Ma caddaaladdarraa in madaxdu xilal u dhiibto qaraabadeeda?

0
247

Asbuucyadii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay carruurta madaxweyne Xasan Sheekh oo dawladda aad uga soo dhex muuqday. Gaar ahaan waxaa su’aalo badan iyo dood laga keenay gabar lagu sheegay Jiihaan Xasan Sheekh oo dadka qaarkii ay sheegeen in ay la wareegtay shaqadii wasiirka arrimaha dibadda. Isla waqtigaas waxaa isbarbardhig ahaan dadku usoo qaadeen arrin madaxweyne Farmaajo iska diiday. Arrintaas ayaa ahayd in wiil uu dhalay Maxammed Farmaajo uu jaamacad soo dhammeeyay waqtigii uu madaxweynaha ahaa. Wakiilka Soomaaliya u jooga xarunta Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Baalle oo saaxiib dhaw ay yihiin Farmaajo ayaa soo jeediyay, sida la sheegay, in wiilka la geeyo xarunta Abuukar si uu halkaas ugu shaqo barto ugu danbayna uga shaqeeyo. Soo jeedintaas ayuu iska diiday Farmaajo isaga oo yiri wiilkayga anoo xil hayo xil dawladeed la geyn maayo. Arrintaan ayay dadku qaar aad ugu ammaaneen Farmaajo dhinaca kalana aad ugu dhaliileen Xasan Sheekh. Haddaba su’aashu waxaa ay tahay maxaa ku jaban in qaraabada loo magacabo xilalka dawladda? in Madaxweyne diido inuu xilal u dhiibo qaraabadiisa ma ka dhigaysaa inuu yahay qof daacad ah midkii uu magacaaba se ma dhigaysaa qof musuq iyo eexo ku astaysan?

Jawaabaha su’alahaas oo kooban waa in qofna uusan daacad ku noqonayn inuu qaraabadiisa u diiday xilalka dawladda; qof kalana eexoolo ku noqonayn qarbaadiisa oo uu xilal ku taxay. Haa, si ahaanteeda, qaraabada oo xil loo dhiibo ma aha waxa cabbirku yahay ee waa shaqsiyaadka waxtarkooda, xirfaddooda iyo shaqada ay hayaan sida loogu ogyahay ee ay ugu habboonyihiin. Si aan arrimahaas aad ugu fahanno waxaan bixin doonnaa tusaalooyin waayo hore iyo kuwo cusubba leh.

In madaxweynuhu iska ilaaliyo magacaabidda qoyskiisa iyo qaraabadiisa waa doorasho ee qasab maaha. Laakiin waa ay kala fiican yihiin iyaga oo wada bannaan oo midna sidiisa aan ammaan loogu mudanayn. Abuubakar iyo Cumar, Allaha ka wada raalli noqdee, wax xil ah uma aysan dhiibin carruurtooda iyo qaraabadooda dhaw toona. Lidkooda Cismaan binu Cafaan waxaa uu xilal u magacaabay qaraabadiisa oo ay ku jireen walaalihiis. In Cismaan xil ummadeed uu u dhiibay qaraabadiisa kama dhigayso inuu ka caddaalad hooseeyay Abuubakar iyo Cumar. Labada hore waxaa ay u arkeen in ay u fiicantahay in ay qaraabadooda ka fogeeyaan xilalka ummadda inta ay iyagu xilka hayaan.

Markii ay geeridu soo wajahday Cumar waxaa uu magacaabay guddi lix qof ahaa. Guddigaan waxaa uu u xilsaaray in ay ummadda u dooraan hoggaamiye isaga beddela. Waxaa uu todobo uga dhigay wiilkiisa Cabdullaahi binu Cumar. Waxaa uu ku yiri Cabdullaahi ha idinla joogo laakiin isma sharrixi karo mana dooran kartaan. Haddii ay dhacdo in guddigu seddexba qof u codayso, Cabdullaahi codkiisa weydiiya, halkii uu codkiisa siiyana doorta illeen kaasaa afar cod heleye. Intaas ayaa qoyska Cumar xil dawladeed ugu dhawayd, Abuubakarna ha sheegin!

Cismaan dhiniciisa waxaa uu u arkay wax caadi ah oo dhib iyo shiddo aan lahayn in qaraabada xil loo dhiibo maaddaama ay yihiin dad dawladda wax ku leh. Dadka uu xilalka u dhiibay akhiyaar ma wada ahayn. Tusaale, Waliid bin Cuqbah oo Cismaan ay xagga hooyada walaalo ka ahaayeen waxaa uu ahaa khamriyo cab. Waliid waxaa laga dhigay waaliga gobalka Kuufa. Nin hawlo badan ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in maalin isaga oo cabsan oo dadka salaad tujiyay. Cismaan ma uusan ogayn inuu khamriga cabbo markii uu xilka u dhiibayay. Goortii ay soo gaartay inuu khamriga cabbo waxaa uu amray in xadka khamriga laga oofiyo xilkini waa uu ka qaaday.

