hadlaan ay meelo wada degaan. Sidaa daraaddeed waxaa laga maarmaan noqotay in loo baahdo luuqado la turjumo iyo dad laba luuqadood ku hadla. Sidaas darteed, baahida loo qabo dadka aqoonta u leh luqadaha kala duwan ayaa ka soo baxa suuqa shaqada. Fahamka iyo faseexnimada ee dhawr lahjadood oo hooyo ah, sidaas awgeed, waxay siinaya shakhsiyaadka gacanta sare ee noqoshada takhasuska luqadda, si faa’iido leh loogu shaqeeyo(Benson 2005).

Isku Duubnaanta Qoyska

Waxaa meeshiisa dhaafin isku duubnida qoyska iyo xiriirka waaliddiinta, gaar ahaan waaliddiinta caruurtooda qurbaha ku koriyey, weey isu soo dhawaadan. Inkastoo caruurta qurbaha ku koray ay adag tahay iney noqdaan sidii ay isugu duubnaayeen awoowyaashood haddana, waxaa cad in qoysaska luuqadaha u bad-baaday ka xiddid adag yihiin qoysaska milmay. Waxaa kale xasuus badan ku reebeyso dhallaanka yar markii arkaan waalidkood siduu u wada socday oo dhaqan iyo hiddaha u ilaalinayey taasoo sabab u ah luuqadda hooyo ee la dhawray.

Ku Raaxeysiga Afka Hooyo

Waxaa marqaati madoonata ah markaad ku hadleysid afkaada hooyo iney kugu soo dhaceyn wax cabsi iyo walwal ah oo la xiriiro in laguugu qoslo sidaa adigoo ka cabsanayo inaad jajabisay ama wax khalad ah aad ku hadashay. Waa jamasho uu dareemayo qofka dhaladka balse qofka aan u dhalan luuqadda ku taagan cuqdad iyo amaad wax khaladday.

SIDEE LOO HORUMARIN KARAA BARASHADA AFKA HOOYO?

Ku billow baridda farbarashada afka hooyo

Waa in la sameeyaa manhaj ku qotoma afka, dhaqanka iyo deegaanka ilmaha loo yaqaan, lehna wax akhris ku habboon iyo agabka manhajka ee deegaanka. Taasoo muhiim u ah guusha waxbarashada hore ee dhallaanka yar-yar. Isticmaalka luqadda guriga ee marxaladaha hore ee dugsiga ee xaaladaha luqadaha badan waxay taageertaa siyaasadaha ku salaysan ilmaha waana aas-aas korinta iyo kobcinta ilmaha in uu yeesho canugga xiddid adag oo hoose.

Waa in La Helaa Qalabka Afka Hooyo

Waa in uu helaa ilmaha yar agabkii wax aqrinta iyo dhamaan alaabtii u u ku fahmi lahaa imuhu qaab qoraalka. Taasina waxay u sahleysaa inuu ilamaha kaligood wax isbaraan ama wax aqriyaa. Waddamada hormaray waxay ilmaha u sahleen ineey si lacag la’aan ah ku siyaan ilamaha agab wax barsho sida buuggaagta ladaabacay, tablets iyo aalado kale oo ay wax ka aqrisan karaan.

Ku Billow Ilamaha Yar Inuu Wax Aqriyo

Kobcinta wax-akhrisnimadu waxay bilaabataa bilawga nolosha. Deegaanka guriguna waa arrin muhiim u ah guusha waxbarashada carruurta. Waxay ka caawisaa dhisidda aqoonta iyo xirfadaha carruurtu u baahan yihiin si ay wax u bartaan. Meesha ay waalidiinta iyo bulshaduba ka taageerayaan horumarinta akhris-qoraalka, natiijadu waxayna muujinaysaa horumar muuqda oo lataaban karo, faa’iido weyna u leh ilamaha soo koraya.

Haddi uu ilmaha yar lagu abaabiyo inuu maalintii 15 daqiiqo kamid ah uu buug aqriso waxay la mid tahay sanadkii isagoo halmalyan oo kalmadood u soo korortay taasoo ka dhigeysa inuu canuggaas noqdo qani xaga luuqaada.

