Shabaab oo ka hadlay tirada dhimashada ee ciidamada Dowladda, Gawaarida lagu qabsaday iyo ujeedka weerarka Bariire

0
570

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ay saakaday aroortii ku qaadeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Deegaanka Bariire oo dhawaan ay la wareegtay dowladda.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku bilowday laba gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhigga Ciidamada ee Deegaanka Bariire.

Waxay sheegtay Al-Shabaab inay dagaalkaas ku dishay ilaa 23 Askari oo ka tirsan kuwa dowladda sida ay baahisay Idaacadda ku hadasho Afka Shabaab ee Andalus.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen ilaa 6 kamid ah gawaarida Ciidamada Dowladda ay lahaayeen kuwaas oo ay ku sheegeen inay yihiin Cabdi Bilayaal.

Waxay sheegteen inay guud ahaan la wareegeen deegaanka Bariire, waxayna sheegteen inuu dagaalkaan ahaa mid loogu aar gudayey sida ay hadalka u dhigeen tobankii qof ee dhawaan lagu dilay Deegaankaas.

Waxaa uu sheegay inay la wareegeen saldhigga, isla markaana dagaalyahanadooda ay ku guuleysteen hadafkii ay ka lahaayeen weerarkaas.

Hadalka ay baahisay Andalus ayaa khilaafayo midka uu Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab u sheegay wakaalada wararka ee Reuters hadalkaas oo ahaa in 17 askari ay ku dileen weerarkaas, halka 7 gaadiid dagaal iyo hub fara badan ku qabsadeen.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin tirada ciidamada halkaas lagu dilay iyo sida uu weerarkaas u dhacay, lamana rumeysan karo sax ahaanshaha tirada ay Al-Shabaab sheegteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here