Kenya Tallaabbooyin caynkee ah ayaa u bannaan?

0
793

Dowladda Soomaaliya aya xalay saqdii dhexe xiriirki oo dhan u jartay dariskeeda Kiinya. Tani ayaa daba socotay xiriirka oo ay hoos u dhigtay iyadoo Kiinya ku eedeesay faragalin qaawan iyo ku meeraysi danaha Soomaalida. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonnaa waxa u bannaan ee Kiinya ay samayn karto si ay uga aargoosato Soomaaliya ama ugu yaraan Soomaaliya ugu qasabto inay mowqifkeeda baddasho.

Akhriste ogow qormadu kuma saabsana xaq ahaanshaha go’aanka dowladdu qaadatay. Sidoo kale kuma saabsana inay tahay waqti ku habboon in tallaabbo noocaas ah la qaado. Waxaan ka mid ahay dadka qabo waqtiga lagu beegay dood badan in la galin karo iyo inuu jiray waqti kaga habboonaa oo Soomaalidu filaysay jawaab noocaan ah balse aysan dowladdu qaadin. Goortaas qormadaan ayaa ka qoray sababta ay dowladdu uga gaabsatay. Halkaan waxaan kaliya oon ku eegaynaa bal inay jiraan jidad u furan Kiinya oo shacabkeenna iyo dalkeenna uga aarsan karto.

Maaddaama aan nahay dal burburay oo si xun u jabay dadkeennu wuxuu aaminay in dal walba naga adag yahay dunida oo dhanna aan u baahannahay. Taasi waxay keentay in markii dowladdeenna iyo mid kale is qabtaan aqoonyahankeenna iyo siyaasiyiinteennu dhawaaqaan ilaa dad weynaha loo sawiro inuu qiyaamihi nagu dhici doono. Goortii uu xumaaday xiriirki Imaaraat iyo soomaaliya shacabka waxaa la galiyay cabsi weyn oo ah inuu jeenanka ka go’i doono. Goortaas waxaan qoray middaan oo aan ku tilmaamay inay guushu raacday Soomaaliya Imaaraat oo duulaysanna duurarka wareegi doono. Maanta sidii oo kale baan idin leeyahay Kiinya wax weyn oo dhib ah oo laga fishaa ma jiraan sababaha soo socdo awgood.

Dunida maanta laba awoodood ayay isku maquunisaa marki la joogo dagaalka aan xabbadda ahayn. Kan hore waa isu socodka dadka. Dad adduunka ku nool waa mid aad igu xiran oo dano badan oo is-waydaar ah ka dhaxeeyaan. Dalalka qaar ayaa loo qabaa baahi dheeraad ah oo dadka aysan marnaba ka baaqsan karin inay aadaan. Tusaale, dalka Maraykanka ciqaabta koowaad oo uu ku dal uu doonayo inuu la dagaalo ku qaado waa diidmada fiisayaasha dadka u socdaalaya dalkiisa. Wuxuu ogyahay in dalkiisa muwaadiniinta dalka ay is ahyaan aad ugu baahan yihiin. Sidaas darteed diidmada dal-ku-galka wuxuu keeni in muwaadiniinta loo diiday ay dalkooda cadaadis ku saaraan in xal loo helo xiriirka Marayakanka tasoo dalkaas ku qasabto inuu la heshiisyo Maraykan aqbalana dalabaadka uu rabo.

