Sannadguuradii 26aad ee soo wareegtay maalinti ay Gedo godka ku dhacday

1
1626

Maanta oo kale 26 sano ka hor ciidanka Itoobiya ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday gobalka Gedo. Waxaa soo gudbay ciidammo tiro badan oo wata taangiyo iyo diyaarado. Waxaa ay duqaymo ka gaysteen Luuq iyo Boholgaras. Sidoo kale waxaa ay galeen magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow. Waxaa ay laayeen dad badan oo shacab ah. Waxa ay kala sooc la’aan duqaysay masaajidda, guryaha iyo suuqyada. Dadka ay ku laysay masaajid dhexdiis waxaa ka mid ahaa AUNtee Aadan sheekh Xasan Gaas oo ahaa guddoomiyihii dagmada Luuq waqtigaas.

Hasa yeeshee dhibtii maalintas dhacday waxaa milyan jeer ka darnaa wixii ka dhashay. Maalintaas laga billaabo waxaa isbaddalay aragtidi ay Itoobiya ka haysatay Soomaalida. Waxaa dibadda yimid daciifnimada hoggaamiyayaashi Soomaalida Itoobiyana si wacan ayay uga faa’iidaysatay. Waxay billowday in ay Soomaalida ula dhaqanto sidii dad aan dal iyo dowlad lahayn oo ah qabiillo reer guuraa aan nidaam aqoon ah. Waxay xoogga saartay sidii ay maamulkeeda u hoos keeni lahayd. Gedo ayay si dhaqsa ah u milkiday. Waxay xarummo rigli ah ka samaysatay Luuq oo ilaa maanta daggantahay. Baay iyoBakool ayaa ku xigsaday ugu danbayna waxaa gacanteeda galay caasimadda dalka 28/12/2006 toban sano ka dib weerarki Gedo.

Sidoo kale 9/8/1996 waa maalintuu uurgalay ururka Alshabaab oo ah halista ugu weyn ee maanta ina haysa. Goortii Itixaad laga qabsaday magaalooyinka waxaa ay billaabeen in ay jamhadeeyaan. Dhammaan taatikooyinka uu maanta Shabaab isticmaalo markaas ayay soo billowdeen oo marki lasii xanuujiyaba wax ay ku sii darayeen. Madaxjabiska, gowraca iyo jid miinaynta iyo kuwoo kaloo badan ayaa barigaas billowday. Ka dib markii u dagaalki dheeraaday oo dhibtii badatay waxaa shir sanadeedki Itixaad lagu qabtay Xamar 31/7/1999-05/08/1999. Shirkaas waxyaabihi kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in hubka la dhigo oo dhallinyarada la kala diro. Laakiin waxaa diiday go’aankaas kooxda noqon doonta madaxda Shabaab sida Xasan Daahir iyo Ibraahin Afqaan. Laakiin lama aysan bixin magac cusub ilaa laga soo gaaray 2006.

Sidaas darteed dhammaan dhibaatooyinka dalkeenna ka jira waxay si un xiriir ula leeyihiin weerarki 1996-ki Xabashidu ku qaadday Gedo. Hasa ahaatee maalintaas sidaas u culus cidna isma waydiin sababti keentay maxay ahayd? Sidoo kale, ma soo jiidan indhaha cilmibaarayasha iyo taariikhyahannada. Hubaashi waaba la iska illaaway. Inshallahu buug dhawaan soo bixi doona ayaa kaalintaas dabooli doona. Buuggu wuxuu isku dayini doonaa inuu bidhaamiyo waxyaabihii soo dhacayay ee sababta u noqday in ay dhacdo 9/8/96. Wuxuu sidoo kale buuggu ku dedaali doonaa inuu tilmaamo shaqsiyaadki ka masuulka ahaa wixii dhacay, ugu danbayna wuxuu soo bandhigi doonaa in la baaqsan karay weerarkaas iyo kale.

Maanta se aan xusno dadkii Xabashidu sida arxandarrada u xasuuqday 9/8/1996 ee carruurta, haweenka, waayeelka iyo xufaadda lahaa innagoo u ducaynayno dhammaan, sidoo kalana wadaagayno magacyadii intii nasiibka u yeelatay in kaydiyo. Hoos waxaa ku qoran magacyada 122 qof oo Xabashidu ku dishay Luuq iyo Baladxaawo 9/8/1996. Waxaan kasoo raray magacyadaan iyo qabiilooyinka ay u dhasheen buugga Cadowkeennu waa Kuma ee uu qoray Cabdullahi Faarax Taano. Tirada dhimashadu intaas waa ay ka badnayd ee intaan waa intii ay suuragashay in magacyadooda la qoro.

