Allah oo laga Baqo Qiso Diini Ah

0
3713

Allaah ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaadhi karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaagu, sidaa daraadeed ayeynu soo sheegney iney tahay ( Allaah oo wuxuu ku faray la fuliyo, macaasidiisana laga dheeraado, xuduudiisana lagu eekaado).
Waxaynuse u baahan nahay ineynu sharax ka bixinno dariiqa lagu gaari karo darajadaasi oo runtii u baahan dadaal iyo u soo diyaargarow buuxda.

Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo; sidaan ku gaarayaa darajada taqwada?.Arrinkaasi waxa uga jawaabaya Imaamka tarbiyadda Quluubta ee Al-Qazali oo yiri ( Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa’iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka baqatey, Ishaada , dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaanad ku xakameysey taqwada alle. Sidaa awgeed baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana odhaahdeedu lagama maarmaan tahay Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana ( Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha) Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, waxaanu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii).Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.
Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su’aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada “Danbiga”uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.
Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan ah hagaagga qofka iyo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo;-
1- Inuu qofku ilaahay jeclaado.
2- Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishooda Alle xishood xaqiiqo ah.
3- Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.
4- Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.
5- iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.
Taasi waa qodobada lagu ilaalin karo xubnahaasi shanta ah oo darsiga aynu ku soo qaadan doonno mid ka mida .
JACAYLKA IYO KALGACAYLKA ILAAHAY
Imaamka ibnul-qayim wuxuu leeyahay (Jacaylku waa geed qalbiga ku yaalla, xidhiidhkiisuna waa is hoosdhigga cidda la jeclaado, jiridiisuna waa barashadiisa, laamahiisuna waa kacabsashadiisa, caleemihiisuna waa ka xishoodkiisa, midhihiisuna waa adeeciddiisa, waxa geedkaas lagu waraabiyaa waa xuskiisa. Haddaba, haddii jecaylka mid ka mida intaasu ka maqnaato waa kala dhiman yahay) Beerta kuwa Allaah jecel/409.
Waxa kale oo Caalimka Ibnu Rajab yiri: (Ilaahay jacaylkiisu waa laba darajo, midi waa farac waajib ah ” waana inaad jeclaatid Allaah jacayl keensanaya inaad jeclaatid waxa uu waajibka ka dhigay, necbaatidna waxa uu xarimey, inaad jeclaatid Rasulkiisa uu fariinta innoogu soo dhiibey, kana hor marisid jeclaantiisa nafta iyo ehelkaba, jeclaatidna diinka uu inoo keeney, kana raali ahaatid isuna dhiibtid sharciga, sidoo kalana inaad jeclaatid Anbiyada iyo kuwii raacay jidkooda, waana inaad u cadhooto Gaalada “iyo danbiilayaasha”, Allaah dartiina ula coleytantid.
Taasi waa inta lagama maarmaanka ah ee jacaylka imaanka dhameys tiraya, qofkii mid ka mida ka tagaana imaankiisu naaqis yahay “hooseeyo” sida uu Ilaahay sheegey ee uu yidhi:
(( Rabbigaa ayaan ku dhaartaye: kuma rumeynayaan illaa ay kaa xukun yeeshaan waxay isku qabtaan, dabdeedna aaney Naftoodu kahan waxaad ku xukmisey, isna dhiibaan is dhiibitaan)) nisaa/65.
Darajada labaad, waa darajada ciidamada Allaah xagiisa u dheereeyey una dhawaadey, lana soo dhaweeyey waana ” inuu jacayku gaadho inla jeclaado waxa uu jecel yahay ka la jecel yahay, oo sunayaashu ka mid yihiin, lana karaahiyeysto waxa uu karaahiyeystey ka la jecel yahay, lagana raali noqdo xukunkiisa iyo qaddartiisa haba dhibto nafta amaba masiibo ha ahaatee”. Waxaana taas ku tusinaya xaddiiskii uu Allaah ku sheegey kuna yidhi:
(( Qofka iga colaadiya Wali waxaan ogeysiyey dagaal, addoonkayguna iiguma soo dhawaado shay xaggayga loogaga kalkacayl badan yahay waxaan ku faral yeelay, kamana suulo adoonkaygu inuu iigu soo dhawaado sunayaasha, ilaa aan jeclaado)).
labadaasi derajo ee jacaylku waxaynu raacin doonaa wasiilooyinka “Dariiqa”lagu gaaro jacaylkaasi oo ay ka mid tahay:
1- Inaad Qur’aanka u akhrisid si deggen oo fahal leh.
2- inaad Allaah ugu dhawaatid sunayaasha faralka dabadeed, ha ahaato qaar salaado ah ama soon ,sadaqo ama cimro, iwm.
3- Inaad xuska Ilaahay caado ka dhigatid, carrabkaagana bartid odhaahda xuska Ilaahay mar walba.Iyada oo ay xaalad kasta oo aynu qabanno ku timid adkaar iyo Dikri la sunneeyey in la yiraahdo.
4- Inaad daacadda Allaah ka hor marisid naftaadu waxay jeceshahay.
5- Inaad Ilaahay magacyadiisa baratid tilmaamihiisana dhuuxdid.
6- Inaad xasuusatid nimcooyinkiisa faraha badan iyo waxa uu kuu sakhirey ee dhinac walba leh si aad u jeclaatid.
7- Inaad waqtiyada qalbigu soo jeedo Allaah u noqatid, waxna waydiisatid, xaggiisana u iilatid.
8- Inaad dadka wanaagsan la fadhiisatid, hadalkooda wanaagsanna dhageysatid, meelaha xuska Allaah lagu hayana inaadan ka daalin.
9- Inaad ka dheeraato waxa qalbigaaga ka mashquulinaya xuska Ilaahay ee shahwada iyo shubuhaadku ugu horreeyo.
10- Inaad ku fakirtid sancada Allaah iyo khalqigiisa uu hagaajiyey abuurkooda, maamulka iyo hanaan socdkoodana haya oo haga.
11- Inaad dul istaagtid ballanqaadyada Ilaahay iyo Rasuulkiisu ku sheegeen kitaabka iyo sunnada, kuwaas oo loo yaboohay addoomaha wanaagsan, nimcada, Raaxada, nolosha daa’imka ah, nolosha daalka iyo rafaadka ka maran ee loo ballan qaadey kuwaasi. Una fiirsatid tilmaamaha lagu gaadhayo laguna helayo darajadaasi oo aad ku dadaashid, iskuna daydo falkooda.
Taasi waa qodobada kuu kaxayn kara jacaylka Ilaahay , qalbigaagana ku mashquulin kara adeeciddiisa, waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay ” qalbigana laba jacayl ma wada degaan”.
Macaasida waa inaad ku beddeshaa daacada Allaah (s.w) oo haddaad naftaada la dadaasho ay caado wanaagsan u noqoneyso falkaasu., taas oo aaney ku dhaqaaqeyn kuna dhiiraneyn iney Ilaahay xadhiga ka goosato.
Waxay u dardaarantey haweeney kamid ahayd dadkii salafka wanaagsanaa ahaa wiilkeedii waxay ku tiri: ( Barta, caadana ka dhigta jaceylka Ilaahay iyo daacadiisa, waayo kuwa taqwada leh waxay xubnahoodu barteen daacada Allaah, waxaaney diideen wax kale, Haddii shaydaanku macsiyo amrana waxay ka leexataa xagooda, ayaguna waa diidaan).
Ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu ina waafajiyo jeclaantiisa, si aynu u gaarno taqwadiisa sharafta badan. Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here