Awoodda noocaas ah Kiinya waa ay leedahay oo dalalka Afrika loogu baahi badan yahay ayay kow ka tahay. Laakiin awooddaas maahan mid lagu dabbaqi karo Soomaaliya. waayo horay ayay u saarnayd ciqaabta noocaas ah. Sidii ay dowladdu u burburtay Soomaalidu dulli iyo ihaano ayay kala kulmaysay aadidda Kenya. Fiise wado ama ha wadan bahdil iyo laaluush ayuu ku qasbanaa qofka Soomaaliga. Waxaan halmaamayn bishii 12’aad 2009’ki goor aan Mandera bas ka raacay anoo wato baasaboor Galbeed ah. Baska waxaa nala saarnaa xildhibaan Soomaali oo sito baasabor dublamaasi. Meel walba oo aan istaagno waxaa laga qaadayay laaluush. Ugu danbayn waxaa lagula dagay Wajeer isbaaro taal oo wax walba inta la sameeyay laga furfuri waayay nin Soomaali ku hadlayay laakiin boolis Kiinyaan ah. Ogow xildhibaankaan fiise sharci uu kusoo qaatay ayaa u saaran baasaboorka. Kaliya waxa lagu haystay waa sidee dhulka ugu safraysaa adoo dublamaasi ah taasoo uusan jirin sharki diidayo. Waad garan kartaa shacabka caadiga ah waxay la kulmaan mar haddii kuwii watay baasaaboor la isku xurmeeyo sidaas loo galayo.

awoodda labaad waa cunoqabatayn dhaqaale, gaar ahaan alaabaha soo dago. Alaabahaan ayaa canshuurta lagu badiyaa ama gabi ahaanba la diidaa si loo ciqaabo ganacsatada dalkaas taasoo keento inay dowladdooda cadaadis ku saaraan inay la heshiiyaan dalkaas ay u iib geeyaan alaabahooda. Dalalka awooddaas isticaamo waxaa ugu badan Maraykan oo dunida oo dhan suuq u ah iyo Shiine oo si adag ugu isticmaalay Ustareeliya.

Mar kale awooddaas Kiinya way leedahay. Waa suuqa ugu weyn bariga Afrika waana dalka ugu dhaqaalaha badan gobalka. Laakiin, suuqaas iyo dhaqalaahaas Soomalidu iyadoo Soomaali ah wax kuma laha. Ma jirto alaab Soomaaliya ka tagto oo Kiinya la geeyo sifo sharci ah. Wixii naga aado waxay ku galaan suuq-madow iyo kontarabaan. Xiriir xumaado iyo mid wanaagsanaadaba ganacsiga noocaan wuu socon. Sidoo kale waxaan jirin ganacsato Soomaaliyeed oo ganacsi ku leh Kiinya kuwaas oo dowladdaasu ay cadaadis saarto ama ku amarto inay dalka ka baxaan.

Soomaalida aad maqashay ee maalin walba lagu leeyahay dhibbaa gaari iyo Kenya ayay ku hodmeen maahan Soomaali indhaha caalamka iyo kan Kiinya toona. Dhammaan waa dad haysto jinsiyado aan Soomali ahayn. Sideey u badan yihiin waa Kiinyaan la xuquuq ah Uhuru Kenyata iyo Aadan Barre Ducaale sidaas darteed ma jirto saamayn ay u keeni karto xiriirka soomaaliya ay jartay hadduusan Ilaahay awooddooda ka qarin.

Waxaa soo raaco qurba-joogta iyo qoyayska noqday ee dalkaas dagay qaarna hanti ka tabcadeen. Dadkaan iyaguna waxay sitaan dhalashooyin ree Galbeed. Tusaale, haddii gabar haysato baasaboor Maraykan ah hantideeda la qaato ama lagu amro inay dalka ka baxdo Soomaaliya lalama hadale waxaa farriin adag loo diray Maraykan, jawaabtana isagaa laga sugi.

Waxaa soo raaco oo had iyo goor la sheegaa qaxootiga nus malyuunka ah ee dagan Kenya. Dadkaan xeerar caalami ah ayay ku hoos jiraan. Waxaa dalkaas ku hayo hayado caalami ah oo bixiyo noloshooda iyo caafimaadkooda. Kiinya waxay ku heshaa adduun badan oo wajiyo badan kaga so galo qaxatootigaas. Horay way isugu dayday inay saarto laakiin danteeda gaarka ah iyo duruufo kale ayaa u diiday ee marnaba uguma aysan danayn Soomaalida.