U Bar Ilmaha Hab Casriyeysan Oo Tayo Leh

kuma xirno oo kalii ah inaad ilmaha siisid agab wax tar leh. Waxaa muhiim ah inaad ilmaha bartid qaabka wax loo xifdiyo iyo qaabka wax loo fahmo. Waa inaad fahantaa caruurta sida ay wax ku baran lahaayeen adigoo adeegsanayo xirfad iyo fahan ballaaran oo il-ku-heyn ah. Waa inaad ogaataa waxa uu canuggu ku firifircoon yahay iyo waxa dhibayo. Taasi waxay sahal u noqoneysaa in ilmaha uu dhiiranaado oo noqdo horey u socod.

Sababaha Ay Muhiim u tahay Afka Hooyo

Kobaca Maskaxda

Daraasaad laseemeyey waxaa lagu ogaaday in ilmaha ku barto afkooda hooyo waxbarashada ee sida heerka sarre ah inuu ka faham badan midka sida caadiga wax ugu bartay, uuna ka fahmo badan yahay. Waxa kale oo la xusay in haddii ardaygu wax ku barto afkiisa hooyo, in saamiga wax-barashadiisa uu ka weyn yahay qofka wax lagu baro warbixin kale oo aan ahayn afkiisa hooyo.

Horrumarinta Shaqsiyeed iyo Midda Dhaqanka

Afka Hooyo waxuu hormariyaa dhaqanka qofka iyo shaqsiyaddiisa isagoo tix galinaya jirataankiisa dadnimo iyo wax yaabaha uu dhaqankiisu ka reebayo oo xirriir la leh ku hadalka afka hooyo. Luuqadda guriga qofka waxay ku xirtaa shaqsiyad wanaagsan, waxayna ka reebtaa xumaanta taasoo kobac iyo korin ba u noqoto ubadka yar ee soo baxaayo.

Xirrirka Wanaagsan Ee Dhaqanka

Luuqaddaha waa hababka ugu fiican ee lagu ilaaliyo dhaqanka bulshada iyo xiddid-tinimada ka dhaxeeyso dadka, waxaa ku dheehan ixtiraan iyo kala dambeyn bulshadeed, dad aan dhaqan laheen waa dad jiritaan kooda dabar go’ay ama tir-tirmaayo, sidaa awgeed luuqadda iyo dhaqanka waa labbo sheey oo aan marnaba kala harin loona baahan yahay mar walbo in la isku ilaaliyo.

Qab

Qofka afkiisa hooyo sifiican oo fasiix ah u yaqaano waa ka kalsooni badan qofka kale, waxuu dheer yahay cilmi iyo kalsooni qalbiyeed oo aan cid ka qaadi karto aan jirin iyo dheeranaan, qofka luuqadiisa aad u yaqaano waxaa u dheer cilmi dhaqameel iyo aqoon ku salaleeysan asalkiisa iyo Meesha uu ka yimid awal.

Caqabada Lagamaro Barashada Afka Hooyo Ee ilmaha Qurbaha Ku Koray Ama Ku Dhashay.

Luuqaddii oo Deegaanka Ku yartahay In Looga Hadlo

Sida aan ogsoonahay ilmaha waxaa afkooda hooyo barro Meesha ay ku koraan iyo beeyada ay deggan yihiin, taas ayaa kaalin weyn ka qaadato inuu luuqada sifiican u barto ilmahaas. Caruurteena qurbaha joogo waxaa ku dhacday luuqad yaraan dhinaca guriga iyo iskuulada taasoo sababtay ineey ku milmaan umaddahaan kale ee naga farabadan (Kobia, 2007).

Waalidka Oo aan Xoog Saareen Inuu Ilmaha Afkiisa Hooyo

Waalidka soomaalida ah kuma baraarugsano muhiimada ay u leedahay afka hooyo inuu barto ilmaha yar, waxaana dhacdo marar badan hooyadii iyo aabihii iney kula hadlaan luuqaddii af-ingiriisaga aheed ilmaha xataa waalidka oo aan aqoonba af-ingiriiskaas. Soomaalida arintaan aad ayey ugu badan tahay ineysan culees iska saarin in ilmaha labarro afkooda.

