Maxay wadaagaan Gedo, Sool iyo Sanaag?

0
560

Isu ekaa Waxa ka jira gobolada Gedo, Sool iyo Sanaag, maxaase uga eg Kishmiirta India, iyo Nagorno Krabakh! Bal aad u eeg arrimaha ay wadaagaan: 1. Waxay difaac u noqdeen Madaxbanaanida iyo midnimada dalka iyo shucuubtooda. Sool iyo Sanaag hadday toos u wada raacaan Somaliland, British protactrate Somaliland xuduudadaheeda waxay marayaan isku dhinac, waa mid ka mid ah qodobbada hortaagan aqoonsiga Somaliand. Gedo waxay difaac u noqotay qaadashada dhul iyo bad Soomaaliyeed oo Kenya aad isugu deyday, isla markaasna dad badan oo Soomaali ahi kala shaqeynayaan. Gedo hadday gacanta ka baxdo isku haysadka badda Kenya wuu afjarmayaa waana ka baxayaa gacanta Soomaaliya, waana meesha Kenya aad u rabto inay ka saxdo xuduuda badda ee dhinaca dhulka, waxayna qaadanaysaa dhul badan oo hadda ka madax bannaan oo Soomaaliyeed oo Jubbaland ah si ay Xarriiqa badda u saxdo.

Laba Waxay ka mideysan yihiin oo ka jira isku haysad siyaasadeed oo xoog badan oo gobolladaas ragaadiyey. Somaliland iyo Puntland waxay isku haystaan Sool iyo Sanaag, midna kama helaan horumarin iyo gacan siin arrimo bulsho, mana aqbalaan in deeqaha caalamku gaaraan iyo in xitaa dadka deegaanku nabadgelyo ku maalgashadaan. Gedo, iyadoo la eegayo masaalix qaran iyo kuwo siyaasadeed waxaa waqti ka badan 8 sano isku haystay Jubbaland iyo Dowladda dhexe. Jubbaland waxay u kaashatay isku haysadka 5-tii sano ee hore TPLF-Ethiopia, 4’ta sano ee dambana Kenya.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbaland midna mashaariic Horumarineed kama fulin, adeeg bulsho ma laha xitaa maamul fadhiya ma jiro.

Saddex Waxaa ka jira dagaalo naafeeya dadka degan Sool, Sanaag iyo Gedo. Sool iyo Sanaag isku haysadka dib dhaca ku riday waxaa u weheliya dagaallo joogta ah oo SL iyo PL si ku tala gal ah u abaabulaan oo xitaa caruurta waxbarashada u diida. Gedo, waxaa dhib badan ku haya Jubbaland oo dowlado deris ah isticmaalaysa iyo DF oo ku dagaallama. Gedo waxaa u dheer burburin nololeed iyo naafeyn nafeed oo Kenya joogta ugu geysato Kenya horteedna Itoobiya ayaa intaas ka badan ku haysay.

Gobolladaan waxay kaloo wadaagaan in xuduuddo ku wada yaallaan. Sool waxay xad la leedahay Ethiopia. Sanaag Khaliijka oo dhibka Soomaaliya qeyb weyn ku leh ayuu xad la leeyahay. Gedo Ethiopia iyo Kenya ayey la leedahay xuduuddo furan.

Shan gobolladaan dadka deggan waxay u badan yihiin dad la sheego inay isku isir (Daarood) yihiin inkasta oo dad kale oo Soomaaliyeed la deggan yahay. Lix ugu dambeyn waxay wadaagaan saddexdaan gobol siyaasiin u kala qeybsan inta deegaannadooda isku haysta, ganacsato meelo kale maalgashada iyo aqoonyahan gaabis ka ah ka hadlidda duruufaha dadkooda haysta. Gebagebada: Kishmiir, Ngorno Krabakh, Kurdistaan iyo meelo kale oo adduunka ah oo u eg goboladeena waxay caan ku yihiin: • Dib dhac dhinac kasta ah. • Xadgudubyo bani Adminimo • Gumeysi adag oo gacanta ku haya. • Hooseynta aqooneed ee dadkooda • Horumar la’aan. • Burbur iyo hooseyn dhaqaale. Iyaga oo dantooda garta ma ogiye, si kale kuma gaari doonaan xorriyad u horseedda hanashada masiirkooda u gaarka ah.

Bishaar Shirwac kala xiriir: bshirwac@gmail.com

FG: Arigtida halkaan ku qoran waxay u gaar tahay qoraha kamana turjumayso aragtida Humbaale Media. Humbaale waa bog u furan wadaagidda aragtiyaha iyo ka sheekaysiga arrimaha dalkeenna quseeya. kala soo xiriir: humbaale15@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here