MagacaQabiilka
1:Jaamac Cabdullahi Faarax   Marreexaan Celi
2: Cabdullahi Muxammed Tareey Marreexaan reer Axmed
3: Cabdinaasir Cabdullahi Macallin  Marreexaan Wagardhac
4: Cabdirashiid Faarax Cali (Faarax Taano) Marreexaan reer Diini Reer Siyaad
5: Cabdi Maxammed Xaashi  Marreexaan Uurmidig
6: Maxammed Sheekh Axmedqolo uu yahay lama helin
7: Gaasow Xaashi Shire(Marreexaan reer Axmed
8: Ibrahim Maxammed Dhaqaneqoladiisa lama helin
9:Cabdi Axmed sheekhdoonMarreexaan Wagardhac
10: Axmed Cabdi Faarax (Qablan)Marreexaan reer Diini reer Siyaad
11: Ciise Cabdiraxmaan DucaaleMarreexaan Calidheere
12:Cabdirisaaq Xasan Sh. YuusufMarreexaan Calidheere
13: Cabdirisaaq Daahir XirsiMarreexaan reer Diini reer Warsame
14: Cabdirisaaq Axmed Warsameqolodiisa lama helin
15: Axmed Ismaaciil QoslaayeMarreexaan Calidheere 
16: Xasan Maxammuud IinshaarMarreexaan Calidheere 
17: Cumar Khaliif MaxammuudMarreexaan reer Axmed
18: Cabdiraxmaan Oogle JaamacMarreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake
19: Amina HurdaayeMarreexaan Calidheere 
20: Cabdiraxmaan Cabdi CilmiMarreexaan Wagardhac 
21: Buulle Diiriye CiyeMarreexaan Calidheere 
22: Axmed Ibrahim XuseenMarreexaan Calidheere 
23:Saciid Cabdikariin WarsameMarreexaan Calidheere 
24: Jaamac Cabdi YarowAbsame Bartire
25 maxammed Cabdullahi CaliRaxanweyn Leysaan
26 Maxammed Carab MaxammuudMarreexaan Calidheere 
27:Xuseen ShuqulShuqul Marreexaan reer Cismaan
28:Cabdiqaadir Axmed CiiseMarreexaan Wagardhac 
29: Addeec Cali HanboMarreexaan reer Axmed 
30:Cali Cabdulle HiireMarreexaan reer Diini reer Dalal
31: Cabdikariin Cumar AadanMarreexaan reer Diini reer Allamagan Diini
31 Macallin Yuusuf MagaalleMarreexaan reer Xasan
32: Macallin Aadan CabdinuurMarreexaan reer Xasan
33: Cabdirashiid Cumar CilmiMarreexaan reer Diini reer Shirwac Diini
34: Xuseen Ooyow SoomowMurale
35: Maxammuud sheekh FaaraxMarreexaan reer Axmed
36 Cabdi Cali GargaarMarreexaan reer Axmed
37 Yuusuf Caydiid BiixiMarreexaan reer Axmed
38: Maxammed Umal IinshaarMarreexaan Calidheere 
39:Cabdinaasir sheekh XasanMarreexaan reer Xasan
40: Ibraahin MagaalleMarreexaan reer Xasan
41: sheekh Maxammed Xasan CaliDir Gariire
42: Maxammed Cabdi GuureOgaadeen Cawlyahan 
43: Xasan Cabdiwaaxid sh CabdullahiMarreexaan reer Garaad
44: Maxammuud Faarax MaxammedMarreexaan Calidheere 
45: Cumar Xaaji AadanMarreexaan reer Diini reer Siyaad
46: Muuse sheekh CabdiMarreexaan reer Yabar
47: Cabdinuur sheekh XasanOgaadeen Cawlyahan 
48: Bishaar Duge dhaqaneMarreexaan reer Axmed 
49: Cabdirashiid HaajirDir Fiqi Muxummed
50 Siyaad Yuusuf CoogweyneOgaadeen
51 Cabdullahi Faaraxqolodiisa lama helin
52: Cabdirashiid Xasan MursalMarreexaan reer Yabar
53; Mahad GamaaddiidAbsame Galimays
54: Saciid Xasan MaxammedMarreexaan Calidheere 
55: Maxammed CabdiMarreexaan reer Xasan
56: Aadan Sh Xasan Gaar (Wuxuu guddoomiyihi Luuq marka la dilayo)Marreexaan reer Diini reer Siyaad