Laakiin Cismaan waxaa kasoo gaaray dhaleecayn iyo dhiillo abuurid. Uurgaalladii iyo intii bugtay oo dhan ayaa daliil iyo caddaymo dadka lagu kiciyo ka dhigtay in Cismaan qaraabadiisa uu xilal ku taxay. Caamadu waa dad dacaayadda si fudud u qaata wixii loo sheegana iska iibsada iyaga oo aan su’aalo isweydiin. Tusaale, Cismaan dadka lagu eedeeyay inuu xil siiyay waxaa ku jirey Mucaawiye binu Abii Sufyaan oo Shaam madax ka ahaa. Laakiin Mucaawiye Cismaan hortiis ayuu xilkaas hayay. Eedihii jirey iyo buuqa la abuuray Cismaan waxba kama uusan soo qaadin waxaa uuna u arkayay gardarro lagu haystay. Waxaa la sheegaa in lagu yiri Abuubakar iyo Cumar midna qaraabadooda xilal uma dhiibin adiguna qoyskaada ayaad ku taxday. Jawaabta uu arrintaas ka bixiyay waxaa ahayd tu aan wixii jirey waxba ka beddelin. Nasiibdarro, aakhirkii munaafiqiintii iyo intii jirranayd waxaa ay ku guuleysteen in Cismaan la dilo ummaddina dagaal laga dhex abuuro.

Cismaan ma ahayn Khaliifka keliya ee qaraabadiisa shaqaaleeyay. Cali binu Abii Daalib ayaa isna ilma adeerradii iyo qaraabo kale xilal badan u dhiibay. Markii uu Khaliifka ahaaCali RC, Cabdullaahi, Cubaydillaahi, Thaqam iyo Thumaama oo intuba uu dhalay adeerkii Cabbaas ibnu Cabdi Mudalim ayuu waaliyaal uga dhigay Yaman, Mako, Madiino iyo Basra. Maxammed binu Abii Bakar oo uu hooyadii qabay soona koriyay ayuu sidaa oo kale uu ka dhigay waaliga Masar. Qaraabo kale oo badan oo uu Cali xilal u dhiibay ayaa jirey. Taasu wax uma dhibin caddaaladdiisi iyo sharaftiisi toonaa. Sidaa oo kale, ma noqon arrin dhib iyo buuq usoo jiidda sidii Cismaan. Sababo badan ayaa jiri kara oo uusan Cali ula kulmin dhaliilihii uu Cismaan kala kulmay xilalka qaraabadiisa, hasa ahaatee waxaa hubaal ah in la siyaasadeeyay arrimaha Cismaan oo rag dano kale lahaa ay sallaan ka dhigteen.

Haddaan eegno xagga umadaha kale, sidaas ayay madaxdu u kala duwanayd oo qaarna ay u dooran jireen in ay xilal u dhiibaan qoyskooda iyo qaraabadooda qaarna ay isaga ilaalin jireen iyaga oo u arkayay in aysan u fiicnayn hoggaamintooda. Ibraahin Linkon waxaa uu ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. 1860nadii ayuu xilka hayay. Wasiirka arrimaha dibadda waxaa uu u magacaabay nin waqtigaas caan ahaa oo la oran jirey William Henry Seward. Mudane Seward waxaa uu xoghaynta wasaaradda markiba u magacaabay wiil uu dhalay.

Lidkiisa Edward Stanton oo noqday wasiirka gaashaandhigga waqtigii Linkon aad ayuu uga soo horjeeday in dadka lagu qoro qaraabonnimo iyo wax la mid ah. Labada wasaaradood ee ay kala hayeen Seward iyo Stanton waxaa dhacdhac iyo dhaqaalo badnaa waqtigaas midda Stanton. Waxaa lagu jirey dagaal sokeeye oo aad u qaraar. Wixii dakhli la helo waxaa la galin jirey ciidanka iyo dagaalka. Qofkii raba inuu maal tabcado ama qoys nooleeyo si fudud ayuu xoolo badan ku aruursan karay. Dhabtii marka la magacaabayo Stanton waxaa xilka laga qaaday mid lagu eedeeyay musuq iyo boob gaaray in uu fardo waa hore dhintay kusoo dallaco wasaaradda si uu lacag uga sameeyo. Stanton se waxaa uu ahaa nin aan aqbalin shaqo laalaab lagu helo. qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayuu xafiiskiisa ka ilaaliyay. Iska daa kuwo uu isagu siiyee, xataa waraaqaha uu madaxweynuhu soo qoro ayuu diidi jirey. Waqtigaas Maraykanku waxaa uu ahaa sida ay maanta Soomaaliya tahay wax u eg. Dad shaqo doon ah ayaa xafiisyada madaxda hor dhoobnaan jirey. Odayaal iyo akhiyaar wiilal gacmaha hayo oo wiilkaan shaqo ii sii leh ayaa madaxda nafta u keeni jirey.