Haddaba maxaa laga filan karaa inay qaaddo Kiinya. Waqtiga hadda la joogo hadal macaan iyo waji furan ayay kaga jawaabi. Sababtu waa in dalku doorasho galayo labo bil gudahood isbaddalna uu dhici karo. Waa tabtii Buutin uga jawaabay go’aanki Oboma 2016 doorashadi Taraam bil ka hor. Buutin wuxuu filayay in Taraam soo bixi doono marka wixii lagu sameeyay waxba kama uusan soo qaadin maaddaama uu ogaa inuu Taraam wax ka baddali doono waxna hagaajin doono. Kiinya sidaas oo kale ayay naawilaysaa in ruxuu Farmaajo baddalo uu wax walba sidoodi hore ksuoo celin doono. war kale se waa haddii Farmaajo soo laabto.

Haddii ay taasu dhacdo Kiinya, wax badan ayaa ku adkaan. Marka hore waxaa laga qabsaday ururkii IGAD ee Soomaaliya lagu maquunin jiray. Awal ururkaas waxaa loo isticmaali jiray dhibaataynta Soomaliya iyo Eritareeya, Maanta ururkaasu wuxuu u adeegayaa labadii dal ee awal lagu dhibi jiray. Itoobiya oo awal ahayd libaaxa markii uu wax eego loo hoggaansamo oo ay dhici lahayd inuu Soomaaliya ku qasbo waxaysan rabin ayaa maanta magan u ah Soomaaliya iyo Eritareeya. Dalkaan danbe oo dadku intiisa badan ay fahansanyn sababta uu Farmaajo ugu dhawaaday ayaa maanta u muuqdo awoodda Bariga Afrika. Itoobiya maanta waxay ku tiirsansanay ciidamada Afarwaaqi. Taas ayaa keeni inaysan Kiinya helin taagero gobalka ah.

Sidoo kale, waxaysan heli doonin taageero gudaha dalkeeda ah maaddaama shacabkeedu baahi badan u qabaan xiriirka Soomaaliya. Qaadka ka sakow, ilaa 20 kun oo Kiinyaan ayaa ka shaqeeyo Soomaaliya. Dadkaasu cabsi ayay caawa ku jiifaan dowladdoodana waxay ka filayaan in ay shaqadooda badbaadiso. Cadaadiska shacabka ayaa keeni inay Kiinya dadaal badan galiso inay xal hesho.

Waxaa suuragal ah inay ku dhiirrato laba tallaabo oo kala horreeyo. Tan hore, waa xiridda xawilaadaha oo ah halka Soomaalidu jeenanka ka hesho. haddii ay taasu dhacdo soomaalida dhib ayaa gaari laakiin waa mid waqti aad u gaaban looga gudbi karo laakiin Kiinya dhibaato weyn ku ah. waayo xawilaaduhu waxay u guuri dalka ugu dhow oo oggolaado inay nabad uga shaqaystaan. uba badan inay Xamar soo dagaan. Laakiin kiinya waxay ku waayo malaayin lacag ah iyo shaqaale badan taasoo sii kordhin doonto cadaadiska shacabka. Marka taasu waa qar iska tuurnimo haday samayso.

waxaa xigi karta kana sii waallisan inay awood ciidan isticmaasho. Ciidankaan ayaa qabsan karo Jubbaland oo Gedo ay ka kow tahay. Haddii ay taasu dhacdo waxay furaha guusha si fudu ku siisay soomaaliya oo awalba lahayd Kiinya waa duullaan dhul iyo bad doon ah. Sidaa darteed Kinya uma fiurna jidad badan oo ay ku aarsan karto.

Waxaa kaloo la filan karaa in Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya masruufto Kiinyana guri u tahay ay raadiso xal lagu soo afjaro mugdigaan. Inay Soomaaliya cadaadis saaraan ayaa dhici karo laakiin in loo hoggaansamo waxay ku xiran tahay hadba sida Kenya isaga dhigto mid nadiif ka ah arrimaha lagu eedeeyay.

Warki oo kooban Soomaaliya waa dal isaga lagu dul noolyahay oo dhammaan dalalku dano kale duwan ka leeyihiin laakiin iyadu aysan wax dan ah oo macno leh uga xirnayn kuwa iyada doonayo. Sidaa awgeed ciddii la dagaasho iyadaa khasaari iyaduna awalba agoon iyo rajo ayay ahayd oo wax ka lumayaa ma jiraan!

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here