Cilmi Yari Dhinaca Waalidka ah.

Waalidiinta soomaalida intooda badan ma qoraan mana aqriyaan luuqadda soomaaliga ah, taasoo sababto in waalidka ayba ku adag tahay inuu ilmihiisa isaga wax barro. Sidoo kale waalidiinta soomaaliyeed waa yartahay inta aqoonto u leh in ilamaha yar afkiisa hooyo uu barto uuna qoro, akhriyana. Haddii ay ogaan lahaayeen walidiintaas waxaa hubaal ah ineysan ka hakrin laheen in ilmahooda ay barraan luuqodood

Waliddiinta soomaalida waxay caan ku yihiin ineey ilmahooda ka dhisaan dhinaca maadooyinka sayniska iyo quraan karrim si harag la’aan ah, taasoo keentay in ay soo kacaan jiilal fara badan oo soomaali ka gaaran heerarka baxbarasho meel fiican, nasiib darro ay adagtahay in afkooda hooyo aysan sifiican ugu hali Karin.

Isxilqaan La’aan Bulsho

Waxaan isoo gaartay dad soomaaliyeed oo faro ku tiris ineey isu xilqaameen in luuqada caruurta labarro si aysan dhaqan kooda ooga takin laakiin is abaabulkaas ma buurno.

Waddamada qaarkood sida Iswiidhan iyo Fiilaan ayaa iskuulada lagu baraa caruurta luuqada soomaaliga si ay ugu fududaato wax barashada taasoo ilmaha nafis unoqotay, ayna ka heleen caawimaad aad u wanaagsan.

Baaritaan aan sameeyey waxaan waaye Bulshada soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska lagama haayo hal meel oo si ganacsi ah ay ugu furan in lagu baro afkooda hooyo, taasi oo ah fursad u furan qofkii ganacsi kaseymanaayo ama ajir Ilaahay dardiis uga raadsanaayo inuu ilmahaas masaakiinta ah wax baro (Natalia Ganuza, 03 june 2017).

Gunaanad

Ilma badan oo soomaaliyeed ee kukala nool dunida dacaladeeda ayaa waxay waxbarashooda ku qaataan luuqada aa naan aheen middooda hooyo, taasi ku riday jahwareer farabadan. Afka hooyo oo aan lagu barrin caruurta wax barashada aas-aasiga waa mid khasaaro oo aan laheen wax soo saar fiican sidaa awgeed waxaan soo jeedin lahaan in caruurta afkooda hooyo lagu bar baariyo, dadaal dheeraad ahna lagu bixiyo si ilmaha noloshiisa meel fiican ooga gaarsiiyo tacliinta, hidaha iyo dhaqan kiisa.

Dawladda badan ayaa ku hawlan in ilamaha qaxootiga ama dadka laga tira badan yahay afafkooda lagu soo biiriyo iskuulada, qaarkoodna siyaabo la xiriiro ganacsi iyo siyaad kawataan laakiin taas waa mid gaabis ah. Arintaan waa xaalad taagan oo ubaahan si deg deg ah in wax looga qabto.

References

Carol Benson, P. (14 April 2004). The importance of mother tongue-based schooling for education quality. Stockholm: Centre for Research on Bilingualism.

Jillian Yanes, P. (2016, 12 29). Bilingual Attorneys/Abogados Bilingue. Retrieved from Law Office of Jillian Yanes, P.A. : https://www.yournaplesattorneys.com/blog/2016/12/what-challenges-do-immigrant-children-face-in-school.html

Kobia, J. M. (2007). The Challenge of Mother Tongue Education in Kenya . A Journal of Contemporary Research, 7.

Natalia Ganuza, C. H. (03 june 2017). The Impact of Mother Tongue Instruction on the Development of Biliteracy: Evidence from Somali–Swedish Bilinguals. Applied Linguistics, 4.

Weale, S. (2018, 09 12). The Guardian. Retrieved from The Guardian: https://www.theguardian.com/education/2018/sep/20/refugee-children-face-long-delays-accessing-education-in-uk

WQ Maxammed Axmed Shire

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here