57: Cabdirashiid YoontooyHawiye Wacdaan 
58: Xasan Cali IsaaqGarre
59: Sh Maxammed FaaraxOgaadeen Cawilyahan
60: Maxammed Cali Jaamac Majeerteen
61: Xasan Maxammed QaseMarreexaan reer Axmed 
62: Rashiid Ilyaas CumarMarreexaan reer Xasan
63: Aadan Cabdi SalaadOgaadeen Cawlyahan 
64: Axmed Sheekh Calireer Axmed
65: Maxammed Aadan (Abuu Diyana)Madhibaan
66: Macallin Bashiir MaxammedOgaadeen Cawlyahan 
67: Maxammed CabdullahiOgaadeen
68: Xuseen Maxammed WarsameMarreexaan Reer Garaad
69: Cabdiraxmaan BaarreeyOgaadeen Cawlyahan 
70: Axmed Cismaan Xaaji CabdiMarreexaan Calidheere 
71: Cismaan Cabdi MaxammedDhulbahante
72: Aadan Caddow XasanMarreexaan reer Xasan
73: Cabdinuur Cabdinaasir Xaashi Majeerteen
74: Aadan Cismaan MaxammedMarreexaan reer Xasan
75: Cabdullahi Xuseen QoriyowMarreexaan reer Xasan
76: Cali sheekh CabdulleMarreexaan reer Axmed
77: Cabdikariin Yuuruf GarreAwrtable
78: Aadan Axmed QablanMarreexaan reer Diini reer Siyaad 
79: Bashiir Wali SulubDir Gaadsan
80: Maxammed Saciid MacallinMarreexaan Talxe
81: Muuse Abshir AadanRaxanweyn Gabaaweyn
82: Cabdiraxmaan Sh IsmaaciilMarreexaan Celi
83:  Bashiir DheelmooyMarreexaan Hawraarsame
84: Cabdishakuur Abshir CartanMarreexaan Wagardhac 
85: Maxammed CabdiqaadirOgaadeen
86: Axmed Sh CaliHawiye Jajeele
87: Cali Cismaan CabdullahiMarreexaan Calidheere 
88: Axmed Cabdi MaxammedMarreexaan Calidheere 
89: Bashiir Lambar DuweMarreexaan reer Ina-Nuur
90: Cabdiqaadir Shariif MadoobeAsharaaf
91: Aadan Sh AbshirowRaxanweyn Laysaan
92: Ismaaciil Xuseen AxmedRaxanweyn Gasaaragude
93: Maxammed Xasan Moos(qabiilkiisa lama helin)
94: Muxayaddiin Diiriye AadanOgaadeen Cawlyahan 
95: IndhacaddeMarreexaan Wagardhac 
96: Caddow Maxammed LaysaamowRaxanweyn Laysaan
97: Faadumo Mayow MayowRaxanweyn Gabaaweyn
98: Shugri Mayow Sh CaliRaxanweyn Gabaaweyn
99: Cabdiwahaab Mayow Sh CaliRaxanweyn Gabaaweyn
10: Faadumo Axmed MaxammedRaxanweyn Gabaaweyn
101: Ismaaciil sheekh XasanRaxanweyn Gabaaweyn
102: Mustaf Daa’uud MayowRaxanweyn Gabaaweyn
103: Khadiijo Faarax OgaadeenMarreexaan Celi 
104: Xaddiyo MacallinMarreexaan Celi 
105: Axmed CadduurMarreexaan reer Axmed 
106: Cawke Xasan XaajiOgaadeen Cawlyahan 
107: Daahir Cali Walaalow Raxanweyn
108: Ismaaciil Aadan Biriq Raxanweyn
109: Xasan Bacaad MalbaaleRaxanweyn 
110: Bishaar Maxammed QaasinRaxanweyn 
111: Bishaar Xasan NuurMarreexaan reer Axmed
112: Shugriya Ciise WeerMarreexaan reer Axmed
113: Cabdullahi Cismaan AxmedMarreexaan reer Axmed
114: Maxammed Cismaan KacaanMarreexaan reer Xasan
115: Axmed Faarax Geelle Majeerteen
116: Cali Nuur KalkaalRaxanweyn Diisow
117: Hire Kinaa SharmaakeMarreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake
118: Xuseen CaddowMarreexaan Hawraarsame
119: Mahad Maxammed GuuleedReer Shabeelle
120: Cabdullahi Cali SalaadReer Shabeelle
121: Cabdi Cali MaxammuudReer Shabeelle
122: Faadumo Sulub DiiriyeDir Gaadsan

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.