Nin shaqo doon ah ayaa u tagay madaxweyne Linkon. Madaxweynaha ayaa u qorey warqad oo ku yiri ula tag Stanton si uu boos kuu geeyo. Stanton markuu akhriyay warqaddii ninkii watay hortiisa ayuu ku kitfay waana cayriyay. Ninkii xagguu ka wareegtay oo xaaska madaxweynaha ayuu u tagay oo baryadii ka badiyay. Warqad kale ayay usoo qortay oo ay Stanton kaga codsatay inuu ninkaas meel geeyo. Sidaan soo sheegnay wasaaradda uu joogay Stanton waxaa ay ahayd meesha ugu nacfi roonayad waqtigaas. Stanton markii loo dhiibay warqaddii aad ayuu uga carooday waa uuna jeexjeexay. Galabtii ayuu u tagay xaaskii madaxweynaha waxaa uuna ku yiri “shaqadayda koowaad waa inaan dalka difaacaa, shaqadayda labaadna waa in aan ilaaliyaa sumcadda ninkaada. Haddii aan shaqaalaysiiyo qof walba oo warqad sita dalna ma difaaci doono, sumcadda ninkaadana (madaxweynaha) waa ay dhiman doontaa. Warqad danbe oo aad soo qortay yaysan ii imaan.”

Waxaa na quseeyo waa in Seward doortay inuu shaqaalaysiiyo wiilkiisa, Stanton-na iska diiday. Labada nin waxa kala fiicnayn kara maaha keliya labada go’aan ee kala qaateen ee waa shaqsiyadda qofka xilka loo dhiibay. Seward wiilkiisa nin aqoon leh shaqada loo dhiibayna kasoo dhalaalay ayuu ahaa. Sidaas darteed inuu abbihii wasiir ka yahay wasaaradda uu ka shaqeeyo ceeb maaha nusqaanna uma keeni karto wasiirka. Dhinaca Stanton waxa uu ku ammaananyahay maaha inuu qaraabadiisa shaqo u diiday ee waa inuu gabi ahaanba diiday inuu shaqo siiyo qof aan xirfad iyo aqoon u lahayn shaqada.

Si taas la mid ah madaxweyne Farmaajo ammaan ku mudan mahayo inuu qaraabadiisa xafiisyada ka ilaaliyay ee waxa lagu miisaamayo waa dadkii xafiisyada mudnaa ma u dhiibi jirey mise si kale ayuu wax ku xulan jirey. Isaga oo qof qoyskiisa ah oo mudan shaqo u diiday hadduu shaqadaas u dhiibo mid qabiil kale ah oo aan mudnayn waa iin iyo ceeb ee maaha caddaalad iyo wanaag. Xasan waa sidaas oo kale. Dhaliishu waxaa ay noqonaysaa carruurta uu dhalay aqoon iyo xirfad ma u leeyihiin hawlaha ay hayaan? Jiihaan shaqada ay hayso ma tahay mid loo magacaabay oo lagu ogyahay oo aqoon iyo waayo’aragnimo ay u leedahay? Haddii ay haa tahay wax ku jaban ma jiraan in madaxweynuhu u diro shaqadaas. Haddii se ay dhacdo in ay xafiisyada dawladda ka taliyaan iyaga oo aan ka shaqayn, wixii doona ay sameeyaan iyaga oo awoodda madaxweynaha isticmaalaya, taasu waa foolxumo iyo ku tagrifal awoodeed.

Cismaan RC waxaa uu ka mid ahaa tobankii saxaabi ee jannada loogu bishaareeyay. Waa ninkii arrinta Beycaturidwaan ay dartiis u dhacday. Waa ninkii Suubbanuhu uu gacantiisi labaad ku matalay markii la galayay Beycaturidwaan. Sayid Cismaan RC waa ninkii ay isaga danbeeyeen labadii hablood ee Suubbanaha NNKH ee arriintaas kula baxay ‘Dulnuurayn’. Cismaan waa saxaabigii uu Suubbanuhu ku tilmaamay in ay malaa’igtu ka xishooto. Waxaa uu ahaa saxaabiga keliya ee Suubbanuhu NNKH uu ka yiri “maanta ka dib danbi uu galay wax u dhibi maayo”. Yacnii wax alla wixii uu galo oo danbi ah waa loo dhaafay si hormaris ah. Cismaanka Eebbe sidaas u sharfay, u weyneeyay ee u dhawray xilalkii uu qaraabada u dhiibay dhaleecayn, ceebayn, durid caddaladdiisa ah iyo canjarafayn ayuu ka qaaday sidaas darteed waxaa ila habboon in qofku iska ilaaliyo magacaabidda qaraabada inta uu karo. Kii se aan ka dhawrsan waxba ma hallayn haddii dadkaasu shaqada yaqaannaan!

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.