Sheikh Maxammad Iddiris Oo Qiso Cajiib Ah Kasheekeeyey, Dumarkana wax badan ka anfaceeyso.

0
955
  • Waxaa la sheegaa dumarku iney ragga xagga dhagarta iyo jilidda kaga horreeyaan. Qur’aanku dhinac ayuu ka tilmaamay (ان كيدكن عظيم). Taariikhda fog hadii loo noqdo waxaa la arkayaa is kala daadintoodu rag badan iney hoddey. Ninkii la rabo in la soo rido iyagaa ugu fiican cid lagu sallido!

Gabdhaha waxaan had iyo goor ku waaniyaa: ninkaaga naag kale ha uga sheekayn, hana u amaanin. Waxaan kaloo ku waaniyaa ninkaaga naag kale ha ku aaminin, walaashaaba ha ahaatee, in kastoo aan sharcigu markaa u ogolayn, waxaa la arkay gabar walaasheed ninkii kala baxday! Waa lama filaan laakiin wey dhacdaa! Mid ka fogna is kaba daa. Gabdha badan ayey gabadh u shaqaysaa ninkii kala baxday! Dhankaa markey noqotana waxaa la yiri: in yar mooyee isuma naxaan!

Laba gabdhood ayaa saaxiib ahaa. Mid baa guri leh, midina waa garoob. Wey sheekaystaan oo is booqdaan, waana is caawiyaan. Maalin bey tii garoobta ahayd tan kale gurigeeda ku soo booqatay, sheekadii ayaa lagu daahay, waqti dambe ayey noqotay. Ninkeedii ayey ku tiri: Hebelow macaane, kac gabadha gaariga ku sii dhowey waa xilli dambee! Iyo waa yahay.

Gabadhii wuu qaaday, wadada intii la sii socdey ayaa layska helay, sheekadaa isugu dhacday, gurigii hadii la gaarey waaba la heshiiyey, ayaama ka dib hoos ayuu ka mehersadey, durba uur ayey yeelatay, calool lix bilood ahi wax ka shiftay, magaalana waa la wada joogaa, tii waagu ha ku beryo, indhuhu ha guduutaan, maxaan u baray oo u tusay! Ama aniga ama iyada! Iyo walaaley iyadana waan qabaa uur beyba leedahay ee maxaan ku furaa? Aakhirkiina gabadhii hore ayaa gurigeedi ka tagtay, ninkiina waa u dhaaftay!

Gabarey digtoonow, ninka damiciisa iyo hawadiisa adigu ha u fududayn. Weligaana haweeney kale ha u amaanin! Wax aanad lahayn ayaa laga yaabaa tan kale iney tusto, isna waa kaad dhashay oo ciyaarsiin jirtey, sannadaa u koray oo keliya!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here